Xubno ka socda gudiga Culimada Soomaaliyeed ee Musaalaxada iyo Sixitaanka ayaa gaarey Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe, halkaas oo kulamo kula leeyihiin Maamulka GMIS ee Gobolka iyo qeybaha kale ee Bulshada.
Xubnahan oo ka kooban 3 sheekh oo kala ah, sh maxamuud ibaraahim suuley, sh yuusuf macalin cilmi iyo sh maxamed barre maxmauud, shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada jowhar waxa ay ka sheegeen in ay Gobolka u yimaadeen sidii fariin gudiga culimada ka sidaan ugu gudbin lahaayeen sidoo kalena wada hadalo la yeelanayaan Maamulka Gobolka iyo qeybaha kale ee bulshada.
Isla maanta ayey kulamo hor dhac ah la yeesheen Maamulka GMIS ee Gobolka Shabeelada Dhexe ka arimiya, kaas oo aan si rasmi ah loo shaacin waxa ay uga wada hadleen balse uu qeyb ka yahey kulamadii gudigada culimadu horey ugu soo qaateen goboladii horey u soo mareen sida uu saxaafada u sheegay sh ibhaarim suuley.
Khudabadii jicmada maanta oo masaajidada qaar ka hadleen ayey ka sheegeen in ay Gobolka u yimaadeen sidii dadka deegaanka iyo Maamulka gobolkaba u gala hadli lahaayeen arimaha amaanka iyo howsha mideynta iyo sixitaanka ee gudiga culimadu isugu xil saarey.
Waxaa kale oo lagu wadaa in fagaarayaasha Magaalada jowhar kala hadlaan dadka ku dhaqan halkaas sidii ay ugu sharxi lahaayeen barnaamijka mideynta iyo sixitaanka ee gudiga culimadu wadaan.
Tegitaanka xubnaha ka socda gudiga culimada ee jowhar ayaa noqoneysa markii ugu horeysan oo halkaas ay tagaan xubno ka socda gudiga culimada, waxa ayna qeyb ka tahey socdaaladii kala duwanaa ee gudiga culimadu ku soo sameeyeen qaar ka mid ah gobolada dalka.

Related posts:
asc bismilaah wasalatu walaasamu cala rasulilah
alla haka aqbalo culumada lakiin mit ayaan ku darsanaya aniga oo cilmi ku garin culimada lakiin shiikh ibraahim oo jamacada ifriqiya al calamiya aan kawada baxnay suudan khrtoum hada waxa culimada kula dar darmi lahaa in shacabka reer jowhar kala hadlan sharta shariifyo wadan hada ku soo wajahan jowhar insha allah culimada allaha ka dhogo kuwa shacabka xaqa u iftimiyo mujahidinta gobolkana ayagana allaha ka dhigo kuwo qato risalada culimada iskana saro qabiilka manta qabiil waa ka baxnay sidi sharecada wadankan islaamka ah lagu xakumi lahaa ayaa la maraya dimuquradiyana waa tan an ku aragno wadamada dariska ah midana citna uma qadanto shacab iyo umada musliminya ah ee somaliyeet bi idnilaahi
as
waa wax lagu farxo in siyaasadii ummadda somaliyeed laga hago masaajida.
waxaan aad ugu hanbalyeynayaa geesiga sh. Mahamud ibraahim suuleey iyo asxaabtiisa sida raganimada leh ay dhulkooda u dhex mushaaxayaan.
siyaasadu waa guracan tahay waa xili kala guur ah wadada guushana rabaa garan ninka qaadi nasriguna waa iman ama xal xabadeed halgu soo hooyo ama mid xigmad iyo xeelad kale in la isku daraase waa dahabe raboow noo fududee walcaaqibatu li mutaqiin.
guuli waa midnimo
midnimo la,aanina waa guuldaro’
Bismilahi Raxmani arxiim
culimada kharbaan u rajeenayaa lakin wali kamahayo sheikh Ibraham suuley fekerkii u kuracsana Shariifyada in u wax ka bedeley iyo in kale marka walaal sheikhow iscadeey adiga iyo grourka aad wadato wa bilahi tawfiiq