Shabakadda Somailmirror waxay si joogta ah idinkugu soo gudbin doontaa haddii Alle Idmo Xasuuqa Arxan darada ah ee ay Yuhuudu ku hayso Magaalada Qazza ee Dhulka Falastiin ee la gumeysto.(Daawo Sawirada)
Khasaaraha Nafeed
Ilaa iyo hadda inta la og yahay In ka badan 384 qof oo isugu jira Dumar Caruur iyo Waayeelo ayaa ku geeriyootay in ka badan 1750 qofna waa ay ku dhaawacmeen oo 180 ka mid ahi Dhaawacoodu Halisyihiin, Duqeyn Ba’an oo Dhanka Cirka ah oo ay Ciidamada Yuhuuda ku Wadaan Maalintii 4-aad Magaalada Qazza ee dhulka Falastiinta ee ay Yuhuuddu Gumeysato, iyadoo loo badinayo in tirada Dhimashada iyo Dhaawacuba ay intaas aad uga badan yihiin.
Dadka Dhintay ayaa waxa ku jira 370 Dumar ah iyo 150 Caruur ah.
5 Qoys ayaan maanta ku baaba’ay Duqeynta arxan darada ee oo ay Yuhuudu ku hayso Marinka Qazza.
300 oo qof ayay Ciidamada Yuhuuda maanta ka qafaasheen Deegaanka Ramallah kuwaas oo ay Jir dil fool xun u geysteen.
Xaalada
Magaalada Qazza ayaa noqtay Mid Meel waliba uu daadsanyaha Dhiig, meel walibana ka bur-bursan , Duqeyntuna ay si joogta ah ugu socoto, waxaa meelaha qaar lagu arkayaa dad is dabo maraya oo ka barakacaya xaafad la duqeeyay una Barakacaya xaafad kale oo uga daran Duqeynta waxayna arintaasi u sameynayaan si ay ugu seexiyaan caruurtooda oo u qaban wayday Hurdo ka dib markii Tobnaan dariskooda ahi ku hor geeriyoodeen Guryahoodiina ku dul bur-bureen.
Duqeynta qorshaysan ee Yuhuuda ma kala soocayso Masjid, Madariso, gaadiid, Ardey, iyo wax kasta oo ku nool Qazza.
ilmadu waa mid daqiiqad waliba ka qubanaysa Birimageydada Shacabka Reer Qazza, jiifna uma jiro waayo waxa Habeen iyo Maaliba si isku mid ah ugu Dul socta Duqeynta Yuhuuda.
shacabka Muslimka ah ee Reer Qazza ayaa ku cataabaya oo kaliya “Xasbunallaahu wanicmal Wakiil” “Al-xamdulilaah” “Yaa rabi” waxayna Kaameerooyinka Saxaafada qaarkood qabanaayaan Rayid dhaawacyo culus Qaba oo ku hadaaqaya “Ash-hadu an llaa illaah illa laah”.
Qazza iyo Caalamka
Ra’isul Wasaaraha Yuhuuda ayaa sheegay in Duulaanka ay ku hayaan Qazza uu marayo Heerkiisii koowaad isla markaana ay dhimantahay Heerar kale oo fara badan.
Yuhuuda ayaa Duqeysay Xuduuda Bariga Qazza, waxaana laga cabsi qabaa in Diyaaradaha Yuhuuda Duqeeyaan Marinka Rafax.
Madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak ayaa maatna ku dhawaaqay in uusan Furayn Marinka Rafax si ay uga soo gudbaan Kaalmooyinka ka imaanaya shucuubta islaamka hadaysan kaantaroolayn Xukuumada Maxamuud Cabaas iyo Midowga Yurub.
Madaxweynaha Suudaan oo Dibad baxayaal kumaankum qof ah kula hadlayay meel fagaara ah ayaa yiri “Dhimasho Ma dhina, Dhaawacna Ma dhina, Maxaa loo aamusanyahay”.
Shirkii Dowladaha Khaliijka oo maanta soo dhamaaday ayay ka soo baxeen Qodobo aan wax tar u ahayn Qazza waxayna ku Baaqeen in Beesha Caalamka ay ka joojiso Yuhuuda Dilka ay ku hayso Qazza.
Qadar ayaa ugu Baaqday Dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka in ay u istaagaan sidii waajibkooda ka saaran Shacabka Falastiin guud ahaan gaar ahaan Qazza u gudan lahaayeen.
fanaaniinta Reer Urdun ayaa ka dalbaday Dowlada Urdun in la eryo Safiirka Yuhuuda ee fadhiya Dalkooda.
Hay’ada UNICEF ayaa maanta sheegtay in ay ku baraarugtay in xasuuqa Qazza ay ku waxyeeloobeen Caruur, taas oo u muuqata mid ay ku yaraynayso Xasuuqa Yuhuuda.
Dibad Baxyaal Caraysan ayaa maanta u dhacay Safaarada ay Masar ku leedahay Magaalada Cadan ee Dalka Yemen waxayna ka dul babiyeen Calanka Falastiin, waxayna Dowlada Yemen xirtay 20 qof oo haystay Dhalashada Yemen oo ay ku eedeysay in ay ku xadgudbeen safaarada.
Hay’ada Caalamiga ee Dhalinyarada Islaamka ayaa ka dalbatay Ducaada Islaamka in Umadda lagu Baraarujiyo sidii ay ugu gar-gaari lahaayeen Walaalaha Qazza.
Is-difaacida Muqaawamada Falastiin
Garabyada Muqaawamada Falastiin ayaa maanta 30 Gantaal ku garaacay Deegaano kala duwan oo ay Yuhuuda Daganyihiin waxaana ilaahay Idankii la filayaa in ay Khasaarooyin Naf iyo Maalba leh ugeysan doonaan Yuhuuda.
Xoogaga Cizu-diin Al-Qasaam oo ah Garabka Hubaysan ee Xarakada Xamaas ayaa Wacad ku maray in Haddii ay Yuhuudu sii Balaariso Duulaankeeda siina kordhiso Duqeynteeda ay sii labo jibaarayaan Gantaaladooda ay ku garaacayaan Yuhuuda.
Kaalmooyinka
109 xamuul oo wada Daawooyin kala duwan ayaa maanta la soo gaarsiiyay Shacabka Qazza kuwaas laga soo talaabiyay Marinka Karam Abuu Saalim.
Dibadbaxyada
Kuwa Maanta Cusub
Dibadbaxayaal caraysan ayaa maanta iskugu soo baxayo Magaalooyinka kuwalalanbuur Caasimada Maaleysiya, Jarmalka Caasimadiisa Baarliin, Washington iyo Newyork.
kuwa Maalintii4-aad socda
Masar, Yemen iyo Suudaan.

Related posts:
INAALILAAHI WAINAA ILAYHI RAAJICUUN,.
ILAAHOW UGAGAAR MUSLIMIINTA MEELWALBA AY JOOGAAN
Inaalilah wa inaa ilaihi raaji3oon
7asbunaAllahu Wa ni3mal wakiil.
Eebow uhiili shacabka reer-Falastiin oo uga hiili cadowgaas Yahuudeed.
Eebow haddadan adigu noo gargaarin, cid noo gargaaraysa majirtee.
Eebow gilgil oo dhulka la gil yahuuda oo midna haka reebin adigaa awood saaxiib u ahee.
Eebow waxa na loolaynayo waa muslimiin maxaad utihiin, ee noo gargaar sida aad ugu gargaartay Nabigaadii NUUX ahaa markuu ku dhawaaqay, Eebow waan ku dhawaaqnay ee nasaacid, Wa anta ar7amu Raa7imiin….
Eebow uunka oo dhan waa nagala nacay oo waxa naloo nacay waa diinkaadee, aaway nasrigii aad noo balan qaaday, wa anta ar7amu raa7imiin.
Eebow saacid walaalaha Falastiin.
Eebow saacid walaalaha Afganistan, Sheeshaan, Ciraq, Kashmiir, Soomaliya, Filibin, Jazaa’ir iyo dhamaan muslimiintoo dhan.
Eebow Mujaahidiinta oo dhan guulee oo ka guulee cadowgaa iyo cadowgoodaba.
Eebow nacafi oo danbidhaaf, tubta toosan nagu hanuuni naguna dil…Aamiin.
Eebow
YAA RAXMAAN YUHUUDA DHULKA LA GOO IYO KUFAARTA, ALOW ISLAMKII WAXAY NOQDEEN MUNAAFQIIN GAALADA JECEL, ALLAH DIINTIISA KA RAACAY GAALO IYO JAAJUUSNIMO, ALOW DHULKA LA GOO HANA U GARGAARIN KAAN DIINTA U GARGAARI.
MAANTA GURYAHII ISLAMKA ARAG KUFAARI ISKU SOO RAACADAY MAXAA ISLAM SIKU RAACIWAAYAY??????++
Inaalilah wa inaa ilaihi raaji3oon
XasbunaAllahu Wa nicmal wakiil
Run ahaantii waa shay qofwalba oo muslin ah wax yar oo iimaana uu kujira Qalbigiisa uu ka danqanayo waxa walaalaheyn Qazza ku socda maalintii 4aad,Rabi waxaan ka baryaynaa in walaalaheyn uu uga gargaaro yuhuuda iyo cidwalba oo u maleegay dhibka maanta ay kuu jiraan.
Hadaba hadaan nahay mujtamac ka mid ah mujtamaca muslimiinta ah ee ku nool caalmka sidee baan uguyaraan Walaalaheyn Qazza ugu gaargaari karnaa? waxay ila tahay sidatan.
1- In aan u duceyno wakhti walba gaar ahaan Xiliyada Ducada ay mustajaabada tahay.
2-Maraakista,Macaahida iyo madaarista in Maalin ka mid ah maalhama aan ugu Magacdarno maalintii garab istaaga walaalaheyn Qazza looga hadlo Mixnada walaalaheyn Qazza ay ku jiraan.(aad bayna u wanaagsanaan laheyd Dal iyo Dibad hadii la awoodo in isku maalin laga dhigo)
3- In masaajidada looga qunuudo,islamar ahaantaasna looga duceeyo
4- Mujtamaca Soomaaliyeed in si fiican looga waramo Falastiin iyo halka ay Muslimiinta ay kaga taalo iyo sida ay yuhuda u ixtilaaleyn iyo dhibka soo jireynka ah ay ku hayaan walaalheyn Faliistiin.
5- In Culumada Somaaliyeed ay bayaan wada jir ah ay ka soo saaraan.ayna ku soo baxadaa wargeysyada Maqal iyo Muqaal waxii la awoodo.
6-In si joogta ah loogu soo gudbiyo maalin walba iyo wakhtiwalba duruufta ay kujiraan walaalheyn Qazza,hadii ay noqon laheyd Idaacaddaha,Websadyadda,Joornaaladda.
7- In qofwalba waxa uu awodo bixiyo,wax aysan maanta u baahneyna majiraana.
Ugu dambeyntiina Rabi wanaag farabadan ha ugu badalo walaalaha (somalimirror.com)sida Aqristayaasha marwalba ugu soo gudbanayaan duruufta adag ee walalaheyn Qazza ku jiraan Maalintii 4aad.
Aad baana u jeclaan lahaa walalaha kale ee mas’uulka ah websadyadda kale in ayagana sidaas iyo si lamid ah ay uga waramaan.
Alloow u gargaar Muslimiinta ugana hiili cadawgoda.
asc umada islaamka meel kaste oo ay joogta waxaan leeyahay ilaahay aan ka baqno meel allaale iyo meelan ku aragno gaalna aan ka aargoosana walaale yaal umadda reer falastiin (yaana ka daalin in ay dhahaan xasbunallaha wa nicmal wakiil ) anagana walaale yaal aan muujino cadawtinimada ay noo muujiyeen gaalada iyo yahuuda balankeenuna ha ahaada in aan lakala soocin gaaladu wasalamu calaykum
asc walaaha musslimaanta ahoow waad ujeedaan sida islaamka loogalo walaalayaal waxaa larabaa gaalada in halmeel looga soo jeesto
oo haldhinac lawada maro laladagaalamo maxaayeelay jihaadku waa xaq waa in lala jihaadaa yahuuda ilaaheey kafuratay
Asc wr wb dhamaan,
Dad muslimiin sheeganaayo ayaaba diiddan in dadka muslimiinta ee aan Soomaalida ahayn in la sheegto ama loo damqado, sida nin wadan jiray magaca wadaad yare ee loo bixiyey waraabe yare, ayaa aaminsan arinta noocas ah.
Muslimiinta Ciraaq, Afghanistan, Chechenya, Suudaan iyo mel kastyoo ay muslimiin joogto waa walaalaheen waana u dagalamaynaa waana difaacaynaa wana sheegaaynaa.
Sidoo kale mujaahidiinta mel kasta ay joogaan waa walaalaheen.
Al Walaa Wal Baraa Illaahoow nagu arzuq, waa qaddiyad iimaanka ku salaysane.
Mahadsanidiin,
Al Walaa Wal Baraa.
gana loo soo socdo sida siiraya iyo suudaan iAllaah ayaa wayn oo waaxid ah ninki aamina awood leh insha,allah waxaa kaloon leeyahay sabra reer falistiin ninkii sabraa sad leh insha,allah walalahayga somaliyadaaw waxan idin leeyhy reer falistiin dhibatda haysta waa tan xudunta u ah islaamka dhibka haysto oo dhan marka waxaad ogatiin in maanat meelaha dagalada kasocdaan ee ah wadamada muslimiinta maahee inta kale e laga dareemayo inay diidnayihin waxa gaalo kawado caalamka islaamka inay iayyo iraan oo shiica h gaalo waxay kutalagshay inay gumaysto calamaul islaami dhan ilaa inay tabar u dayriso mahee hadaba su.aasha tagan waxay tahay maxa dadki musliminta ku dhacay !!?? waxa ku dhacay waa madaxdi oo munafiin wada noqday iyo xubi dunya wa karahiyatul mawt sidii rasuulkeena sheegay scw marka aduun iyo aakhiro kalabadan adunakan haday reer falastiin ku dhibtoodeen amamba umad islaamak dhan insha,allah akhiran dhamaynaynin shuhadaa inti xabad cadaw ku dhacday
yahuudu uma baahna fikrad aan halkaan ka dhiibabo ama mudahaarad ama shirar kaliya waxa wax ka qaban kara waa rijaal allah uu macooda yahay oo kaliya oo aanan dooneyn adoonyo bal ee doonaya oo kaliya imal cizi wa ima shahaada