Taliyihii Saldhiga Wadajir oo Xoogaga Al-shabaab isu soo dhiibay

Taliyihii Ciidamada Bileyska DKMG ah ee Saldhiga Wadajir, Aadan Maxamed Yuusuf ayaa galabta isu soo dhiibey Xoogaga Al-shabaab, isaga oo wata gaari Nissan ah oo Caalamada Bileysku ku buufsan tahey, waxaa waheliya Ciidamo sida uu sheegay.(Daawo Sawirada)

Taliyaha oo isla galabta shir jaraa’id saxaafada u qabtey ayaa sheegay in si iskii ah oo ku talo gal ah isugu soo dhiibay Xoogaga al-shabaab ka dib markii uu arkey halka xaaladu mareyso.

Wuxuu kaloo sheegay, ka dib markii uu ka dhiidhiyay dhibaatada baahsan ee Shacabkiisa loo geysanayo uu go’aansadey in uu isaga soo baxo maamulkii uu ka tirsanaa, kaas oo uu sheegay in uu hadda u muuqdo mid bur burey oo kala tag qarka u saran.

Cabsi daraadeed in uu isu soo dhiibay iyo in kale mar la weydiiyay ayuu sheegay in arimahaas ayna jirin, basle dhibaatada shacabka iyo bur burka wadanka loo geysanaya markuu arkey uu go’aansadey in uu isaga baxo maamulkii uu ku jirey ayuu ku sheegay sababta ku kaliftay xilligan in uu isa soo dhiibo.

Qaabka iyo cidda isa soo dhiibidiisa sahashey mar la weydiiyay in uu saxaafada u sharxo ayuu sheegay in isagu uu xiriiro kala duwan oo uu la sameeyay Xoogaga al-shabaab, sababteeda laheyd ayuu sidoo kale sheegay.

Xoogaga al-shabaab ee uu isu soo dhiibay in uu ku soo biiray oo uu la shaqeyn doono iyo in kale su’aal aheyd oo la weydiiyay ayuu uga jawaabey in alowba kitaabka alle uu heysan ogolaana, hadda ciddii kitaabka wax ku maamuleyso aanu waxbka ka qabin.

Waa markii ugu horeysan oo taliye Saldhig ah kana tirsan Ciidamada Bileyska ee DKMG ah isu soo dhiibo Xoogaga Muqaawamada ee ka soo horjeeda Dowlada KMG ah iyo ciidamada shisheeye ee ay la shaqeyso.





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

7 Comment(s)

  1. alaahu akbar. Ninkan iyo ciidanka la socda ha la soo dhaweeyo, Ilaahayna ha loo baryo, in uu ku sugu diintiisa , Hana loola dhaqmo sida ugu qiimiga badan waa walaaladeen oo noo yimid gartayna wanaaga.

    Ilaahay ha idin xifdiyo ayaan idin leeyahay.

    Nin yaaban | Dec 5, 2008 | Reply

  2. asc bismilah wasalatu wasalamo caala rasuulilaah waa bacdo
    alla ayaa mahad leh naxariis iyo nabat galyo eebo korkisa ha yeelo nabigena muxamed wsc
    intaa ka dib tobadada allaha aqbalo insha allah qof kasta o muslim ahna dariiqaqa saxda ah allaha tuso walalaha mujahidinta waxan filaa in meel kasto oo ee jogaan in ee gacma furan kugu soo dhaweyn donaan adiga iyo waxa kula jaarka ah iyo kuwa hada mujahidinta la soo xiriray sida rag badan oo ka mitka kuwa shacabka dhibatododa qeeb ka ahaa ruux walba oo muslim ahna waa daremaya kuwa djabuuti iyo beydhaba fadhiya waxa ee soo wadan waa wixi hada aan aragnay ka daran waxana dhihi laha rali galinta alle iyo mida galada mida alle ayaa lagu libanaya ee mida galada cadab ayeey horsediysaa mida allana janada iyo aduun iyo akhiraba liban sharifka iyo kuwa oo wataba manta ayeey qelo bilabeen kuwa alla xaqa tusay waxan leyahay ka soo labta shariifka dabinki reer galbeetka ayuu ku dhacay haduusan ka soo labana koley shacabkan hadal macan waa ka daleen manta wax qabat ayeey u bahan yihin wilki shalay shahidiy asaga oo cadow la dagalamayo wixi oo ku shihiday mirihisi alla ha siiyo lakiin mahen in wadanka cadow cusub lakeeno mahen sida nafada xidanka xoga oo kale malin kasta ayaga oo usoo halgamay diifa wadanka cadowgu ku tumanayo kuwi shalay wadanka ee udiden ayaa manta see raban ka yelanayo xasuuqa shacabka dhiigoda dhulka ku dhibcay mujahidinta kama daba hari donaan bi idnilaahi

    abuu digin | Dec 5, 2008 | Reply

  3. Kalay sowtay shababku lahaayeen wixii dowlada u shaqeeya oo dhan waa gaalo iyo jaajuusyo maadamaa ay gacansaar la leeyihiin gaalada iyo ethiopianka. clip baanu daawanay dhowaanoo nin dawlada u jaajuusaya oo ay sidii xoolihii mindi af la’ ku biraynayeen. Hadii ay waxan wadaan FAIR tahay kanba ha bireeyaan ileen dawladu u shaqeeyaa. markaa cadaalad maba ahaa in mid lagu bireeyo mindi af la’ midna layska daayo. Inagoo iskaba dhaafayna in shabaabku dadkan ay biraynayaan ama dadkan isku qarxinayaan ay sax tahay ama qalad ba.. Allahayow soo haday.

    Arrinta Suicide bombingka ah ciday doonta ha samaysee ee bosaso iyo hargeisa imisa qof oo muslim ah oo meelahaas joogay oo Innocent ah bay nafta ka jareen. La xawla wal quwata ila bilaahi. Arrinta in qokfu is dilo lafteeda waa masalo.

    Abdirahman | Dec 5, 2008 | Reply

  4. ilaahay waa kusugay waana waafajiyay kahyrka maansha alaah.J
    Jilaal abaaraad hadduu, adhigu kaa liico
    Ama khoof diraaceed haddii, lagugu aaheeyo
    Ogaadaay ayaamaha gu’ baa la irkan doonaaye
    INSHA ALAAH WALAALAYAAL NINKAAS HALOO DUCEEYO asna inta la shaqaysa hasoo xero galiyo hana kudadaalo siduu uugu dadaali lahaa qawlka ALLE

    abdullahi mohamud | Dec 5, 2008 | Reply

  5. maasha alah ayaa lee yahay ninka isku dhiibey islaamka haduu uu ka toobad keeney waxaan lee yahay waa in la iska cafiyaaa kuwa ku hareyna waxaan lee yahay isa soo dhiiba inta la idiin imaan is xisaabi inta aan lagu xisaabin nasabka ( qolka dailynews paltalk )

    nasabka (paltalk) | Dec 5, 2008 | Reply

  6. Cabdiraxmaan ninka la baxayoow, aan ku fahansiiyo wax.

    Qofku haddii uu riddoobo oo uu toobad keeno waa dembigiisii hore waa kakac. Xiitaa haddii la qabto waa in toobad keen laga dalbaa. Alshabaab kuma ogin in ay dilaan qof toobad keenay waayo waa niman ehlu-sunne ah.

    Dhinaca kale; qaraxyadii Hargeysa iyo Boosaaso, annagu ma qabno in ay soo abaabuleen alshabaab. Haddii ay qirtaan uun baa lagu eedayn karaa. taasina may dhicin weli

    Maxamed yare | Dec 5, 2008 | Reply

  7. Khayr Allaha siiyo Taliyaha Ciidanka isu dhiibay Walaalihiisa Mujaahidiinta Alshabaab, marba haduu Towbad la yimid cafis haloo fidiyo waana guul kale usoo hooyatay Alshabaab, markaad Dalkaaga, Dadkaaga iyo Diintaada Daacad u tihid munaakhaf walibaba waxaad awood u leeyahay inaad Mu’umin ka dhigtid

    Aloow Guusha Sii Jabhadaha Xoriya doonka ah aamiin.

    Noora | Dec 6, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo