Warbin :-Soomaali Galbeed: Murugo meel taagan!!(Q -1aad)

Shabakada Somalimirror waxa ay akhristayaasheeda u soo gudbin doontaa warbixin uu soo diyaariyay Wariye ka tirsan Somalimirror oo Booqasho ku tagay dhulka soomaali galbeed waxaana hadda idiin soo gudbin doonaa Qeybta 1-aad ee Warbixinta waxayna ka koobnaan doontaa:-

1- Dhibaatooyinka uu gumeysigu u geysto dadka ku dhaqan dhulka Somaaligalbeed “Ogaadeenya”.

2- Go’doominta saaran dhulka Soomaali galbeed

Hordhac

Dhulka Soomali galbeed waxa uu dhacaa Qeeska bari ee Qaarada Afrika Gobolku waxaana uu xuduud dhanka galbeed kala wadaagaa Dalka Kenya gaar ahaan Gobolka NFD wuxuuna dhanka Bari iyo Koonfur xuduud kala wadaagaa Dalka Soomaaliya halka uu Waqooyi xuduud kala wadaaga Itoobiya waxaana dadka dhulka Soomaali galbeed ku dhaqan lagu qiyaasaa ilaaa 9 milayn dhamaantood ah Muslimiin intooda badan lagu tiriyo in ay u badan yihiin Xoola dhaqato, wuxuuna gobolku ka kooban yahay ilaa 9 gobol oo waa wayn lehna kaymo iyo dhul deegaan iyo mid daaqsimeed intaba ,waxaana sidoo kale mara labo Wabi oo kala ah Shabeele iyo Jubba oo uga sii gudba dhanka Soomaaliya, wuxuuna gobolku mudo ku dhow 120 sano ku jiraa gacanta gumeysiga Itoobiya.

Dhibaatooyinka uu gumeysigu u geysto dadka ku dhaqan dhulka Somaaligalbeed “Ogaadeenya”

Gobalka Soomaali Galbeed waxa uu guumeysigu marba marka ka dambaysa uu kula dhaqmayay falal cadowtooyo xambaarsan waxayna arimahaas keentay in dad badan ooisku jiray dadka magaalooyinka dagan iyo xoola dhaqato ahba ay ku naf waayaan dhibaatooyinka ay kula kacayaan ciimada gumeysiga ee ku sugan magaalooyinka ay dagan yihiin ama yimaada tuulooyinka kuwaas oo marka ay u yimaadaan inta ay hal goob isku keenaan dadka oo dhan u jeediya hadalo cabsi galin ah uguna sii dara jir dil qafaalasho iyo fara xumeyn ay kula dhaqaaqaan dhumar.

Dhibaatooyin kale ee uu ciidamada gumeysiga Itoobiya ay kula kacayaan dadka gobolka waxaa ka mid ah in qof walba lagu eedeeyo in uu gacan saar hoose la leeyahay xoogaga Xornima doonka ah ee ka howl gala dhulka soomaaligalbeed oo dhan waxaana inta badan dhacda in dad badan oo aan xataa aqoon Jabhadaha gobolka ka dagaalama lagu eedeeyo oo la dhoho habeen ayaan marti galisay ama xoolo ayaad ka gadatay ama cunto ayaad magaalada uga soo iibisay ama wararka ayaad u gudbisaa ,arimaha kale ee ay ciidamada gumeysiga baryahan dambe la soo baxeen waxaa ka mid ahaa in shakhsi walba uu naftiisa been ka sheego si uu u nabad galo taasoo micnaheedu tahay in qofku uu sheegto in uu wax siiyay ama uu marti galayay Jabhadaha xornima doonka ah ama dhanka kale ay jirtay waxa shaqeyn ka dhaxaysay isaga Jabadaha haba ahaato arimo wardoonimo ahe .

Dhibaatooyinku intaa kuma eka ee waxaa kale oo jira in ciidamada gumeysiga ay dadka xoola dhaqatada ah dagan kaymaha ay kula dhaqaaqaan ee dhibaatooyin kala duwan kuwaas oo marka ay u yimaadaan ka qaata waxa ay heystaan oo cunta ah sidoo kalena xoolahooda kala baxa neefafka il qabadka leh kadibna qasha sidoo kalena u jediya hadalo caga juglayn ah una badan in aysan wax siin Jabhadaha Xornimo Doonka ayna soo sheegeen hadii deegaanadooda ay yimaadaan ciidamo ka tirsan Jabhaduhu

Dhacdooyin la xidhiidha xadugubyada ay saraakiisha hogaamisa ciidamadu ay ku kacayaan ayaa waxaa kamid ah in ay qoryahay iyo hubka culus ee ay wataan ciidamadu ay ku rartaan dadka ay ugu tagaan goobaha ay daganyihiin haba u badnaato meelaha miyiga ahe, waxayna sidoo kale dadka ku khasbaan in ay raaciyaan dad wadooyinka kala tusa waxaana inta badan dhaca in qofka wadooyinka tusaya ciidamada gumeysiga ay dilaan markii ay gaaraan meeshii ay u socdeen

Dhanka magaalooyinka marka aan si guud u dul maro waxaa iyadna ka jirta in qofka uusan u madax banaanayn sida uu u maaraynayo hantidiisa iyo waxayaabaha kale ee la xidhiidha reerkiisa kuwaas oo ay ka mid tahay in laga dhaco hantidiisa cadaanka si cad , waxaana sidoo kale dhibaatada ugu badan ay heysataa dadka leh gaadiidka kuwaas oo si khasab ah looga qaato gawaadhidooda laguna amro in ay daabulaan ciidamada shidaalka uu isticmaalayo gaariguna waa la kala qeybsanayaa qeyb waxa ay saaran tahay shakhsiga leh gaadhiga halka qeybta kalena ay bixinayaan ciidamada gumeysigu.

Isticmaalka gaadiidkaas ayaa qaatada mudo ka badan ilaa 2 bilood waxayna noqdaan gaadiidku kuwo la mid ah kuwa ay ciidamadu leeyihiin oo u soo qabta hadba waxa ay u baahan yihiin ha noqoto daabulida ciidamada keenista saadka iyo hubkabee.

Marka aan eegno sababta ku kalifaysa ciidamadu gumeysigu in ay qafaashaan ayaa ah cabsi ay ka qabaan in wadooyinka ay marayaan ay Jabhadaha Xornima doonku ay u galiyaan miinooyin iyadoo ay cabsidaa jiro ayay saraakiisa howl galisa ciidamadu u weecdeen sidii aysan ciidamadoodu ugu waxyeeloobin miinooyinkaa kuna dhalisay isticmaalka gaadiidka dad waynaha si khasab ah.

Dadka leh gaadiidka ayaa marka ay u dul qaadan waayeen gidhaaska oo ah eray af xasbashi ah oo micnahiisu yahay “qafaalasho” ayaa waxa ay ku dhaqaaqeen in ay gawaadhidooda ay ka furaan taayirada “cagaha” sidoo kalena ay matoorkana ay haleeyaan si ay uun uga nabad galaan qafaalashada joogtada ah ee ay kula kacayaan ciidamada gumeysigu.

Sidoo kale waxaa ay ciidamada gumeysigu kula kacaan dadka gaadiidleyda ah dhibaatooyin muuqda oo laga xusi karo in amar la’aantood aysan dhagax ama ciid aysan ka doonan karin meel ka baxsan magaalada ayna tahay mar walba oo ay dhagax ama ciid doonayaan ama si guud uu magaalada uu uga baxaayo ay tahay in ay soo maraan xafiiska degmada “xafiiska Qabalaha” halkaana ay ka qaataan warqada bixida ah waa marka ay bixiyaan lacagta canshuurta ahe waxayna marka ay ka sii baxayan magaalada ay mar kale warqad ogolaansho ah ka goostaan xerada ay daganyihiin ciidamada gumeysiga waxayna warqadan ay noqoneysaa mid labo waji leh oo kale ah wajiga bixitanka oo la canshuurayo iyo soo galida dambe oo canshuur kale ah.

Dhibaatooyinka dadka ku heysta miyiga iyo magaalada ama meel kasta oo gobolka kamid ah ayaa waxaa kaloo ka mid ah in ay ciidamada gumeygu xabsiga u taxaabaan qofka ay ka waayaan Kaarka Aqoonsiga “Mutawaqiya” kuwaas oo markii ay dadka ka waayaan kaarka aqoonsiga u geysta jidh dil xad dhaaf ah hadii uu af xabashiga kula hadli waayana ay micnaheedu tahay in uu is kibrinayo taasoo keenta in ay mar kale jidh dilaan aysna jirin wax dambi ah oo uu geytay oo aan ka ahayn in laga waayay Kaarka Aqoonsiga oo inta badan ku eg dadka magalooyinka dagan.

Marka aan u soo laabano dhibaatooyinka uu gumeysigu kula kacayaan dadka dumarka oo ah kuwo u nugul waxyeelooyinka ay u geysanayaan gumeysigu ayaa waxaa ka mid ah jidh dil farax xumayn iyo in ay ciidanka oo dhan ay wada isticmaalaan hal gabadh sida ka dhacday meel ka mid ah gobolka sanadkii tagay.

Dhibaatooyinka kale ee uu gumeysigu kula dhaqmo dadka deegaanka ayaa waxaa kamid ah in uu dhex dooda ka sameysto dad wax u soo jaajuusa taasoo keentay in dadka ay is kala ilaaliyaan qof walbana uu noqdo mid ka shikisan dadka kale taasoo ugu dambeyntii keentay in in ruux walba uu noqdo kaligii socod ama uu iska ilaaliyo dadka lagu tuhunsan yahay in ay u shaqeeyaan gumeysiga.

Hadaba marka aan dhinac kale ka eego dhibaatada uu gumeysiga ku hayo da’yarta soo koraysa ee gobolka ayaa waxaa kamid ah in uu ka dhigo ciidamo si khasab ah uuna hilmaansiiyo cadowtooyada soo jireenka ah ee ka dhaxeysa ayna dhalin yaradu noqoto mid gabi ahaanba ilowdo cadaawadaas , waxaana dhacda in dhalintaa marka loo so gaba gabeeyo tababarka laga hor geeyo Xoogaga Xornimo doonka ah ,waxaana sidoo kale jirta in dhalinyaradu ay yihiin kuwa ugu badan ee ku jira xabsiyada qarsoodiga ah ee ciidamada gumeysiga kuwaas oo waxa lagu haysto ay tahay in ay ka mid yihiin Jabhadaha Xornimada doonka ee ka jira gobolka, ama ay la leeyihiin wada shaqeyn melo badan taabanaysa sida in ay magaalada ugu soo waramaan cuntada iyo dawooyinka uga soo iibiyaan iyo arimo kale.

Labdii bilood ee aan soo dhaafnay oo aan booqasho xog raadin ah aan ku marayay meelo ka mid ah dhulka Soomaali Galbeed ayaa waxaaan soo arkay dhalinyaro badan oo aan is naqiiinay oo ku jira xabsiyo kala duwan oo ku yaalada magaalooyin ka mid ah Dhulka Soomaali Galbed kuwaas oo marka aan si hoose u sii waraystay ii sheegay in waxa lagu heysto ay tahay in ay ka mid yihiin Jahbadaha Xornimo doonka ah lagana soo qab qatay iskuulaadka ay dhiganayeen halka qaar kalena ay ii sheegeen in la qabtay kadib markii ay ka soo dhameysteen sanad waxbarasheedkii jaamacadda ayna u soo noqdeen reerahooda si ay ula joogaan inta fasaxa ah ay ciidamada gumeysigu xabsiga u taxaabeen iyadoo aysan jirin wax lagu soo eedeeyay, waxayna dhalinyarada ay ciidamadu soo xidhaan ay xabsiga ku jiraan modo aan cayinayn keentana in qaar badan oo dhalinyarada kamid ah ay ilaa 2 sano ku gaadhaan xabsiyada kabibna la iska soo daayo.

Qaar ka mid ah dhalinyarada aan ku booqday xabsiyada ayaa ii xaqiijiyay in ay jiraan dhalinyaro badan oo ay ciidamada gumeysiga kala baxeen xabsiga ay ku wada xidhnaayeen xiliyada habeenkii ah ilaa haddana aan laga warqabin in ay noolyihiin iyo in kale iyo meel ay ku sugan yihiin toona.

Sidoo kale waxa ay dhalinyaradaasi ii sheegeen in la waardiyeeyo iyaga lalana socdo dhaq dhaqaaqa dadka soo booqanaya kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay iskala tirsan yihii Jabhadaha Xornimo doonka taasoo ku soo biyo shubata in dadka la xidhaa ay waayaan dad soo booqta ama ka war qaba guud ahaan xaalkooda.

Marka aan dhinac kale ka eego dadka ay ciidamada gumeyigu xabsiyada ku hayaan ayaa waxa ay kula kacaan falal guracan oo cadowtooyo xambaarsan kuwaas oo aan ka xusi karo in Salaada xiligeeda loo diido sidoo kalena loo diido in ay maydhaan dharka ay xidhan yihiin taasoo keenta in ay Injir ku dhalato wasakhduna ay noqoto mid ku milanta shakhsi walba.

Dhacdooyinka aadka u xanuunka badan ee aan kula soo kulmay gobolka intii aan joogay ayaa ahayd in askari ka tirsan Federal Police-ka magaalada Jig Jiga uu u yeeray wiil wadada marayay kadibna isaga oo aan waxba waydiin uu bud uu watay askarigu wiilka ku garaacay kadibna uu fadhiisiyay meel agtiisa ah wax yar kadibna uu iska sii daayay wiilkii oo meelo jidhkiisa ka mid ah ay ka muuqtaan dhibaato ayaa waxaan waydiiyay waxa uu askarigu ku dilay wuxuuna ii sheegay in wax uu galabsaday aysan jirin ee kaliya uu iska maagay sidaana uu dhibka ugu geystay.

Dhaabaatooyinka ugu badan ee uu geysanayo gumeysigu sanadihii la soo dhaafay waxa ay ahaayeen kuwo aad ugu badan gobolada Qoraxay, Dhagax Buur,iyo Wardheer iyo meelo kale oo gobolka ka mid ah kuwaas oo ciidamadii joogay ay meelaha qaar dadka ka xireen ceelashii ama baraagihii ay biyaha ka cabayeen sidoo kalena ay xeraysteen qaar mid ah xoolihii ay dhaqanayeen kuwaas oo aan la ogayn wax u sabab ah loona fasiran karo in ay kamid tahay falalka cadowtooyada xambaarsan ee marba marka ka dambaysa uu la soo baxayo gumeysigu.

Go’doominta saaran dhulka Soomaali galbeed

3 sano ee la soo dhaafay ayay ahayd markii mamulka ka jira gobolka ee hoos taga gumeysiga uu amar ku bixyay in la xidho dhamaan xuduudaha uu gobolku la wadaago Somaliya iyo Kenya sidoo kalena la istaajiyo dhamaan ganacsiga ka imaanaya dhinacyada Somaaliya iyo Kenya taasoo keentay in ay maciishada daruuriga ahi cirka isku shareerto qiimaha kiisha bariiska,burka iyo sokorta ahba ay gaadhaan ku dhawad boqol dooral oo u dhigantay xiligaa 875 Birr oo Itoobiyaan ah sidoo kale waxa iyaga loo diiday dadka ku dhanqan gobolka Godey iyo degmooyinkiisa oo uu maro wabiga Shabeele in ay abuurtaan beeraha loo yaqaano gabarayda oo hoose tagi jiray Wasaarada beeraha ee Maamulka guumeysiga ugu magacaaban Gobolka tasoo iyadna keentay in dadkii meel ay u baxsadaan ay wayaan , dhibaatada ugu badan ee arintaasna waxa ay ka timid dhanka ganacsatada kuwaas oo xidhay Bakhaaradii ay raashinka iyo alaabaha kaleba u yaaleen waxayna qaar mid ah Ganacsadata oo aan la kulmay ay ii sheegeen in sababta xiligaa ku dhalisay in ay xidhaan Bakhaaradoodu ay timid kadib markii ay dadku ku soo xoomeen ayna u soo hadheen wax yar oo raashin ah intaasna ay ugu tala galeen in ay iyagu isticmaalaan ilaa inta ay xaaladu sida ay tahay iska badalayso.

Go’doominta ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin badan oo la soo darsay dadka ku dhaqan gobolada kala duwan ee dhulka Soomaali galbeed kuwaas oo aan ka xusi karo kala xidh xidhida isku socodka gobolada mid kastana uu noqdo mid ka go’an kuwa kale,Waxaa intaa kadib uu Maamulka gobolka ka jira hoos tagana Gumeysiga uu bilaabay in ganacisga qeybihiisa kala duwan laga keeno dhanka Addis Ababa iyo Dire Dhawa waxaana raashinka quutal daruuriga ah soo qaata gawaadhi kolonyo ah “ kaambay” kuwaas oo lagu soo daro ciimado ka mid ah kuwa gumeysiga oo sababta loo soo raaciyaa ay tahay in ay ka ilaaliyaan in gawaadhida rarka sida ayan u gacan galin Jabhadaha Xorinimo doonka ah ee ka ag dhow wadooyinka ay marayaan kolanyadu , waxayna gawaaridaasi wadada ay ku soo jiraan ku dhawaad bil iyadoo la sugo gaarigii halaabaa ama ay si wax ka noqdaan kadibna waxa ay kolonyadaas “ kaambaysaas” ku kala qeybsamaan magaalada Qabri dahare waxayna qeybi aadaa dhanka Wardheer iyo Shilaabo halka qeybta kalena ay soo aado gobolada Godey ilaa Af dheer, marka ay gawaaridan tagto meelihii ay ku socotay waxaa ku soo xooma ganacsata oo kala daga ,intaa kadib waxa ay ganacsatadu ay qiimo aad u badan dul saartaan raashinka yimaada, mana jiraan wax aan kaamabaysaas ahayn oo ka dhax shaqeeya qeybaha kala duwan ee gobolka.

Go’doonkaas oo socday in ka badan ilaa 3 sano ilaa hadda gobolka saaran waxaa ay qaar mid ah ganacasatadu sameeyeen in ay si qarsoosi ah ay Soomaaliya ganacsi ugu keenaan waxaana ilaa hadda arintaas ku guulaystay gobolkla Godey oo la dhihi karo marka meelo badan la eego waa gobolka kaliya ee aysan go’doomintaasi aad u saameyn maxaa yeelay waxa uu wali gobolkan ganacsigiisu si toos ah ugu xidhan yahay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso waxaana gawaadhida sidaa rarka ee u socota magaalada Godey oo ay si nabad ah ku tagaan.

Go’doominta tooska ah waxa ay saaran marka laga bilaabo degmada Dhanaan oo ka tirsan gobolka Godey ilaa Tuulooyinka u dhow Magaalada Dhagax Buur oo uusan iyadu saamayn go’doomintaas wuxuuna gacansiga gobolka Dhagax Buur uu wali ku xidhan yahay dhanka Galbeedka Itoobiya iyo gobolka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya gaar ahan Tog Wajaale , marka aan sii amba qaato go’doomintaas waxa ay si toos ah iyo si dadbanba ay u saamaysay Gobolada Wardheer iyo Qoraxay kuwaas oo la xidhay dhamaan ganacsigii ugu imanay dhanka Soomaaliya waxa kaliya ee dhulkaa raashinka geeyaana waa gawaadhida kolonyada ah “ kaambay” oo ay sugitaankoodu qaatado ku dhawaad bil.

Labadan Gobol ee kala ah Qoraxay iyo Wardheer ayaan lahayn wax soo saar ay kaga kaaftoomi karaan go’doonkan waxayna noqdeen labada gobol kuwo u nuglaaday go’doominta uu soo rogay maamulka gumeysiga la shaqeeya ee ka jira Gobolka waxayna sidoo kale noqdeen labada gobol ee uu saran yahay cadaadiska ugu badan ee ka imanaya dhanka ciidamada gumeysiga kuwaas oo labadan gobol ugu shakisan in ay hoy muuqda u yihiin Jabhadaha Xornimo doonka ah.

Marka aan sidoo kale eegno gobolada Liibaan Shiniile Jig Jiga ayaa iyaguna ah kuwo uusan wax saas ah ku yeelan go’doomintan, gobolka Liibaan oo xuduud la leh gobol Gado ee Dalka Soomaaliya ayaa wali ganacsi ahaan la wadaagaa Gobolka Gedo, sidoo kale gobolada kale ah Shiniile iyo Jig jiga ayaa iyaguna wax ay ganacsi ahaan ku xidhan yihiin Tog Wajaale , waxaana gobolka Shiniile uu gancsi ahaan leeyahay labo ilood oo kale ah Wajaale iyo dhanka gobolka Gedo oo si qarsoodi ah looga soo galiyo.

Marka aan milicsano ganacsiga soo gala gobolada Shiniile Jig jiga iyo iyo liibaan ayaa ah mid koontara baan ah hadii laga qabtana waxaa la wareega kooxda Canshuuraadka oo hoos tagta maaliyada Maamulka gobolka u metala gumeysiga, taasina inta badan ma ahan mid sidaa u dhib badan oo dadka gawaadhida ay u saaran tahay alaabta ayaa waxa ay sin toos ah ula heshiiyaan ciidamada joogaa meelaha gawaadhida lagu baadho waxayna ishaydu qabtay mar aan joogay magaalada Jig Jiga in gaari ka soo galay dhanka Tog wajaale oo sida shixnad ganacsi uu soo istaagay barta lagu baaro gawaadhida wuxuuna si toos ah askartii goobta joogtay uu darawalkii gaariga u dhiibay lacag dhan ilaa 50 Birr oo u dhiganta 4.75 Dolar sidaa uga sii gudbay isagon baaritaan marin.

Dhibaatada kale ee mararkii u dambayeeyay soo baxday waxa ay dhanka kale ahayd u kala safarka magaalooyinka oo istaagay taasoo iyadna ka dhalatay go’doomintii ay soo rogeen Maamulka kiliku hase ahaatee taasi waxa ay keentay in dad badan oo u kala socdaali lahaa magaalooyinka isku dhow dhow ay ku kalifto in ay si khasab ah ku raacaan diyaarada oo iyadu ah wadada kaliya ee ay dadku ku safraan xiliyadii ugu dambeeyay, dhinaca kale Shirkada Ethiopian Airline oo leh diyaarada ka dhex shaqeeyay gobolka ayaa sare u qaaday qiimaha lagu raaci jiray diyaarada gaarsiisayna ku dhaawaad 100 Dolar nafarkiiba aysana jirin wax qiiimo dhimis ah oo loo sameynayo dadka jaranaya Tikit-ka ah tagis iyo laabashada ah, taasina waxa ay keentay in dadka oo markii horeba ku dhibaataysnaa xiritaanka wadooyinka ay ku khabanaadaan raacida diyaarada waxa ay arintan saamayn muuqata ku yeelatay ardayda wax ka barata Magaalooyinka Adis Ababa Makela iyo meelaha kale kuwaas oo marka ay soo dhameystaan sanad waxbarasheedka Jaamacada ayna ku soo laabtaan reerahooda ay laabashadooda dambe Shirka diyaaradu diido in ay dib u qaado ayna ku khasabto in ay bixiyaan 150 Birr oo u dhiganta 14.75 Us Dollar oo ay shirkadu ku sheegayso in ay tahay is diwaan galinta laabashada, wada hadal iyo is jiid jiid badan kadib waxa ay dhalinta ardayda ahi ku khasbanaadaan in ay lacagtaas iska bixiyaan .

Dhibaatada kale ee dadka ka haysta dhanka socdaalka hawada ayaa ah in kurisiga ay diyaarada ay kaga qoranyihin laga siiyo Xabashi marka la eego tikitka uu sitaana uusan ahayn bixintaan markaas ah waa Xabashigee iyadoo sidaas ah ayaa loo hor mariyaa xabashiga Safarkiisa iyo bixitaankiisaba halka la reebo qofka Soomaaliga ahaa ee ku qoraa booska la siiyay xabashiga sidoo kale waxaa iyana dhibaatooyinkaa ka mid ahin dadka loo diido in ay diyaarada raacaan iyada oo ay ka banaan yihiin ilaa 10 boos laguna dhoho way buuxdaa.

Sidoo kale dhibaatada dadka safarka ah ay kala kulmaan dhanka Diyaaradaha ayaa waxaa ka mid ah inaan loo ogolayn in ay qaataan alaabooyin saas ah iyadoo qofkii sida ay shirkadu u ogoshahay 25 Kiilo ayaa hadda waxa ay shirkadan Ethiopian Airline ay taas ku badaleen in ay ka cudur daartaan in qof walba diyaarada loo saro waxa ay loo qorsheeyay waxayna taas badalkeeda qaadatay in qofki wata boorsaba si ahaana loo yara arki karo in ay wayn tahay ay ka reebaan iyaga oo aan wax miisaan ah saarin.

Marka aynu u laabtano baarintaanada dadka lagu sameeyo marka ay raacayaan diyaaadaha ayaa ah in ay garoonka soo galaan ugu dambayn 6 subaxnimo ama 12 subaxnimo qofba sida uu u yaqaano waxayna baaritaano ilaa 4 ah goor ah ku sameeyay ilaalada Madaarka kuwaas oo dhankooda dadka ula dhaqma si qaneecad daran dhibatada ugu badan ee dadkan safraya ka qabsada Airoport-ka ayaa ah labada baritaan ee ugu dambaysa kuwaas oo dadka ku khasba in ay af Xabashi kula hadlaan ama ay ugu jawaabaan waxa ay waydiinayaan dadka oo aan inta badan aan garanayn af xabashiga ayay taasi caqad ku noqotqa waxayna dadkan raadsadaan cid uga tarjunta marka ay helaan tarjumaana waxa uu dhankiisa sheegtaa waa tarjumaankee in la siiyo lacag hadba inta u sheegto hadii kale uu ku dirayo ilaalada taasoo ku soo biyo shubata in tarjumaanka la siiyo waxa uu sheegto si looga nabad galo waxayeelada ilaalada.

Dhibaatadu intaa kuma eka oo qofka ay dani ka soo gashaa in uu safro waa in uu marka hore soo sameysto warqada aqoonsiga oo iska soo diwaan galiyaa xafiska Degmada “Qabalaha” si uu u qaato Wawrqada Aqoonsiga “Mutawaqiya” si ay ugu sahalanaato in uu safro waxa ay haddana mushkilad ka qabsataa ilaalada kuwaas oo ku qabsada in ay cusub tahay Warqadiisa Aqoonsigu keentana in la bixiyo laaluush hoose si loo dhaafo.

Markaan aan si guud isha u marino go’doomintan dhulka ah ee ay soo go’aamiyeen mamaulka la shaqeeya gumeysiga iyo saraakisha ciidamada ayaa markaan u dhaba galay waxaa ii sheegay in Xukuumada Itoobiya ay aragtay Gobolka oo wali ku xidhan dhinac walba dalka Soomaliya hadii u gobolku Soomaaliya xiriirkaas uu sii balaadhana ay xiligan ay keeni karo in uu iskii u goosto ama sidoo kale uu ku dhawaaqo xorminadiisa waxayna xukuumada Itoobiya sida la sii sheegay ay u yeertay maamulka u matala gobolka kuwaas oo ay ugu horeeyaan C/laahi Xasan “ Lug buur” iyo Hogaanka Nabad Galyada Cabdi Muxumad “Ina Ilay” lagana soo dhaadhicyay in go’doominta gobolka saaran looga gol leeyahay sidii loo wiiqi lahaa waxa ay ku tilmaamaan Nabad diidk oo ay ula jeedaan Xogaga Xornimo Doonka bulshadana sidaa laga dhaadhiciyo.

Qeybta labaad la soco inshaa’Allaah

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

5 Comment(s)

  1. masha’llah walalka qoraalka soo diyaariyay ilahay ajar ha siiyo waxyaabo badan oo daah saaraa ayuu cadeeyay waxaana dareemayaaa in qeybaha kale ee warbixinta ee soo socda ay meel badan oo muhiim ah taaban doonaan

    walalka qoray waa u mahad celinaya wixii dad ah ee an aqaanana waan u sii dirayaaa si looga faa’iidayso

    somalimirror waa ka dhabayseen qormada kor idin saran ee ah ” wax walba oo khuseeya somalia iyo somalida”

    xaji | Dec 3, 2008 | Reply

  2. Aad iyo aad ayaaad ugu mahadsantihiin qormadaan.
    Waan idiin mahad celinayaa. Waayo waxyaabo badan oo xaqiiqo ah ayaad kaga waramaysaan qormadaa.

    Noo soo dedejiya midda labaadna waan lasoconaynaaye.

    Alla mahad leh.
    Axmed, USA.

    Axmed | Dec 3, 2008 | Reply

  3. Walaalaha Maamulka Shabakad Somali miror

    illaahay khayr fara badan ha idin siiyo hana idiin kaalmeeyo saad umada xanuunkeeda ugu bandhigeysaan walaalahood

    Jazakum Allaah hayran

    nusayba | Dec 3, 2008 | Reply

  4. waxuu qoraagu soo bandhigay sawirka dhabta ah ee kajira Ogaadeenya, waliba waxaa jiray waxyaabo kale oo waxaas kasii daran. waxaa la aaminsanayahay in shacabka soomaaliyeed ee kunool Ogaadeenya ama soomaali galbeed midkaad jeceshayba in uu yahay shacabka dunida oogu adkeysiga badan. waxaana aad loogu badinayaa shacankaas marka ay Itoobiya kadaasho in ay faraha aakhirka kaqaadi doonto oo xornimo buuxda mudo aan sidaas usii fogeyn uu qaadan doono. ONLF-na waxay shaaca kaqaaday in ay Itoobiya baryootan kujirto oo ay sanadanka kali ah gudihiisa ay dhawr ergo oo wada hadal codsanaya ay soo direen laakiin markii ay shuruudihii wada hadalka ee ay jabahada horay usheecisay soo buuxin waayeen sidaas loogu radiyay.

    Habeenkii Guure Galabcarrow | Dec 3, 2008 | Reply

  5. WAXAA IG cARRAYSIYA BEENTA AAN ISU SHEEGAYNO WAR HADAAN DHIBTOODO MEESHAAN KU DHIBTOONAHAY SOO DHULKEYGA SOWMAHA WADANI LOOGU TALA GALAY DHIBAATADA AYAAN AHAY SIDEEDANA DHIBAATO LAMA ABUURTO WAAGII ADDUUNKA NABAD AHAA LAMA JOOGO DHIBAATADA JIRTAA CADAW WAXAA AH KAN JABHADA ISKU SHEEGAYA IYO KAN MAAMULKA ISKU SHEEGAYA DHAMAAN WAA DADKEYGA CADAW AAN AHAYN MALIHI ANIGU HUNGIRI DOON MAHI WAXAAN IDIN LEEYAHAY QOLOOYINKIINAA FAKAROO WAX FARSAMA AH OO TAN LAGU JIRO LOOGA BIXI LAHAA OO SHACABKA SHARAFTA LEH LOO BAD-BAADIN LAHAA SIDA WAXBARASHO ISBITAL CAAFIMAAD IYO WAXYAABO KALOO DARUURI AH.

    THALMA | Dec 4, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo