Ilo Kenyaati iyo Soomaali ah ayaa sheegay in la kala saxiixday in la soo daayo Markabkii laga lahaa Dalka Ukraine iyo Shaqaalihii saarnaa oo gaarayay 24 Badmaaxiin 2 maalin ee inagu soo fool leh.
Ilo soomaali ah oo ka qeyb qaatay wada hadalka Markabkaasi lagu sii daynayo ayaa u sheegay Jariidada Al-sharqal Awsat in Burcad Badeeda haysata markabkaasi ay Heshiis kama danbeys ah la galeen Milkiilaha markabkaasi iyaga oo u maraya Dhex-dhexaadiyayaal, kuwaas oo go’aamiyay in Markabka iyo agabka saaran oo gaaraya 33 Tangi iyo Qalab Milatari oo kale laga soo dhaqaajiyo halka lagu hayo lana keenoo meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya iyada oo la bixinayo Madax furasho dhan 3 Malyan oo Doollar.
Ilo kale oo xog ogaal ah ayaa sheegay in Burcad Badeedu Dalbadeen in lagu siiyo lacagta Madax furashada iyada oo cadaan ah, isla markaana aan la soo marsiin Xawaalad ama Bank cabsi ay ka qabaan in lagu dabo galo lacagtaasi, sidoo kale waxay dalbadeen in lacagtu ay noqoto lacag Doolar ah oo aan wax astaan ah lahayn, waxayna cadeeyeen ilahaasi xog ogaalka ah in Burcad badeedu ka cabsanayaan in lacagaha loo siinayo Madax furashada la soo raaciyo calaamado ay suuro gal tahay in lagu dabo galo marka ay isticmaalayaan.
Sidoo kale Burcad Badeeda ayaa codsaday in loo keeno Qalab gaar ah oo u tiriya lacagta, isla markaana ay ku hubiyaan in ay lacagtu bad- qabto.
Ma cadda sida ay ku qaadan doonaan Burcadu Lacagta in ay Markabka korkiisa tahay iyo in ay Banaanka tahay, waxayse ilo madaxbanaan sheegayaa in lacag qaadashada ay ka dhacayso Dusha mid ka mid ah Maraakiibta Maraykanka ee dhooban Xeebta Soomaaliya, waxayna arin tani ku soo beegmaysaa arintani iyada oo ay soo baxayaan Warbixino sheegaya in Markabkii Dagaalka Maraykanka ee kormeerayay Markabka Ukraine uu ka fogaaday Masaafo gaaraysa 5 KM, halkii Todobaadyo ka hor ay u dhawaayeen.
Sidoo kale Mas’uul Soomaaliyeed oo u waramay Jariidada Al-Sharqal Awsat isla markaana codsaday in aan la shaacin magaciisa ayaa sheegay in fogaynta la fogeeyay Markabka Maraykanka ay tusaalo u tahay sida loo ogolaaday Dalabka Burcad oo ah in fursad loo siiyo in ay la dhaqaaqaan Markabka Ukraine si nabad ah, isla markaana aan la isku dayin in la dabo galo oo ka dibna la xiro. Waxayna isla ilahaas tilmaameen in Heshiiska ay ku jiraan Balan qaadyo maraykanku uu qaaday oo ah in aan la isku dayin in la xir-xiro ama la waxyeeleeyoBurcada.
Mas’uulkaas ayaa intaa ku daray in Maraykanku uu doonayo oo kaliya in la damaanad qaado Markabka iyo waxa saaran, balse Marxaladani ma danaynayo in la qabto Burcada Hubaysan, balse Maraykanku wuxuu doonayaa oo kaliya Badbaadinta Xamuulka saaran Markabka si loogu adeego danahiisa gaarka ah.

Related posts:
maraykanku inuu lacagta wax ka qaadanayo ayey kutusaysaa arintaasi. hubka haddaysan soo dajin oo mujjaahidiinta ama siinin ama kagadan markay soo dagaan lacagtana halaga dhoco ayagana hala wadda xirxiro waxay ushaqeeyaan cadowgee.