Gudiga Amniga ee ARS-ta Djibouti & DKMG ah oo sheegay in ay ka howl-galayaan Dhamaan Gobolada Dalka

Published on December 26, 2008 by   ·   6 Comments   ·   print

Gudoomiyaha DKMG ah ugu qaabilsan Gudiga Amniga ee ay wada dhisteen Isbahaysiga Dib u xoreynta Garabka Djibouti iyo DKMG ah Maxamed Maxamuud Xeyd oo u waramayay Idaacada Hornafrik ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in ay Sameeyeen Gudi Hoosaadyo ka howl-gala Gobolada Dalka.

Xeyd ayaa intaa ku daray in ay ku howlanyihiin Qorshayaal ah sidii dadka soomaaliyeed looga dhaadhicin lahaa in ay Qaataan Nabada Xabada iska socotana loo joojin lahaa.

Maxamed Maxamud ayaa sidoo kale Sheegay in Gudigani ay Todobaadkiiba 2 mar kulamayaan isla markaana Qorshaha Gudiga Amniga lawada gaarsiinayo Dhaman Gobolada Dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Shaaca ka qaaday in haddii ay Ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa AMISOM-ba baxaan aysan wax Dagaalo ah ka dhacay Dalka.

Wuxuuna ugu Baaqay Garabyada kale ee ka soo horjeeda Heshiiska Djibouti in ay ku soo biiraan si xal loo gaaro.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Isbahaysiga Garabka Djibouti shaaca ka qaaday in uu ku shaqeynayo Dalka gudihiisa waxaana arintaasi saxaafada u xaqiijiyay C/raxmaan janqow oo yiri “Haddii Dalka aan uga Maqnayn sidii loo hagaajin lahaa siyaasadda Qaribantay,Caalamkana uga Dhaadhicin lahayn in dib loo saxo qaladaadkii dhacay, hada waxaa suurta gashay in aan ku shaqeyno Dalka Gudihiisa oo dib aan ugu soo laabanay”.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Saraakiisha Ciidamada MMIS ee Gobolada Dhexe oo Qaadacay Heshiiska Djibouti
  2. Gudiga Gaadiidleeyda Banaadir oo Sheegay in ay dib uga Hawlgali doonaan Dekadda Muqdisho
  3. Gudiga Culimada Musaalaxada & Sixida oo Bayaan ka soo saaray Xaalada Dalka
  4. Xasan Daahir Maxamuud “Af-Qurac” oo sheegay in aan waxba laga badalayn gudiga uu Cadde Muuse soo dhisay
  5. DKMG ah:- Caqabado baa hor yaala Fulinta Heshiiska Djibouti

Readers Comments (6)

  1. somalio says:

    waan so dhawaynaynaa talabada uu qaday isbahaysigu hadaan nahay shacabka jubooyinka

  2. Geedi says:

    ALADIINA QAALA LAHUMUNAASU INNA NAASA QAD JAMACUU LAKUM FAKHSHAWHUM FAZAADAHUM IMAANAN WAQAALUU XASBUNALLAAHU WANICMAL WAKIIL.

    Waxaan rajeyn in ay midoowbaan mujaahidiinta alshabaab,jabha islaamiya iyo garabka asmara kuwaasoo midowga ka hor ka baxa waxa loogu yeero qowmiyad xoreynta

  3. wadaad yare says:

    Xadiithbaa wuxuu oranayaa:(alladii yaquulu halaka naasu fahuwa ahlakuhum) qofka yiraahda dadku wuu halaagsamay isagaa ugu halaagsan. Riwaayad isla xadiithkaana waxey leedahay: Fahuwa ahlakahum) oo ka dhigan isagaaba halaaga ka danbeeya oo dadka halaagey.

    Hadaba hadey muuqato in ilaahey cadawgii kheybo ku ridey oo muraadkoodi ku fashilmeen, dadka qaar oo muujinaya niyad jab arintaas ku aadan oo khiyaano iyo calool xumo ka hadlaya waa dad ciladeysan oo qaba waxa carabiga lagu yiraahdo(nathrah sawdaawiyah) aduunka waxey ku eegayaan ookiyaalo madow, wax kheyr ah ma arkaan, aragtidaas sawdaawigaa oo ay qabaan ayaana ka dhigeysa iney qaataan tallaabooyin mugdi ah oo halaag keenaya.

    Saaka doodii loo qabtey Sh. Yuusuf Indha cade iyo Sh. C/Raxmaan Janaqow gar waa loo islaame indhacade waxaan cuqdad, gunuunuc iyo damac wax jilaafeyn waxaan aheyn oo umad dan u ah meesha lama imaan.

    Damacaas wax jillaafeynta ah iyo cadkaanow ku cuney ama ku ciideeyeyna waa laga soo daaley, dalakana dad malaayiin ah ayaa wax ku leh oo idin daawanaya, halgankana wax uga jira. dadkaas ayaana aakhirka xakam ka noqon doona qolada dani ugu jirto iyo qolada dhibkooda wada.

  4. abuu dujaanah says:

    asalamu calaykum cajiib hadaan nahay dadka jubiiyinka wasoo dhawaynayna kulaha ilahay hakusoo hanuuniyo mawaxad soo dhawayn cabdi qaybdiid iyo darwiish allaahu mustacaam gudigu waa ragaas iyo kuwa lamida war kuwaas shariif iyo janaqaw walee iyaga kaliita maanta cabdilaahi yuusuf oo gatay diintoodi iyo dad nimadoodi waadna arki doontan hadi alle idmo meesha ay ku danbeyan ilahayna kama yeelin inay gataan dhiiga shuhadada walee silic ayayna u dhiman hadaysan waxa ay kujiraan katoobad keenin dhulkan islaan ayaa leh galana kusoo duushay islaam ayana ka xoreeyay mujaahidiin ilahay xaqa garan siyay marka shariif jookar isdhibayay duurka ku rafadayay oo diyaraduhu duqaynayen wale iyagana allaah gacanta u galiyay iyagana katalinayo munaafaq oo dhamina wakhtigisi waa dhamaday allaahu akbar allaahu akbar walilaahi cizatu wali rasuulihi walilmuminiin walakinal munafiqiina laa yaclamuun

  5. wiilwaal says:

    Salaan dhammaantiin.
    Marka hore culimada ha laga daayo aflagaadada. Nimanka Sh. Janaqow baa diin gatay leh, waa nimanka aan caqlina keenayn, haddii wax wanaagsan loo keenana aan raacayn. Janaqow, Roobow waa ka cilmi badan yahay, iyo dhammaan nimankan dhalinyarada. Marka bal u fiirsada nimanka xaqa sidii inuu yahay shaabbad ay waxay rabaan ku dhuftaan ka dhigtay. Dooddoodii waxay ku soo ururtay, Shariif Diyaarad baa qaaday, Shariif waa sidan (ma dhihi karo). War haddii la yiri, Dalka Diin ha lagu xukumo, dawlad la ictriraafsan yahay, oo dad ahlu-diin ah xooggeeda leeyihiin baa la samayn, oo cadawgii waa baxay. Maxaa ku jaban? Sh. Aweys oo la wediiyay Su’aal sidaan oo kale u dhow, baa wuxu yiri, Xabashidu iyadoo Ceebaysan baan rabnaa inay baxdo. Wax xal ahna ma uusan keenin miiska.

    Marka waxan rabaa in ay doodu noqoto maxaa xal ah, oo aanay noqon, Sh. Shariif caydiisa…

    Marka raga ka soo hor jeeda heshiiskii jabuuti waxa ku habboon inay heshiis kale oo macquul ah keenaan, dagaalna aan lagu deg-degin. Dadkii shaley loo doortay inay hooggaamiyaan Maxkamadahana aan la durin (Allah wuxu yiri: “Malaha qaarkii waa denbi”). Marka maxaa xal ah???

  6. xasan nasrulllah says:

    wiil waal iyo Waraabe Yere aad ayey mar walba u faafiyaan dicaayadooda raqiiska ah oo ay ku caynayaan islaamka iyo mujaahidiinta karun sheegtay isla markana ay ku amaanayaan nimanka ka daalay wadadii alle faray oo u hilowsan in gaalo ka badan ku wii dadka halaagay lakeeno waxan u sheegayaa ragan in ay ALLah uga baqaan waxa ay sheegayan oo ay daayaan dacwada jaahiliga ah.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Saraakiisha Ciidamada MMIS ee Gobolada Dhexe oo Qaadacay Heshiiska Djibouti
  2. Gudiga Gaadiidleeyda Banaadir oo Sheegay in ay dib uga Hawlgali doonaan Dekadda Muqdisho
  3. Gudiga Culimada Musaalaxada & Sixida oo Bayaan ka soo saaray Xaalada Dalka
  4. Xasan Daahir Maxamuud “Af-Qurac” oo sheegay in aan waxba laga badalayn gudiga uu Cadde Muuse soo dhisay
  5. DKMG ah:- Caqabado baa hor yaala Fulinta Heshiiska Djibouti

Latest Headlines