Xaley saqdii dhexe, dagaal muddo kooban socdey ayaa ka dhaacey Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, kaas oo dhex marey ciidamada gumeysiga Itoobiy ee halkaa fariisimada ku leh iyo qaar ka mid ah Xoogaga Muqaawamada.
Dagaalkan ayaa yimid ka mid markii xoogag ka tirsan Xoogaga Raaskambooni weeraro kale duwan ku qaadeen dhowr fariisin oo ciidamada gumeysiga ka degan yihiin Degmada Luuq.
Fariisimada ay weerareen Xoogaga Raaskambooni, waxaa ka mid ah Buundada, Saldhiga iyo Kantoroolka, kuwaas oo dhamaantood ciidamo ka tirsan kuwa gumeysiga Itoobiya fariisimo ku leeyihiin.
Weerarada iyo dagaalada xigdey ee xaley saqdii dhexe ka dhacey Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha guud ee ka dhashey.
Xaalada degmada Luuq ayaa sida wararka laga saaka degan, waxaana gudaha magaalada saaka galey ciidamo badan oo ka tirsan kuwa gumeysiga Itoobiya, waxa ayna halkaas ka bilaabeen baaritaano.
Dhaq dhaqaaqyada kala duwan ee Magaalada Luuq, sidoo kale Gaadiidka kale duwan ee soo gala amaba ka baxa ayaa istaagey.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxey saraakiisha ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa maamulka DKMG ah ee halkaa ku wada sugan oo ku aadan Dagaaladii xaley halkaa ka dhacey.
Degmada Luuq, ayaa dhowr kii Sano ee la soo dhaafey waxaa fariisimo ciidan ka sameystey ciidamada gumeysiga Itoobiya, waana magaalo Istaraatiiji, marka loo eego marin ahaan.

Related posts:
SCWW.
Khayr allaha siiyo mujaahidiinta somaliyeed meel walba ooy joogaan, gaar ahaan walalaha Raaska oo lagu bartay inay gumaysiga madawga birta ka aslaan.
Barhayan danbe waxaa soo baxayay hadalo shacabka muqdisho lagu kicinayo hab beel ahaan oo ay ka danbeeyeen dad jihaadka xagal daacanaya sida Cumar Xaashi iyo kuwa kale oo sheegayay in Xoogaga RAASKU xaq u lahayn inuu xamar ka dagaalmao.
Dagaalkan xalay ay ka galeen Luuq wuxuu ku tusi in iyaga iyo cadawga aragu ka dhaxeeyo ee aanay ujeedo googi ah ka lahayn xamar.
Ilaahayna waxaan ka baryi in dadka sufuufta muslimiinta fitnida ka wada soo qabto oo dhagartooda ku celiyo.
ASC.
Salaan ka dib, waxaan filayaa inay LUUQ aheyd meeshi ay gardarada Xabahidu ka bilaabate 1996dii Agoosto, maalintaas wixii ka danbeeyay Xabashi waxay aragtey inay Soomaaliya gudaheeda soo gali karaan oo ay tahay meel loo hawoon karo.
Xabashidu waxay kaloo ogaadeed in Soomaalidu ay yihiin dad iska daciif ah oo iyaga la isku dir-diri karo, taasoo ay Gobolka Gedo ka wadeen muddo dhan 10 sanno. Mashruucaas oo ay xabashidu ku guulaysatey isla markaana ay Gobolka Gedo u kala qaybisay laba Qaybood oo kala ah WAQOOYIGA GEDO oo ay awal ka talin jireen ururka Al-itixaad oo noqdey meel Xabashidu iska tamashleyso qaas ahaan Magaaloyinka Dooloow iyo Luuq oo noqdey meel ay ciidanka Xabashidu saldhig u ah.
Dagaalka ay walaalaha Raaska u qaadeen Ciidanka Xabashida ee sida sharci daroda ah ku jooga Magaalada Luuq Soomaaliya wuxuu cadeyn u yahay in Xabashi waqtigeedii oo gabogabo yahay oo waxay u eg tahay in meeshii ay awalba Dalka ka soo galeen dagaalku ka bilowday.
Luuq waa in aanu dagaalka xornimo doonku ka joogsan ilaa Xabashiga u dambeeya ka baxayo dhulka Soomaaliyeed.
Waxaan u rajeynayaa walaalaha Soomaaliyeed/Muslimiinta ee dalkooda iyo diintooda lagu soo in Alle guusha siiyo, Qofkastoo Soomaali/Muslim ah waxaa ku waajib ah inuu difaaco dhiigiisa/dhulkiisa, sharaftiisa iyo Diintiisaba.
Guuleystayaal geediga wada.
Islaamku ha guuleysto.
as wr wb, qof kasta oo somali ahi wuu la socdaa waxa ka soconayaayo gudaha somaliya ee ah hartanka ku saleysan mansab iyo magac raadinta loo soo gashaday shaatyo badan oo ninba si ugu faaideysanaayo sidii uu ku gaar lahaa yool uu tiigsanayo,
magalada luuq laga soo bilaabo 4 sano ka hor waxaay aheyd meel aad u nabdoon oo aay dadka dagani aay ku nasteen,
inkasta oo aay magaaladaasi la wadaagtay dhibaatooyinka ka jira dalka intisa kale, ma aha in la keena, hadana waxaa u muuqatay meel aad u nabdoon ,
runti maahi meel aay ka jrto nabadi in la keeno colaad, waa in loo naxaristaa maatada latabaaleysan abaaraha iyo macaluusha soo noqnoqota markasata.
waxaan ka digayaa in aan lagu dagaalamin gudaha magaadala oo loo naxarista danyarta tabaaleysan.
Bal illah baan idinku dhaarshee ninka ibnu adam isku sheegay ma in xabashidu meesha leedahay oo uu isagu siiyey buu u haystaa bal ila eega caqliga somaligan muslimka ila sheeganaya luuqna ku tilmaamay meel nabdoon iyadoo caalamka oo dhammi og yahay in xabashi 4 sano iyo ka badan haysatay,kaa iyo waxa la midka ah baa ka horreeya in iyaga lagu jihaado intaan gaalo loo imaan.
wa billahi tawfiiq
Waxaan filayaa inuuba u xalaaleeyey Luuq xabashiga, waase haduu go,aankeeda leeyahay .
iska ilaaliya caadifada iyo laab lakaca aan loo firsaneyn ee lagu bur buriyay dalkii hooyo, inagu waxaan nahay dad muslimin ah, Quraanka iyo Axaadiista in aay ku dhaqmaandoonaayo, fadlan iska daaya deg dega ee noqda kuwo u gogolxaara sidii loo xalin lahaa armaha dalka iyo DIILta
ibn aadam ninka la baxa ma waxaad leedahay luuq oo xabashi sanado badan haysato ayaa amaan ah oo xaqudirirka somaliyeed ee weeraray way dagdageen? waxaan saa ahayn oon warkaaga ka fahmahay ma jirto.
Walaal somaliyeed ayaa nooga sheekeeyay inuu indhihisa ku arkay magaalada luuq iyo inuu doolaw yidhi ma kala xusuusto midkood laba axmaaro oo inta budh (garuun) qaateen oday somaliyeed oo lixdanka dhaafay oo ciroole ah garaacaya suuqa dhexdiisa cid la hadli kartana jirin, waana intii aanay axmaaradu xamar qabsan.
magaalooyinkaasi waa meesha xabashidu ugu soo hor gashay jamhuriyada somalia dadkana ku ihaanaysatay. Qofka qaba in karaamo ka jirtay axmaarka xarumaha ka samaaystayna aan la weererin waxaan qabaa sida walaalka iga horeeya sheegay waa in isaga la iska qabto kadib axmarka surka la dheereeyo.
Go