Xoogaga Al-Shabaab ayaa saaka la wareegay Gacan ku haynta Degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud ka dib markii dagaal shalay illaa iyo Saaka waabarigii si goos goos ah u socday uu ku dhex maray iyaga iyo Dariiqada sheegata “Ahlu Sunnah Wal-Jamaaca” Gudaha iyo Daafaha Magaalada.
Xaalada Magaalada ayaa la sheegayaa in ay saaka tahay mid dagan, isla markaana ay Magaalada Isaga baxeen xoogagii la dagaalamayay Al-Shabaab kuwaas oo aan la sheegi Karin jihada ay u baxeen.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw Dariiqada sheegata “Ahlu Sunnah Wal-Jamaaca” ayaa u sheegay Shabakadda Somalimirror in dariiqadaasi ay geeriyoodeen 5 qof sidoo kalana ay dhaawacmeen 8 qof.
Dagaalkan ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyoodeen 4 qof oo rayid ah, isla markaana ay ku Dhaawacmeen 10 qof oo aan la kala sheegi Karin, kuwaas oo la jiifiyay Isbitaalka Magaalada Guri-Ceel.
Sidoo kale Isbitaalka Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa la dhigay 5 qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray dagaaladan kuwaas oo uu ku jiro ilo yar.
Xabadihii la is-weydaarsanayay ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay ku dhaceen Kaalin shidaal oo ku taalay meel ka agdhow goobihii lagu dagaalamayay taas oo uu ka socdo Dab xoogan.
Isku socodkii gaadiidka iyo dhaq-dhaqaaqii ganacsiga ayaa la sheegayaa in ay si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanayaan ka dib markii laga war-helay in dhinacyadii ku dagaalamayay Magaalada ay hal qolo la wareegtay.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Xoogaga Al-Shabaab ay saxaafada la hadli doonaan isla markaana ay ka warbixin doonaan Dagaalkan.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa Insha Allaah.

Related posts:
asc salaantaa kadib aad baan uga xumahay dagaalkaas kadhacay guraceel balse waxaan filayaa in eediisa ayqaadayaan kooxdaan isku magacowday halu sunah waljamaacah ama looyaqaan dariiqatu suufiyaha runtii nimakaasu cadaawad bay uqabaan muslimiinta kale waxayna kajecelyihiin amxaarada iyo nta taageerta shareeco islaam inla isku xukumona maba ogala amxaaradana waxayba dhahaan waa junuudii ilaahay magaca aywataana uma qalmaan ee been iyo faalso bay usheeganayaan xakee lagu arkay halu suna lasaaxiiba gaalada oolacolaytamaya muslimiinta kana soohorjeed shareecada iyo inla hirgelyo hadaba waxaan oranlahaa magacaas iska daaya uma qalantaan
A/c.
walaalayaal dhab ahaantii in meel la qabsadaahi way sahlantahay lakin waxa muhiimka ahi waxay tahay intee ayaad mustaqbalka sii haynkartaa oo siyaasad ahaan ulasii dhaqmikartaa dadka meeshaas dagan.
waxaad ogtihiiin Maxmkamadihii islamiga ahaa umada dhan aya shisatay oo wiilashuna way dagaalameen hooyooyinkuna biyaha iyo caanaha ayey ka dabasideen maalqabeenada somaliyeedna xolohooda ayey kubixiyeen lakin burburkoodii waxaa sabab u ahaa Ururka al-shabaab waxay iska horkeeneen umadii iyo nidaamkii waayo wax aysan fasax uga haysanin culimadii ahayd golaha shuurada ayey iska fulinayeen oo ay amarka uga qaadanayeen dad aanba somaliba ahayn ama aan fahmikarin xaalada somaliya waxaa ka mid ahaa gubistii qaadka dagaalo farabadan oo ayadoon loo ogayn ay iskaqaadeen,iyo dilka dad aan l isla ogayn sida ninkii wariyaha ahaa oo reergalbedka u dhashay oo tarabuunka ayadoo la taaganyahay lagu dilay iyo waxyaabo farabadan oo aanan halkaan kusoo koobikarin.
taas waxaad ku darsataa nimankii ciraaq ayakoo dowlad dhistay oo la yirahdo dowla islamiya ayey shacabkii wax lawaday oo dalka qabtay ayey iska horkeeneen oo odoyaashii qabiilka ayey laayeen taasi waxay keentay in maantay dowlad iska daaye meel lagu sheego an la arkin waana siyaaso xumadooda un markaad fiiriso waxad leedahay islaamka intay ka gooyeen ayaa ka badan intay usoo kordhiyeen.
marka dhanka qabsashada guriceel waxwayn maahan lakin intey kasii talinkaraan meeqa bilodd sanad ma gaarikaraan waayo dadku waa kuwii ad shalay ku dhex dhumanaysay waa kuwii biyaha kula dabataagnaa maantay intaad tiknikadaada qaadato kama dagaalmikartid boosaaso iyo garowe marka waa siyaasad xumo hadaad iska horkeentto dadkii aad ku dhex dhuumanaysay waana caasinimo hadad dadkii shalay kusoo saaray maantay intaad gaalo ku timaanto aad laydo.
gabangabadii waxaa ii muuqata inaysan al-shabaab wax badan sii jiraynin lakin intaas yar ayey umada qaribaayaan.
A/c.
waxaan rabay inaan kalmad iraahdo kuwa leh waa mujahidiinta dalka difaaca Al-shabaab, taas waxaan u malaynayaa inaysan sax ahayn waayo al-shabaab meel ay Ethopian kula dagaalameen waa ay yartahay hadii ayba jirto waxa ay la dagaalamaan waa somalida un tuhmo loo dilo ama qarax lagu sameeyo inay madaafiic ridaan waa wax dhaca lakin dagaal kafool ka fool ah oo ay ethopian la galeen waxaa ka jira mid yar oo ehopian baydhabo u socday ay bam kula qarixiyeen walawaayn kadibna dhowr xabadood ay ku riden kadibna ka tageen lakin dagaalada lagula dagaalamo ethopian ka waxa qaadaahi waa Ciidamada midowga maxkamadaha waxaa ka mid ah midkii ay ethopian ka Guriceel agtiisa kulagaleen oo taliyihii ciidamada watay ahaana madaxdii maxkadaha uu ku shahiiiday iyo dagaalada kale ee la midkaaba waxa galaa waa maxkamadaha lakin shabaab waxay ka adagyihiin oo ay u xoogwaynyihiin waa dilka somalida.
Maxaa siyaad xumada ugu wacan.
1- waxa kow ugu wacan ayakoon culima lagu arkin aqondiimeed iyo mid aduunyaba taqaana waxa u shiikh ah Abuu mansuur waa taliye ciidan diin uu ku iftoodo malahan jaamacadii la dhihijiray (jaamaca islamiya) ayu margalay markuu laba sano ku dhacay ayuu ka tagay.
2- sababka kale wuxuu yahay ayakoon somaliyaba aan ku xirnayn ee amarkoodu uu duul kale ka yimaado waxaadna ogtihin in wadan walbaba uu ay bii adiisu iyo caadooynkiisa ay ka duwantuhan wadankale waayo culimadu waad aragteen markay iftoonaayaan waxay yiraahdaan iftadu way isbadashaan wax wadan usuubada ayaan wadankale usuubanin ama saman wax suubada ayan saman kale u suubanin.
waqtigaa iga dhamaaday oo masii dhamaystirikaro ee inshaa alaah markaan soo labto ayaan dhamaystirayaa.
maqabo in dagal lagu deg dego somali dhexdeda ah lakin kooxda labaxdey ahlu suna mooryanta waxey uga duwanyihin magaranayo sabab too ah dadka camada ah ayey xoolaha uga qataan sharta ayan idinka difaceyna qeyrkana waan idin fureyna alshababna waxa lagu yaqan xaqa oy difacan iyo waliba jihadka oy oogaan
waxaan rabaa kalmad in aan ku iraahdo ninka isku magacaabay murshid waxaa la yiraadaa. laa tshqalana can caybisaa xibika qaafilan can caybi nafsika inahu caybaani. taas macneheedu waxaa weeye haku mashquulin qofkala ceebtiis addiga oo moog taada maxaa yeeley taas waa laba ceebood .maahmaah soomaaliyeed baa waxay leedahey.habar fadhidaa lagdan lafududaa.nin mujaahid ah oo madfac olola haya hortaagan in aad wax ka sheegtid ceeb baan u arkaa.teeda kale maxakamadaha aad sheegeysid makuwa shariif taageer san baa mise waa kuwo kale. kuwaas aad sheegeysid waa hore ayey xabada joojiyeen maxkamadaha qaybta kalana ayaga iyo shabaab waxba ma kala aha waa isku mid.
MUrshid2
Qofaan war hayn sidiisa ayaad u hadleysaa somalia markii ay somalimirror qiimaysay bil kaste howl galada mujaahidiinta kala duwan waxaa score ku hogaaminaysa mujaahidiinta alshabaab oo ku dhowaad labanlaab howlgalada mujaahidiinta kala ka badan kuwaasoo lala beegsado cadowga tigreega.
mida kale guriceel waxaa la qaban waayay waa suufiyada garabka ahlu bidca wal quraafaad wal shirki.
dadkii guriceel joogay ayaa inta ka yaabay tiradooda iyo siday qoriga ula qarqarayaan u baneeyay taasoo ku dhamaatay inay dabada jeedshay baadilkoodiina uu buro guushiina allaah wxuuu siiyay mujaahidiintii oo awalba ka gaabsanayay inay la diriraan cawaantaan ehlu bidcada ah.
hadana waxaa lagu soo waramayaa in magaalada dhexdeeda ay microfoono la wareegayaan mujaahidiinta iyagoo leh dadka is dajiyo cidii magaalada ka baxday oo nimaan cawaanta ah ay maskaxda ka xadeena waxba looma haysto iska soo laabta.
Sual????????????????
ninkii diinta si fiican u yaqaan oo aan jahli loogu cudur daarayn haduu uu dadkana faro asagana u dhaqmo in allaah sokadi qof dhintay ama nool la baryi karo qofkaasu ma gaalbaa mise maaha?
suufiyada waxaanu ognahay inay maalinkaste oo jimce ah qaadaan qasiidooyin xambaarsan shirki sida in sh c/qaadir inay gargaar weydiistaan.
ASC. Salaantaa qaaligaa kedib waxaad moodaa walaalaha hortey fekerkooda dhiibtay inay aad ugu mashquuleen Shabaab, maxaakiim iyo dariiqooyin, waxay ila tahay ama shabaab iyo maxaakiim ha ku dirireen ama dariiqooyin iyo shabaab haku dirireene waxa lagu kor diriray waa dad miskiina oo cadowga ilaahay horey ubarakiciyay hadana hantidoodii lagubay ayagana intii dhimatay maahee intii kale duurka sii gashay hooy la’aan iyo biyo la’aan marka safkastaba ha ahaadee nin walba waxa uu leeyahay intaa ayaa naga shahiiday, su’aasha aan qabaa waxa ay tahay ma jihaadkii iyo shahaadadii sidii aan unaqaanay laga bedalay? hadiise ay walaahiii muslimiinta ayaga ay ku mashquulaan meeshaan anaa gacanta ku heynaya iyo anaa gacanta ku heynaya cadowga ilaahay goorma ayaa lala dagaalayaa? su’aasha da labaad aan walaalaha weydiinayo waxa ay tahay wxa loo jihaadayo ma in towxiidka kor laga dhigaa mise in magac urur kor loo qaado?
w/w/w
Asc, Walaa layaal Guul bay al_shabaab Kasoo Hooyeen Dhooblay iyo Guriceel kuwo kaloo,
Badana waan sugaynaaaaaaa Alaaaaaaaaaahu AKBAR
awalba suufi waxba iskama celinayna halaga saaro waxay is lahaayeen waxaa idinsoo gurman doona sh cabdulqaadir jiilaani oo kala eryi doona alshabaab laakin sh cabdulqaadir jiilaani wuu ku daadiyey kkk waxaana jirta xan ah in arintu qabiil tahay
KU : somalimiror.
sc wr wb .
waxaan aad ula yaabanahay maamulka webkaan oo aan juuq u dhaheeninba dadka mujaahidiinta caaynaya ama waxyeelada u geesanaya isagoo ujeeda inay qabiil iyo jahli iyo bidcanimo ka keeneeso eedaantaas mujaahidiinta loo gudbinayo.
maamulkaan waxuu horey u tir tirey qoraalo cad cad oo aan aniga iyo asaagaayba ka qornay dhaliilo aan ku heesano jameecada ee taageeraan oo ah al ictisaam ex al itixaad.
kadib maamulku markuu arkay arimahaa oo dad badan daneenaayaan buu soo saaray go aan ah inaan marnaba koox waxba laga sheegi karin laakiinse ilaa iyo hada waxaan arkeenaa inay kusoo baxayaan webkaan qoraalo ka dhan ah jameecada barakeesan hormuudka umadda ilayska shacabka nuurkii salafiyada sharciga ah ee geeska africa jamaacatu tawxiid wal jihaad ( al shabaab) eesan wax dhiidhin ah ka muujinin.
hadaba waxaan uga digayaa maamulka inay ku dhacdo carada rabbi oo uu muteesan doono ruux walbo oo gaasiro xaqa mujaahidiintaas.
waxaan kaloo ka baqanayaa in ee maamulka u xaglinayaan dhan qabiil kaasoo laga dhadhansan karo qoraalo badan oo kusoo baxay webka.
hadaba maamulka waxaan xasuusinayaa cabsida rabbi iyo difaaca diinta not ashkhaas iyo dano gaar ah oo ku saleesnayn caqeedatul walaa walbaraa.
mideeda kale webka ragga maamulo inay salafinimo sheegtaan hadana jihaadkii ragii wadey si bareer ah loogu dhaleeceeyo webkooda xaq ma aha mana is qaadan karto.
waa suurta gal in nin ku heesto alshabaab arimo diini ah uu cadeesto warkiisa balse hadalada ee ka dhadhamayaan bidcada sida islaaxnimada suufinimada qabyaalada iwm waa in la xakameeyo oo xad loo yeelaa.
waxaa kaloo aan doonayaa inaan xasuusiyo maamulka inaan nahay dad walaalo ah oo islaax iyo suufi iyo cid walbo iskaga sokeeno anaka iyo ayaka waana inay arintaas qadariyaan oo walaalahooda ee masaaisha yar yar isku hayaan u nusreeyaan si mubtadica wadada looga jaro.
FG: aqristaha wax garanayaa wuu garan karaa qoraalkeega balse kan doqonka iyo mubtadica marnaba uguma talo gelin inaan la hadlo oo ma quseeyaan arimahaan mana ahanba inuu ku mashquulo aqrintooda waa inuu ku mashquulaa wax kale oo anfacaya oo uu ka faaiideesan karo.
wasalaam.
KU: murshid.
sc wr wb.
si aan wax kuugu sheego garan maayo sababtoo ah waxaa ii caado ah inaan hadaladeeda ku bilaabo deganaan iyo talo soo jeedin iyo muujinta ukhuwada inaga dhaxeesa anaka iyo kuwaaan is khilaafno.
balse adigu ilaa iyo hada ma garanin meeshaad kala miistay mujaahidiinta oo aad kala qaaday.
hadaad cadeesan laheed bareerahaaga oo aad sheegi alheed waxa cad oo aad ku heesato waa la garan lahaa ama ugu yaraan lasoo dhawayn lahaa ulajeedka dhanbaalkaaga waana lagu miisi lahaa saad wax ugu miistay miizaan cadaalad ah.
hadaba hadaladaada waxa kalifay in laga jawaabo ma aha qiimo ee lahaayeen ee sababta keentay baa ah inaad tiri waan bixi oo waan sii wadi qoraalka baaseesan.
hadaba waajib la iigu yeeshey difaaca xuquuqda ragaa qoraxda iyo qabowga u taagan difaaca diinta iyo dalka iyo xurumaatka muslimiinta iyagoon wax abaal ah ku dooneenin dan iyo heelana ka lahayn cidna baan is iri radci oo haduu yahay jaahil wareerey toosi bal inuu eebe waafajiyo xaqa.
hadaba murshidow mid ogow waad dhunsantahay oo waxaad tahay magruur dulmi iyo xad gudub badan oo u baahan gacan qabasho iska dhaaf inaad qabata gacan cid kalee.
sababtoo ah waxaad tahay kaddaab doodiisa ku slaeeyay kidbi sababta kaa keenteyna ama ha macluumaad aadan ka heenin dalkee ee waa cadaawad aad u qabtid jihaadka iyo mujaahidiinta oo aad weesay meel aad usoo martid oo aan ka ahayn inaad ku qaad qaadid ragaa cid walbo afka la galeen maadaama cid walbaa leedahay rag difaaca ilayn iyakaa wax isku dhex qasaye amaa ragaan muwaxidiinta ah ogow inay leeyihiin acwaan ujecel eebe dartii.
hadaba qoraaladaadii majiraan wax diini ah oo aad ku heesatay ragaas ee hadaad tahay nin diintu daacad ka tahay ilaah u noqo oo towbad keen anakuna ilaah baan kuu weediineenaa inuu ku waafajiyo.
hadaad diido wanadaa fadlan la imow cadeemo waxyaabaha aad ku heesato halaguu jawaabee waa hadaad xaq doon tahay.
intaa baan hada kuugu simi dooni maayo inaan ku didiyo.
wasalaaaam.
Ku ; mujaahidiinta Al shabaab.
sc wr wb.
ikhwatii fil islaam waad wanaajiseen waad na farax geliseen ilaah ha idiin dhowro idin kaalo idin garab galo.
nuxibbukum fillaah.
ku dadaala inaad manhajkaan ku socotaan qabyaalada saas uga fogaataan aad diinta nooleesaan oo aad xaqa daciifka u qaadaan gaar ahaan qabaa isha yar yar oo la dulmiyey inaad siisaan oo tustaan macaanka diinta.
ilaahow ku dhowr sh abuu zubeyr amiirka iyo sh abuu bakar amiirka kismaayo iyo sh mukhtaar roobow afhayeenka iyo dhamaan mujaahidiinta ahlu tawxiidka ah.
mar labaad nuxibbukum filaah.
waxaan dad weenaha u sheegayaa inay taageeraan daa ifadaan mansuurada ah oo xaqa ku taagan oo ku caan baxday oo diinta aan marnaba leex leexin dhaqalihiina siiya taageera oo noqda kuwo garab taagan xaqa.
wasalaaaaam.
Asc,muslim dhab ah insha allaah,walaal aad ayaan kuu salaamayaa waanan ku diirsadaa sidaad xaqa u difaacid xaqdiidyadana aad ula xaajo qaadatid xujadana aad oogu oogtid,intaas ka dib somalimirror waxay ogaysiis ku bixisay hada ka hor in webkooda aan lagu qori karin wax dhaleeceen ah oo ku socota shakhsi ama urur islaam ah laga soo bilaabo maalinkaas ilaa maanta waxay dhaleeceentu ku socotaa mujaahidiinta al-shabaab mana hayno cid webkan ka tirsan oo ardaashaas yac tiraahdo ilaa ay hada ku dhiirtaan aflagaadada mujaahidiinta al-shabaab dadkii faraxalka cabi jiray iyo kuwii ciida qabuuraha cuni jiray,hanoo soo jawaabaan bahda webkan sababta ay u tirtiri la,yihiin dhaleeceenta al-shabaab loo gaysanayo fadlan.
Asc,anagu al-ictisaam waxba kama sheegno jibiso warkeedaba daa maxaa yeelay mujaahid cadaw hortaagan waxka sheegiisu waxaan garanaynaa cuqubada ka ratibmi karto,hadaba jaahilka aan taa garanaynin ee mujaahidiinta al-shabaal dhaleeceynaya waxa loo tirtiri la,yahay shaki weyn ayey na galisay,culimada ictisaam markay nadwo qabato tacliiqa taageerayaashooda ayaa la soo daayaa dad aan aniga ku jirana waa nala qataaraa oo waxba masoo qori karno anagoon wax aflagaada ah aanan ku hadlaynin cadaalad daradaas noo muuqato in nalaka qanciyo waan rabnaa,hadii dhaleeceynta ictisaam ay reeban tahay tan al-shabaabna ay banaan tahayna noo sheega? hadii kale balantaad qaadeen fuliya oo dhaleecaynta ururada islaamka ah oo dhan ha ogolaanina sida al-qaacida,al-shabaab,ictisaam,ogaadana qof aan balan lahayn waa qofaan diin lahayn oofiya ballamaha aad qaadeen ee ku sabaabsanaa arimahan aan ka hadlay.w.c.w.w.
ASC,
Ku:Muslim Dhab Ah Insha Allaah,
somalimirror haba u qaban nidaam la’aanta ka jira boogga fekrada waxaan ku sheegi caay waxay u dhimaysa sumcada Mujaajidiinta haba yaraatee ma jiraan Munaafakhiinta caayaaya Mujaahidiinta waa dad laga Guuleeystay qofka markaad ka guuleysato waxa u harayba waa af ku dahal caay iwm.
Munafakhiinta sheegay inay yihiin Ahlusunna WalJamaaca, waa dad u dan lahaa inay ku kacshaan shucuurta Culumada Suufiyada, ayaan darose,suufiyadane wayba garten in qabiil soo weeraray Alshabaab, Culumadaa hoggaan malahan shaqsi ahaan jiray Guddomiyahii hore ee M.Maxkamadaha, ayaa rag ay isu heenb yihiin u magacowday inuu Jamaacadaa Guddoomiye u yahay ka sokowna heelaydaa waxaa kale la waday Maxamed Cali Geeddi. sidaad u jeedidna dhegjalaq uma uusan siin kuwa hubantida qabiilka ah uuna hormuudka ka yahay Cirfo iyo Indhacadde, iyo xulufadooda.
waxaa kale jira labo shaqsi ku hadlay magaca Jameecada oo Reer Gaalkacyood ah ayaguna qaab qabiileed bay u hadleen alaylehe Reer Galmudug, waa la jiifiyaa banaan, la joojiyaa banaan, dad wanaagsana waala laga helaa oo faro ku tiris ah.
asc
ka daa murshidoow sidaas maaheee
Ilaaahay koreeye wuxuu yidhi “marka aad hadlaysaan cadaalad sameeya” Al shabaab waa geesiyaal hortaagan cadowga Itoobiyaanka ah xanuun badana u geystay taasi waa marag ma doon
laakiin waxay tahay arinta shabaab lagu dhaliili karaa arimahan:
1- dhiiga muslimka oo ay ku xalaashanayaan shubho ta ugu yar.
2- bisayl siyaasadeed oo aanay lahayn.
3- xidhiidhka ay la leeyihiin bulshada soomaaliyeed oo yar.
4- afkaar takfiir ah oo ay aaminsan yihiin.
wa salaam