C/laahi Yuusuf oo Qorshaynaya in uu Rido Nuur Cadde.

Sida aanu ka soo xiganay Wargayska Al-Sharqal Awsat C/laahi Yuusuf Axmed oo maanta ka soo kicitimay Dalka Djibouti isla markaana socdaal kadis ah ku tagay Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay ayaa lagu wadaa sidoo kale in uu Booqasho ku tago Dalka Yemen iyo Dowlado kale oo Gobolka ku yaala si uu Taageero ugu helo Qorshaha uu uga soo horjeedo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Ilo Soomaaliyeed iyo kuwo Djibouti-yaan ah ayaa sheegay in uu C/laahi Yuusuf Qorshaynayo sidii uu u ridi lahaa Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cade), wuxuuna raadinayaa sidii uu kaalmo uga heli lahaa Dowlada Djibouti, waxayna isla ilahaas tibaaxeen in C/laahi Yuusuf iyo Ismaaciil Cumar Geele ay ka wada hadleen Mowqifka uu C/laahi Yuusuf kaga soo horjeedo Heshiiskii Djibouti ee ay Garwadeenka ka tahay Q.M kaas oo u dhaxeeya DKMG ah iyo Isbahaysiga Garabka uu Sheekh Shariif Hoogaaminayo ee ka go’ay Isbahaysiga Garabka Asmara.

Waxaa lagu wadaa in uu C/laahi Yuusuf mardhow u Booqasho rasmi ah ku tago Dalka Yemen si uu kulan ula qaato Cali Cabdalla Saalax isla markaana ay ay uga wada hadlaan arimo la xiriira Qorshaha C/laahi Yuusuf Wato.

Sidoo kale Ilo ku dhadhaw xubnaha Baarlamaanka ayaa sheegaya in Kal fadhiga ugu soo horeeya ee uu yeelanayo Baarlamaanka DKMG ah lagu wado in kalsoonida ay u diidaan xukuumada Nuur Cadde isla markaana laga Dalbo Nuur Cadde in xilka uu iska casilo, taas oo la filayo in ay Dharbaaxo wayn ku noqoto Qorshayaashii uu waday Axmed Waldu Cabdalla u qaabilsanaha Q.M Arimaha Siyaasada Soomaaliya. waxaana maalmihii ugu danbeeyay ku sii qul-qulayay Magaalada Baydhabo Xubno badan oo ka mid ah Baarlamaanka DKMG ah.

Diblomaansiyiin Reer Galbeed ah oo u dhuun duleela Siyaasada Soomaaliya isla markaana ku sugan Magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya ayaa sheeay in Casilaada Nuur Cadde ay ka dhigantahay rasaas lala dhacay Dadaaladii uu waday, waxayna Tilmaameen Diblomansiyiintaas in Itoobiya ay iyadu isku dayayso sidii Urur Goboleedka IGAD uga dhaadhicin lahayd in la rido C/laahi Yuusuf haddii uu isku dayo in Baarlamaanka isaga raacsan ay ridaan Xukuumada Nuur Cadde.



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

8 Comment(s)

  1. WAAR C/LAAHI YUUSUF WAA DHACAYAA
    WAA NIN QABIIL DAASHADAY
    WAXBA MAYAQAAN WAA NIN WAALAN WUU SII LIICAYAA WAANA WORLOD

    CALI | Dec 5, 2008 | Reply

  2. hadii c.lahi itoobiya ka hor yimaado sh shariif iyo nuur cadana ay raacaan oo ay itoobiyo iyo ayagu ku duulaan puntland oo madaafiic lala dhoco magaalooyinka garowe iyo bosaso oo ay odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha daarood ay iyo wadaadada reer puntland ay ku dhawaaqaan jihaad c.laahina uu sidi c.qaasim yiraahdo hala iska dhacsho gaalada dagaalkaasu ma jihaadbaa jawaab deg deg ah

    nuurow | Dec 5, 2008 | Reply

  3. dhinacuu talaabo u qaadaba waa tii uu meesha uga bixi lahaa. Aniga iyo dad badan oo odaygaas iyo dawlad ku sheegiisa aan jecleyna, waan daawananeynaa.

    1. Haduu Nuur Cade iska daayo waa geeridiisa, waayoo heshiiskaaba qaba in madaxweyne cusub la doorto.

    2. Haduu tuurana meel uu taageero uga helayo dibed iyo gudaba ma jirto.

    Anigu waxaan qabaa in C/Laahi Yuusuf iyo manhajka qabyaalada iyo qabqablenimada ee uu wataba waqtigu kasoo gudbey ayna adagtahay in uu dib usoo celiyo waqtigaas.

    wadaad yare | Dec 5, 2008 | Reply

  4. dhabadhilif dhimay dhulkii nabad weeeye.

    Haddaan imid | Dec 5, 2008 | Reply

  5. C/laahi yuusuf waa adeegihii shalay oo itoobiya markay ka dhamaysatay ay nacday sidii geedi hadana waxaa soo baxay adeegayaal cusub sida jaale shariif iyo nuur cade itoobiyana waxay c/laahi ku nacday waa hawlgab oo gabaw iyo xanuun buu ka bixi la, yahay muqaawamadiina wax waa ka qaban waayay itoobiyo waxay rabtaa rag ka firfircoon oo muqaawamada wax ka qabto
    marka waxaan ilaah ka rajaynaynaa in adeegayaashii hore iyo kuwa danbe ee itoobiya ay isku jabaan mu,miniinta diintooda iyo dalkooda daacada u ah iyo muqaawamadu guulaysato
    waad aragtaan c/laahi caqli aan rer hebel iyo qabiil ahayn ma hayo ninka maanta u jawaabayaana waa ex-shiikh shariif oo maanta itoobiya hanoojoogto iyo xabada halaga daayo ku waashay ismana dhaamaan
    scwwb

    Cabdi caaqil | Dec 6, 2008 | Reply

  6. noorow itoobiya somaali oo dhan bay ku soo duushay ee hawiye kaliya kuma ay soo duulin ee sidaa u ogow soomaali oo dhanna waa la dagaalamaysaa ka hargaysa jooga iyo ka bosaso jooga intuba waa u siman yihiin itoobiya kala niman daba dhilifyada ah iyo dadka shacabka ah

    maxamed | Dec 6, 2008 | Reply

  7. cagtii joogsan weydaa marbey ceeb lakulantaa
    itoobiya oo magaalada muqdisho kukeentey dec/2006
    hada hakaa saarto magaalada isla magaaladii
    nuur rid adigane itoobiya hakurido kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    katiin | Dec 7, 2008 | Reply

  8. itoopiya iyo c/laahi way isla og yihiin qorshahaan ay nuur cade lagu ridaayo maxaa yelay itopiya nabada ma rabto in somaliya nabad noqoto ma rabto itopiya iyada ayaana ka dambeesa qorshahaan waana og nahay xitaa caalamka ma rabo in geeska africa nabad noqoto hadii ay nabad noqoto xzagee la genaayaa macaawino ama ama hubka la sameeyo meel lagu garaaco ayaa la rabaa
    hamoodin in caalamka na xariis ka tahay sidaan waa dan ay wataan reer galbedka
    hadaba fiiri falastiin waxa hesta sidaas ayaa la rabaa inaan noqono laakiin ma fahmayaan raga qaarkood sida shariifka ama nuur cae
    dan ayaa lagu wataa maba fahmayaan inshaa laah ilaah ayaa fahan siin doono

    xafsa | Dec 27, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo