Sh Shariif oo kulamo kala duwan ku leh xarunta uu Muqdisho ka degan yahey.

Published on December 12, 2008 by   ·   13 Comments   ·   print

Sh Shariif Sh Axmed, Gudoomiyaha Isbaheysiga Dibu Xoreynta, Garabka Jabuti oo maalintii 3 aad ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan ku leh Hotel Lafwayne oo uu degan yahey, kuwaas oo uu la leeyahey qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulmadan ayaa ku aadan sida uu saxaafada u sheegay Sh Shariif, sidii uu sharaxaado dheeraad ah uga bixin lahaa heshiiskii ku dhex marey garabkooda iyo DKMG ah, dalka Jabuti, iyo sidoo kale wadatashiyo ku aadan sidii loo dhaqan gelin lahaaba.

Maanta waxa uu kala gooni gooni ah la kala qaatey Odayaal iyo Waxgarad ka kala socdey beelaha Xawaadle iyo Mudulood, kuwaas oo ay wada hadleen, arimo heshiiskii Jabuti ku saabsan iyo dhaqan gelintiisa.

Waxa uu sidoo kale kulamo iyana la qaatey qaar ka mid ah gudoomiyaasha Gobolka Banaadir, lamana oga wax yaabihii uu sida gaarka ah u gala Hadley, balse waxaa la filayaa in uu kala Hadley qaar ka mid ah ajandayaashii uu u yimid Magaalada Muqdisho.

Shaley waxa uu sidoo kale kulamo la qaatey, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye iyo Daarood oo uu kala Hadley arimo ka mid ah kuwii uu Muqdisho u yimid oo ay ka mid yihiin, shirkii Jabuti iyo wixii ka soo baxey sharaxaado dheeraad ah in uu ka siiyay, sidoo kale dhaqan gelintiisa, iyo sidoo kale arimo ay ka mid yihiin bixitaanka ciidamada gumeysiga Itoobiya oo uu sheegay Sh Shariif in ay ku baxaan wakhtigii loogu talo galey.

Golaha Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka mid qeybaha kala duwan ee bulshada ee ay is arkeen Shariifka intii uu dib ugu soo noqdey Magaalada Muqdisho.

Sh Shariif oo saxaafada la Hadley ayaa ku qaabey in la muujiyo isku duubni iyo wada shaqeyn, si loo wada xaqiijiyo ahdaafta iyo yoolasha la wada tiigsanayo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (13)

  1. wadaad yare says:

    sh shariif wuxuu sharaf kulahaa u ololaynta kudhaqanka shareecada islaamka laakin kuma qurxana u ololaynta kudhaqanka aragtida beesha caalamka iyo dibindaabinta ay shacabka kula dhaqmaan laakin waa nin abgaal ah mowqifkuusu haduu gaaray labo sano wuu dadaalay waayo waxan naqaanay inau sanad wax kayar ay kusoo guryo noqdaan banaadir iyo beesha mudulood ilaahay hasoo hanuuniyo ninkaas wuu leexdaye

  2. Shaxshax says:

    walal inta kale waan kugu raacsanahay laakiin adiguna qabiilka dhan iska tuf

  3. abuu digin says:

    bismilah wasalatu wasalamu calarasulilah wa bacd
    DADKA MUSLIMINT AH EE SOMALIYET WAXA MODA IN EE WALI QABILKI DABA TAGANYIHIN MIDA MAHAN ARIN KU HABOON DIINTA ISLAAMKA WALALKEY WAXAN DHIHI LAHA QOFK DHALACEY LAKIIN JINSIYADISA WAXBA HAKA SHAGIN IMISA ISAGA KU HEEB AH AYAA JOGTA HADANA MANTA KUWA SHARIIFKA WATO IYO WAXA EE WADAN AAN RALI KA AHEEN MARKA WALAL WAX KASTA UFIRI DHINACA DIINTA MELO BADANA KA FIRI RUNTI SHIIKH SAXDA JIHAATKA WAA KA BAXAY HADUU KABAXAYNA MUJAHIDINTA SIDA ASAGA OOSAN UGU BAHNEEN AYEEYSN AYAGANA UGU BAHNEEN WAN KA MARMAN KUWA RALI GALINTA ALLE KA HOR MARIYAY MIDA REER GALBEETKA ANAGANA MARNA QADAN MEENO RALI LGALIN RER GALBEET INTA EE NAFI NAGU JIRTO DADBA LEH HALAGA WAR SUGO SHIIKHA LAKIIN WEY KU DALAYAN AYAGANA WAQTIGA AYAA KAGA DHUMAYO HADUU MANTA CIIDAMADE CADOWGA WARDIYO KA HYAAN ASAGA AYAA MANTA SHALAY TAGAN ALLAHA SOO HANUNIYO SHIIKH XAQANA TUSO BI IDNILAAH

  4. Mahamud M Hassan (Haji) says:

    ASA Dhamaantiin intaa ka dib waxaan in badan isku dayay in waxba ku qorin halkan hase yeeshee mararka qaarkood waxay kugu noqonaysaa waajib in aad arinta aad ka hadashid.

    Sida tusaale ahaan WADAAD YARE. Isaga oo dhowr jeer oo hre qoraaladiisa ka muuqdeen ayuu maanta afkaiyo gacanataba soo mariyay markii uu Sheikha uu ka dhigay nin qabiili ah. Soomaalida waxay tiraahdaa FARTA IYO MEEL BUGTA AA IS OG walaalkayn Wadaad yare waxaan filayaa in ka mid yahay ragga / dumarka halkan caayda ula taagan oo aan hayn hadal ama dood macquul ama aan dhaho diin waafi. Arigtadoodana ku saleeya waxii shalay dhacay iyo waxii maanta jooga oo aanan marka ka fekerin mustaqbalka fog.

    Waxyaabaha laga naxo ee naguu soo kordhay ilaa iyo intii la saxiixay heshiiskii jabuuti waxaa ka mid ah :

    1. In aflagaado ama hadal xumaan loo jeediyo Sheikh Shariif halka amaan iyo hadal wanaag lala dul dhacay Sh. Hassan D. Aweys.

    2. In Shabaabka ay qabsadaan degaano degan dabadeedna ay culimo kale oo ka feker duwan ay ku qaadaan dagaalo ama hanjabaado.

    3.In waxa la yiraa u badnaasho qowlka dadka lo muujiyo in taageero uusan haysan Sheikh Shariif mar haddii Al shabaab aysan ku feker noqon Sheikha.

    iyo waxyaabo kale oo aan halkan ku soo wada koobi karin.

    Laakiin waxaan idin sheegayaa in Labada Sheikhba ay isku ujeedo yihiin taas oo ah in wadanka laga xoreeyo XABASHIDA waxayna ku kala tageen dariiqa loo maraayo. Waan ogahay in dad badani ay u arkaan in aan taageeraayo Sh. Sharif balse waa taageersanahay labadaba , laakiin waa in aanan midna ku takoorin uguna xad gudbin sharaftiisa.

    Marka ay ciidamada XABASHIDA ay baxaan maxaa xiga ? In wadanka lagu dhaqo shareecada islaamka ? Haa way fiican tahay waana waajib aan fulinayno laakiin ma aha AL shabaab ay sheegtaan in ay ku saxsanyihiin habka loo fulinaayo soomaalida inteeda kalena ay ku qaldan yihiin. Al shabaab waa soomaali waana in arinta loo celiyaa culimada iyo guud ahaan bulshi weynta soomaaliyeed.

    Waxaan ILAAH ka baryayayaa in is faham dhex dhigo mujaahidiinta dhamaantood.

    Qoryaha iyo siyaasada colaadeedba aysan noqon mid dhib inoo keenta

    WSW

  5. abuu digin says:

    (ASHTAKO QAAR KA MIT AH DADKA FIKRATAD KA DHIIBTO WABKAN)
    bismilaah wasalatu wasalamu calarasulilaah wa bacd
    DHAMAN WALALAHA MUSLIMINTA AH EE SOMALIYEET QASATAN MADAXDA WABSETKAN SOMALIMIRROR
    ANIGA OO KU HADLAAYO MAGACA UMADA SOMALIYEET QASATAN MITKA MUJAHIDINTA ALSHABAB WAXAN ASTAKO KANAHAY WALALKA LA MAGAC BAXAY WADAD YARE KAA OO MARKASTA CADESTAY AMA BANESTAY DACAYADA MUJAHIDINTA QOFKA FIKIRKISA XOR AYUU UYAHAY WANA DHIIBAN KARAA LAKIIN WAXAN KA COTSANEEYNA MAMAULKA SOMALIMIRROR IN EE FIRO GAR AH UYEESHA WAXYABAHA WAX UDHIMIKARA SUMCADA MUJAHIDINTA WAYO SIDA AAN WADA OGNAHAY WABKAN WAXA OO KA MITYAHAY KUWA MUSLIMINTA AMA DHEXDHEXAT KA AH WARARKA INTA BADAN WALALKENA WAXAN LENAHNAY WAA QALAT IN MANTA AAT MUJAHIDINTA AAT UGAFTO ADIGA OO DINIYAN IYO FICLIYAN AAT UFIRIN WIXI EE KU QALDANYIHIN SHEEG LAKIIN WAXYABAHA BEEN ABUURKA AH WAXAN LENAHAY WALAKENA HANAGA DAYO MUSLIMINTA KALA HAKA DAAYO
    F:G ANAGA HADAFKENA WAA MIT WAA XOREENTA DALKA IYO KUXUKUNKA SHAREECADA ISLAAMKA CIT QAS AH OO NOO BARTILMAMET AH MA JIRTO SHACABKANA WAA NOO SIMANYIHIN WIXI AAN QALAT AT U ARAGTANA WAA SHAGI KARTAA LAKIIN WAXAN FILAA IN IN BADAN CODSIGEYNA LA TELGALIN DONA MITNA WAA QALAT DIINTA AAN KU HABOONEEN IN MUJAHIDIN LA YIRAAHDO MURTADIN AMA GAALO MIDAANA WAA MID DIINTA KA FOG WASALAMULAAHI CALEYKUM

  6. uma ahmed says:

    assalaamu caleekum waraxmatu allaahi wabarakatu

    maxamudow walaal amxaaro injirlay ha iga baxdo iyo ha i soo dhowayso laba is raaca ma aha

    Diinta Ilaahay ayaan ku dhaqmaynaa oo manhajkeenu waa Kitaabka Ilaahay iyo Sunadii Rasuulka, dariiqay ino jideeyeena waan ka leexanayaa oo gaal sanwayn baa i waardiyeynaaya isma qaadaan

    meeshan ka odhan lahaa qaala Allaahu wa qaala Rasuuluhu scw ayaan afka ku haynayaa beesha caalamka ayaa wax i qabanaysa iyaguna isma qaadan

    soomali baa hore u tidhi war hashu maankayga qaadaye ma masaar bay leqday !!!
    Mahamudow walaal zaman al fidna ayaan ku jirnaaye Ilaahay ha ina sugo ogowna qofka waxa taagan aan garan waxa soo socdana ma garto
    Ilaahay dariiqa xaqa ah ha inagu sugo

  7. murshid says:

    A.c

    walaalayaal dhab ahaantii waxaan u malaynayaa in Rajada kaliya ee umada somaliyed ay sugayaan ay tahay dadaalada ay wadaan shiikh shariif iyo ururkiisa sababtuna waxay tahay.
    1- dhibaatada umada haysataahi waa jogitaanka Ethopia ayadana dadka waawayn oo uu marayku ugu horeeyo ayaa wata marka hadii ayaka la fahmo waa la la bixinkaraah ayaan filayaa taasna waa miduu wado shiikhu.
    2-marabno inaan noqono sida Falatin oo kale in kabadan 50 sano ku jiro waxaad aragteen ee sida ugu haboon inaan dhibka ugu baxno ayaan rabnaa.
    3-Ethopia dhimashada halmalyan oo ciidan ah waxba ka dhibimaayo hadii ay helayso qarash waayo waxa ay kenaysaa waa Oromada masakinta ah iyo xabashida marka si farsamaysan inaan uga baxno ayaa loo baahanyahay ee nabada hala taageero walaalayaal xamaasad wax tarimayso aan laga fakarin.

  8. wadaad yare says:

    Waxaan la yaabey sida qoladaani naf la caari u tahay oo dagaalka ay iigula jiraan. War ilaahey amarkiis, war duulku anaanisanaa xataa inaan internetkii wax ku qorno waa noo quuri la,yihiin hadey dalkeeni dhammaa kula saaxiibeen Ayman al thawaahiri.

    Cay, been abuur magaceyga iyo in nafteyda la i handado oo la ii caga jugleeyo.

    Hada midbaa magaceyga qaatey oo abgaal caayey, mid kalaa u camirey oo arintaas awgeed igu xukmiyey inaan qabyaaleyste ahey. Waxaana dhici karta inuu isla asaga yahay waxa marna abgaal caynaya, marna i xukminaya.

    Taas waxey daliil u tahay sida ay u rabaan iney i aamusiyaan dariiqo kasta.

    Bal marka xaal marayo meeshaas oo nimanka dhiigoodi boqol gaarey hade nin aan baqin waa loo baqaaye waa inaan break qaato ayaan intii ah.

    Marka todobaad break ah ayaan idin siinayaa ee isku sii camira intaas oo shariifka caydiisa isku sii maaweeliya.

    Todobaadkaas gudihiisana sida xaaladuhu u socdaan iyadoo is badalo badan dhaceen inaan kusoo noqon doono ayaan rajeynayaa.

    f.g

    Ku:Somalimirror

    Walaalayaal waad u jeedaan sida dhaqan xumada ah ee qoladaani magaceyga u adeegsanayaan. Marka la socda iney sidaas foosha xun oo akhlaaqda ka baxsan u dhaqmayaan. Dhaqankooda guudna waa sidaas.

    dadka dhana way ogyihiin oo bogaan ku xiran sidaan u hadlo iyo waxaan qoraba.

    Waxey soo qadimeen nin isi soo miidaamiyey oo isku key qarxiya si meesha aan uga baxo. Ninkaasi wuxuu hurey diintiisi iyo damiirkiisi si uu u khaarajiyo shakhsiyadeyda ictibaarigaa ee wadaad yare oon bogiina ku joogo. Arintaas umaanan dhiman, laakiin dhaawicii iga soo gaarey waxaan gelayaa fasax usbuuc ah ee sidaas ula socda. Ninkaas is miidaamiyahaana la socda inuu wato magac been abuur ah ee uusan laheyn. calaamadihiisa lagu gartana wejiga ayaa u duuban, caro fara badan ayaa heysa, wuxuu arko wuu qaniinayaa oo raabiya ayaa heysa halis ah.

    Waa kaas xaalku

  9. ex-Haddan imid says:

    asc.walaalayaal

  10. ismail says:

    kkkkkkkk asc dhamaan umada musliminta ah mid kale yar kan wato wadaad yar bro horta aniga webkaan waxba kuma soo qoro waan aqristaa fikradihina dhamaan lakin waxaa aamin sanahay ninka magacaga soo qaatay oo hadane qabiilka caayay inaadan adiga aheyh mida kale waa qof meeshan wax ku soo qoro hadane qabiilkaas neceb oo magacisa la xishooday sida ay aniga ila tahay mida kale aniga waxaan leyahay dhaman inta xaqa ku tagan ilahayow adiga aa yaqaano ee na waafaji ilaa hada aniga wax badan aan arkaa lakin waxa la dhaho maleyn waa danbi marka ilahey somali ha isku keeno koley dad badan oo din shaqo ku laheyn oo qabiil jacayl wax u taageero aa u jeedaa ayakane ilahey ha soo hanuuniyo waayo somali wali ma bislaanin caqli yaro iyo xaasidnimo ay isku darsadeen mida kale dadka dadka gaaleynaayo diintiina ilaashada pls waayo danbi ka wayn malahan mida kale hal xadiith oo aad baratid maahan sidaa doonto inaa u fasirto shiiqaq idinka cilmi badan aanan ku dag dagin wax wablo sid ay qalad ka dhaco uga cabsanayan marka ilahey halaga baqo si xirfad ku jirto haloo doodo diintana halayska ilaaliyo asc ,,,,,,,,,,,,,

  11. Dulmi diid says:

    walaalayaal war jiraaba cakaara ayuu iman ee yaan laga hor dhicin fikirka shariifka , anigu waxaan sugayaa ciidamo beel kusalaysan oo cumaamado loosoo galiyay iyo Ashabaab ciyaarta dhex maridoonta waana fikirka maraykanka iyo cadowgu adeegsadaan ,taasina waa dhabar jab wayn oo billoowday iyo mugdi hor leh allaha sahlo.

  12. xandal says:

    Assalaamu Calaykum Warraxmatullah

    Ciid mubaarak dhammaan walaalayaal, Allaah ha inaku gaarsiiyo ciidda ciiddeeda caafimaad qab, iyo cibaado suubban oo maqbuul ah. Intaa ka dib, Shariifku waa is baddalay, go’aanka uu qaatayna wuu ku qanacsan yahay, qolada gaalada ahina raalli bay ka yihiin, nimankaasina raalli kama noqdaan nimaan iyaga daba socod u noqon, marka waxay ila tahay, ninkaan yaan laguna fidnoobin, yaanna lagu dambaabin, isagana Allaah ha loo baryo inuu sidaan sidii horaa u dhaantaye dib ugu soo celiyo. Tan kale colaadda muslimiinta loo qabaa maaha mid la qarsado waayadaan dambe, mana aha mid lagu xallin karo af iyo hadal been ah, nimaan laga biqin maantana waa cake la rabo in la cuno. Marka yarka khibrad yari ayaa haysee cagta aan u dhigno, maskaxdeennana aan ka saarno dan dalku leeyahay ayuu ku mashquulsan yahay. Maxaa keenay raggay dagaalka isla galeen in qaarna samada laga soo toogto, qaarna wali la daba joogo, qaarna la xirxiray, isagana hadba diyaarad lagu qaado, lacag la siiyo, lana buunbuuniyo? Nimankaani dantooda waxaan ahayn kama shaqeeyaan, iyada ninkii wada oo kaliya ayayna wadwadaan oo sheegsheegaan. Marka Allaha sahlo.

  13. Cige says:

    asc wr wb
    sh. shariif ha noolaado siyaasadiisu ha guulaysato, cadowgiisa Ilaahay ha soo hadeeyo, hadii aanay nasiib u lahayn hanuunna dhabarka ha ka jabiyo.
    Siyaasada sh. shariif:
    dad badan oo halkan wax ku soo qoraa ma fahamsana siyaasada sh. shariif, waxaana fiican intaanad wax xukumin inaad horta xog buuxda hayso.
    habeen sh. shariif kama uu tanaasulin mabaadidii siyaasadeed ee uu aaminsanaa sida in kitaabka qur’aanka ahi yahay dustoorka dalka.
    laakiin dariiqa loo marayo arintaasi waa inuu yahay mid madruus ah oo si fiican looga fikiray.
    waa in la eegaa arimo dhawr ah: bulshada soomaaliyeed 18 oo dagaal ah iyo siyaasada ku haboon, siyaasada gobolka, siyaasada caalamiga ah, cadowga kaa soo horjeeda iyo awoodihiisa kala duwan, markaa sxbyaal arintani waa arin dhalinta ka da’weyne ha ina dedejinina cagaha u dhiga arinta dee sheekhana ha ku degdegin wuxuu wadaa waa hawshii qaranka oo dhan kale uu u dhigaye.
    arin warwar leh:
    waxaa cabsi weyn laga qabaa in ay siyaasada shariif sababto dagaal sokeeye sokeeye sokeeye oo dhex mara tageerayaasha shariif iyo ururada islaamiyeenta ah ee ay hogaamiyaan dhalin aan khibrab badan lahayn oo degdegaysa hase ahaatee si dhakhso ah uun u noqday awood mu’athir ah saaxada siyaasadeed ee soomaaliya.
    waa su’aal muran ka joogaa.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines