Q.M oo ogolaatay in lala Dagaalamo Burcad Badeeda

Golaha Amaanka ee Q.M ayaa mar labaad soo saaray Qaraar Tirsigiisu yahay 1846, kaas oo u ogolaanaya Dowladaha Shisheeyaha iyo Urur Goboleedyada in ay galaan Biyaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Burcad Badeeda Mudo 12 Bilood ah.

Safiirka Dalka Farance u fadhiya Q.M Jean-Maurice Ripert oo xiligani haya Madaxtinimada Golaha Midowga Yurub ayaa yiri “Beesha Caalamku waxay dirayaan Fariin xoogan oo ah in lala Dagaalamo Burcad Badeeda”.

Wuxuuna intaa ku daray xili uu la hadlayay Warfidiyeenada “Qaraarkani wuxuu u ogolaanayaan Midowga Yurub in uu ka Bilaabo Xeebaha Soomaaliya Howl-gal dhinaca Hawada iyo Badda ah 28 December, waxaana la filayaa in ay ka qeyb galaan 5 – 6 Markab xili kasta kuwaas oo ay wehelinayaan Diyaaradaha Sahanka Badda”.

Jean-Maurice Ripert ayaa sidoo kale yiri “Waxaan Aaminsanahay in ay Cabsi ku abuurayso Burcada haddii awood deg deg ah la helo oo lagu Baacsado laguna soo xir-xiro Burcada Badeeda haddii ay suuro gasho”.

Burcad Badeeda ayaa sanadkan gudihiisa qaaday 95 weerar oo ay ku qabsadeen ku dhawaad 40 Markab oo uu ku jiro Markabka Weyn ee Sacuudiga.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo