Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Shabakadda Somalimirror ee Gobolada Dhexe ciidamo ka tirsan kuwa gumeysiga Itoobiya oo ka soo kicitimay Dhinaca Feer-feer ayaa ku soo biiray Ciidamo itoobiyaan ah oo Shalay fariisin ka sameystay Isgoyska Kalabayr ee Gobolka Hiiraan.
Wariyaha ayaa sheegay in ay Ciidamadaasi wataan 5 Ural isla markaana ay ku biireen ciidamadii hore, wuxuuna intaa ku daray in ay Xoogaga Muqaawamada ee ku sugan Gobolka Hiiraan wadaan Dhaq-dhaqaaq xoogan oo ay kaga hor tagayaan Ciidamadaasi.
Saraakiil u hadlay MMIS ee Gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Wariyaha Somalimirror in ay Dagaal kala hor tagayaan Ciidamada gumeysiga Itoobiya haddii ay sii joogaan.
Arintani ayaa timaaday ka dib markii Ciidamo ka tirsan kuwa gumeysiga Itoobiya ee Shalay soo gaaray Kalabeyr ay saaka u dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Matabaan kuwaas oo hadda la sheegayo in ay fariisin ka sameysteen deegaanka Jiricle oo 7km ujirta Magaalada Matabaan ee G/Hiiraan.
Lama garanayo illaa iyo hadda ujeedada rasmiga ah ee ka danbeysa Dhaq-dhaqaaqani xoogan, waxayna ku soo beegmaysaa xili ay Dagaalo ka socdaan Qeybo ka mid ah Gobolka Gal-gaduud isla markaana la hadal hayo in ay Baxayaan Maalmaha inagu soo fool leh inkasta oo aysan Muuqan Qaban qaabo arintaasi la xiriirta.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa Insha Allaah.

Related posts: