Nuur Cade oo soo gaaray Muqdisho
By Somalimirror on 3 Dec, 2008 10:24 AM in Main, Wararka
Abaare 09:50 Barqanimo ayaa waxa Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho si ka dis ah uga soo dagay Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cade) iyo Xubno uu hogaaminayo kaas ka soo kicitimay Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.
Qof goob jooge ah oo ku sugan Garoonka Muqdisho ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Somalimirror in Nuur Cade iyo xubno uu hogaaminayo ay ka soo dageen Garoonka Muqdisho isla markaana uu ka soo duulay Djibouti, ka dibna uu soo maray Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.
Diyaaradii keentay ayaa waxay isla garoonka Muqdisho ka sii qaaday Xubno ka mid ah Baarlamaanka DKMG ah oo looga Yeeray Magaalada Baydhabo.
Ma jirto wax war ah oo uu Nuur Cadde siiyay Saxaafada Balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la hadlo warbaahinta.
Imaanshiyaha Nuur Cadde ayaa ku soo beegmaya xili ay Isbahaysiga Garabka Djibouti iyo DKMG ah isla dhisteen Baarlamaan Gaaraya 550 xubnood kuwaas oo la filayo in Todobaadyo ka dib ay isku yimaadaan.
Sidoo kale Imaanshiyaha Nuur Cade ayaa ku soo beegmaya xili uu C/laahi Yuusuf ku tilmaamay Shirka Djibiout mid Beeleed oo aan wax dan ah ugu jirin Soomaaliya.
Daabaco
U dir saaxiib



Sharcigii Addoonsiga ee Virginia 1705
Qodobka 24: Haddii addoon uu raaci waayo amarka ninka isaga leh (addoonlaha), oo saxidda khaladkaas uu galay ay keentu in la dilo adoonkaas, wax dambi ah looma qabsan karo addoonlaha mar haddii adoonku yahay hanti la leeyahay, qof hantidiisa si ula kac ah u burburinayana uusan jirin.
Ali Somali | Dec 3, 2008 | Reply
Sharcigii Addoonsiga ee Virginia 1705
Qodobka 24 Haddii addoon uu raaci waayo amarka ninka isaga leh (addoonlaha), oo saxidda khaladkaas uu galay ay keento in la dilo adoonkaas, wax dambi ah looma qabsan karo addoonlaha mar haddii adoonku yahay hanti la leeyahay, qof hantidiisa si ula kac ah u burburinayana uusan jirin.
Ali Somali | Dec 3, 2008 | Reply
bismilaah wasalatu wasalamu cala rasuulilaah
ee munafaqan manta magalada yimit alla waxan ka baryaa in oo sababsado gacanta mujahidinta somaliyeet waayo manta ayuu donaya asaga iyo shariifka iyo ina cabdi salan in wadanka gumesi horleh se galiyaan shacabka masakinta ah ee hada geedaha hoos jiifa dhib kale ugu sidaran alla waxan ka baryeen kuwaa in alla umadisa muslimka ah ka qabto muslina shaqo kuma lahan wa wax islaanimada iyo muslimnimada ka fog shacabka ha sabraan mumin iyo munafaqna waa kala baxeen nasrigina waa soo ifay hana lala jihaado nuur cade iyo shariifka iyo waxa daba socda
abuu digin | Dec 3, 2008 | Reply