Warmurtiyeed ka soo baxey Xafiiska Warfaafinta ARS ee Garabka Asmara

Published on December 25, 2008 by   ·   18 Comments   ·   print

Halkan waxaanu idinku soo gudbineynaa Nuqul ka mid ah Warmurtiyeed ka soo baxey Xafiiska Warfaafinta ee Isbaheysiga dibu xoreynta Garabka Amara, waxa uuna ka hadlayaa hadalka Dowlada Itoobiya ku sheegtey ciidamada Soomaaliya inay kala baxeyso, Iyo sidoo kale Baaqyo kala duwan.

Warmurtiyeedka oo ka kooban 6 Qodob ayaa u qornaa sidatan:-

Warmurtiyeed ku aadan hadalada ka soo yeeray taliska dhiibyacabka ah ee Addis Ababa.

Isbahaysiga dibu xoreynta soomaaliya wuxuu u arkaa sheegashada taliska dhiigyacabka addis ababa in uu maleeshiyaadkiisa kala bixi doono dalkeena dhamaadka bishan hadal laqwi ah, oo aan runta laga sheegin, isla markaana culeys lagu saarayo reer galbeedka si ay taageero dhaqaale iyo mid milatariba u siiyaan mashruucii qabsashada soomaaliya ee aan wali laga tanasulin, itoobiya xiligan waxay ku tala jirtaa inay hesho maaleshiyaad ka fududeeya weerarada isdaba jooga ah ee kaga imaanaya maalin iyo habeen mujaahidiinta geesiyaasha ah ee naftooda qaaliga ah u huray diintooda, dalkooda iyo dadkooda, waxaana mahad leh allihii suuragaliyay in maanta 95% laga xoreeyo cadowga madow dhamaan goobihii uu heystay, hadaba dhacdooyinkan soo kordhay waxaa uu isbahaysigu ka soo saaray warmurtiyeed u qoran sidan:-

1. Dowlada itoobiya ee sheegtay in ciidamadeedu ka baxayaan dalkeena
iyagoo gacmahoodii ay ka qubanayaan dhiigii daahirka ahaa ee ay ka
daadiyeen shacabka aanan waxba galabsan, burburintii ay u geesteen
dhismayaashii qaranka iyo kuwii dadweynaha, bililiqadii ay kula kaceen
goobihii waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo guryihii laga
barakacay, bixitaankani (haduu jiro) waa qorshe la doonayo in lagu laabo bogii madoobaa ee ay ka buuxeen xadgudubyada iyadoo aan la horkeenin maxkamad caadil ah ciddii ka dambeysay waana in la baaraa arinkaas laguna hubsada makamad, taliska dhiigyacabka ah ee melez iyo qolyihii garabka ku siiyay oo dhami. Kol hadii xaalku uu sidaa yahay waxaanu ka digeynaa qorshe kale oo lagu keeno dalka ciidamo lagu sheegay inay dhalin doonaan nabad (dagaalama) inagoo isla markaana ka dalbaneyna wadamada ugandha iyo burundi inay si deg deg ah ciidamadooda dalka ugala baxaan.

2. Waxaanu ka digaynaa dhibaatada ka dhalan karta xasuuq iyo barakac markale loo geysto shacakeena kagana yimaada wax loogu yeeray ciidamo nabad dhaliyeyaal ah iyadoo aan wax la iska weydiinin kuwii hore u dhacay iyo kuwa haatan taaganba. Waxaana diyaar u nahay inaan ka hortagno cid waliba oo ku soo duusha dalkeena Inshaa’allaah waana ka guuleysan doonaa (Ninkii Dhoof Ku Yimidbaa Geeridu Dhibeysaa).

3. Waxaan ugu baaqaynaa dalalka caalamka ee nabadda jecel, urur goboleedyada iyo kuwa dawliga ah inay dib u eegaan qorshayaasha aan ku saleysneyn waaqica dhulka ka jira, guttaana Masuuliyadda ka saaran badbaadinta shacbka Soomaaliyeed, kana daayaan faragalinta horseeday qala laasaha labaatan jirsaday, waxaana cadeyneynaa in umadda Soomaaliyeed awood u leedahay inay hanato nabadeeda, dhexdeeda ka heshiiso wixii soo kala dhexgalay sidii dhacday waqtigii dahabi ahaa ee ay Dalka Maamulayeen Golihii Maxkamada Islaamka.

4. Sidoo kale waxaan ku boorinayaa bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan inay iscaawiyaan una gargaaraan walaalahooda tabaaleysan. Waxaan kaloon ugu baaqayaa hay’adaha samafalka kuwa maxaliga ah iyo kuwa dawliga ahba inay taakuleeyaan shacabiga Soomaaliyeed ee sida joogtada ah loogala dagaalamayo nolosha iyo jiritaanka.

5. Waxaan bulshada Soomaaliyeed uga digaynaa colaadaha qorsheysan ee lala damacsan yahay in laga dhex hurinayo ee ay ka dambeeyaan ciidamada soo duuley iyo dabadhilifyadooda kuwaas oo ujeedada ka dambeysa ay tahay in la muujiyo baahida loo qabo joogitaanka ciidamo shisheeye iyo in indhaha caalamka lagaga sii jeediyo dambiyada lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna Isbahaysigu Culumaa’udiinka, Ugaasyada, Boqorada, Wabarada iyo Odayaasha dhaqanka ugu baaqayaa inay kaalintoodii hormuudnimo ka qaataan ka hortaga qorshayaashaas, bulshadana uga digaan colaadda iyo dagaalada sokeeye kuwaas oo cidda keliya ee ka faa’iideysa ay tahay cadwga soo jireenka ah ee ummadda soomaaliyeed.

6. Geba gabadii wuxaan bulshada Soomaaliyeed ugu yeeraynaa inay midnimadooda adkeeyaan, cadawga ku soo duulayna meel uga soo wada jeestaan naf iyo maalna uga qeybqaataan Muqaawamada barakeysan si ay u difaadaan Diintooda, Dadkooda iyo Dalkoodaba.

Xafiiska Warfaafinta ARS
Asmara, 25/12/2008



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Warsaxaafadeed: Ka soo baxay Xaafiiska Warfaafinta ARS ee Asmara.
  2. Warsaxaafadeed Ku Saabsabsan Shirka Jabuuti oo uu soo saaray Isbahaysiga Garabka Asmara.
  3. Isbahaysiga Garabka Asmara oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Abaaraha Dalka ka jira
  4. Isbahaysiga Garabka Asmara oo Baaq Diigniin ah ka soo saaray Heshiiskii Jabuuti
  5. Madaxa Xafiiska Warfaafinta UWSLF “Garabka Max’ed Cusmaan ayaa wada Dagaalka illaa iyo laga soo bilaabo 2005”

Readers Comments (18)

  1. Maxamed Yare says:

    Hadalkan reer Asmara waa mid ku saxsan oo xaq ah. Waa kaas mawqifka muslinimada iyo soomaalinimadu ku jirtaa.

  2. bile says:

    mashaa allah waa midkaa codka xornimada iyo geesinimada leh ee ragaas walaalaheena ah ilaaheey towfiiqda ha idinhaleeshiiyo wax garadna wax ha idinkugu daro waa sidaa aad hadalka u dhigteen waana feker iyo wax taageerid mudan waadna ku mahdsantihiin reer asmara debilayaashii soo duulay sidaa ku bixinmaayaan mana aamisani ee somaaliyeey isku duuma oo dalkiina xoreeysta.

  3. Maxamed Xirsi says:

    Alla reer Asmara maxay cadeesteen in ay yihiin dadadhilifka Ereteria. Waxey doonayeen in ay Etheopia sii joogto Somaaliya ayna leyso umada soomaaliyeed si ay Eriteria u badbaado. Balse xagee tagi doonaan marka Amxaaro kabaxdo Somalia ayna qabsato Asmara ileen weji uma yaalo Soomaaliya!

    GUUL IYO NABAD.

  4. AbuGaaloEri says:

    ASC.
    Anigu waxaan tabayaa oo aanan wali arag iyada oo luqadaha aan afsoomaaliga ahayn lagu qoro bayaannadan isdaba joogga ah oo kasoo baxaya Asmara. Waxaa muuqata in inta badan lagula hadlayo dadka aan Soomaalida ahayn noocay doonaanba ha ahaadeene; haddana luqaddu waa uun afsoomaali. Halkaas waxaan isleeyahay dadkii loola jeeday ma gaarin farriintaasi. Marka Isbahaysigu waa in uu siyaasiyan qaangaaraa.
    Dhanka kale waxaan tabayaa in raggii miizaan bulshada gaar ahaan mujaahidiinta ku dhex lahaa ee Isbahaysigu ay dalka ka maqan yihiin, iyada oo inta ay dibadda ka qaban karaan marka loo eego waxa ay ku dhex jirka mujaahidiinta oo sii kala fogaanaya aragtidayda kasoo kordhin lahaayeen.

    Sidaa darteed waxaan ku talin lahaa in ay dib uqiimayn ku sameeyaan siyaasadahoodaas kala duwan ayna wax deg-deg ah ka qabtaan; waqtiguna ma sugayo.

    C/kariim Xirsi Ssalaad

  5. ibraahim says:

    sac salaantaa kadib kalacad xaq iyo baadil carbal kamaqla qolada shariifka hadalkaas ookale

  6. xaadir says:

    yaa walee iljeex aa islaam u dirireeyso been iga dheh, asmara waxaa jooga islaanima kuma joogaan ee waa tooga jaw ah yaah.

  7. xaadir says:

    isku xishuu

  8. shaafici ahmed jama says:

    Wakaa HADALKA xaqa ahi waan Leeyahay Walaalaha Muslimiinta ah Iyo Mujaahidinta Hala Taageero Sheekh xassan Daahir iyo Dr cumar iimaan Ragaasi Kamay Tanaasulin Mabaadidii Islaamiga ahaa Ad aDAYGA Xassan ayaan Nooga Wanaagsan Mabda oo Laga Tanaasulo

  9. umucamaar says:

    sww waa sax bayaankaan wuxuu daaha kaqaadayaa, dhagarta gaalada,maleegayaan oodad badan kaqarsoon ,maxaa yeelay dad culumaa iyo mujaahidiin waa wayn baa kujira raga asmaro shxasan daahir iyo sh cumar iimaan ,ayaa hogaaminaya aadbayna ugaranayaan dhagarta gaalada iyo dhibka nalala doonayo marka umada soomaaliyeed hafeeg jignaato

  10. Macalinka Ummadda says:

    waa ku salamay marka hore reer asmara waa dad fekera sidii loo xoreyn laha walaal mujaahdinta waxan uu sheegaya inay midooban meeel wada soo jeestan walal sida iyoy bybyb

  11. wadaad yare says:

    Ku: R/Asmara

    Horta eeda kala taga kaligiin ma lihidin oo garabka Jabuutiba wuu idinla wadaagaa, laakiin bayaanadiinu marka xamaasada iyo canatariyada xaga leyska dhigo ma xanbaarsana wax nuxur ah oo la jaan qaadaya waaqica ama sameysmey ama hada sameysmaya. Sida aan dareemayo mucaarada garabka Jabuuti istiraatiijiyad ka weyn ma heysaan iyo danaha dawlada aad xulafada la tihiin ee Eriteria oo ah in Itoobiya ku xabisnaato Soomaaliya. Waxaa kaliya oo mawqifkiina ka faa,iidaya waa xag jiriinta dagaalka caalamigaa ku jira iyo dawlada Eriteria oo isku ujeedo ka ah in Soomaaliya ahaato furin holceysa.

    Mawqifkaas in Soomaaliya laga wado dagaal proxy ah oo alqacida iyo Eriteria u arkaan dan miyaad umada Soomaaliyeed wax qabad uga dhigeysaan?

    markii Itoobiya baxdo maxaa plan B idiin ah?

    Meeshaan labo saf oon mid sadexaad laheyn ayaa loo kala baxaaye adinkaa og khaanadaad geli laheydeen. Raga Soomaaliya ku eg oon hanqal taag dawlado kale ku jirin, iyo raga Alaska duulaanka ku ah. Raghmal anfi ayaad labadaas saf mid u raaceysaan, hadii kalena saaxadaad ka baxeysaan.

    Aadbaan uga xumahay inaad umada u hoosaasineysaan Xerta Ayman al thawaahiri, laakiin dadka idinku kalsoon oo idin eeganaya khiyaano weyn iyo hagar daamo ayey ku tahay arintaasi, warraa,idu laa yakthibu ahlah.

    W/c

  12. wadaad yare says:

    Maanta ayaa ugu danbeysey garab ka tirsan maxkamadaha oo raacsanaa asmara ayaa ku biirey Al shabaab magaalada B/Weyne. Kasoo aqriya shabelle.net. Garabka asmara wuxuu noqdey maqaar saar dadka usoo uruuriya al shabaab oo ku wareejiya dabadeed. Anqawga isku dhufte isagow dhutiya, wallee waad ka shalaayi doontaan arintaas adinka iyo dadka idinku kedsoon eed madaxda u tihiinba. Ogaal la,aan idiinma geyn sida dad badan oo caamaa, laakiin rabitaanka Eriteria iyo ciilka soomaalidaa idinka indho saabey inaad xaqiiqda aragtaan.

    Shabaab wax ixtiraam ah idiinma heyso oo waa kuwa meel kasta idinka qabsadey, hadana umadiibaad weli u hoosaasineysaan. Waxaa iska cad inaad ku fashilanteed wixii hogaan hagaagsan laga dhowrayey.

    Allah yahdiikum

  13. musdaf,yare says:

    walaal waxaas looma baahna ee raga waxaa laga rabaa in ay tagaan gudaha soomaaliya raganimo waxaa layiraah nin ka hadla gudaha soomaliya

  14. Cabdi caaqil says:

    scww
    walaalaha dib u xoraynta somaaliay ee fadhigoodu yahay waxaan u soo jeedinayaa amaan iyo talo
    waxay ku amaananyahiin siday mabaadii,da dib u xoraynta iyo diinta ugu dhagan yahiin una wadaan dagaalka wadanka lagu xoraynayo ayagoo naf iyo maalba ku bixya sidii loo hili lahaa nabadii cadawgu xooga nooga dumiyay xoogna looga saari lahaa cadawga wadanka si nabadii iyo kala danbayntii iyo diin ku dhaqankii iyo wanagii faraha badnaa dub loogu hanto

    waxaan in yar ku dhaliilayaa oon talana oga dhigayaa inaysan ka soo bixin meeshaan ka filayna dhan dagaalka afaka (MEDIA’S PROPAGANDA WAR)tusaale ahaan idaacadaha bbc da iyo voice of america badanaa rer casmara kama hadlaan ma garanayo ma idaahadahaas baan jaanis siin maadaama rer galbeed leeyahay oon ognahay in BBC iyo VOICE OF AMERICA 2daba ay bixiyaan dhaqaalahooda dawladahooda una adeegan danaha dawlada haas ayna dhici karto qofkii danahaas ka soo horjeeda in la cuna qabateeyo arintu ma taasaa mase waa ku baraarug la aan ka jirta xaga dib u xoraynta muhimada dagaala afkaahu lee yahay
    tusaale kale
    sh xasan daahir aways waa shaqsi sharif iyo cisi umada soomaaliyeed dhexdeeda ku leh alaha u siyaadiyee, hadna waa shaqsi oo meelkasta qofku kuma fiicnaankaro dagaal badan oo shiikha gaalada iyo gaala raacyadu ku qaadeen oo xaga afkaa baad moodaa inuu soomali badan saameeyay marka soo ma qaumana hadii idaacado lala hadlayo in qof aan asaga ahayn oo ka codkarsan la raadsho ama haduu shuukhu hadlayo loo yeelo rag kala taliya dhankaas aqoona u leh
    hadiise BBC iyo VOICE OF AMERICA na cuna gabateeeyeen maan adeegsano kuwa soomaalida
    halkaa naga dhuujiya caana helooyin
    scwwb

  15. Dulmi Diid says:

    as/w waa cajiiib naag niman bana soo fureen ayaa tiri lugtaaney marba ninku qaaad Hadda waxaan lee yahay shacabkaanow marba meel laguu jeedi walaalayaalow nimaankaan hadda waxa soo qoray haday run sheegayaan oo nabad shacabka u rabaan may loolanka socda meel u raacaaaan waa maxay nabada ay asmaro wado waa horaaba layska daayee mise waa makarafoon oo hadla ayaa la lee yahay, ninka muslimka ah diinta waa ka run sheegaa meesha maslaxada jirtana waa taageeraa laakin muslimka laguma yaqaan inuu u dhaqmo sidii qabqable dagaal, warka waxaan ku soo gaba gabaynayaa nimanyahw ilaahay ka yaaba oo maslaxada ka shaqeeya ee dantiina ha fiirsanina hadii ku jabuuti guulaystaan waad guulaysateen hadii aysan guulaysane waa rag dadaalay wabillahi tawfiiq

  16. Ayaan Hassan says:

    Allow idin xafid sh hassan iyo dr cumar iimaan

    kuwaa djabouti ee Diinta ibsaday caawa salaad cali jeele iyo qeybdiid baa u qudbeynaya ala shariif sh ahmed tuugsana diinta ku qabatay garkii wuu xiirey waxa uu qarsanayay in Islam ku yahay wax lagu qaraabto balse waa fashilnay waxaan lee yahay xaqa kaa soo bax daalim baa tahay diinta iibsaday

  17. ismail says:

    war dadka ma cawanaa waa yaabay war nin asmara joogo aanan xabad ridi karin siyaasadna wax ku soo kordhin karin muxuu no qaban karaa marka reer asmara waxaan u arkaa dad ay ka dhamaatay why labadaba lagama haayo siyaasad iyo xoogba meel ay kataliyan malahan maanta somaliya marka aniga waxaan aad ula dhacsanahay shiiq sharif, waxaan kaloo la yaabanahay dadka shiq shariif wax ka sheegaayo caaynaayo war ilahey ka cabsada oo hada siyaasadisa xataa ku anficin haku dinbaabin lakin xariif iyo wax lamid ah inaad guul u aragto waa damiir xumo somaliya maanta nabad ay u bahantahay ee uma baahno hadal iyo dagaal ee somaliy in laysku keeno ay u baahantahay reer asmarow waxaaan aheyn hadal oo dadka lag kicinaayo adigane gaal aa hoos joogtid idinkama heyno ee ilhaey ka cabsada asc

  18. umucamaar says:

    sww
    walaal asmara ayagoo jooga bay halkooda wax kaqabanayaan ,qasab maahan in lawado galo dagaalka dadku qaarne waa madax ookor bay kadagaalamayaan talo iyo tusaale bay wadaan qaarne waasaraakiil ciidan qaarne waaba ciidankii,asmarane way kumahadsan tahaymaanta baaska ay nooga soo baxday,gaal madow iyo mid cadba waana cayr saday,booskii najaashi bay maanta kasoo baxday




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Warsaxaafadeed: Ka soo baxay Xaafiiska Warfaafinta ARS ee Asmara.
  2. Warsaxaafadeed Ku Saabsabsan Shirka Jabuuti oo uu soo saaray Isbahaysiga Garabka Asmara.
  3. Isbahaysiga Garabka Asmara oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Abaaraha Dalka ka jira
  4. Isbahaysiga Garabka Asmara oo Baaq Diigniin ah ka soo saaray Heshiiskii Jabuuti
  5. Madaxa Xafiiska Warfaafinta UWSLF “Garabka Max’ed Cusmaan ayaa wada Dagaalka illaa iyo laga soo bilaabo 2005”

Latest Headlines