Xuseen Maxamed Maxamuud(Xuub-sireed), Afhayeenka C/laahi Yuusuf, oo saxaafada la hadley ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamey wararka sheegaya inuu C/laahi Yuusuf is casilaayo maalinimada Sabtida ah ee nagu soo aadan.
Xuub-sireed oo qirey inay jireen cadaadisyo kala duwan oo Baarlamaanka iyo Beesha Caalamkaba uga imaanayey C/laahi Yuusuf kuna kalifayey inuu iscasilyo, ayaa dhanka kale hadana gaashanka u daruurey wararka tibaaxaya inuu iscasilayo.
Waxa kale oo uu sheegay inaaney garaneyn sabab cad oo meesha taala oo uu isucasilo, waxa uuna ku adkeystey beeninta wararka maalmihii ugu danbeeyay la isla dhex marayey ee sheegayay iscasilaada C/laahi Yuusuf.
Xuub-sireed ayaa intaa ku darey, dhankooda inaaney heynin go’aan cad oo ku saabsan Iscasilaada C/laahi Yuusuf, balse ku tilmaamey wararka horey loo faafiyey kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.
Waxa uu sidoo kale beeniyay warar horey loogu daabacay wakaaladaha wararka ee caalamiga kuwaas oo isaga si toos ah u soo xiganayey, oo tabiyay Xuub-sireen inuu u cadeeyay iscasilitaanka C/laahi Yuusuf ee maalinimada Sabtida ah ee nagu soo fool leh.
Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya iyada oo maalmihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen wararka sheegaya iscasilaada C/laahi Yuusuf, oo ka sow wararka la isla dhex marayay, ay jireen xubno ka dhow dhow xafiisyada madaxtooyada C/laahi Yuusuf oo arintaa laftoodu u qirey saxaafada, sida Cadde Muuse.
Waxa sidoo kale arimahan soo baxayaan iyada oo dhanka kale uu Baarlamaanka hortiisa ka yaalo C/laahi Yuusuf Mooshin ka dhan ah oo qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanku soo gudbiyeen.

Related posts:
Xuub sireed waxaa waa hore sheegay SALAAD ALI JEELLE oo yidhi ( waxa uu ka adeegaa guriga INA YEEY)
maantana tiibaa caddaatay.
Horta haduu Cabdullaahi leeyahay wax innaba hala ekaatee yax yax ah wax uu meesha usii joogo uma harin, hadeysan aheyn meelaan fadhiba jirin nacas inuu fuq weynaa ma fahamteen?
Taxliil ahaanse sadex qodob midkood ayuu dib iskgu sii dhigayaa inuu ku dhawaaqo iska casilaada jagada awalba beenta aheyd:
1. Inuu waqti u helo inuu is uruuriyo maadaama uu yahay nin dakano qaba, oo uu xamaamadiisa fogeysto intuu tital beenaadka huwanyahay.
2. Inuu fursad u helo inuu kala tuuro dawlad ku sheega oo aysan asaga ka danbeyn. Wuxuu xarig jiitka siyaasadeed wadi karaa intuu magaca huwanyahay, haduu iska dhiibana meel aan soomaaliya aheyn ayuu hawl gab ku noqonayaa ilaa tii alle u timaado.
3. Iyo tan ugu danbeysoo ah inuu ka samri waayo kursigii uu u seegey diin, dal iyo karaamaba, oo is yiraahdo cawo dhaxmaba waa nolole Nuur cade ayaan la shaqeynayaa wuxuu i yiraahdana waan yeelayaa!
Allaylehe denbiguu C/Laahi galey ciqaabtiisi wuu hayaa, koobkii ihaanada ee uu umada magowsiiyeyna isagey u danbeysey heensigiisu. cadaalada ilaahey si ay ku timaadaba mar unbey hortaada ku soo arumaneysaa.
Warkaan ah in uu Abdullahi Yousuf ka laabtey iscasilaadii ma ahan mid run ah .. oo sida laga wada warqabo odagu waa tegayaa … laakiin waxaa qalad aheyd in lala soo deg dego warka sheegayo in odagu iscasilayo .. waayo wuxuu rabaa in uu ku dhawaaqo iscasilaada kadib marka loo xaqiijiyo in dhamaan laga saarey Militia dii reer Puntland ee Mogadishu iyo Gobolada Koofureed joogey isla markaana loo daad gureeyo Puntland. Markaas kadib ayuu ku dhawaaqi doonaa waayo haddii uu hada ku deg dego waxaa ku adkaan doonta in uu ha dhow Militia da meesha kala baxo. Arrinkaas waa sidaas waana arrin siyaasi ah … waxaana kula talin lahaa dhamaan qeybaha kala duwan ee TFG da Nour Adde iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degta Mogadishu iyo Gobolada Koofur/Dhexe in ay aad u feejignaadaan isla markaana aysan marnaba ogolaan in laga hoos bixiyo hubkii iyo maalkii lagala bililiqeystey Mogadishu oo si qarsoodi ah la doonayo in Puntland loogu celiyo. Arrinkaas waa in loo istaagaa lagana hortagaa sida ugu dhaqsaha badan. Waxaa jira warar sheegayaa in uu Abdullahi Yousuf doonayo hubka waaweyn oo ay qaadan kari waayaan in ay ku wareejiyaan Al SHABAB si dhibaatadu u sii socoto isla markaana ay u adkaato in Mogadishu nabad laga dhigo … arinkaas waa qatar soo fool leh waana in laga hortagaa?
Cabdullaahi Yuusuf ha tago ama ha joogo. Nuur-cadde ha tago ama ha joogo, waa laba gaal u adeege. Waxa keli ah ee ay ku kala duwanyihiin waa:
1- Midna Nuurcadde ayaa la yidhaa midna cabdulaahi Yuusuf
2- Midna waa Hawiye midna waa Daarood
3- Midna wuu qarsan karaa ujeedooyinkiisa midna isma qarin karo
qodobka koowaad waxba laguma kala dooran karo oo waa laba magac sida Dhurwaa iyo Waraabe.
Qodobka labaad dad badan ayey oo qabyaalaysteyaal ah ayaa ku kala dooran doona. Nacdasha Alle kuwaas ha ku soo degto dhammaantoode
Qodobka saddexaad waxa ku kala dooran kara dadka ahlu-xikmadda ah oo waata Soomaalidu ku maahmaada: “Dhurwaaga kiisa qayliya iyo kiisa aamusa iyamaa khatarsan?”, markaas ayaa loogu jawaabay waxa khatarsan ka aamusan.
Sheekooyinka Dhurwaayada iyo Waraabayaasha siyaasada laguma dabaqi karo .. qofkii sidaas ku fakaraan wuu qaldamayaa? Waayo hada sida Mohamed Yare oo wax u qorayo waxaa laga dha-dhansan karaa in uu meesha ku hoos qarinayo Nour Adde ayaa ka daran Abdullahi Yousuf .. anaguna haddii aan shacab nahey waxaan kaliya oo aan qiimeyn karnaa ficilada siyaasiyiinta .. haddii sidaas loo qiimeeyana labadaas nin habeena ma sina maalina ma sina oo Nour Adde ayaa danta dadka u adeegaya Abdullahi wuxuu ku yahey caqabad in umaddu horumar gaarto? Qofkii Qabiil ahaan u taageeraya ama u diidaya wuu qaldan yahey laakiin wixii uu soo qabtey bal dib u eega oo ama taageera ama diida?
C/yusuf “sidii ban dugsi la’ dabayshadayeey xagee muslin ooga dugaalaa” hmmmmm “anaa didiyoo dalkii ka eryaye xagee dadkaygii ka raacaa”
CABDULAHI yusuf waxa uu maanta taaganyahay meeshii uu Geedi taagnaa sanooyin ka hor, waa meel murugo iyo naxdin leh, caawa waa gacan ku dhiigle waa danbiile somali oo dhan danbi ka galay. 100 000 ayuu laayay malaayiina waa bara kaceen, caddowu laah ayuu somali u soo hogaamiya. Laakiin maanta asgaa ciil iyo calool xumo qabo asagoo ay ku hareeraysan yihii kumanaan mujaahidiin ah oo dhiigiisu u soo carfayo, amxaar iyo gaal oo dhana nacay, oo Geedi wuxuu saad ka dhigtay Zakadii Sacuudigu somalia u soo dhiibaye aan wax saad iyo qarash ah haysan oo xanuusan ayuu taagyahay Baydhabo oo TIGREE beri ka tagayso.
soo caawa halkudhigiisa iyo calaacalkiisu maahan (((ciiloo wayeey tala xumaan cadow ka dheerayn)
dadku miyeysan somali aheyn mise wey riyoonayaan, hal booli ah nirig xalala ah ma dhasho, somalia shakhsi laguma heysan waxaa lagu heystay system dawlad ku sheeg ah oo ay ethiopia soo dhistey, ka soco kolba cida khatar ku ah jiritaanka systemkaas ayaa meesha laga saaraa, ee bal horta qabsada dan somali meesha ma taalee, geedi ayaa tagey gumaadkii waa kasii darey, hadii c/laahi raacana wax is badel ah ma filayo, hadaba dadow naari meel qabow ma leh kalsoonidii ethiopia ayuu c/laahi waayey shariifka iyo nur cadana midaas ayey heleen laakiin isku wada daroo midna ma heysto kalsooni soomaaliyeed, miyaad waligiin ku fakarteen in shariifku uga galaangal ronaan doona ina yey gaalo!!! cajiib la arag maxaa xigi doona? marka ha ku mashquulina qabyaalad iyo hebel ayaa tagey wixii somali kusoo duuleey oo aqoonsi dad mucaarad isku sheegayey helay ayaa soo fadhiya inaan dhaqaajino aan ka hadalno hadii kale aan ku taageerno dadka midaas isu taagey… wabilaahi towfiiq
Cabdullahi Yuusuf waa habroobay waana la furay waxaana uu mudan yahay in dunuubtii u hore u galay la hor keeno.
Hase ahaatee Wayaanihii dalaaqay Yuusuf waxaa uu guursaday oo aroos cusub ah Xariif Shariif.
Haddaba waxaa nala haboon inaan la sugin inta uu arroska cusub noo gaysanayo sidii dhibkii kii hore gaystay.
Xasuus:
Yuusuf markii uu dhibka gaysanayay waxaa lagu taageeray si qabyaalad ah oo indha la’aan ah.
Haddana waxaad mooddaa Xariif shariif in sidii kii ka horreeyay qabyaalad uu taageero ku raadinayo amaba ku helayo.
Soo xasuuso xaddiithkii SCW ee ahaa Muslimka isku god laba jeer lagama qaniino.
FG(1): Inaan dhoho Xariif Shariif waan u qasdiyay sababtoo ah: Weedha Sheekh ma ii fududa inaan qof dabadhilif ah ugu yeero. ALLAHna waxaa uu ku sheegay culimadu inay u taagan tahay meeshii Ambiyada, sidaa awgeed ayaanan sheekh ugu quurin, mana ahi kii ugu horreeyay ee magacaan bixiya ee waxaa jiray maqaal ku jira markacaddeey.com oo lagu qoray.
FG: (2) Shakhsibaa waxaa uu u baahnaa sababta aan hadda ka hor u iri wadaad xume (wadaad yare) waa isku darsan yahay?.
Jawaabtu ma aha rocket science ee fududahay waxaa laga garan karaa qoraalladiisa iska hor iyo daba imaanayaa. Kaas oo aan hore u iri “timaahaagu ‘wadaad xumoow’ dhan ha u xiirmeen”
Salaam
Wararka Hufan ee Nadiifka ah ee Xambaarsan Anshaxa & Aqlaaqa Saxaafada ( Freedom of Expression and Resposibilites of Journalism )
Aqlaaqa Saxaafada:
Waxaan indhaha ku qabtay cinwaan ah ” Cadaaladda Alshabaab ma waxay keentay Nin quraac haysta qado loogu daro? Majeerteen madax loogu dhigo Gobolka Shabeelada Hoose.
Qormada wuxu u qornaa sidan, ” waxaa xigtay in Sh/Hoose ay xoog kula wareegeen Alshabaab iyagoo ka qabsaday koox uu Indhacade madax u yahay oo qudhooda sheegtay inaay shareeca ku xukumaayan Gobolka” Maxaa keenay in Nin Majeerteen ah lagu Sandulleeyo Dadka ku dhaqan Gobolka Sh/Hoose, Maxaase Indhacadde looga qaaday Gobolka Haddii Nin kale oo isagaba ka sii shisheeya loo dhiibayo Indhacaddaaba Gobolkaas kula soo diriray Tigreega ugana Xaq badan Ninka Cali Saleeban ee Maxaa isaga loogu deyn waayey?”.Subxaanullaah.
Iftiimin:
waa hadal la yaab leh oo laga yaq yaq soodo oo qofka damiir leh aan ku hadlin , midda ugu horaysa Alshabaab wax weerar ama duulaan kuma aay qaadin Sh/Hoose, , laakinse waxey halkaas ku tageen codsi uga imaaday dadka deegaanka u dhashay, iyagoo taas ku doonaayay in laga dul qaado dulmida gaamuray oo aay mudo 20sanno ku dhex noolaayeen , Alshabaab, gobolka shabeelaha hoose ula wareegeen si nabad ah oo aan wax dhiig lagu daadin. .
Dulmiga lagu haayay degaanadaas wuxuu ahaa, Dil, Dhac, Kufsi, Jirdil, Xarig sabab la’aan , madax furasho ayaa inta badan lagu lagu xalin jiray xarigaas, Hanti maroogsi, lacagihii leejada dadkii bixin waayana lacagtaas la dhibaateyn jiray xitaa qaarkood dil muteysan jireen lacagahaas waxaa uu Indho Cade u yaqaanay Canshuur.
Sheekh C/raxmaan Axmed Siiro, maaha nin meel shishe ka yimid wuxu ka mid yahay dadka deeggaanka, Saxaafada, waxaysan aqoon u leheen, in beesha, uu kasoo jedo Sheekha, ay Xaafad ka degaan Magaalada Marka, mudo qarni ka badan aay halkaas deganaayeen . qof shacab xoog ku haystay majirto cid ku aaminayso Maamul mar dambe odayaasha dhaqanka degaanka ayaaba taas cadeeyay dhibaatada Indho cade deegaanka ku haayay asigoo shareeco markaas sheegan jiray
Ma jiraan Indha cadde wuxu ugu xaq badan yahay Sheekh Siiro jiraan halgankana Safka hore ayuuba oga jiray Sheekh Siiro, Indhacadde, wax dagaal oo uu degaankaas kaga difaacag tigreega majirin, Tigreegana waxay ka joogaan Gobolka magaalada Afgooye, halganka waxaa ku jiray oo degaanka difaacayay Alshabaab oo ku qaadi jiray Tigreega weeraro cul culus,
Iftiimin
Habdhaqanka dhalinyarada ku bahoowday magaca Xaraka Alshabaab,oo lagu yaqaan oo Qaamuuskoodi ku qorneyn Qabyaalad & goboleysi.
Siiro waa Shaqsiga ku haboon inuu Maamulo Gobol ama Degmo,ka sokowna Odayaasha Reer Markoodka ayaaba u yeelay in Wadaadka xukunka loo dhiibo…Isla Saxaafadaa qaylo dhaan ka keenay in Nin Isaaq ah loo dhiibo Maamulka Kismaayo, waxaan oran karaa in Saxaafada caynkaa ah waa Saxaafad uurka ka jiran waxaana alla ugu baryaa inuu Quluubtooda Mudgi kaga dhigo Qabiilka & Qurunkiisa Aamiin!!!!
Aqlaaqa Saxaafada:
Isla Saxaafada maalmahaan hadal haayay nin sheegtay inuu yahay Shabaab.Ibrahim Almaqdis oo sheegay in uu ka tirsan yahay Mujaahiddiinta Alshabaab Hadafkooduna uu yahay in Adduunka oo dhan ay qabsadaan Isagoo Magacaabay meelo ay ka mid yihiin Alaska oo ku taalla Mareykanka, Japan, KoonfurAfrika, Turkiga
Odayaal Dhaqanka Magaadada Marka Iyo Shacab ka tirsan Dadka Deggan Magaaladaas Marka Iyagoo Ninkaas uu Hadalkaas ka soo yeeray ku Tilmaamay Agent ama adeege Jaajuus ah oo laga soo diray Gobollada Puntland una shaqeeya Sirdoonka Mareykanka.Subxaanullaah.
Iftiimin
Bal aan wax ka iraahdo Odayaasha Dhaqanka Reer Markoodka, ciddii aqoon u leh Dhaqanka Dadka Reer Markoodka ah waxay leeyihiin dalad ama Gole la yiraaho 12ka Koofid ama Koofi, 11ka mid ah Golahaa waxay kasoo jeedaan Beelaha Banaadiri, beesha 12aad waa beesha Biimaal ama Baymaal.War saxaafadeed ka soo baxayna lama arag, waana isla Golahaa kusoo dhobeeyay Alshabaab ahna kuwa ka turjumaaya rabitaanka dadka deeggaanka.
bal midkaan Doc-ka-yeerka ah aan la garan Ururka lagu tiriyo ama uu ka mid yahay uu Doc-ka-yeer un iska ahaa baaritaan ka dib ayaan ogaaday in uusan kasoo jeedin Puntland, intaa ban oga bixi Qabiil ma doonee. doc-ka-yeerkaana waxaan leeyahay xaq udirirka Soomaaliyeed dalkoda ka sokow meel aadi maayan ee adiga aad halkaad doonteysid ee waa fikir kuu gaar ah
Alshabaab & Reer Sh/Hoose, waxay kuwada noolyihiin Nabad iyo Caano, Amnigii soo laabtay Dumarkii iyo Hablihii ilaa 9ka ama 3saac haben nimo socsoda labada dhanba aysan wax xadgudub ah ka jirin Inta Nool & Inta dhimatayba Aqlkoda Aduun iyo Aqal Aakhireedba Cidba halkeeda waa layla gartay ayaan fillaa.
Freedom of Expression and Resposibilites of Journalism:
Waxaan ka oran karaaya in walaalaha Warbaahinta dib oga laabtaan in tuhun la dhexdhigo dadka halganka ku jiro , lagana fogaado Colaada laga dhex Hurinaayo Shacabka Soomaaliyed, oo in mudo ah dhib ku jiray kuna jira ilaa iyo hada , in laga waantoobo Qabiilka, waxaana aan xasuusinaa Walaalaha Saxaafada in maanta waxa Somaliya iyo Somalida meesha ugu liitay dhigay waa Qabiil.Waxaana ugu boorin: Dadnimo waa Dowlad nimo, Somali nimo waa Qaran nimo!!!
W/Q:Qamar Shariif Hashim
http://www.markacadey.net
reer somali mirror ilahay ka baqa shariifkaa amxaaro guursanaysaa naagta soo qortay ka joojiya meesha
To noora adoo raali ah adigu ma marka cadeey ayaad u shaqaysaa maxaad meeshaan ugu xayeesiisaa tankale shuruucda saxaafada ayaan ka hadlayaa maqaal kastoo aan qorana waxaan ku caayi sh shariif macquul miyaa ugu dambay markay culumadu leedahay haweenku hawlaha raga haka dhex bexeen waxaa ka mid ah meelaha ragu uga hadlayaan xaajooyinka waayo waxaa cad inayan is kontorooli karin haweenku tusaale adiga iyo gabadha ku soo gasha maryam oo soo qortay sh shariif amxaaraa guursanayso waa wax la yaab leh qof tukanayo inuu sidaas yiraahdo walaal waxaa fiicnaan lahayd inaad waxaad qoraysaan ogaataan in malaa,igu qorayso
Waxaa ilaahay mahad diisa ah in qofkastoo somali ah uu fahmey waxa dhabta ee somaliya kajira hadii aan kadhiibto fikirkeega kuaadan TFG-da iyo cadawga tigreega wax aan xabad aheyn oo ay munaasib ay kuleeyihiin majirto
To: nuurow
Horta mida ah in gabdhuhu arimaha siyaasada aysan ka hadlin oo hadey ka hadlaana ay isku qasmayaan waan kugu khilaafsanahay. Oo gabdhuhu sida ragoo kale wax fiican iyo wax qaldanba way sheegi karaan. Marka waxaan qabaa iyadoon qofka jinsigiisa lab iyo dhedig loo gudbin, qabiilkiisana qurac iyo qansax loo gudbin in ra,yigiisa la naqdiyo.
Sh. Shariif rag badan iyo dumar badan oo meeshaan ka af lagaadeeya way jiraan, waase garashadooda, anigoon sheekha shakhsiyadiisa isku taxalujineyn hadana manhajka ah in siyaasad iyo deganaan xarkaha soomaalida qoorta uga duuban laga fur furo qofkii iyo kooxdii wada waxey ka kheyr roon tahay kooxda rabta iney gool siyaasadeed ku dhaliso iney dadka marjiso.
Tan kale Nuur Cade iyo Sheekh shariif in daba dhilif lagu sheego waa arin waqti hore ah oon la gaarin. Ma aheyn iyaga dadka soo geliyey Itoobiya, waxaanse u jeednaa iney isku hawlayaan sidey u bixin lahaayeen. Aad bayna u kala duwanyihiin nin soo geliyey, dadkii la gumaadey, doonayana iney weligood joogaan, iyo nin u xeeladeysana sidii loo bixin lahaa.
Tan qabyaalada waa kaar si xun loo isticmaalayo, farqibaana u dhaxeeya inaad dadkaaga badbaadiso iyo inaad dadkaaga cadaawad ku abuurto ood umada kale ku dirto.
dadka ceelasha biyaha ku cadaaban Nuur Cadena way u banaan baxeen oo taageereen, Gacmo dheerana way ku mudaaharaadeen oo diideen. Qofkii qabyaalad ka hadlaya dadkaasi labadaas nin midna ma qabiil bay ku diideen midna ma qabiilbay ku taageereen.
Saaxiibayaal kaar kaas qabyaalada si xad dhaaf ah ayaa loo isticmaaley oo dhinacyo badan, laakiin idiinma shaqeynayee dooda si kale oo mawduuci ah uga dooda.