Qanyare “aniga Musharaxaan ahay”

Published on December 30, 2008 by   ·   2 Comments   ·   print

Maxamed Qanyar Afrax oo ka tirsan Baarlamaanka DKMG ah ayaa maanta Shaaca ka qaaday in uu u Taaganyahay Musharaxnimada Jagadii uu iska Casilay C/laahi Yuusuf Axmed ee Madaxweynanimada DKMG ah ee taagta daran.

“Musharax baan ahay Safarkii hore Number 3 baan ahaay, Safarkana waan taaganahay, Nimaankaan Xildhibaanada ahoo soomaaliyeed oo 275-ta ah iyo Haddii laga soo badiyoo si sharci inta la raaco ah laga soo badiyo, kuwaasaan Sharaxaadayda Hordhigayaa, Nidaamka waa aqaanaa, Nidaamkaan Marayaa, aniga Musharaxaan ahay, Dadka inta badan Baarlamaanka ku jira waa ay i ogyihiin, inta banaanka jirtana in ay ogaadaan ayaan rabaa”

Haddii uu ku guulaysto Qanyare Jagadani waxa ugu horeeya ee uu qabanayo ayuu ku sheegay Dhinaca Amaanka isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “aniga haddii la I doorto lanbar kow waxaa ii ah in aan Amaanka ka shaqeeyo Beesha Caalamka anaga oo kaashanayna soomaali anaga oo kaashanayna ilaahay anaga oo Tuugayna horta in dadka la kala Nabad galiyo Qoriga la aamusiyo ka bacdi Howsha kale loo soo noqdo”.

Mar uu ka hadlayay in uu Aadan Madoobe isku taagi karo Jagada C/laahi Yuusuf Iska casilay ayaa waxa uu sheegay in uu Marka hore iska Casila mid Baarlamaanka.

Waa Musharaxii ugu horeeyay oo ka tirsan Baarlamaanka Fadhi ku dirirka DKMG ah oo shaaciya in uu taaganyahay Jagadii uu iska casilay C/laahi Yuusuf ka dib markii ay Cadaadisyo badan ku yimaadeen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. C/laahi Yuusuf oo sheegay in uu is-casilay ka dib markii Wadanka ay la wareegeen Xoogaga Muqaawamada lana afduubay Dib u heshiisiintii DKMG ah.
  2. Nuur Cade“Iscasilaadaas oo uu xilkii Madaxweynanimada iska casilay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed waan soo dhaweynaynaa”
  3. C/laahi Yuusuf oo laga sugayo Garowe ka dib markii uu is-casilay
  4. Kalfadhigii Maanta ee Baarlamaanka oo C/laahi Yuusuf uu ka baaqdey
  5. Kulamo xasaasi oo ka socda Madaxtooyada Baydhabo

Readers Comments (2)

  1. munaay says:

    ALLAHU AKBAR, MA ASHAAHAADO LA DIRIRKII MIYAABA SOO NOOLAADAY, YEEY ALOW MA IDIN DULIYEEY, GOORMA AYAY NAFTU KU SOO NOQATAY, QAAINKAAN DHIIGA ISLAMKA KA GACSADA, ALLLAH KU QABAY,JAXAAMANA IFKA KUUGU KEEN.

    AAMIIN

  2. Jama says:

    Soomaalidu waxay isku haysaa siyaasad mana aha mid baa Gaal ah kan kalana waa Muslim Mukhlis ah!! Cadawga taqliidiga ah (conventional enemy) ee Soomalidu lahayd taariikh ahaana waa Ethiopian. Waana xaqiiqo uu ogyahay kan la dagaalamaya iyo kan miciinsanayaa. LAAKIIN SOOMAALIDU DHAMAANTOOD WAA AHLU QIBLA.

    Qanyare hadii uu is sharaxo xaq ayuu u leeyahay qofkii diidayaana xaq ayuu u leeyahay.

    Walaalayaal aan ka dheeraano in aan isku gaalaysiino dambiyo Ruuxa Muslim ahi galay.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. C/laahi Yuusuf oo sheegay in uu is-casilay ka dib markii Wadanka ay la wareegeen Xoogaga Muqaawamada lana afduubay Dib u heshiisiintii DKMG ah.
  2. Nuur Cade“Iscasilaadaas oo uu xilkii Madaxweynanimada iska casilay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed waan soo dhaweynaynaa”
  3. C/laahi Yuusuf oo laga sugayo Garowe ka dib markii uu is-casilay
  4. Kalfadhigii Maanta ee Baarlamaanka oo C/laahi Yuusuf uu ka baaqdey
  5. Kulamo xasaasi oo ka socda Madaxtooyada Baydhabo

Latest Headlines