Xalka Soomaaliya xaggee buu naga jiraa?
By SomaliMirror on 26 Dec, 2008 2:55 AM in Maamulka & Maareynta, Maqaallo
Qalinkii Saciid Cali Shire (saidshire@hotmail.com)
Oktoober 1992-dii ayaa Robinson, Madaxweynihii hore ee waddanka Ireland, waxay tagtay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Sida uu soo guuriyey Keenadiid (2005), waxay aad uga danqatay dhibaatada iyo darxumada taalla Soomaaliya. Dadkii la kulmayna waxay ku tilmaameen qof ‘dareenkeeda bini’aadanimo iyo naxariiseed aan la hilmaami karin’. Laga soo bilaabo xilligaas, ilaa maanta, qof kasta oo mas’uul ah oo taga Soomaaliya – marka laga reebo Soomaalida, wuxuu si aad ah uga murugoodaa tacadiyada loo geystay dadka, dalka iyo diinta. Waa yaabe, maxaa dulliga ina baday, maxaa damman inaka dhigay, dareenkii maxaa la tegay . Maxaa dhinbishii iftiintaba biyo korka loogaga shubaa, ama sida Shube (2007) is waydiiyey ‘Duruufaha maanta yaal; dhibtaan la dayaysan nahay; da’deen inalama qabtee; dalkeenna maxaa ku furay’.
Qoraalkan kooban oo laga soo raray buug dhowaan la daabici doono, idanka Eebe, oo ka hadlaya hoggaaminta, wuxuu marka hore toosh ku ifinayaa xididdada dhibta Soomaaliya. Marka xiga wuxuu wax ka taabanayaa derbiga hortaagan horumarka iyo nabadda Soomaaliya. Ugu danbayn qoraalkan koobani wuxuu sawirayaa muuqaalka hoggaamiyaha soomaaliya u horkici kara nolol iyo nabaadiino.
Xididdada dhibta Soomaaliya
Duraafahaas goonida u noqday Soomaaliya, waxaa horkacayey hoggaan xun. Waxaase naxdin leh, in hoggaankaas xumi uusan ahayn dad ajnabi ah oo la inoo soo diray, ee ay yihiin dad Soomaali ah oo magacooda iyo muuqaalkoodaba la yaqaan. Waa yaabe, xumaanta ma ku dhasheen, ma barteen, mise waa lagu khasbay. Qayb ahaan, waxaa la oran karaa, hoggaanka Soomaalidu (nooc kasta oo ay yihiin) xumaanta waa lagu ababiyey, qayb ahaan way barteen, qayb ahaanna waa lagu khasbay. Dhinaca abababinta, ilma kasta oo Soomaali ah, waxaa lagu habaa haruub uu ka buuxo ‘reer-hebel’. ‘Reer hebel’ baa raggeennii laayey, xooleheennii dhacay, xaqeennii duudsiyey, ‘reer-hebel’ baa nolosha inaka hor taagan. Ilmahaas waxa qalbigiisa ku abuurma nacayb uu u qabo ‘reer-hebel’. Ama sida Keenadiid (2009) laga sheegay ‘qofka Soomaaliga ihi wuxuu kula colloobbaa markuu ogaado ciddaad tahay (qabiilkaaga)’. Nasiib darro, ilmahaasi wuxuu la colloobaa dad uusan aqoon. Mararka qaarkood, waxaad arkaysaa, in dadka la isu dardaarmayo in ay is colaadiyaan yihiin dad ay khasab tahay wada noolanshahoodu: dad deris ah, aan kala maarmin; dad is dhalay, wada dhashay, isku dhiig ah.
Dhinaca waxbarashada, markaad isha la raacdo qaabkii manaahijta Soomaalidu u qaabaysnaayeen, waxaad oran kartaa, manaahijtaas waxaa muhandisiin ka ahaa dad Soomaalida bohol u qodayey oo nacab ah. Waayo, wax kasta oo ummad is jeclaysiiya, isku tola oo waddaniyad iyo diin saldhig u yihiin ama meeshaba waa laga ilaaliyey ama waa laga been sheegay. Hadraawi oo arrintaas tilmaamayey wuxuu yiri ‘Iskoolladu waa dayayn; damiinnimaday dhigaan; duruustu falkay taqiin; diktoor cadaway sideen; digrii nacabay sideen; xaq bay garba duubayeen; diintay gibil saarayeen; waxay dadayeen umuur’. Waxa intaas ka sii tiiraanyo badan, sida rag badan oo Cismaan Yuusuf ka mid yahay tilmaameen, in xataa, xantoobada yar ee wax barata laga ilaalin jiray hoggaaminta oo aan loo dhiibi jirin wax xukun ah. Cismaan Yuusuf oo arrintaas tilmaamaya wuxuu yiri ‘Teersana rag aan baran haddii talada loo dhiibay’. Xaaji Aadan Af-Qalooc oo isna tilmaamaya sida dadka aqoonta leh looga hortaagnaa hoggaanka ummadda ayaa isna gabaygiisa ‘Tabaalaha Waqtiga’ yiri: ‘Jaamacad nin tegey oo digrii tuu la yimi haysta; oo in uu dalkii wax u tariyo tacabba doonaaya; oo taana loo baahan yahay toogtan sida joogta; oo jaahil tigin adag dhidbaday taqaddumka u diiday’. Mar kale isagoo la hadlaya Ina Cigaal wuxuu yiri ‘Aqoon lala colloobiyo jahliga amarka loo dhiibay’. Cabdi Muxumud Amiin, mar uu ka hadlayey miisaanka khaldamay ee maanta maanka iyo maskaxda Soomaalida ka guuxaya wuxuu yiri ‘Wasiir beeli keentoow aqoon buuran maad lihid’ Dad ay isugu darsameen ababin xun iyo tacliin jahawareersan, ayaa waxay magan u noqdeen nacab aan u naxayn. Nacabku waa waddamadii la taliyayaasha iyo saaxiibbada u noqday hoggaamadii soo maray Soomaaliya. Cismaan Yuusuf (Eebe ha u naxariistee) isagoo tilmaamaya hoggaankaas wuxuu yiri ‘Magan bay shisheeye u yihiin meel la joogoba e; Maalin noolba niman baa ku fala waxay muraadaane; Maquunay u joogaan sidii maal la leeyahaye’. Eebe ha u naxariistee, hadduu noolaan lahaa markii Shuuciyada la qaatay, ama xilligii dagaalka sokeeye, ama maanta oo gumaysi ma naxe ah magan loo noqday, oo uu hadba mid farta ugu yeerayo, muxuu oran lahaa?
Markaad isha la raacdid, baal-taariikheedka hoggaamiyayaashii soo maray Soomaaliya, waxaa kuu soo baxaysa in hoggaankii Cali Cilmi Afyare (Eebe ha u naxariistee) la dardaarmayey markuu lahaa ‘Guddiyahay docdiinnaa khalqigu wada deyaayaaye’ ay dhab-ahaantii ahaayeen kuwii Xaaji Aadan Af-qalooc lahaa ‘wax badan baan dammiin dhega la’aa daasadow tumaye; ama nin ay indhuhu dam yihiin day waxaa iriye; dab baan mooday gaaraabidhaan daymadii hore’e; danbas iyo ramaad baaridaan naar ka dayayaaye; dacar iyo unuun baan ,macaan ugu dudaayaaye; doofaar ilkihi baan u filay dur iyo yaaquude’, ‘ Hoggaankaasi ha horreeyo ama ha danbeeyo; dimoqraadi ha noqdo ama kaligii-talis; mid mabda’ fiican (diin) xanbaarsan ha noqdo ama mid mabda’ fool xun (gaalnimo) xanbaarsan, dhammaantood, waxa marag ma doonto ah in aysan u qalmin hoggaaminta Soomaaliya, ama siduu Singub ku soo bandhigay riwaayadii ‘xorriyo nin gayaa ha guursado’. Afrax (2002) mar uu buuggiisa ‘Dal dad waayey’ ka hadlayey hoggaamiyayaashii soo maray Soomaaliya, wuxuu yiri: ‘marka laga reebo dhallinyaradii SYL, oo ceebo kasta oo ay lahaayeen waxoogaa ‘qiyam qaran-doonnimo’ maskaxdooda ku sii harsanaa, intooda kale waxay ahaayeen hoggaan xun’.
Derbiga horyaal mustaqbalka Soomaaliya
Haddaan raggii hore halkaas dhignay oo ku tilmaanay: kuwo lagu hungoobay; kuwo aan mudnayn in ay qabtaan hoggaan; kuwo dhalay dhibaatada ku habsatay Soomaaliya. Xagee joogaan, kuwa maanta isu soo mutuxay, si ay caynaanka ugu qabtaan ummad jiho khaldan lagu dheelmayey wax ka badan 100 sano. Hoggaanka maantu, waa derbiga ugu weyn ee horyaal mustaqbalka Soomaaliya, waayo: waa mirihii ay abuureen hoggaamadii xummaa; waa miro laga goostay geed ku baxay biyihii qabyaalada, jahliga, iyo caqli darada; waa miro ka soo go’ay beer lagu tabcay ‘ribo iyo rishwo’; waa miro ka soo go’ay beer ay faleen acyaan aan xilkas ahayn. Waa niman, nooc kasta oo ay yihiin: wadaad iyo waranle; waxgarad iyo wax-ma-garad; waayeel iyo dhalinyaro aan fahansanayn culayska uu leeyahay waxa ay raadinteeda joog iyo jiifba u diideen. Waa nimankii Xaaji Aadan Af-qalooc ka dardaarmay markuu lahaa ‘Mas’uuliyadu waa adagtahoo waa ammuur culuse; ardaal iyo nimaan qaadi karin looma aamino e’.
Hoggaanka maantu, siduu u dhan yahay, wuxuu ku socdaa bohoshii raggii hore ku dhaceen. Qof kasta oo dhinac mara miisaankii Cali Cilmi Afyarena (Eebe ha u naxariistee) godkaas ayuu ku dhacayaa. Cali Cilmi Af-yare (Eebe ha u naxariistee) wuxuu ku tegay in uusan hoggaan qaban karin qof aan lahayn: Ikhlaas iyo cilmi. Camalka bani’aadamku qabanayo oo dhanna waxa saldhig u ah labadaas shay. Rumaysnaanta Eebe waxa saldhig u ah ‘cilmi’, cibaadada nooc ay tahayba waxa saldhig u ah ‘cilmi’, ikhlaas iyo in lagaga dayday Rasuulka (SCW). Mire (2000) waxyaabaha la’aantood qof uusan hoggaamiye noqon karin wuxuu ku soo koobaa: waddaninimo, tacliin, hufnaan, karti-badni, iyo bisayl siyaasadeed. Ragga maanta qooqan, hufnaantooda, kartidooda, bisaylkooda siyaasadeed iyo aqoontooda waa naqaane, booyaalow waddaniyaddoodu waa sidee. Qofkii raba in uu wax ka ogaado waddaniyadda raggaas ha akhriyo waraysi uu Malas siiyey asbuuclaha Times horaankii sanadkaan. Ragga maanta ku hardamaya hoggaanka siyaasadda Soomaaliya, hoggaankaasi ha noqdo mid gobol (Puntland, Somaliland, Jubbooyinka, Muqdisho, iwm), mid dawladeed (waxa loogu yeero TFG), dhammaan waxay hayaan dhabihii fashilka iyo guuldarada. Raggaasi waa kuwii Shube (2007) ku tilmaamay ‘Nasabadday midab roggaan; taariikhda mugday gashaan; intii macna ley tiraan;….midnimaday diidan yiin; markii dhib jiray gamcaan;,…, maangaabkay urursadaan; mayeeraankay dulmaan’
Ragga maanta u tafaxaytay in ay ku fariistaan ‘kursi dhiig dhexdiis yaal’ waa kuwii Cabdi Muxumud Amiin ka yaabiyey ilaa uu yir ‘horteen jire ma soo arag’. Isaga hortiisna, Xaaji Aadan Af-Qalooc (Eebe ha u naxariistee) lahaa ‘Taariikhda wali sooma marin teennan oo kale’e’. Raggaasi waa jirjiroole, waa jinni labbisan: maalin waa mooryaan, maalin waa waddani, maalin waa sheekh, maalin waa shariif, maalin waa shaydaan, maalin waa oday, maalin waa dhalinyaro, maalin waa aqoon yahan, maalin waa indhoole, maalin waa Islaam, maalin waa ardaal. Cabdi Muxumud oo sawiraya wuxuu yiri: ‘hadda waa midiyo dhiig leh iyo mawdka wada yaale; marna culimo diin marisa iyo waa mufti iyo sheekhe; marna waa qabiil mudduga oon maryo lahayne; wixii ay xadiis noo marsheen way ka madhan yiine’.
Muuqaalka hoggaanka mustaqbalka Soomaaliya
Haddii aan raggaas ku tilmaamay hoggaan guracan, waa yaabe, sidee hoggaanka fiicani u egyahay? Sun Tzu (1500 B.C.), buuggiisa ‘The Art of War’ hoggaamiyaha fiican wuxuu ku tilmaamay qof caan ku ah: garaad, kalsooni, bini’aadanimo, geesinimo iyo adayg. Du Mu (803 B.C.)oo ka mid ahaa raggii sharaxay buuggaas, wuxuu yiri: ‘garaadku’ waa awoodda wax lagu qorsheeyo; ‘bini’aadanimadu’ waxay la xiriirtaa jacayl iyo naxariis loo hayo shacabka; ‘geesinimadu’ waa in fursadaha laga faa’iidaysto; ‘anshaxu’ waa in kala danbayn iyo nidaam la abuuro. Jin Lin (618 B.C.) oo isna ka mid ahaa raggii sharaxay buuggaas wuxuu yiri: ‘garaadka kaligiis ahi dadkuu hoggaamiyaha ka hor keenaa; kalsoonida faraha badani cidlay hoggaamiyaha dhigtaa; ‘geesinimada’ faraha badani waxay horseeddaa kacdoon joogto ah; ad-adayga faraha badani waa axmaqnimo iyo naxariis daro’. Plato, ardaygii Socrates (470 B.C.), mar la waydiiyey qofka uu hoggaamiye u xulan lahaa wuxuu yiri: ‘waxaan xulan lahaa kuwa beenta neceb, runta jecel, aan lexejeclada badnayn, dad la dhaqanka fiican, dhimashada ka biqin, xusuusta fiicana leh’.
Gardner (1990), buuggiisa ‘leadershp’ wuxuu taxaa 14 sifo oo qofka lihi xaalad kasta, waqti kasta iyo goob kasta hoggaamin karo. Sifooyinkaas waxa ka mid ah: karti iyo dadnimo; garaad iyo qiimayn xaaladeed; aqoon xirfadeed; fahan dhamaystiran oo uu u leeyahay dadka uu hoggaaminayo; hammi sare; kalsooni iyo ammaano; dhabar adayg iyo la qabsi xaalad kasta. Kouzes iyo Posner (2002) si ay u ogaadaan muuqaalka hoggaamiyaha fiicani leeyahay ayay waraysi ka qaadeen dad sare u dhaafaya 75,000 oo ku kala nool daafaha adduunka. Dadkaasi waxay isku raaceen in hoggaanka fiicani leeyahay afar sifo: daacadnimo, aqoon, hiraal, iyo kicin. Maxell (2005) sidooyinkaas wuxuu ku daraa: dabci wannaag iyo dad la dhaqan; waaya’aragnimo la taaban karo; kalsooni nafeed; iyo ka hor imaansho xeerarka guracan.
Robert Greenleaf, buuggisa, ‘Servant Leadership’, markuu ka hadlayo dadka mudan in ay wax hoggaamiyaan casrigaan, wuxuu yiraahdaa ‘hoggaamiyuhu waa adeege (servant): wuxuu maskaxda iyo maanka ku hayaa sidii dadka uu hoggaamiyo ay dhinac kasta u horumari lahaayeen’. Max DePree (1989) markuu sifaynayo hawlaha hoggaamiyaha adeegaha ah wuxuu yiraahdaa: ‘hawshiisa ugu horaysa waa bidhaaminta hiraalka; hawsha ugu danbaysaana waa in uu u mahadnaqo qof kasta’. Adeege waa ilaaliye, wuxuu ummadda uu hoggaamiyo ka ilaaliyaa waxa xun oo dhan.
Gunaanad
Waxaan rajaynayaa in aan waxoogaa ka bidhaamiyey mastarad, shacabka Soomaaliyeed ee qaaliga ahi, ku cabiri karaan kuwa u soo tafaxaytay dhiigooda iyo dheeftooda. Inta aydan martiqaadkooda tegin oo raashinkooda cunin, horta hubiya in woxoodu xaalaal yihiin iyo in kale; inta aydan hadalkooda dhegaysan, horta hubiya in ay run yaqaanaan iyo in kale; inta aydan ajandihooda siyaasadeed waydiin, horta hubiya in ay adduunka ku nool yahay iyo in ay uun aakhiraad yihiin; inta aydaan la fariisan, horta hubiya in ay mudan yihiin in lala fariisto.
Nin oday ah oo duullaan raacay, ayaa markuu dagaalkii dhamaaday isagoo dhaawac ah waxa qabtay raggii ay dagaalamayeen. Odayga laba leeb ayaa midna barida (salka lagu fariisto) ka taagnaa, midna isha. Odaygii ayaa la waydiiyey, kee labada leeb lagaa bixiyaa? Odaygii wuxuu ku jawaabay ‘aan hal mar fariistee, waxaad marka hore iga bixisaan kan barida’. Waxaan leeyahay, si aan hal mar u fariisano: aan indhaha furno oo fahano hoggaaminta. Si dadkii nala gudboonaa, ileen hadda dayaxuu u guuraye, aan uga daba tagno, aan barano hoggaaminta; si siyaasadda Soomaalidu madax iyo majo u yeelato, ileen hadda wax la garan waayey bay noqotee, aan barano hoggaaminta; si aan dhurwaaga iyo baraarka u kala garano, ileen hadda ‘inagoo bakayle ka didnay baan aar bohoshii galnaye’, aan barano hoggaaminta; si sharikaadkeenu u baraaraan oo magac iyo maamuus u yeeshaan, ileen hadda ‘raq ku nool’ bay noqdeene, aan barano hoggaaminta; si hay’aadka khayriga ah, sida masaajida, madaarista, iwm u gutaan hawlihii loo sameeyey, ileen hadda ‘god abeeso bay noqdeene’ aan barano hoggaaminta; si aan nolol u helno, ileen haddii kale nolol heli maynee, aan barano hoggaaminta.
Waxaan oran lahaa, aan god dheer ku tuurno halhayskii khaldanaa ee Carta, ‘xaq ma rabnee xal baan rabnaa’. Waayo, xalku wuxuu ku jiraa xaqqa. Aan baadigoobno hoggaamiye fiican: badbaadshe, bidhaanshe; balaarshe; baraarshe; hagge; isku tole. Aan raadino qof qaadi kara culayska, qof u naxaya shacabka, qof dareen dadnimo iyo diir bini’aadam leh. Yaynaan mar kale ku dagmin hadalada debecsan, koofiyada, khamiiska iyo hadalka oo lagu fur-furto amaanta Eebe iyo saliga Rasuulka.
Qoraalkan koobani wuxuu qayb ka yahay buug dhowaan soo bixi doona oo ka hadlaya hoggaaminta. Haddaad rabto in aad koobi hore u hesho e-mail u soo dir qoraha.
Daabaco
xalka somaaliya waa diinta isaamka maxayeelay umadan somaaliyeed waa kala dhimatay wax aan kitaabka ahaynin ma daweeyo gaalana kitaab wa diideensidaas daraadeed waa dhimasho mahorto umadaan marka aan shuhada noqono sidaas ayay iila muqataa aniga walalaka maqaalka qorayna waamahadasanayahay
bishaar | Jan 3, 2009 | Reply
INIL XUKMU ILLAA LILLAAH .
AMARA ALLAA TACBUDU ILLAA IYAAH .
XALKU KUMA JIRO MEEL AAN KA AHAYN
KITAABKA IYO SUNAHA {SWWC }
ASC WRWB
waayeel | Jul 21, 2009 | Reply
Intaaso dhimi wa laqaba qoraaga qoraalkan qoray wana sax walow ay jiran qaar uusan kabixin sharaxaad waafi ah hadana waxan qiraya inuu sal iyo baar xaqiqada u dul maray waan ku amaanaya maamulka madaxda iyo shaqaalaha somalimirror.Com sida ay shacabkoda ugu adeegaya ha daalina ha diyoobina runtana ha dacal marina thanks
Abdirashid puntland | Jun 30, 2010 | Reply