Baadigoob: Hoggaamiyayaashii hore ee Soomaaliya

بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيْمِ الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ
والصَّلاةُ والسَّلامُ عَلَى نَبِيّناْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ أجْمَعِيْنَ.

Qalinkii Saciid Cali Shire
(saidshire@hotmail.com)

Ma bedelento taariikhdu in aad bi’iso mooyaane
Haddii aad bar goysana in ay bayrto haw filine
Bog haddaad rogtaba baal kalay kaaga soo bixiye
Khaalid Cali Guul

Qormadan koobani, waxay ka mid tahay, buug idanka Eebe, dhowaan soo bixi doona oo ka hadlaya ‘hoggaaminta’. Laba arrimood ayaa keenay in aan qaar ka mid ah qormooyinka buuggaas soo hormariyo: midi waxay la xiriirtaa muuqaalada khaldan ee laga sheego hoggaamiyayaashii ka soo if-baxay geyiga Soomaalida; midda kalena waxay la xiriirtaa tusaalaha khaldan ee hoggaanka Soomaalida ee maantu la hortaagan yahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinta soo koraysa. Waxaan isleeyahay, qoraalkani, wuxuu niyad dhis iyo qalbi noolayn u noqonayaa inta ku naruuroonaysa in ay dib u harsadaan geedkii awoowayaashood u abuureen. Sidoo kale, waxaan rajaynayaa in qormadaani raadraac u noqoto kooxaha jihooyinka khaldan ka raadinaya hoggaaminta.
Sida, qoraaga weyn ee caanka ah, Khaalid Cali Guul, inaku dareensiiyey tixda aan ku fur-furtay qoraalkan, taariikhda waa la bi’iyaa, laakiin been lagama sheego. Hadaba, markaan rabno in aan fahano hoggaamiyayaashii hore ee dhulka Soomaalida , waxa muhiim ah in aan fahano in aan ka hadlayno, umad xadaarad qadiim ah, oo soo jireen ah leh, ee aynaan ka hadlayn ummad ama sida dadka qaarkiis yiraahdaan ‘cawaan ah’ ama ‘shalay dhalatay’. Si aan u fududeeyo fahanka hoggaamiyayaashii soo maray Soomaaliya, sadex qaybood ayaan u qaybinayaa taariikhda sugan ee laga hayo hoggaamiyayaashaas: Sebenkii ka horeeyey Islaamka; sebenkii Islaamka; iyo sebenkii gumaysiga.

Hoggaamiyayaashii Soomaaliya: sebenkii Islaamka hortiis

Sida, kaydiyayaasha taariikhda Soomaalidu soo guuriyaan, Soomaalidu waxay leedahay taariikh fac weyn oo kumanaan sano gaaraysa. Kaydiyayaashaas qaarkood, tusaale ahaan, Aw-Jaamac Cumar Ciise, wuxuu ururiyey taariikh gaaraysa ilaa 8000 oo sano . Warsame (2003), buuggiisa ‘Taxanihii Taariikhda Soomaaliyeed’ wuxuu ku xusay in uu hayo taariikh sare u dhaafaysa 5000 oo sano. Raggaas, markaad dhegaysatid, ama aad buugtooda akhrido, waxad dareemaysaa in Soomaalidu leedahay xadaarad la fac ah xadaaradihii Masaarida, Roomaanka, Shiinaha iyo Faaris. Xaddaaradahaas qaarkood, Soomaalida waxay lahaayeen xiriir ganacsi, tusaale ahaan, Xadaaradii Faraaciinta, Faaris iyo Shiinaha; qaarkale waxaa ka dhexeeyey tartan ganacsi, sida Xaddaaradii Giriiga, siiba waqtigii Hirodot. Qaarkalena waxaaba dhexmaray dagaalo. Tusaale ahaan, duulaankii Faaris ku qabsatay Yaman oo ujeedadiisu ahayd in ay qabsato dhulkii uduga (Soomaaliya), waxa dagaal ba’an la galay, guul darona dhabarka u saaray halyeyo Soomaali ah. Markay dagaalkii ku guuldaraysteen, ayaa boqorkii Faaris waqtigaas ka ariminayey, oo la oran jiray Tarsibi, kuna aadannaa 292-302 ka hor dhalashadii Nabi Ciise, waxaa khasab ku noqotay in uu heshiis ganacsi la galo mid ka mid ah suldaanadii Geeska Afrika. Suldaankaas oo la oran jiray Suldaan Wiriiri, boqorkii Faaris, markuu geesinimadiisa, waxgaradnimadiisa iyo hoggaamintiisa la yaabay wuxuu u bixiyey ‘Shah Afrik’ ama ‘Boqorkii Afrika’. Rag badan oo Warsame (2003) ka mid yahay, waxay soo guuriyaan in xarunta boqor Wiriiri xilligaas ahayd meesha maanta loo yaqaan Laas Qoray.
Dadka taariikhdaas leh, waxan muran ku jirin in ay ka soo dhex baxeen ama soo mareen hoggaamiyayaal fara badan oo la mid ah Suldaan Wiriiri oo magac iyo maamuus adduunka ku lahaa. Raadadka hoggaamiyayaashaas qaarkood waxa laga helayaa gudaha Soomaaliya, qaar waxa laga helayaa raadad qadiim ah oo laga helay Ahraamta Masar, qaarna qoraallada badmareenadii soo maray Soomaaliya. Haddaan ku hormarno dhanka Faraaciinta iyo Masar, waxaad arkaysaa in, Haramka (pyramid) ugu weyn ahraamta Masar oo uu dhisay Boqorkii Khoofow sanadkii 2589-2504 ka hor dhalashadii Nebi Ciise, lagu sawiray nin Soomaali ah oo la oran jiray Haratiisi (amiir-al-baxr). Amiirkaas Soomaaliga ahi wuxuu dhinac taagan yahay wiilkii boqorka. Looxad hirograafiyad ah oo taala Madxafka Quseyr ayaa waxa sidoo kale ku sawiran Boqor Barxo (Boqorkii Dhulka Uduga) iyo xaaskiisii oo soo dhowaynaya wafdi balaaran oo uu soo diray Boqor Amuun sanadkii 1920 ka hor dhalashadii Nebi Ciise. Marsadii waftigaasi tegey, Warsame (2003), wuxuu ku qiyaasay in ay ahayd Olog oo u dhexaysa Caluula iyo Raasicasayr. Shiinayskii hore, waxay iyana ka tageen qoraalo muujinaya in Soomaalidu lahayd hoggaamiyayaal iyo xaddaarad aan ka dhicin kuwii Shiinaha ee casrigaas. Tusaale ahaan, Boqortooyadii Sinj ee Bakiin waxay qortay in Fen Sik oo ahaa badmareen Shiinays ah uu tegey Muqdisho uuna aad ula dhacay qaabdhismeedka magaaladaas. Sidoo kale waxa la hayaa raadad xoog badan oo muujiya in wefti Soomaali ahi tageen magaalada Bekiin xili ku aadan 1416-1818.
Taariikhdaas fog, Soomaalidu waxay ku jirtay meelaha yare ee caanka ku ahayaa soo dhowaynta dadka dhibaataysan (qaxootiga) iyo magan-gelinta dadka naftooda iyo ehelkooda ula soo qaxa arrimo siyaasadeed. Sifooyinkaasna, waxa xiliyadaas caan ku ahaa dhulka ay hoggaamiyaan rag caan ku ah hoggaan wannaag. Tusaale ahaan, markay burburtay boqortooyadii Saba ee dalka Yaman, waxa la wariyaa in dad badan oo reer Saba ihi magangeliyo u soo aadeen Soomaaliya. Sidoo kale, waxa taariikhdu sugtay in dad reer Faaris (Iiraan) ihi qaxooti u yimaadeen Soomaaliya ka dib markii dhulgariir ka dhacay Shiiraas sanadihii 976-978. Dadka magangeliyada u imaanaya Soomaaliya kuma koobnayn xilligaas oo kaliya, xataa waqtigii Islaamka, dad badan oo magangeliyo doon ah ayaa u soo hijrooday Soomaaliya. Tusaale ahaan, Saleebaan Al-Jalandiin iyo walaalkiis Saciid Al-Jalandiini oo xukumay dalka Cumaan xilligii Cabdilmaalik bin Marwaan, waxay u soo qaxeen Soomaaliya, ka dib markay isku dhaceen qaar ka mid ah xaashiyadii Khilaafadii Umawiyiinta. Raggaas iyo ehelkoodii waxay degeen magaalada Muqdisho iyo Marka. Waxa isla xilliyadaas u soo qaxay Soomaaliya dad badan oo ku abtirsada Seyd binu Cali, ka dib markii la dilay Seyd, sanadkii 122 H.
Muran kama taagna in dalka magangeliyo siiyey dad isugu jira Amiiro, Xukaam, Siyaasiyiin, iyo dad tabaalaysan uu lahaa: hoggaan caadil ah, nidaam maamul oo cilmiyaysan, awood ciidan iyo kala danbayn. Waxaan sidoo kale shaki ku jirin in adduunka oo dhan laga yaqaaney. Waxase la is waydiin karaa, maxay ku xusheen Soomaaliya. Xulashada dadkaasi xusheen Soomaaliya, laba arrimoodba waa lagu fasiri karaa: (1) in hoggaanka Soomaalidu caan ku ahaa caddaalad iyo marti soor; iyo (2) in ay xiriir qoto dheer oo saaxiibtinimo la lahaayeen ammiirada iyo bulshadaas u soo qaxay Soomaaliya.
Buugga la yiraahdo ‘Beriblos of the Eriterian sea’ ama ‘Socdaalkii Badda Eriteria’ oo uu qoray nin Giriig ah oo badmareen ah, xilligii Roomaanku qabsaday Masar iyo Yaman, markuu ka waramayo magaalooyinkii ku yaalay xeebaha Soomaaliya ee uu maray, wuxuu tilmaamaa in magaalkooyinkaasi aad u camirnaayeen, ganacsi baaxad balaaranina ka socday. Wuxuu sidoo kale tilmaamaa in nabadgeliyo iyo kala danbayn ka muuqatay magaalooyinkaas.
Raadadka ilaa maanta muuqda, markhaantigana u noqday hannaan wannaaga hogaaminta Soomaalida, waa waxa Soomaalidu u taqaan ‘taalada’. Warsame (2003) taalooyinka wuxuu u kala saaray sadex nooc. Taalooyinka qaar waxay ahaayeen qubuuro loo dhiso madaxda sare sida boqorada iyo salaadiinta. Taalooyinkaas oo aad u soo shabaha Ahraamta, waxa ka mid ah taalada ‘Gasamuge’ oo u dhexaysa Eyl iyo Bayla. Nooca labaad oo taalooyinka ah waxay badanaa ku yaalaan buuraha korkooda, waxana la aaminsan yahay in loo isticmaali jiray qubuuro. Meelaha qaarkood waxaa la yiraahdaa waxa lagu arjumay ‘Tiiri’. Taalooyinka nooca sadexaad, oo sidaan gadaal ku arki doono, aad ugu baahsan meelo ka mid ah Soomaaliya, waxa lagu kala dooran jiray hoggaamiyayaasha.
Inta aynaan u gudbin sida taalooyinka loogu dooran jirey hoggaamiyeyaasha, aan waxoogaa idinla wadaago sida sebenkaas Soomaalidu hoggaamiyayaasha u dooran jireen. Dhulka Soomaalidu wuxuu u qaybsanaa labo: miyi iyo magaalo. Magaalooyinka xoogoodu waxay ku teedsanaayeen xeebaha. Magaalooyinka waxaa xukumay Suldaano. Dhinaca baadiyaha, waxa la sheegaa in marka reerka ‘dab’ gaaro ay dooran jireen hoggaamiye. ‘Dab’ waa koox ‘xeryo’ ah oo isugu xiran qaab isbahaysi oo leh siyaasad istaraatiiji ah. ‘Xero; waa dhowr beelood oo isku xudduud ah. ‘Beeshuna’ waa dhowr degsiimo. Degaamada qaarkood qofka ugu weyn ayay hoggaamiye u dooran jireen; meelo qofka ugu dagaal yahansan; meelo qofka ugu xikmada badan; meelo qofka ugu xoolaha badan; meelo qofka ugu wiilasha badan; meelana qofka ugu mucjisooyinka badan. Arinta danbe, wali waxay ka jirtaa meelo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto ee Xeebta Jabuuti. Degaanadaas marka Suldaan la dooranayo waxa la yiraahdaa ‘waa in mucjiso lagaa arko’.
Beddelaadda hoggaamiyuhu waxay ku imaan jirtay dhowr xaaladood midkood: inqilaab, in uu iskiis xukunka uga fariisto, in uu dhinto. In kastoo hoggaamiyuhu ka dardaarmi jiray qofka xukunka sii qabanaya haduu geeriyooda, haddana waxa marmar dhici jirtay marmar in hoggaamiyuhu ama ‘mawtul qafla’ ku dhinto ama wiilashuu ka tegey isaga tanaasuli waayaan xukunka. Meelaha qaarkood, waxaa ka jiray gudi guurto ah oo xallisa khilaafaadka noocaas ah. Tusaale ahaan, Warsame (2003) wuxuu soo guuriyaa sheeko ka dhacday degaanka Dudub oo ka tirsan dhulka Ciid loo yaqaan. Sheekadaasi waxay ka dhex dhacday laba wiil oo walaalo ah oo la kala oran jiray Dhiido iyo Waraab. Labadaas wiil, oo adeerkood xukunka ka dhaxlay, si loo kala saaro, waxaa la marsiiyey tijaabooyin fara badan. Waxyaabaha lagu tartansiiyey waxa ka mid ahaa: deeqsinimada, goob-ka-hadalnimada, geesinimada, burjiga, dulqaadka, iyo qaabdhaqanka. Markii arrimahaas lagu kala saari waayey, ayaa waxa lagu xujeeyey in mid waliba soo qabto biciid nool oo aan gees iyo addin toona jabnayn. Meesha lagu balamiyey waxay ahayd buurta maanta loo yaqaan ‘Biciid la saar’. Maalintii balantu ahayd ayaa labadii wiilba keeneen biciid aan gees iyo lug toona jabnayn. Waxa u danbeeya oo dadka lagu kala saaro wuxuu ahaa wax loo yaqaaney ‘dhagax tuur’. Maalin ayaa dadka la balamin jiray, dadkana waxa laga dalbi jiray in qof kasta hore u soo qaato hal dhagax. Marka goobta la yimaado, ayaa la calaamadin jiray laba meelood. Markaas ayaa qof walba la dhihi jiray qofkaad dooranayso ‘dhaga-u-tuur’. Ama haddaan luuqada maanta ku hadalno ‘u codee’. Marka dhagax tuuridu dhamaato, ayaa guddigu fiirin jireen ninka taaladiisu dheertahay ama haddaan isticmaalno luqadda casrigaan ‘codadka badan helay’. Sheekadaasi waxay ku afjarantaa in Dhiido cod batay, uu meeshii ceel ka qoday, ilaa maantana ‘taalooyinkiina’ meeshii ka taagan yihiin, ceelkiina isagoon biyo lahayn oo guray meeshii ka qodan yahay. Taalooyinka kale ee caanka ka ah Soomaaliya ayna u badan tahay in laba hoggaamiye lagu kala saaray (doortay) waxa ka mid ah: Uuri iyo Shadeemi oo Qardho waqooyi ka xigta; Shiraar iyo Mooqaal oo Ayl waqooyi ka xigta; Muqle iyo Gaaftire oo Garoowe bari ka xiga; Kacaye iyo Gabayre oo Taleex bari ka xiga.

Hoggaamiyayaashii Soomaalida: sebenkii Islaamka

Haddaan hoggaamiyayaashii Soomaaliya soo maray Islaamka hortiis ku tilmaamnay: geesiyaal, waxgarad, dagaalyahano, diblomaasiyiin, deeqsiyaal, akhyaar, goob-ka-hadal, niman eebe siiyay xikmad iyo garaad, sidee bay noqdeen markii Islaamku soo ifbaxay. Rasuulka (SCW) waxa laga wariyey xadiis micnihiisu yahay ‘qofkii idiinku akhyaarsanaa xilligii jaahiliyadda (Islaamka hortiis), ayaa idiinku akhyaarsanaanaya markuu Islaamo, haddii la waafajiyo’. Mahad Eebe, markii Islaamku soo gaaray dhulka Soomaalida, dhamaan hoggaamiyayaashii Soomaalidu, waxay qaateen diinta Islaamka. Sida dad badan oo taariikh-yahana ihi suggeena, Islaamku wuxuu soo gaaray Soomaaliya intuusan gaarin Madiina. Hoggaamiyayaashii Soomaalida ee lahaa sifooyinkaas aadka u wannaagsan, Islaamku wuxuu u kordhiyey cisso iyo sharaf.
Qoraalada taabagalka ah ee tilmaamaya taariikhda baaxadda weyn ee hoggaamiyayaashii Soomaalida markii Islaamku soo baxay waa tiro badan yihiin. Qoraalada ugu badana waxaa sameeyey badmareeno Muslimiin ah oo maray xeebaha Soomaaliya. Badmareenadaas waxaa ka mid ah: Al-Mascuudi (957), Al-Bakri (1065), Al-Idiriisi (1154), Yaaquut al-Xamawi (1228), iyo Ibn-Baduuda (1331). Badmareenadaasi, dhamaan waxay isku raaceen in magaalooyinkii ku yaala xeebaha Soomaalidu ahaayeen magaalooyin bilicsan (si fiican loo dhisay), nabageliyo buuxda ka jirto, ganacsi xoog badanina ka socdo. Tusaale ahaan, Ibn-Baduuda oo ka waramaya heerka uu gaarsiisanaa maamulka magaalooyinkaas wuxuu buuggiisa ku qoray: ‘doonyuhu markay yimaadaan marsada, waxa u imaan jiray askar naakhuudaha waydiisa meesha doonta laga leeyahay, meesha doontu ka timid, waxa doontu sido iyo meesha ay u socoto’.
Dadka maray xeebaha Soomaaliya oo aad ula dhacay maamul wannaaga magaalooyinkii ku teedsanaa xeebaha Soomaaliya waxa ka mid ahaa Yaxye Bin Cumar al-Cansi oo ahaa wasiir ka socday dawladii Jacfar Cabdalla Al-Mansuur (136-158 H). Yaxye wuxuu maray dhamaan xeebaha Soomaaliya oo dhan. Wuxuu safarkiisa ka soo bilaabay Badda Cas (Caqaba ilaa Baabul-mandab), ka dibna wuxuu uga gudbay Badwaynta Hindiya (Xaafuun ilaa Mombasa). Wasiirkaasi wuxuu sheegay in magaalooyinkuu tegey ay ka muuqatay deganaansho, amni, ganacsi baaxad leh, iyo ku dhaqan Diinta Islaamka.
Dadka hoggaamiyayaasha ah ee aad looga yiqiin dhulka Soomaaliya xilligii diinta Islaamku ku fidaysay dhulka Soomaaliya waxa ka mid ahaa Suldaan Waleenba oo xukumay Caluula. Waxa la weriyaa in markii Suldaankaasi muslimay dhamaan dadkii oo dhami qaateen diinta islaamka.
Maggaalo kasta oo diinta Islaamku gaartay waxa u siyaadisay sharaf iyo ciso. Magaalooyinkii markii hore caanka ku ahaa ganacsiga ayaa isu bedelay xarumo cilmo iyo aqoon. Xarumahaasi waxay soo jiiteen culimo magac ku lahaa dunnida Islaamka. Tusaale ahaan, buugga Al-Islaam fil Sharqi Ifriiqiya, ee uu qoray Cabdiraxmaan Saki, wuxuu soo guuriyey in ay dunnida Islaamka oo dhan ka jireen 12 magaalo oo caan ku ah barashada tacliinta Islaamka, todoba ka mid ihina ku yaaleen Badda Cas. Sida rag badani qiyaasaan, ugu yaraan sadex ka mid ah magaalooyinkaasi waxay ku yaaleen dhulka Soomaalida. Imaaradaha caanka ah ee Soomaalidu ka talinaysay waxay dhamaayeen todoba. Waxa ugu baaxad weynaa, uguna qadiimsanaa, Imaaraddii Ifad oo xarunteedu ahayd Jebertiya. Imaaradaha kale waxaa ka mid ahaa: Dawaaro, Arabiti, Hadiya, Sharkha, Baali, iyo Daarat. Imaaradahaas qaarkood waxay xukumeen dhul ku fadhiga 300,000 km2. Hoggaamiyayaashii imaaradahaas xukumay oo dhamaantood Soomaali ahaayeen, waxa ugu waqti dheeraa Suldanadii la baxday ‘Saldanatu Cadal’. Saldanadaas oo uu bilaabay Suldaan Cumar Walasmac Danyeexaar, Suldaankii Ifad, sida uu qoray Ibnu Fadlilaah (1345), saldanadaasi waxay soo bilaabmatay sanadku markuu ahaa 680 H (oo ku aadan 1250 M). Saldanadaasi waxay soo af-jarantay markii Suldaan Amiir Maxamed Cali Cabdishakuur lagu dilay magaalada Harar 19 Oktoobar 1875tii.
Hoggaamiyayaashii ka soo dhexbaxay Soomaaliya casrigii Jihaadka waxa ka mid ahaa Imaam Axmed Ibraahim Al-Qaasi (Axmed Gurey). Kutubta xustay Imaamku aad bay u fara badan yihiin waxaana ka mid ah: Tuxfatu Samaan; Shahaabudiin Axmed bin-Cabdulqaadir, kitaabkiisa Carab Fiqhi; iyo Shahaabudiin Arsalaani, kitaabkiisa Xaadirul Caalimul Islaam; iyo kutub kale oo fara badan. Qorayaashaasi dhamaan waxay Axmed Gurey ku tilmaaman hoggaamiye geesi ah, garaad badan, dagaal yahan ah, Eebena ku manaystay xikmad iyo cilmi. Axmed Guray, Eebe ha u naxariistee, wuxuu ku dhashay magaalada Harar sanadkii 1492 miilaadiga, wuxuu wax ku bartay Harar iyo Saylac, oo markaas ka mid ahaa xarumaha cilmiga kuwii ugu waaweynaa caalamka. Mac-rakaada ugu taariikhda dheer guud ahaan taariikhda Soomaalida, gaar ahaan kuwii casrigii Axmed Guray waxaa ka mid ah macrakadii Sunburkuuri. Macrakadaas waxa ciidanka Xabashidu ahaa 200,000 (laba boqol oo kun) waxayna wateen 16 kun oo faras. Macrakadaas, waxa Amxaarada lagaga dilay 10,000 oo nin iyo 114 badriiq. Hoggaamiyayaasha kale oo macrakadaas ka qayb galay kutubta taariikhduna xusto waxa ka mid ahaa: Suldaan Maxamed Suldaan Cali, Shiikh Anis Sheekh Shakiib Cabdiwahaab, Amiir Xusseen Jartari, Amiir Saxarabawi Maxamed, Farshaxan Suldaan, Shiikh Daawuud, Garaad Cusmaan Bin Jawhar.Markuu geeriyooday Amiir Axmed Guray, waxaa calankii jihaadka qaaday Amiir Nuur Mujaahid.
Sida laga dhadhansanayo taariikhdaas malabka ah, hoggaamiyayaashu waxay ahaayeen niman ku xeel dheeraaday aqoonta diinta Islaamka iyo tan dagaalka labadaba. Waxay ahaayeen niman garaadkoodu aad u sareeyo, abbaabulka ciidamada iyo maaraynta shacabka labadaba ku fiican. Waxay ahaayeen rag hiraal iyo han sare eebe ku manaystay.
Waxaa iyana xusid mudan, in maaddaama Soomaalidu qayb ka ahayd khilaafooyinkii Islaamka, ay jireen hoggaamiyayaal Soomaaliyeed jagooyin muhiim ah ka soo qabtay xarrumihii khilaafooyinkaas. Tusaale ahaan, waxa la hayaa raadad muujinaya in hoggaankii sare ee ciidankii furtay Andulus rag Soomaali ahi ka mid ahaayeen. Raadka ugu weyn ee aan dul istaagay intaan baarayey hoggaamiyayaashii hore ee Soomaalida waa qabriga Sayid Saciid Al-Xabashi oo haystay ciidamadii Islaamka ee gobolka Gujarat, Hindiya. Sayid Saciid oo ahaa abaanduulihii ciidamada Islaamka ee gobolkaas wuxuu ahaa khabiir caan ku ah culuunta dagaalka, wuxuu sidoo kale ahaa aqoon yahan. Raadka ugu weyn ee muujinaya arrintaas waa maktabada weyn ee Sayid Saciid ka dhisay geyigaas bilowgii qarnigii 8aad.

Hoggaamiyayaashii Soomaaliya: sebenkii gumaysiga

Haddaan u soo gudubno sabankii gumaysiga. Sebenkaasi waa seben tiiraanyo badan, waayo, Soomaaliya waxaa isu kaashaday quwadihii adduunka ugu waaweynaa. Sida gumaystaha iyo gumeyste kalkaalku fidiyaan, Soomaaliya ma ahayn meel sahal lagu qabsaday ama meel gumaysiga caleemo qoyan lagaga soo dhoweeyey. Dagaalka gumaystuhu ku qabsaday Soomaaliya wuxuu socday mudo ku siman 400 oo sano. Mudadaas oo ku soo beegantay xilligii ay sii wiiqmaysay Khilaafadii Islaamku, halyeyo iyo hoggaamiyayaal Soomaaliyeed ayaa bad iyo berriba ku hortaagnaa gumaysiga gayiga Soomaaliya.
Sidaan hore ku soo xusnay, damaca gumaysiga reer Yurub ee dhulka Soomaaliya, ma aha mid dhowaan bilaabmay. Waxaan sare ku soo xusnay in Soomaalidu la dagaalameen dibna isaga riixeen Giriigii. Waxaa sidoo kale la hayaa raadad muujinaya in ay la dagaalameen dibna isaga riixeen Roomaankii. Xilligaas, Saldanadihii Soomaalidu waxay ku yaaleen meelo istaraatiiji ah, waxay sidoo kale lahaayeen doonyo dagaal iyo ciidan bad oo xoog badan. Boqortooyooyinkii reer Yurub, iyagoo dhinacna ka aargoosanaya khasaarooyinkii Soomaalidu u gaysteen awoowayaashood, dhinacna garab siinaya boqortooyadii Amxaarada ee Kirishtaanka ahayd ayaa Soomaaliya laga soo weeraray jiho kasta. Dhinaca dhulka, waxaa boqortooyooyinkii reer Yurub siiyeen garab isugu jira hub, khubaro, iyo saad Boqortooyadii daba dhilifka ahayd ee Xabashida. Xabashidu iyagoo ka faa’iidaysanaaya garab istaagaas ayay Soomaalida ka soo riixeen dhanka dhulka. Dagaalkaas oo ka soo bilaabmay meelo ka koreeya buuralayda magaalada Adis, wuxuu aakhirkii soo gaaray qalbigii xaddaarada Islaamka iyo Soomaalida, Harar.
Dhinaca badda, Vasko Da Gama, badmareenkii Bortiqiiska ahaa, ayaa la aaminsan yahay in uu sahan u ahaa gumaysiga reer Yurub. Vasko Da Gama wuxuu isku dayey in uu qabsado Magaalada Muqdisho sandkii 1499, laakiin markii ay u suurtoobi wayday ayuu madaafiic ku garaacay. Xilligaas, Vasko wuxuu muqdisho ku tilmaamay magaalo aad u camiran, qurux badan oo saro dhaadheer oo ilaa afar dabaq ah iyo manaarado dhaadheer ka taagnaayeen. Duwarto Borbosa, oo isna ahaa badmareen Bortiqiis ah, ayaa markii danbe Muqdisho ku soo galay si nabad ah isagoo isku ekaysiiyey ganacsade, sanadkii 1500. Ninkaasi markuu ka waramayey Muqdisho, wuxuu sheegay in xilligaas Muqdisho uu xukumay boqor la oran jirey Boqor-Re. Wuxuu cadeeyey in dadkaasi ku hadlayeen luqad gaar u ah, laakiin wax lagu qori jiray luqada carabiga. Markuu ka hadlayey dhanka dagaalka, wuxuu sheegay in Soomaalidu yihiin geesiyaal aan baqdin aqoon oo dagaal yahan ah. Waxay ku qalabaysan yihiin ayuu yiri falaaro sumaysan oo qofkay ku dhacdo naftu kaga baxayso daqiiqado. Wuxuu sidoo kale ninkaasi aad u ammaanay abaanduulayaasha ciidamada oo uu ku tilmaamay niman ku xeel dheeraaday tabaha dagaalka.
Afanso D’Albuque oo ahaa hoggaamiyihii ciidanka Badda ee Bortiqiiska ayaa la rumaysan yahay in uu ahaa ninkii u horeeyey ee cagaha soo dhiga dhul Soomaali. Ninkaas iyo ciidankiisu waxay qabsadeen jasiirada Suqadara qiyaastii 1507. Markay arkeen in aysan magaalada sii haysan karin, ayaa nimankaasi fal fool xun oo boob iyo bur-burin isugu jirta u geysteen magaaladaas, ka dibna waa ka carareen. Dagaaladii isdaba joogay ee lagu hayey ciidankii badda ee Soomaalida ayaa wiiqay awoodii difaac ee ciidankaas. Taasina waxay keentay in Afanso uu duqeeyo, dhamaan magaalooyinkii ku teedsanaa Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ama inta u dhexaysa Baraawe ilaa Saylac.
Duulaankii gumaysigu qayb ahaan, dhanka dhulka, waa ku guulaysteen, waxay dumiyeen xarumihii cilmige ee Harar, masaajidadii waxay u bedeleen kaniisado, culimadii iyo hoggaamiyayaashiina waxna waa laayeen, waxna firxad ayaa midba meel ka dhacay. Tusaale ahaan, waxa kutub badani werisaa in hal maalin magaalada Harar Saliibiyiintu ku gawraceen culimo sare u dhaafaysa 300 sheekh oo midwalba hayey xer fara badan. Xaaji Aadan Af-Qalooc oo ka waramaya wuxuu yiri ‘Sadex boqol ka badan cillimadii suuqa Harar tiille; iyagoo salad jamac galaad seef ku mariseena’.
Dhinaca badda, in kastoo ciidanka Bortiqiisku u geystey burburin iyo baro kicin dhamaan magaalooyinkii waaweynaa ee xeebaha Soomaaliya, hoos u dhac weynina ku yimid magacii iyo martabadii ay lahaayeen, haddana, magaalooyinkaas qaarkood mar kale ayay dib u soo noolaadeen. Tusaale ahaan, Carlo Guliyaano oo 1846-1848 lugta mariyey qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee ku yaala xeebaha Soomaaliya sida Xaafuun, Muqdisho, Marka iyo Baraawe, wuxuu sheegay in magaalooyinkaas ay wali ka jireen xukun. Sidoo kale, Sir Richard Burton oo ahaa jaajuus Ingiriisi ah wuxuu cagta mariyey magaalooyinka Seylac ilaa Harar sanadkii 1854. Buuggiisa ‘First foot step of East Africa’ wuxuu ku andacooday in uu ahaa ninkii u horeeyey ee Reer Yurub ah oo cagaha dhiga dhulka Soomaaliya ee aan xeebaha ahayn. Mar ninkaasi ka waramayey heerka aqoonta caafimaadka ee Soomaalidu gaarsiisnaa, wuxuu sheegay in Soomaalidu taqaaney in cudurka Duumada, kaneecadu keento. Haddaanan khaldanayn tobaneeyo sano ka bacdi ayaa reer Yurub ogaadeen arrintaas. Dhinaca xikmada markuu ka hadlayey wuxuu yiri 10-kii qof ee Soomaali ah shan baa gabayda. Dhinaca ciidanka markuu ka hadlayey ragga Soomaalida dhamaan wuxuu ku tilmaamay dagaal yahan, farda fuul ah, nooc kasta oo hub yahayna ku dagaalami yaqaan. Georgo Rafaelo oo faransiis ahaa ayaa isna ku jiray raggii gumaystaha u sahamiyey dhulka Soomaaliya. Ninkaas oo maray meelo badan oo bad iyo berri isugu jira wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay, dhanka xadaarada iyo dhismayaasha taariikhiga ah, Masartii labaad.
Markii ciidankii reer Yurub ka quusteen in ay galaan dhulka Soomaaliya ayaa Ingiriisku wuxuu ciidan ka abaabulay waddanka Masar. Ciidankaas waxa hoggaaminayey Maxamed Rawf Baashaa. Ciidankaasi markay tageen Harar, waa la soo dhoweeyey, waxayna u sheegeen suldaankii xukumay Harar in ay u yimaadeen in ay xoojiyaan jihaadka lagula jiro Amxaarada. Nasiib daro, waxay ahaayeen rag calooshood u shaqaystayaal ah, oo hoosaasinayey hoggaankii Soomaalida. Ciidankii Masaaridu waxay magaalada Harar ku dileen Suldaan Amiir Maxamed binu Cabdi Shakuur 11 Oktober 1875-tii. Sadex sano guduhoodna waxay Masaaridu ku wareejisay Ingiriiska dhamaan magaalooyinkii Soomaalida.
Dhinaca Muqdisho, waxay waligeed ahayd magaalo ay xukumaan hoggaamiyayaal Soomaali ah. Markii u horaysay oo magaaladaas ay gacanta u gasho hoggaamiye aan Soomaali ahayn waxay ahayd 1807, xilligaas oo Saciid Barqash, Suldaankii Sansibaar, oo kaashanaya ciidamo Ingiriis ahi ay soo galeen lana dagaalameen ilaa ay markii danbe ka itaal roonaadeen Imaam Cumar Hilwole. Akhristow, ku baraarug, in Muqdisho waligeed ahayd magaalo Soomaali. Qoraalada ku dooda in ay ahayd magaalo carbeedna ay tahay taariikh aan waxba ka jirin. Saldanadii Siciid Barqash waxay Muqdisho ka talinaysay 90 sano oo kaliya, muddaddaasna waxay bara kicin iyo bur-burin. Waxa la weriyaa in ay dhamaan dadkii Soomaalida ahaa ee kumanaanka sano deganaa magaaladaas ka baro kiciyeen, guryihiina ka eryeen. Markii danbena waxayba ka gateen Talyaaniga.
Dhinaca Xeebta Jabuuti, Faransiisku isagoo welwel ka qaba fariisinka Ingiriisku ka samaystay Cadan, ayuu sahamo aan kala go’ lahayn u soo diray magaalooyinka Saylac, Jabuuti iyo Musawac. Xilliga sahamadaas Faransiisku ku doonayey in ay degaan ku yeeshaan xeebaha Badda Cas ee Soomaaliya bilaabmatay waxa lagu qiyaasaa 1826-dii. Raggii la soo diray waxa ka mid ahaa Kambi iyo Roceyo Diricar. 1858-dii ayaa Faransiisku dardar geliyey danayntii uu danaynayey in uu fariisin ku yeesho dhulka Soomaalida. Faransiisku xilligaas wuxuu soo diray wafdi ballaaran oo soo maray magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Tojorra. Faransiisku wuxuu heshiis la galay cuqaashii Denkeliga. Heshiiskaas wuxuu qorayey in Faransiisku ilaaliyo Obokh ilaa Musawac.
Haddaan wax yar dib ugu noqono duulaankii Xabashidu ku soo qaaday magaalada Harar. Laba weji ayuu lahaa. Wajigii hore waxaa qabsaday ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo Masaari ah. Ciidankaasi waxay dileen Suldaankii, waxay kala eryeen ciidamadii, waxayna sir fara badan oo la xiriirta qaabka dagaalka Soomaalida u gudbiyeen Ingiriiska. Wajigii labaad, waxa uu isugu jiray Ingiriiska oo sir fara badan u gudbiyey Amxaarada iyo ta’kulayn ciidan oo quwadihii kale ee Kirishtaanku soo gaarsiiyeen Xabashida. Ugu horayn, ciidanka Xabashida waxa lagu qalabeeyey qalab military kii waqtigaas ugu casrisanaa adduunka. Tusaale ahaan, Warsame (2003) buuggiisa’Taxanaha Taariikhda Soomaalida’ mar uu ka sheekaynayo sida loo hubeeyey ciidankii Amxaarada wuxuu soo guuriyaa in 1885-1887 ciidanka Amxaarada loogu deeqay madaafiic, qoryo, seefo iyo rasaas aad u fara badan. Tusaale ahaan, Faransiisku wuxuu siiyey 24 madfac, 5800 oo qori iyo rasaastoodii;Talyaanigu wuxuu isla sanadkaas ugu deeqay Boqor Mililik 5000 oo qori iyo saanad sare u dhaafaysa hal malyuun.
Weerarkii Xabashidu ku soo qaaday Harar wuxuu ku soo beegmay xilli Masaaridu khiyaamo dhabar jab ah ku samaysay Soomaalida. Maxamed Sabri wuxuu qoray ‘in Xabashidu aysan waligeed qabsan karteen Harar, haddaan Masaarida loo adeegsan’. Si kastaba ha ahaatee, markii ciidankii calooshiis u shaqaystaha ee Masaaridu ka baxeen Harar, dib ayaa ciidamadii Soomaalidu isu abaabuleen, waxayna jihaad aan mid la mid ah taariikhdu qorin la galeen ciidankii cadowga. Ciidankii Amxaaradu markay qabsadeen Harar waxay ka geysteen xasuuq aan mid la mid ihi taariikhda Afrika ka dhicin. Taariikhyahanada qaarkood waxay qiyaasaan in xasuuqii Baytul Maqdis Saliibiyiintu ka sameeyeen kaliya ka fool xumaa. Waxa taariikh-yahano badani qiyaasaan in Harar lagu gawracay dad sare u dhaafaya 20,000 oo qof.
In kastoo buuggaagta qaarkood qoraan in heshiis dhex maray qaar ka mid ah hoggaamiyayaashii Soomaalida iyo gumaystaha, haddana, waxa la xaqiijiyey in heshiisyada xoogoodu been abuur yihiin. Heshiisyada laga been sheego waxa ka mid ah, heshiiska la yiraahdo wuxuu dhex maray Talyaaniga iyo Suldaankii Hobyood; kan dhex maray Talyaaniga iyo Cuqaashii Siwaaqroon ee Xaafuun; kan dhexmaray Talyaaniga iyo Boqor Maxamuud Boqor Yuusuf, Suldaankii Majeerteen; kan dhexmaray Talyaaniga iyo Suldaankii Muqdisho; Talyaaniga iyo Suldaanadii Geledi iyo Wacdaan; Talyaaniga iyo Cuqaasha Tuni; Talyaaniga iyo Suldaankii Abgaal; Talyaaniga iyo Odayaashii Lafoole; Talyaaniga iyo Xaaji Cali Ciise; Talyaaniga iyo odayaashii Shiidke, Mubaarak iyo Jawhar. Taariikhda runta ahi waxa weeye in hoggaamiyayaashaas dhamaantood ka soo horjeesteen gumaysiga dagaal aan kala go’ lahayna la galeen, qaarkood ku shahiideen macrakooyinkaas, qaarna xabsiyadii gumaysiga. Ragga kale oo lagu been abuurto waxa ka mid ah Sheekh Ibraahim, Suldaankii Saylac; iyo Axmad Magan oo metelayey odayaashii NFD.
Markii gumaysigu qabsaday geyiga Soomaaliya, halgamayaa fara badan ayaa ka soo ifbaxay. Waxaa halgamayaashaas calanka ugu dheer taagtay, halgankii Daraawiishta oo uu hoggaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Mac-rakooyinkii ugu waaweynaa ee Daraawiishtu la galeen gumaysiga Ingiriiska waxa ka mid ahaa: Afbakayle, Caana Xarigle, Fardhidin, Eeragooye, Cagaarweyne, Gunburo, Daratoole, Berdaale, Jidaale, Jiidali, iyo Dulmadoobe.
Halganka Daraawiishtu kuma ekayn degaanada Waqooyi Barri oo kaliya ee Daraawiishtu waxay sidoo kale saldhig weyn ku lahaayeen magaalada Beledweyn. Daraawiishtu qalcado caan ah oo la kala oran jiray Lamagalay iyo Irda Aamin ayay ku lahaayeen magaaladaas, abaanduulahoodana wuxuu ahaa halyey caanka ah oo la oran jiray ‘Cagadhiig’. Kacdoonadii ka dhacay degaankaas waxa ka mid ahaa kii uu hoggaaminayey ‘Indhaceel’ ee ka dhacay Gaala Karoor oo wax yar u jirta Buula Barde.
Halgankii Daraawiishtu wuxuu soo afjarmay ka dib markii ciidankii Ingiriisku cir iyo dhul ka weerareen xaruntii waynayd ee Daraawiishta, Taleex. Dagaalkaas oo socday mudo bil ku dhow waxaa ka qaybgalay diyaarado fara badan, gawaari gaashaaman, madaafiic nooc kasta leh, iyo ciidanka lugta oo tiradoodu sare u dhaafayso 10,000 oo askari. Soomaalidu waxay tiraahdaa, ‘libin waxaa ugu fiican mida cadawgaagu kuu qiro’, halgankii Sayidku wuxuu noqday halgankii u horeeyey ee gumayste cir, bad iyo berri intaba ka weeraro.
Sayidku, wuxuu Soomaalida uga tegey dardaaran mudan in biyo dahab ah lagu qoro, dardaaran mudan in qof kasta oo Soomaaliya xifdiyo, dardaaran mudan in caways kasta lagu af-bilowdo. Waxaa tuducyada gabaygaas ka mid ahaa:

Dadow maqal dabuubtaan ku oran ama dan ha u yeelin
Ama dhaha darooryiba jiryow doxorku yeelkiise
Nin ragey dardaaran u tahee doqon ha moogaado
Dawo lagama helo gaal haddaad daawa dhigataane
Waa idin dagaayaa kufriga aad u dabacdeene
Dirhamkuu idiin qubahayaad dib u go’aysaane
Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
Marka xiga daabaqadda yuu idin dareensiine
Marka xiga dalkuu idinku oran duunya dhaafsada e
Marka xiga dushuu idinka raran sida dameeraha e
Mar hadaan dushii Adariiyo Iimey dacal dhaafay
Maxaad igaga digataan beruu siin la soo degine

Dhinaca Saldanadii Majeereeniya iyo Saldanadii Hobyo, Talyaanigu wuxuu weerar bad iyo berri ah ku qaaday sanadkii 1917-dii. Markii u horaysay waxaa badda ka duqeeyey maraakiibtii dagaalka ee Talyaaniga. Waxay si naxarsii daro ah u duqeeyeen magaalooyin dhisnaa amin ku siman 3000 oo sano; magaalooyinkii awoowayaashood (Roomaankii) si kasta intay isugu dayeen geli kari waayeen. Ciidamadii Talyaanigu ku qabtay labadaas saladano xoogoodu waxay ahaayeen Talyaani, Carab iyo Eretriyaan. Waxaa kale oo jiray ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo Soomaali ah oo Talyaanigu u bixiyey ‘Duubcad’, ‘Baando’ iyo ‘Gogle’. Saldanadii Hobyo waxa Talyaanigu gacanta ku dhigay 1925-tii, Saldanadii Majeerteenyana 1927-dii. Waxa taariikhyahano fara badani isku raacsan yihiin in dagaalkii Talyaanigu ku qaaday Saldanada Majeerteenya ahaa dagaalkii ugu cuslaa ee dhexmara gumaysi iyo gumaysi diid. Dagaalkaasi wuxuu socday mudo 6 bilood ah.
Dhinaca Banaadir iyo Shabeelada Hoose waxa ka soo baxay halyeeyo qaadan waayay gumaysigii Talyaaniga. Kacdoonka Banaadir waxa hoggaaminayey Shiikh Xassan Barre, oo ka mid ahaa culimadii diinta. Dhinaca Shabeelada Hoosena waxa hoggaaminayey Shiikh Maxamuud Muumin, Maxamed Cumar, Maxamed Muuse Maxamed, Cali Maxamed Cumar Barrow iyo rag kale. Mac-rakooyinka taariikhdu aysan hilmaami karin waxa ka mid ahaa macrakadii Keli Asayle iyo macrakadii asbuuca ka socotay degaanka Afgooye. Waxaa la weriyaa in macrakada asbuuca ay Soomaalida kaga shahiideen rag sare u dhaafaya 1000 nin. Akhristow, haddaad rabto in aad qiimayso quwadda mujaahidiintaasi kala hortageen Talyaaniga, bal sawiro: Talyaaniga waxa lagu wareejiyey dhulka Soomaaliya 1888-dii, laakiin wuxuu qabsaday Magaalada Jawhar 1912-kii. Degaankii Saldanadii Hobyo 1925-tii, degaankii Saldanadii Majeerteeniyana 1927-dii.
Dhinaca NFD waxa kacdoonka hoggaaminayey Sheekh Cabdullaahi Mursal. Sheekh Cabdullaahi iyo mujaahidiintii la socday waxay Ingiriiska jiif iyo joog u diideen mudo 10 sano ah, ilaa markii danbe, gobolka NFD loo kala jarjaray magaalo magaalo, la saaray cunaqabatayn, ayna isu gudbi waayeen. Waxaa sidoo kale kacdoonkaas loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Taariikhyano dhowr ah ayaa qora in meelaha qaarkood sun lagu biifiyey (biological and chemical war).
Markii ay soo afjarmeen Saldanadii Daraawiishta, Saldanadii Majeereenya iyo Saldanadii Hobyo, waxa jihaadku intii muddo ah ka sii socday degaanadii Saldanadii Ximan iyo Ceelcad. Warsame (2003) iyo rag kale ayaa qora in gaashaanbuuraysi dhex maray ciidamo ka soo kala jeeda sadexdaas saldano. Dhinaca daraawiishta waxa watay Abshir Dhoore, dhinaca Majeerteenya waxa watay Xirsi Boqor, dhinaca Hobyona waxa watay Cumar Samatar.
Markii gumaystuhu is yiri ‘alaylehe haddaad ka faraxalatay’ kacdoonkii Soomaalida, ayaa waxa bilaabmay kacdoon dardartiisii qaba oo ay horkacayeen hoggaamiyayaal taariikhda baalal dahab ah ka galay. Dhinaca Xeebta Jabuuti, dhaq-dhaqaaqa gobonimo doonka waxaa horkacayey Cali Bahdoo, Xaaji Saciid, Maxamuud Xarbi iyo rag kale oo fara badan. Dhinaca Somali-Land, halyeyadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa Xaaji Faarax Oomaar iyo Sheekh Bashiir. Dhinaca Koonfurta waxaa ka aasaasmay kacdoon ay horkacayeen hoggaamiyayaal dhalinyaro ah oo ku bahoobay naadigii SYL. Dhalinyaradaas waxaa ka mid ahaa: C/Qaadir Sakhaawadiin, Yaasiin Xaaji Cali Sharmarke, Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud, Maxamed Cali Nuur, Cali Xasan Maxamed, Dheere Xaaji Dheere, Maxamed Muuse Nuur, Daahir Xaaji Cismaan, Maxamed C/Laahi Faarax, Khaliif Hodow Macalin, Maxamed Faarax Hilowle, Cismaan Geedi Raage, Maxamed Cismaan Baarbe. Ragga kale oo xubnaha firfircoon ka noqday naadigii SYL magaca iyo maamuuska weyna ku leh bulshada Soomaalida dhexdeeda waxa ka mid ah: C/Rashiid Cali Sharma’arke iyo C/Laahi Ciise.
Hoggaamiyayaasha soo maray Soomaalidu kuma ekayn dhinaca dagaalka iyo siyaasadda oo kaliya, ee waxaa jiray rag wacdaro ka muujiyey dhinaca saxaafada iyo diblomaasiyada. Tusaale ahaan, waxa taariikh-yahano badani aaminsan yihiin in, warqadii C/Qaadir Shiikh Aw-Aadan ku soo qoray wargeysa New Times, ee ka soo bixi jiray carriga Ingiriisku, wax weyn ka bedeshay qaabkii Ingiriisku ula tacaamuli jiray Soomaalida. Ragga dhanka suugaanta halyeyada ku ahaa waxaa ka mid ahaa: Xaaji Aadan Af-Qalooc iyo Cismaan Yuusuf Cali Keenadiid.
Hoggaamiyayaashii u kacay Soomaaliya markay xorriyadda qaadatay waxa ka mid ahaa: Aadan Cabdulle Cismaa oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo noqday Raysul wasaarihii ugu horeeyey. Hoggaamiyayaashaasi ceeb kasta oo ay lahaayeen, waxay u dhowaayeen sebenkii hoggaamiyayaasha suuban. Hoggaamiyihii ka danbeeyey, Maxamed Siyaad Barre, laftigiisu, inkastoo uu ceebo aan la dabooli karin lahaa, haddana wuxuu ahaa halyey, sebenkiisii dhulka Soomaalida la soo hunguriyeyn waayey.
In kastoo, hoggaamiyayaashaasi ahaayeen niman dhalinyaro ah, oo sida Afrax (2002) sheegay ay ka muuqatay ‘qiyam qaran doonimo’, sida: Aadan Cabdulle Cismaa (Aadan Cadde) oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo noqday Raysul wasaarihii ugu horeeyey ee Soomaaliya, haddana libinta xorriyadda inteeda badan waxa marwalba loo celin jiray raggii halgamayaasha waaweynahaa ee gumaystaha hortaagnaa sanadaha faraha badan. Tusaale ahaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim), isagoo Cadan jooga, markii xornimada la qaatay waa tuu lahaa:

Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya
Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday
Allow yaa dabbaaldeg iyo farax kala dul eedaama
Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye
Ha daawado dadkow hiiliyiyo doogga soobbaxaye

Hammigga raggii hoggaanka qabtay markii xorriyada la qaatay 1960-kii wuxuu ahaa mid hiraal iyo han wayni ka muuqato. Si ay u soo celiyaan dhulalkii ka maqanaa Soomaaliya sida NFD, Soomaali Galbeed iyo Xeebta Jabuuti, waxay markiiba bilaabeen in ay dhisaan ciidan tiro iyo tayo fiican leh. Nasiib daro, waxay mar labaad magan u noqdeen cadowgii gaamurey ee geyiga Soomaaliya, cadowgii Saliibiyiinta. Tusaale ahaan, Saadiq Eenow, buuggiisa ‘Dagaalkii Ogaadeenya’ wuxuu ku soo guuriyey in Maraykanku gebi ahaanba diideen in ay Soomaaliya u dhisaan ciidan military ah. Waxa kaliya oo ay ogolaadeen in ay u dhisaan ciidan Boolis ah oo isagana ay shuruudo ku xireen. Hoggaankaas, niyadda birta ah lihi, kamaysan harin hammigoodii ahaa in ay dhistaan ciidan xoog badan. 1962-dii ayaa C/Rashiid Cali Sharma’arke booqasho uu ku tegey magaalada Mosco, wuxuu hoggaankii Soofiyeetka ku qanciyey in ay Soomaaliya u dhisaan ciidan gaaraya 20,000 oo ku qalabaysan qalabkii ugu tayada fiicnaa ee ay ku qalabaysnayeen ciidamadii WARSO.
Meesha hoggaankii sare ee Soomaaliya ku mashquulsanaa dhisidda ciidan tayo iyo tiro leh, odayaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada degaamaddii wali ku hoos jiray gacanta gumaysiguna waxay ku gudo jireen siday u bilaabi lahaayeen kacdoon hubaysan oo ay kala hortagaan cadowgaas. Raggii dhaq-dhaqaaqaas horkacayey waxa ka mid ahaa: Ugaas Biixi Fooley, Ibraahim Xaashi Maxamuud, Garaad Maqtal Daahir Axmed iyo rag kale. Dawladii Xabashidu iyagoo ka jawaabaya kacdoonkaas ayay ciidamo soo dhoobtay xudduud beeneedka dheer ee ay la leedahay Soomaaliya. Xilligaas ciidanka Xabashidu tiro ahaan wuxuu sare u dhaafayey 40,000 oo askari, wuxuuna ku qalabaysnaa hub isugu jira diyaarado, gawaari gaashaaman iyo madaafiic casri ah. Dhinaca Soomaalida tirada ciidanku wuxuu dhamaa 3000 oo askari. Sidii asalku ahaan jiray, 07/02/1964 ayaa geesiyaashii niyada birta ah lahaa weerar fool-ka-fool ah ku qaadeen ciidankii Xabashida. Goobaha dagaalada ba’ani ka dheceen oo laga kiciyey gumaystaha waxaa ka mid ahaa: Togwajaale, Goroyocawl, Wardheer, Feer-feer iyo Doolow.
In kastoo isbedel ku yimid maamulkii sare ee Soomaaliya, Raysal-wasaarena loo doortay C/Risaaq Xaaji Xuseen, sanadkii 1964-tii, haddana isbedel weyni kuma imaan hiyigii dib loogu xoraynayey dhulalka Soomaaliya ee gacanta ugu jiray cadowga. C/Risaaq, oo aad loogu ammaano, in uu dhisay dawlad hannaan maamul leh, xukuumaddiisii waxay soo afjarantay 1967-dii. Waxa xilligaas madaxweyne Noqday C/Rashiid Cali Sharmaarke, Raysul-wasaarana Maxamed Ibraahim Cigaal. Markale ayaa cadaw isu kaashaday Soomaaliya, ilaa lagu khasbay in ay saxeexaan in dhul Soomaaliyeed gacan cadow ku jiro.
16/10/1969-kii, ayaa madaxweynihii Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke lagu toogtay magaalada Laascaanood, shan maalmood ka dibna waxa taladii dalka la wareegay S/Gaas Maxamed Siyaad Barre. Kacaankii militeriga ahaa, inkastoo jaahwareer dhanka mabda’a ah, musuqmaasuq iyo hoos-u-jeednimo hareereeyeen, haddana, waxa la oran karaa riyadii ahayd in Soomaaliya ka xorrowdo gumaysiga madow iyo kan cad qayb ahaan way sii wadeen. Dagaalkii ka qarxay degaanka Soomaali Galbeed, 7/7/77, ayaana arrintaas markhaati buuxda u ah. Dagaalkaas oo ay ka qaybgaleen ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, ciiddanka Daraawiishta, Booliska iyo Jebahdihii Ogaadeenya, ciiddan ahaan Soomaalidu guulo taariikhda galay ayay ka soo hooyeen, siyaasad ahaanse waa lagaga guulaystay. Guusha siyaasadda ee gumaysigu gaaray ma aha mid ay gacantooda ku keensadeen ee waa mid ay sidii caadadu ahayd ugu soo hiiliyeen cadowgii soo jireenka ahaa ee aan 5000 oo sano ka hortaagnayn xeebaha Soomaaliya. Tusaale ahaan dagaalkaas waxa Xabashida la soo saftay Yuhuuda, Soofiyeetka, Maraykanka, Yurub oo dhan, Laatiin Ameerika iyo qaar badan oo ka mid ah caqli laawayaal carbeed. Isbahaysigaas, gaalo noocay tahayba, waxay isu bahaysteen sidii ay u jebin lahaayeen awoodii curdanka ahayd ee Soomaalida. arrintaas ayaana daliil markhaati ma doonto ah u noqotay caddaawada soo jireenka ah ee dhamaan waddamada gaaladu u hayaan Soomaaliya.
Haddaan soo ururiyo, Soomaaliya waa waddanka kaliya ee ay la dagaalameen dhamaan quwadahii adduunka ugu waaweynaa Islaamka hortii (Giriigii, Roomaankii iyo Faaris); quwadihii adduunka ugu waaweynaa xilligii daggaalkii Saliibiyada (Talyaani, Faransiis, Ingiriisi, Jarmal, iyo dabadhilifyo ay adeegsadeen sida Masar); iyo quwadihii adduunka ugu waaweynaa xilligii dagaalkii qaboobaa (NATO, WAARSO, Yuhuud, iwm). Soomaaliya waa waddanka kaliya ee loo addeegsaday hub nooc kasta oo uu yahay; waa waddanka kaliya ee loo qaybiyey lix (marka lagu daro Suqadara). Sidaas oo ay tahay, Soomaaliya waa waddanka kaliya ee gumaysi habeen ku ledi waayey. Fadliga Eebe gadaasheed, arrintaasna waxaa asbaab looga dhigaa waa geesiyaashii, halyeyadii, hoggaamiyayaashii ka soo ifbaxay Soomaaliya.
Marka la isu geeyo sawirada ku xardhan looxaadka hirograafiyada ee laga helay Ahraamta Masar, muuqaallada quruxda badan ee badmareenadu ka bixiyeen xeebaha Soomaaliya, iyo hoggaamiyayaashii ka soo ifbaxay dhulka Soomaalida sebenkii gumaystaha, iyo sebenkii dagaalka qabow, waxaan muran ka jirin in Soomaalidu tahay ummad taariikh dheer leh, ummad ay ka soo dhexbaxeen hoggaamiyayaal aqoon iyo waaya’aragnimo fiican leh. Ummad ay ka soo ifbaxeen hoggaamiyayaal bedeley taariikhda Geeska Afrika.

Wixii dhamaystir ah kala soco buugga ‘hoggaaminta’ oo dhawaan la daabici doono.

Wixii talo, tusaale iyo niqaash ah waan soo dhowaynayaa.

Saciid Cali Shire
Leicester, UK

e. saidshire@hotmail.com
t. 44 (0) 783 8236 171

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

5 Comment(s)

  1. ascw, been lama sheegee aqoonyahanka SICIID CALI SHIRE wuxuu si cidwaliba u fahamto u soo asteeyey taariikhdii soomaaliyeed uuna qaadsiiyey bogag kooban oo inta wax qorta,aad- wax-u-akhrida iyo inta aqoonta lihiba garanayaa sida loo sii raadiyo tafaasiisha dheeraadka ah ee loo baahan yahay marka loo baahdo.

    Rashid Mohamed Abdalla | Jul 24, 2009 | Reply

  2. asc…saciid cali shire waa nin caadifad ku jirto oo aan run ka sheegin taariikhdan uu xusay dadna uu ku ammaanayo dadna uu ku caanayo, qof waliba wuu dareemi kara sida uu wax u qoray saciid waa mid qabiil lagu ammaanayo dadna lagu aflagaadeenayo ee ka waantoow ayaa ku oran lahaa qabiilka xun ee kugu jira saciid…………

    ahmed | Jan 3, 2010 | Reply

  3. Ahmed Hadii adiga qabyaalad kaa buuxdo maxaad dadka oogala soo dul dhacaysa. Ilaah ka cabsood hadaad wax qalad ah aragtay sheeg waana la sixin balse iska daa jirada aad adiga qabtid inaad dad kale ku sheegtid. bal nooga soo saar waxa aad tabanaysid oo khalad ah >>>>>>

    Dayib Qalib Yusuf | Jan 7, 2010 | Reply

  4. ASC,marka hare hadii aan la isku sheegi wixii la soomay iyo siday ahaayeen lama helayo taariikh dhab ah waayo waxaan ognahay aduunyada
    waxaay ku dagaalamey waa qabeelsida biratisha
    wuxuu dagaal isku soo raace in aay qabsadaan
    amarico waxaay dalaka ugu yimaadan dad la dhaho calibastayn,waxaay ku bilaabayay qabeel iso sooraacay, hadab kama marna soomaalida waxaay ku dagaashay qabiil waxaan ognanay ninkii dhalo wiilal badan wuxuu ahaa wuxuu ahaa nin geesi ah,hadab qabiilka waxaa la yire ha la isku aqoon sado, ee yaan la isku dilin,,,mahadsanidiin

    mahamud shire | Mar 2, 2010 | Reply

  5. ASC,marka hare hadii aan la isku sheegi wixii la soomay iyo siday ahaayeen lama helayo taariikh dhab ah waayo waxaan ognahay aduunyada
    waxaay ku dagaalamey waa qabeelsida biratisha
    wuxuu dagaal isku soo raace in aay qabsadaan
    amarico waxaay dalkaan ugu yimaadan dad la dhaho calibastayn,waxaay ku bilaabayay qabeel iso sooraacay, hadab kama marna soomaalida waxaay ku dagaashay qabiil waxaan ognanay ninkii dhalo wiilal badan wuxuu ahaa wuxuu ahaa nin geesi ah,hadab qabiilka waxaa la yire ha la isku aqoon sado, ee yaan la isku dilin,,,mahadsanidiin

    mahamud shire | Mar 2, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo