Nin lagu dilay Magaalada Baydhabo.

Gabal dhicii Maanta waxaa gudaha suuqa Baydhabo lagu toogtay mid ka ah Dadka Deegaanka ee Baydhabo ee xarunta G/Bay. Kaas oo ay dileen rag hubeysan oo aan haybtooda la garan.

Sida ay dadka deegaanku ku warameen, waxaa dilka ninka la diley gaystey saddex nin oo ku hubaysnaa Bastoolado,halkaasi oo markii dambe ay ka baxsadeen kooxihii falkaasi dilka ah geysta.

Ninka la diley ayey magaciisa ku sheegeen Dadkii yaqaaney C/naasir Mayow, waxa ayna uga dhaceen rasaastii lala beegsadey meel halis ah oo markiiba uu u dhintey. Lamana oga sababta loo diley. Balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka mid ahaa Ciidamada nabad sugida Maamulka DKMG ah ee Gobolka Bay.

Waxaa isla markiiba lagu kala cararey goobtii uu dilku ka dhacey ee suuqa Baydhabo, waxaa sidoo kale Al-baabada la isugu dhuftey goobihii ganacsi, cabsi dheeraad ah oo dadka ka baqeen meesha in ay ka dhalato.

Maaha markii ugu horeysay ee dil noocan oo kale ah uu ka dhaco Magaalada Baydhabo, basle dhowr jeer oo hore ayey sidan oo kale uga dhaceen.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo