Dagaal dib uga bilowdey Degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud

Dagaal xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsadey ayaa Galabta mar kale ku dhex marey Degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud ,Xoogaga Al-shabaab iyo Xarakada Al-suunna ee Suufiya.

Dagaalkan ayaa ah mid la isu adeegsadey hubka midkiisa fud fudud iyo kan culusba, waxaana jira khasaarooyin kala duwan oo naf iyo maalba isugu jira oo dagaalkii galabta uu geystey.

Inta la xaqiijiyay dagaalkan waxaa ku dhintey ilaa 3 Qof waxa sidoo kale dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen oo isbitaalka Degmada la dhigay ilaa 7 qof waa inta la xaqiijiyayee.

Sidoo kale waxaa jira dhowr guri oo dagaalkii galabta ku gubtey, ka dib markii ay haleeleen qaar ka mid ah hubkii cuslaa ee labada dhinac is waydaarsanayeen.

Dagaalkan ayaa ka dhacey inta u dhaceysa xaafada loo yaqaan Tuulo Gaban iyo Laamiga, dadkii degeganaa halka uu dagaalkani ka dhacey ayaa baneeyay guryahoodii oo ka qaxey, waxa ayna dadku isugu jiraan kuwo maanta qaxey iyo kuwo horey uga qaxey dagaalkii hore iyo dhiilooyinkii colaadeed ee halkaa ka jirey.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda labada dhinac kala dhex gashey, waxa uuna dagaalkani imaanaya iyada oo loo fadhiyay xalinta wixii dhaliyay dagaalkii horey labada dhinac u dhex marey.

Dagaalkii galabta ayaa sida aanu wararka ku helayno ku bilowdey si kedis ah, waxa uuna istaagey gabal dhicii, labada dhinac ayaa is hor fadhiya, cabsi xoogan ayaana laga dareemayaa Magaalada.

Dhaq dhaqaaqyadii kala duwanaa ee Magaalada ayaa istaagey, sidoo kale waxa uu dagaalkani saameyn ku yeeshay isu socodkii gaadiidka xamuulka ee isaga kala goosha gobolada koorfur iyo Waqooyi ee mari jirey Degmada.

Dagaaladan ayey dadka deegaanku u arkaan kuwo ay ka dhalan karaan khasaarooyin xoogan, haddii aan si deg deg ah wax looga qaban oo looga hortagin in dib mar kale u bilowdaan, waxaana jira dadaalo xoogan oo qeybaha bulshado wadaan sidii xasarada loo qaboojin lahaa.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

23 Comment(s)

  1. ilaahayow qabooji

    nuurow | Dec 5, 2008 | Reply

  2. as.

    innaa lilaahi wa ilnaa ilayhi raajicuun.

    waa fidnadii culumadu ka digaysay waa bilaabatay.

    yaa allaah qabooji kuwa wadana hanuuni..

    muslim | Dec 5, 2008 | Reply

  3. asc bismilah wasalatu wasalamu cala rasulilaah wa bacd
    walalaha musliminta ah dhacban waa arkaan shibka katagan somaliya hadana mujahidinta waxa ee caloosha u xirteen la dagalanka cadowga dalka ku soo dulay iyo daba dhilifka dariiga suufiya mahan waxa ee wadan wal loo dul qadan karo wana wixi ka dhacay ciraaq sunni iyo shiico hoshoda laguma faro gashan jirin lakiin hada wixi ka danbeyo waxan ugu baqaya shacabka somalyeet in ee meel uga soo wada jeestan kuwa manta mujahidinta xabada la daba tagan ayanaga oo aan ka qeeb qadan jihaadki cadowha umada somaliyeet iyo difaca diinta mitna marka waxa dhihi karnaa waa shiico shar qabiil huwan waa been waxa kale wana la iska qanaya qabiil ama dariiqo kasta oo aan ka qeeb qadan jihaadka dagalna la gashay mujahidinta bi idnilaahi
    F G AH SHACABKA SOMALIYEET MANTA UMA BAHNA SHIICO DIINTA ALLANA WAA NASTEXO SUUFIYA MAHAN KUWA WAX UDHIMI KARA JIHAADKA IYO DIFACA DIINTA SHACABKA MEEL HA UGA SOO WADA JESTAN DHIBKA WAXA WADANA WAA RAGI SHABELADA HOOSE MUJAHIDINTA KA SOO SAREN EE BADILA KU HAYAY MUJAHIDINTA WAT BILANTEN INTA AAT HOR TAGANTIHIN CADOWGA IYO CADOW KAL KALKA BI IDNILAAHI

    abuu digin | Dec 5, 2008 | Reply

  4. reer beerdhigoow xogta maa dhamaystirtaan soo magaalada lagama cayrin alshabaab mase waa walaalihiinoo waad u ceeb qarinaysaan

    nuurow | Dec 5, 2008 | Reply

  5. asc bismilah wasalatu wasalamu cala rasulilaah wa bacd
    NINKA LA BAXAY NUUR WAXAN DHIHI ALLAHA UNOQO MUJAHIDINTA HA UGAFIN SHIICADANA KA GARAB SIIN HADA UBAHANTAHAY XOGTA DHABTA AH IGALA SOO XIRII ABUUDIGI@HOTMAIL.COM WAAN LAGU SHEGAYA SHACABKA MULIMINTA AHNA MUNAFAQ IYO QABIL TAGERIDA KALA DHEX BAX MUJAHIDINTA WAA LIBANEEN BI IDNILAAH

    abuu digin | Dec 5, 2008 | Reply

  6. asc bismilah wasalatu wasalamu cala rasulilaah wa bacd
    NINKA LA BAXAY NUUR WAXAN DHIHI ALLAHA UNOQO MUJAHIDINTA HA UGAFIN SHIICADANA KA GARAB SIIN HADA UBAHANTAHAY XOGTA DHABTA AH IGALA SOO XIRII ABUUDIGIN@HOTMAIL.COM WAAN LAGU SHEGAYA SHACABKA MULIMINTA AHNA MUNAFAQ IYO QABIL TAGERIDA KALA DHEX BAX MUJAHIDINTA WAA LIBANEEN BI IDNILAAH

    abuu digin | Dec 5, 2008 | Reply

  7. Ku:Maamulka somalimirror,

    Walaalayaal ASC WR WB, intaa ka dib, Fadlan ka daaya qormada ah Xarkada Al sunna, waayo waa qabiil huban magaca Culumad Suufiyada, waxa ka dhacaayana waan la socnaa Guriceel, waa isla beesha dagta degmadaa isu heysta aniga xukumaaya iyo anigaa xukumayaa, haddaan taasi ka gudbo,

    dagaalka sidu ku bilowday waan la soconaa in nin gacan ku dhiigle ah soo qabtay Xaraka Alshaab, doonayna inay Shareeca Islaamka, marsiiyaan balse reer gobolkaa camal xumada waan ku naqaanaa inay qariyaan mooriyaantooda aana sharcigii Alle ama guud ahaan shariciga aadan la marsiiyo, marka yaysan idiinka faa’idin mooriyaantaa quraadka sita.

    Culumada suufiyada iyo Alshaab, wax xumaan ah ka dhaxeeya ma jiraan waaba daadka kasoo jeedo sUFIYADA KUSOO DHOWEEYAY G/Sh/Hoose sii diirana ugu soo dhoweeyen.

    arintaan beenta la abuuray ah in lagu adeegto magaca Culumada Suufiyada sidii loo sii hurin lahaa dagaal Cumeed kuna dahsoon qabiil ka diktoonaada.mahadsanidiin

    Noora | Dec 5, 2008 | Reply

  8. haye,ha is laayaane maxaa laga rabaa waa mujaahidiin labaduba.

    Haddaan imid | Dec 5, 2008 | Reply

  9. Asc wr wb,

    Abuu dagin & Noora bal arinka cagta u dhiga ummadana alle uga cabsada hana galina arimo aad-nan waxba ka ogeyn, Fudeydka dhalinyaranimo joojiya Ummad Islaam ah OO sunni ah in shiico la yiraahdo ma ahan wax sax ah.

    Waxaan kaloo intaa ku darayaa Walaalayaaloow aan dib isku fiirino ma waxaan nahay dad iyo dal xor ah waa maya, Gumeysi mici ku dhiig leh ayaa nagu dulhabsaday oo dalkeenii ,dadkeenii iyo diinteena duleeyay Marka Xasuustiina yaanay ka maqanaan in walaala geesiyaasha ah ee al shabab dadka dagaalamaya ayay qayb uga yihiin si la mid ah sida Maxmadaha Islaamka ee sumcada leh,Jabiso,raaskanbooni,iyo Walaalaha xorta ah ee dhawaan is magacaabay.

    Jihaadka aan gaalada uga soo horjeed-no aan ka deyno Xarakeynta ee aan is walaashano Xarakada Qaadiya,Xer,Timaweyn,qofkasta siduu uu yaqaanaba waan ognahay in anay jihaadka kaalintii islaamnimo ee laga rabay aanay kaga soo bixin hadana iyada ay sidaas tahay ma diidi karno ineey jiraan dad madaxdooda ah oo halganka safka hore kaga jira Gabyaaga weyn oo gabayadiisa guubaabada gumeysidiidnimo ku caanka ah Maxamed Amiin oo Taliska Sare ee Qoladan Ehlu Sunnah wal jamaaca ka tirsan maxaan ku tilmaanaa Ma waa shiico ayaan dhahnaa Jawaabta aan u daayo walaalaheyga aan kelmada lle ku walaalownay ee Abuudijaana iyo Norra. Halkaa ha ii joogto. Ali yare

    Cali Yare | Dec 5, 2008 | Reply

  10. A.c. walaalayaal ilaahay horta ha xaliyo dhibaatada waayo shacabka somaliyed wax dhintay iyo wax barakacay iyo wax gaalo u galay ayuu u batay.
    dhabka kale waxaan layaabanahay dadka umada dhibkaasi ku dhacay wali dhibka lasii dabasocda hadana sheeganaaya inay yihiin mujahidin, jihaadka shahaadada looga raadinaayo culimada joogta Guriceel waa kee?
    kan shahaadada looga raadinaayo dilka dadka aan waxba lagu haynin ee shaki un loo dilaayo bal umada dadkii u dhaq dhaqaayaayey ah sida aqonyahanada iyo odayaasha qabaa ilk waa keen kaasi???? waxaan dhihikaraa waxaa soo baxay mooryaan cusub oo sheeganaysa inay yihin mujahidin oo dadka dhiigooda banaysanaaaya ilaahayna umada haka qabto kuwaase, mujahidiinta jihaadka wada oo dhabta ahna alaah ha u gargaaro

    murshid | Dec 5, 2008 | Reply

  11. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk, ADEER anagaa dhex taagan GURI CEEL ee na waydiiya wixii dhacay,

    dagaalku waxa uu u dhexeeyaa Al-shabaab oo dhinac ah iyo mooryaan taageersan Indha cadde oo ay taageerayaan kuwii laga soo cayrshay CEEL-DHEER.

    beesha cayr ee ka xanaaqsan sh/hoose waxba yaanay hadba shaar noo xiran. waan la soconaa, wax walba, waxay dheheen SUUFIYO goormaa suufiya dadka noqdeen.

    xiin faniin | Dec 6, 2008 | Reply

  12. Asalaamu Calaykum,

    Suufiyadu waligood Somaliya waa joogeen, mar walbana waxay la safnaayeen kolba cidda meesha qabsata. Oo xataa gaaladii dalka qabsatay waa u xadraynayeen, ko hor imaansho daaye.

    Midda kale, samaynta hoggaan jaran-jarooyin leh iyo ciidan nidaamsan ma ahan wax kadis lagu samayn karo. Marka anigu waxaan qabaa waxaa jirta cid ku raad-gadanaysa suufiyada. Waxaana ku kalifi kara inay suufiyada ku guuraan dhawr sababood
    1- Waa cid iyada diin la’aan lagu yaqaano oo is-leh diinta Al-shabaab dadka ku kasbanayaan kaga jawaaba magac diineed, markaas suufiyaduna waxay u noqdeen badeeco riqiis ah ooy gadan karaan arintaasna loo adeegsado

    2- Shirkii jaraa’id ee suufiyadu ku qabteen Nairobi galabta markaan fiirsho booska ay u xusheen shirka iyo heerka isku duba-ridnaantu joogto waxaan ka akhristay in Maraykan & reer-galbeed ku guurayaan suufiyada. Taariikh ahaanna mar-kastooy mujaahidiin is-galaanba suufiyaday u qaylayadaan

    -

    Addoon | Dec 6, 2008 | Reply

  13. Yaabkaygu waxa uu yahay In maanta qabiilka Ceyr-ka la yiraahdo oo la ogyahay gargaarkii ay diinta alle u gargaareen la leeyahay wey ka soo horjeedaan .

    Tan kale Ceyrku sooma ahan dadkii sariirahooda ,iyo guryahooda uga baxay al shabaab oo 4 sano xamar ku dhexhayay oo al shabab dartood loo dhibaateeyay ,loo dulmiyay loona xasuuqay Dadka ceyrka u dhashay waxaan rabi uga baryayaa inuu arinkaa ka abaalmariyo .

    dadka leh Ceyrbaa shaati kale soo xidhay-na rabigooda ha u laabtaan hadi al shabab abaal galaan Cashiiradaas ayay abaal u gali doonaan hadii kale war xumada la wado waxa ay u keen doontaa warkii……..

    Yaabane | Dec 6, 2008 | Reply

  14. asalamu aleykum
    mujahidinta ha ula dagalamen qolada sheganeysa ahlu sunna ahne moryantii qaribatay ummada
    yana lo kala harinno leys dhihin fidna jirto oo waxa is qabtay dad wadado ah waxa dirirayey wali wa xaqa iyo badhilka

    anas | Dec 6, 2008 | Reply

  15. A.w.w

    Waxaan ka codsanaa marka hore shabakada Somalimirror inay illaaliyaan shuruuda saxaafada cadaaladna falaan, marka aad qoraysaan waxaad dhahadaan Xarakada Ahlu suna ee sufiyada ood muujisaan fikri ahaan waxa yihiin laakin marka aad qoraysaan Al shabaab ma sheegtaan inay yihiin kuwa kasoo jeeda fikri takfiirka kuwaas oo ah kuwi banaystay daadiyayne dhiigi Cuthman bun Cafaan iyo Cali bin abii dhaalib radiyallahu canhum wa ardhaahum.

    Abuu digin waxaan kuugu nasxteexaynaa Alla ka cabsi, iyo barashad diinta Islamka. Allah na ku hanuuniyo.

    Maxamed | Dec 6, 2008 | Reply

  16. Nuurow.

    Xogta magaalada hada waa haysaa baan u malaynayaa oo mujaahidiinta ayaa la wareegay suufiyadii shiicada ahaana waa kala carareen ilaa hadana dadka reer guriceel waxay ka yaaban yihiin nimankii dhowrka maalmood jooga laga kari la’aa oo baqo dabada jeedshay.
    ilaa xeraale ayeey isaga cid dirsadeen markaaseey labo cabdi bile mujaahidiin saaran iska dhicin la’ayihiin waa isku mid suufiyada iyo dabadhilifka gaalada waayo waa la yaqaan waligood may ay ingiriis iyo talyaani mushaar ka qaadan jireen iyo hada oo ay tigree la shaqeeyaan suufiyana waa cadowga islaamka midka ugu tabarjilicsan uguna fulaysan.
    arinta qabiilka ka daayo waayo alshababka guriceel hada joogtaa 99% waa ceyr.
    qabil haduu wax tarayona alshabaabka gaaray marka saraakiisha ugu sareysa waa ceyr ee nimanyahow barnaamij laga gudbay hanoo celinina

    Warfaa | Dec 6, 2008 | Reply

  17. asc wr wb
    Waxaa soo if baxay dareenka cabsiyeed xoogan ee ay bulshada soomaaliyeed ka qabto xarakada Al shabaab, dareenkaas oo ah in ay yihiin dad dhiigyo cab ah oon iska dhawrayn dhiiga dadka muslimiinta ah, waxaa kale oo soo baxay in Al shabaab ay siyaasada soomaaliya ee cusub ku yihiin laf dhuun gashay, waxaanan qabaa inay yihiin caqabada keliya ee hortaagan soomaaliya.
    taa waxaaan u leeyahay Al shabaab mala bishayl siyaasadeed oo ay kula jaan qaadaan duruufta goboleed iyo tan caalamiga ah iyo weliba sidoo kale bulshada soomaaliyeed oon marnaba yeelay sida ay wax u wadaan.
    ugu dambayn waxaan kula talin lahaa wax garadka hawiye inay ka tashadaan Alshabaab sida ay uga tashadeen suniyiinta ciraaq Al qaacida markii ay laayeen dadkoodii muuqa lahaa.
    imisa hawiye ah oo awoon yahan ah, sarkaal ciidan ah siyaasi ah ayay dileen xabashi buu salaamay awgeed.
    waxaan leeyahay walaahi waxaa la gaadhay xiligii Hawiye ka tashan lahaa Al shabaab, waar hadii Majeerteen uu samaystay dawlad Punland, Isaaqna S/land, maxaa taladii idinka qaaday, waar waa maxay inkaartan idinku dhacday
    shanta gobol ee Banaadir, sh/dhexe, Hiiraan, G/guduud iyo dabcan sh/hoose waa in si dhakhso ah loogu sameeyay maamul, waa in ay isu tagaan culimada(suuqi iyo salafiba) siyaasiyiinta, aqoon yahanka, cuqaasha, salaadiinta iyo dhamaan dadka muuqda ee qabiilka Hawiye waa inay sameystaa maamul, hadii kale dib ugu noqda wixii ka dambeeyay 91kii oo weliba imika uu idin dhex qaadayo nin ka yimi Hargeisa iyo Burco oo ah hogaamiye kooxeed xidhan shaadh diineed.
    shabaab iyo taageerayaashooda waxaan leeyahay waad ku mahadsantiin jihaadka aad la jihaadaysaan xabashida laakiin hadii ay baxdo la jaanqaada bulshada oo ama siyaada gala ama shacab noqda oo qoriga tiiriya.
    nabadgelyo

    C/salaan | Dec 6, 2008 | Reply

  18. asc wr wb

    shanta gobol ee Banaadir, sh/dhexe, Hiiraan, G/guduud iyo dabcan sh/hoose waa in si dhakhso ah loogu sameeyay maamul, waa in ay isu tagaan culimada(suuqi iyo salafiba) siyaasiyiinta, aqoon yahanka, cuqaasha, salaadiinta iyo dhamaan dadka muuqda ee qabiilka Hawiye iyo dabcan reeraha kale ee la dega goboladaa, waa inay sameystaa maamul, hadii kale dib ugu noqda wixii ka dambeeyay 91kii oo weliba imika uu idin dhex qaadayo nin ka yimi Hargeisa iyo Burco oo ah hogaamiye kooxeed xidhan shaadh diineed.
    shabaab iyo taageerayaashooda waxaan leeyahay waad ku mahadsantiin jihaadka aad la jihaadaysaan xabashida laakiin hadii ay baxdo la jaanqaada bulshada oo ama siyaada gala ama shacab noqda oo qoriga tiiriya.
    nabadgelyo

    C/salaan | Dec 6, 2008 | Reply

  19. asc wr wb
    Waxaa soo if baxay dareenka cabsiyeed xoogan ee ay bulshada soomaaliyeed ka qabto xarakada Al shabaab, dareenkaas oo ah in ay yihiin dad dhiigyo cab ah oon iska dhawrayn dhiiga dadka muslimiinta ah, waxaa kale oo soo baxay in Al shabaab ay siyaasada soomaaliya ee cusub ku yihiin laf dhuun gashay, waxaanan qabaa inay yihiin caqabada keliya ee hortaagan soomaaliya.
    taa waxaaan u leeyahay Al shabaab mala bishayl siyaasadeed oo ay kula jaan qaadaan duruufta goboleed iyo tan caalamiga ah iyo weliba sidoo kale bulshada soomaaliyeed oon marnaba yeelay sida ay wax u wadaan.
    ugu dambayn waxaan kula talin lahaa wax garadka hawiye inay ka tashadaan Alshabaab sida ay uga tashadeen suniyiinta ciraaq Al qaacida markii ay laayeen dadkoodii muuqa lahaa.
    imisa hawiye ah oo awoon yahan ah, sarkaal ciidan ah siyaasi ah ayay dileen xabashi buu salaamay awgeed.
    waxaan leeyahay walaahi waxaa la gaadhay xiligii Hawiye ka tashan lahaa Al shabaab, waar hadii Majeerteen uu samaystay dawlad Punland, Isaaqna S/land, maxaa taladii idinka qaaday, waar waa maxay inkaartan idinku dhacday
    shanta gobol ee Banaadir, sh/dhexe, Hiiraan, G/guduud iyo dabcan sh/hoose waa in si dhakhso ah loogu sameeyay maamul, waa in ay isu tagaan culimada(suuqi iyo salafiba) siyaasiyiinta, aqoon yahanka, cuqaasha, salaadiinta iyo dhamaan dadka muuqda ee qabiilka Hawiye waa inay sameystaa maamul, hadii kale dib ugu noqda wixii ka dambeeyay 91kii oo weliba imika uu idin dhex qaadayo nin ka yimi Hargeisa iyo Burco oo ah hogaamiye kooxeed xidhan shaadh diineed.
    shabaab iyo taageerayaashooda waxaan leeyahay waad ku mahadsantiin jihaadka aad la jihaadaysaan xabashida laakiin hadii ay baxdo la jaanqaada bulshada oo ama siyaada gala ama shacab noqda oo qoriga tiiriya.
    ws wr wb

    C/salaan | Dec 6, 2008 | Reply

  20. C/salaan waa fule ka baqaya in xarakada Al-Shabaab ka baqaya inay soo gaaraan degaanada Zoomaal-Land iyo Buqlaand. Maamulo ay samaysteen tigreegu baa kurbanaya oo ka baqanaya waxa soo socda. Insha-Allaah waa la idiin iimaan meeshaad aad aadi lahaydeen baa la rabaa.

    Degel | Dec 6, 2008 | Reply

  21. ahlu sunna wal jamaaca duruqu suufiya waa layaqaanaa waa culimadii soomaaliyeed ee dhabtaa ahaa isla markaana diinta fidiyayay taariikh ahaan waa kuwii waligood shabka wada hagaagsan ku hagayay halgankii gobanima doonka soomaaliyana ka qaatay kaalin weyn lakin waxaa nasiib darra ah in dadka qaar aanayba wax ka aqoon taariikhda soomaaliya waxaan idin weydiinayaa yaa waaye sayid muxamed c/hi xassan waa nin ahli dariiqa ah sidoo kale waxaa jira halgamayaal badan uu suufiya ah marke dadka qaar waxaan dhihi lahaa taariikhda aqriya kooxaha hadda soo baxay oo madaxa sootaagay qofkii fikirkiisa khilaafana gaaleenaya baneystayna dhiigga islaamka in dad islaam ahna la laayo ay jihaad tahay meesha laga keenay waa la is karabaa iyo meesha ay ku qorantahay mida ah dagaalka ka dhacay guri ceyl ahlu sunna wal jamaaca lugu kuma laha ee waxaa wada dadkii marka hore bar baariyay alshabaabka marka danahooda ay ka waayeen ayna soo istaageen meel cidla dadkii ay soo barbaariyeenna ay madaxa uga istaageen waxa ay is dhaheen tolow shabaab magac diimeed in loo gashta maahine si kala maleh waxaana ku dhihi lahaa ahlu sunna waa culimadii soomaliya sharafta lahaa ha wasaqeynina magacooda maantana waxaa idin heysata dadkii aad barbaariseen inay madaxa idinkaaga istaageen waxaan maqli jilay god sireed ha qudin hadaad qodana hadheereen ku dhici doontidaa ma ogide arrintu waa aygaa korisay ku cun
    mida kale dadka waxaan weydiinayaa kooxahaan hubeysan sida al shabaab iyo kuwa lamidka ah kuna qaraabta magaca islaamka maxay u qabteen shacabka oo aan aheyn inay qarxiyaan igtiyaalaan ku xadgudbaan halka la xasuusan yahay ficilka wanaagsan ee ahlu sunna duruqu suufiya ay sameeyeen fidinta diinta islaamka

    axmed | Dec 6, 2008 | Reply

  22. As wr wb

    Walaalayaal fidnada Allah anaga qabto.

    Amiin

    Sangaab | Dec 6, 2008 | Reply

  23. asc salaan kadib waxay ilatahay aniga waxaan sheganaa deenta diin ilaah masiiyee oo al shabaab ka ah ilaah hakabaqaan marka hore marka labaad umada hakadayaano del ka iyo xasuuqa war diinta bawaxay qabtaa in lalayo umada ama ladiido xalka taas diin maahan waxaan leenahay wadan kii waan idiinkagasoo tagnay ee kusoo xireya ajaanibta ilaah hanagakiin qabto waxkale oon sheegno manaqaan nabadey

    mohamed | Apr 16, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo