Ciidamada Badda Germany oo bad baadiyay Markab laga lahaa dalka Masar

Published on December 25, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

Wasaarada Gaashaan dhiga Dalka Germany ayaa sheegtay in ay u suura gashay Maanta Markab ka mid ah kuweeda dagaalka in uu bad baadiyo Markab laga lahaa Dalka Masar oo shixnad ganacsi siday kaasoo ay soo wareerareen Burcad badeeda.

 

Warkan ka soo baxay Wasarada Gaashaan dhiga Germany ayaa intaa ku daray in Markabkooda dagaal uu weerar ku qaaday koox Burcad badeed ah oo isku dayay in ay markabaas soo weeraraan ayna qabsadaan Markab siday Shixnad Ganacsi kana yimid qaar ka mid ah Wadamada Aasiya kuna sii jeeday Marin biyoodka Suways, waxayna Wasaaradu intaa ku dartay in Markabkaas ay Saareeyeen 31 Shaqaale.

 

Warmadax banaan oo ka soo baxay Ururka Caalamiga ah Maritaanada  badda ayaa sheegay in howl galka ay sameeyeen Ciidamada Badda ee Germany ay ka qeyb qashay diyaarad Air copter  ah.

 

Ururka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah shaqaalaha saaraa Markabka laga lahaa Masar ee ay Maanta bad baadiyeen ciidamada bada germany.

 

Howlgalka ay maanta sameeyeen cidamada Badda Germany ayaa noqonaysa midi ugu horaysy ee uu qaado wadan ka mid ah wadamada ku midaysan Isbahaysiga Nato ilaa iyo intii uu golaha Amaanka ee Qarmada Midoobay ogolaaday in Burcad badeeda lagula dagaalamo badda iyo bariga , wuxuuna sidoo kale howlgankan ku soo beegmayaa maaalmo uun kadib xili uu Baarlamaanka Germany isku raacay in xeebaha Soomaaliya loo diro qaar ka mid ah Maraakiibtooda dagaalka si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka Burcad badeeda ka jirta Xeebaha Soomaaliya



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Markab laga lahaa Dalka K/Kuuriya oo la sii daayey
  2. Markab Dalka Greek laga leeyahey oo la sii daayey
  3. Markab laga Leeyahay Masar oo la Afduubtay
  4. Markab Liberia laga leeyahey oo la afduubey
  5. Burbacd badeeda oo siidaysay 2 Markab oo laga kala leeyahay Jabaan & Masar mid kalena ka dalbaday $35 Milyan

Readers Comments (1)

  1. bishaar says:

    dano gaara oo laga leeyhay badanaa somaaliya waa yaab ma inay naga caqli badayihin ayay u maleyaan wa idin ognhay cadwada iyo waxa aad nala rabtiin allah ayaan idinka hoos galaynaa




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Markab laga lahaa Dalka K/Kuuriya oo la sii daayey
  2. Markab Dalka Greek laga leeyahey oo la sii daayey
  3. Markab laga Leeyahay Masar oo la Afduubtay
  4. Markab Liberia laga leeyahey oo la afduubey
  5. Burbacd badeeda oo siidaysay 2 Markab oo laga kala leeyahay Jabaan & Masar mid kalena ka dalbaday $35 Milyan

Latest Headlines