Sheekh Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Djibouti oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Jibouti ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihii:- Hadal dhawaan ka soo yeeray C/laahi Yuusuf oo ahaa in shirka Djibouti uu yahay Shir Beeleed, iyo hadalo uu sheegay in suuqa lala wareegayo oo ah Gaalaysiin, Burcad Badeeda iyo Arimo kale.
Sheekh Shariif ayaa ugu horeyn ka jawaabay hadalkii C/laahi Yuusuf uu ku tilmaamay Shirka Djibouti waxaaana uu yiri “Wadahadalada Djibouti ka socda waa howl ay ka wada Qeyb qaadanayaan Gudiyo si gaar ah loo soo xulay oo ka kala Tirsan Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliyeed iyo TFG-da, waana Arimo si aad ah looga shaqeeyay, Danaha Umadda Soomaaliyeedna la doonayo in lagu xaqiijiyo, sidaas darteed waxaa nasiib daro ah Dadkii dhinaca ka ahaa Heshiisyada ama Mas’uuliyada Sheeganayay inay ku tilmaamaan wada hadalo koox gaar ah ay leedahay ama Qabiil gaar ah uu leeyahay, taas oo wax u dhimaysa Sumcadooda iyo mid Shacabkaba, sidaa darteed waxaan leenahay waa in la muujiyaa Mas’uuliyad lagana gudbaa in caqabad loo dhigo shirka Dib u heshiisiinta Djibouti”.
Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in laga digtoonaado hadalada suuqa lala wareegayo ee dadka lagu gaalaysiinayo taas oo uu tilmaamay in aysan sal iyo raad toona ku lahayn diinta Islaamka. “waxaan ka digaynaa Falalka iyo hadalada Gaalaysiinta ah ee umadda Soomaaliyeed Dhexdeeda laga wado iyo dadkaas cadaystay in ay dhiiga iyo Maalka iyo sharafka Dadka Soomaaliyeed Baneystaan, waxaana shacabka soomaaliyeed dhamaan ugu baaqaynaa inay falkaas aan salka ku lahayn Diinta Islaamka, Dhaqanka Soomaaliyeedna aan ka mid ahayn, in dhinac looga soo wada jeesto, isla markaana Dadka ku howlan waxaan u soo jeedinaynaa in ay ka istaagaan falalkaas khaldan oo u keeni kara Dadka Soomaaliyeed guud ahaan Dhibaato aan horey u soo marin”.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu Dhawaan C/laahi Yuusuf ku tilmaamay Shirka Djibouti mid Beeleed isla markaana Cade Muuse uu sheegay in ay ka soo horjeedaan Heshiiska Djibouti.
Sidoo Kale hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili ay soo baxayaan Qorshayaal uu doonayo in uu C/laahi Yuusuf ku rido Nuur Xasan Xuseen marka ugu horeysa ee ay Kalfadhiga iskugu yimaadaan Xubnaha Baarlamaanka.

Related posts:
Salaamun caleykum waraxma.
Kitaab waddaadkisii tuuray sayax allaa baday??.
waa yaabe maxaa shariif iyo c/laahi isu geeyey?
Haddii aad dad xun wax ku darsato sow adna xumaan meysid?
Waxaan ka xumahay ama aad uga naxsanahay sh shariif ,sharaftii uu lahaa iyo wanaagii uu ku hadli jirey iyo meesha uu hadda siimarayo.
Waxaan Allah uga baryayaa in u shariifka iyo dhamma walaalihii maxkamadaha heshiish dhex dhigo oo isu soo celiyo,taas ayaa flayaa in nabadda soomaaliya ay asal u noqonkarto.
salaamun caleykum waraxmatulahi wabarakaatuhu.
a/c
ilaahay guusha hasiiyo Mujaahidiinta soomaliyeed,ilaahayna dhibka haka saaro shacabka soomaliyeed,hadalka sheikh sharif ee ah heshiiska uu isagu rabo,oo TFG diiday sow nasiib daro maaha,meeye nimankii Interantionalka community-gii ahaa ee shiekh shariif shirka wanaagiisa ubalanqaaday weli hadal lagama hayee,malaha shiekha waa khiyaaneen.
Weli madhowa arimuhu yaa sheikh shariif khiyaanooyinka gaaladana ilaahay yaa inoo sheegay.allaah yaa kan run badan:
waaslaamu calaykum
Sheekh Shariif waxa werwer ku haya fatwadii culimada ay isku kooxda ahaayeen ee hadda musaalaxda iyo sixidda oo fatwooday in dadka gaalada weli ka yeesha ee naf iyo maalba ku taageeraa ay riddoobeen. arintaas ma waxa uu sheekhu ka baqay in raad ka soo galo haddii uu kooxdaas la gaalaysiiyey ku biiro
a/s salaan kadib shacbiga soomaaliyeed , waa nasiib dari in qofkasti diinta sidoowdarabo ugu tiurjumo marka waxaan lyahay shiqa wax basdan ayuu dareynsanyahay , ee ilaah halagabaqo arinta soomaaliya maanta siyaasad ayaa la isky heestaa ee dii maahane dadka yaan lahoojin ilaahna haloo laabto w.s.c
kkkkkkkkkkk sh shariif oo cbdulaahi yuusuf tuugaya cabdulaahi yuusufna uu diidanyahay waa sugayay sidaas iyo cabdulaahi yuusuf oo sh shariif qabiil ku eedeynaya ehehehehehehehhe
ASC,
Shariifoow beenta iska daa waan ku garanee marba haday ku diideen Alshabaab, maa cidiyada ayaad ku diriri soo adigii hore u oran jiray Dowlada Soomaaliyed waa gaalo maxaa sii kaa ah.
tan labaad waana la socdaa inaad har iyo jeer aad bayaano u dirtid Reer Galbeedka kuna qoran in XAGJIRIINTA diidan heshiiskii Jibuti,lagu soo dhoobdhoobay in lala dagaalamo sida Burcad Badeedka lagu qaado dagaal caalami ah bal haddad awoodin bal kaalay Xamar, ee aragaane,
waana ogahay inaad baryahaan loolan ugu jirtid sidddii loogu TAQALUSI lahaa Sh.Fu’aad Shongole, aadna warqadaada ku tibaaxday cida loo diri doono lana dagaaltami karaan Sheekhaa maskiinka ah ma mooriyantaada aad mujaahidiin ugu yertid ayad u diri lehee?
ee dib u akhri Kitaabka kariimka ah ciddii GAALO raacdo lana shaqayso waa GAAL marka adiga maxaan kuugu yeeri bal iisheeg, sow aayadaa Qur’aanka ah maxaan ka oran karnaa maa indhahaan isu qabanaa kuu qalaynaa?
KU: Noora.
sc wr wb.
walaal waad wanaajisey.
balse waa iga su aale ma xaqiiqo baad u heesaa arinka igtiyaalka dilka sh fu aad uu shariifka ka shaqeenaayo…
waa ogahey in shariifku inxiraafay oo rag ridoobey weel la walaaqdey mana ihi ruux taageersan ninkaa balaayo.
ee waxaan rabaa uun inaan hubsado arinkaa si umada loogu cadeeyo dulmiga ninkaan xariifka ah.
fadlan hadaad xaqqiiqo heeso nasoo gaarsii oo noosoo gudbi si umadu uga digtoonaato ninkaan wareerey.
wasalaam.
ASC,
Ku:Muslim Dhab Ah Insha Allaah,
Walaal waxaa wanaagsan in dadka kula fekrada ah ahna walaalo taageerada Mujaahidiinta safka hore oga jira,Walaaloow i aamin horaa lay aamini waayee waxa ka socda jibuti, ka faalooday balse aan xataa wali raali gelin ka sugaayo Wadaad qaarkood i aamini waayay.
fadlan i maanin siina gudbi waa xaqiiqada waxaan aniga arko adiga ma aragtid, waxaan aniga akhriyo, adiga ma akhridid intaa makugu qanciyaay walaalo.
asc wr wb
ciid wanaagsan insha allah dhamman umadda musliminta meel kasta ha joogeene gaar ahaanna soomalida.
waxaa aad u kala fog sh. shariif wixii lagu bartay oo uu ku soo baxay iyo sida iyo meesha maanta uu marayo marka isaga waxaan dhihi lahaa waxaan ku xusuusninayaa waa taqaane inaan waddankeena gaalo iyo UN xal u hayn inay dumiyaan maahane, aduuna ahaa kii qoriga u qaatay oo la dagaalamay ee weli waxaa taagan sababtii aa shalay qoriga u qaadataye xusuusnow.
DHallinyaradana meeshan wax ku qortana waxan leeyahay yay idinla fududaan in qof mislina la xukumo welibana diintiisa la xukumo waana arrin u baahan wax yaabo badan in la qiimeeyo aan halkan laku soo koobi karin ee wax kasta cidda ahalka u ah u daaya.waxa la qorayo iyo waxa la dhahayana ilaahay hallooga cabsado oo yaan xammaasad lagu hadlin insha allaah.
ilaahay soomalida quluubteeda ha isu saafi yeelo diinteeda,karaamadeedii, sharafteediina ha u soo celiyo, ciid wanaagsan mar labaad,ciidukum mubaarak taqabalallaahu minnaa waminkum saalixal acmaal wsc wr wb.