Madaxa Ururka Midowga afrika Jean Ping oo shir Jaraa’id shaley ku qabtey Xarunta Ururka ee Magaalada Addis Ababa, ayaa ugu baaqey qeybaha kala duwan ee barnaamijka dibu heshiisiinta ku jira, gaar ahaan Baarlamaanka KMG ah, si dhakhso ah loo soo magacaabo Maxdaxweyne cusub.
Jean Ping ayaa ku sheegay bayaan uu ka soo saarey xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, in iscasilaada C/laahi yuusuf ku soo beegantey xilli AU-da iyo IGAD dadaalo xoogan ku bixinayeen sidii loo hor marin lahaa barnaamijka dibu heshiisiinta ee ka socda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu sidaa si la mid ah ugu baaqey, qeybaha ku jira barnaamijka dibu heshiisiinta kaalintooda ka ciyaaraan sidii loo dhaqan gelin lahaa.
Ciidamada AMISOM eek u sugan Soomaaliya ayuu ku baaqey in la gacan siiyo, si nabad gelyo taam ugu soo dabaali lahaayeen geyiga Soomaaliya.
Hadalkiisan ayaa ku soo aadaya iyada oo sidan oo kale Dowlada Mareykanku u soo dhaweysay is casilaada C/laahi yuusuf, kuna tilmaamtey mid qeyb ka ah barnaamijka dibu heshiisiinta.

Related posts: