Nadwadii “Ka digitaanka Fidnada Q.2-aad” oo xalay ka dhacday Masjidka Abu-hureyra
By Somalimirror on 3 Dec, 2008 7:16 PM in Kulanka ducaadda, Main, Wararka

Waxaa Xalay mar labaad ka bilowday Masjidka Abuu-hureyra ee Magaalada Muqdisho Nadwo Diini ah oo Cinwaankeedu yahay “Ka digida Fidnada Qeybteedii 2-aad”.
Nadwadan waxaa soo jeedinayay Dr. Sheekh Axmed Macallin Maxamed (Axmed Imaam) iyo Dr.Sheekh Bashiir Axmed Salaad, waxaana xiriirinayay Sheekh Maxamuud Ibraahim Suuleey.
Qeybta Sheekh Axmed Imaam
Sheekh Axmed Imaam oo qaatay Qeybta hore ee Nadwada ayaa ugu horeyn soo jeediyay Su’aal ahayd maxaa loogu soo cel-celinaya ka hadalka Fidnada oo looga hadli la’yahay Jihaadka, wuxuuna ku Jawaabay Sheekhu in ay uga hadlayaan si loo yareeyo Fidnada una Baahin maadaama ay fidnadu horey u dhacday, hadana dhacayso.
Fidnada ugu weyn ayuu ku sheegay Axmed Imaam in ay tahay Cuquusha iyo Fahamka Dadka oo kala garan waaya wanaaga iyo Xumaanta, wuxuuna soo arooriyay Axaadiith iyo Qisooyin fara badan.
Sheekha Axmed Imaam ayaa soo jeediyay Aadaabta loo bahanyahay in lagu dhaqmo si looga Badbaado Fidnada taas oo uu ku sheegay:-
1- in laga fogaado waxyaabaha keenaya Fidnada
2- in aan Fidnada lagaga qeyb qaadan Hadalada iyo Ficilada sii huriya
3- in la iska hubiyo Hadalada, ficilada iyo Dhaqanka lagu dhaleycaynayo Shakhsiyaadka kale.
4- In mar kasta la iska hubiyo wararka la iska kala gudbinayo.
5- In lala yimaado Dul-qaad, lagana digtoonaado Deg dega.
6- In laga Aamuso lagana digtoonaado Hadalada Hurinaya Fidnada
Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha ay dadku ku fasahaadaan ay ka midyihiin Maalka faraha Badan iyo hadalka faraha badan ee aan kheyrka ku jirin.
Axmed Imaam ayaa soo jeediyay:-
- in laga shaqeeyo Midnimada lagana Dheeraado wax walba oo fidno keeni kara, ama in la isku dhaleeceeyo Mawaaqifta kala duwan.
- In laga digtoonaado in la isku qabsado Degmooyinka iyo Magaalooyinka Dalka marka ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka baxaan, taas oo uu ku tilmaamay in haddii la isku qab-qabsado ay u ekaanayso anaa Taabsaday iyo Musiibo weyn oo keenta in la isku halaagsamo.
- In Cududa iyo Hadalka la mideeyo si cadowga looga adkaado haddii alle idmana fidnada looga badbaado.
- In Manaajita Saxda ah lagu dadaalo qabsashadeeda, laguna daydo Culimada Ahlu diinka ah(Ahlul Sunati wal Xadiith).
- In Diinta lagu dadaalo si ka wacan sida jirka loogu dadaalo, la iskana fiiriyo cidda diinta laga qaadanayo.
Sheekh Axmed Imaam ayaa ku sheegay Firqada Badbaadaysa in ay tahay mid xaq ku taagan illaa iyo Qiyaamaha.sidaa awgeedna loo baahanyahay in Xili kasta iyo meelkasata oo la joogo la raaco Xaqa meesha uu jiro oo kaliya.
Sidoo kale Sheekh Axmed Imaam ayaa sheegay in qof kasta aan la weydiin Karin Masaa’isha Khatarta ah, balse la weydiin karo oo kaliya Culimada Ahlu diinka ah ee Ikhlaaska leh, iyada oo uu soo jeediyay in la hubiyo Waxyaabaha laga Jawaabayo.
Qofkii ka Jawaaba wuxuusan Aqoonin ayuu Sheekha ku sheegay in ay Dhibaato u geysanayso Muslimiinta oo dhan, wuxuuna ku soo gabo gabeeyay in la badiyo Ducada iyo Toobad keenka.
Qeybta Sheekh Bashiir Axmed Salaad
Qeybta labaad ee Nadwada ayaa waxa qaatay Dr.Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ugu horeynba sheegay in Fidnada laga Cabsanayo ee Muslimiinta ka dhexeeya ay afuufayaan Cadowga Islaamka iyo Shaydaanka.
Sheekh Bashiir ayaa sidoo kale sheegay in kala taga Muslimiinta iyo Isku duubnida Cadowga ay keenayso Fidnada Muslimiinta oo sii fida, sidaa awgeedna loo baahanyahay in Muslimiintu isku Duubnaadaan si fidnadaas looga badbaado.
Dr.Sheekh Bashiir ayaa sheegay in ay Doqonimo tahay in Fidno iyo Fasahaad lagu jiro iyada oo lagu daweyn karo isku duubni oo kaliya.
Waxyaabaha lagu fidnoobo ayuu ku sheegay Sheekh Bashiir in ay ka Mid tahay Maalka faraha Badan iyo Faqriga labadaba.
Sheekh ayaa sheegay in aysan Fidnadu iyo indho Sarcaadka gaalada saameynin Qofka Cilmiga leh, isaga oo ku tilmaamay in Cilmi la’aantu ay keento in Dhal-dhalaalka iyo Dhalanteeda gaaladu kula weynaado.
Sidoo kale Sheekh ayaa sheegay in Fidnada looga Badbaadi karo haddii Alle idmo
- Imaan iyo Camal Suuban oo lala yimaado.
- Iyo In la qaado Wadada Nabiga(SCW) iyo Saxaabadiisa
Sheekh Bashiir ayaa carabka ku adkeeyay in Horumar walba iyo Dowlad kasta oo wanaagsan ama Mashruuc kheyr qaba oo si fiican u socda ay hogaamiyaan Shakhsiyaad Alle ka cabsada oo Mutawaadiciin ah oo aan Dheef rabin basle ajar iyo Aakharo illaahay ka raba.
Sheekh Bashiir ayaa sheegay in ay lagama maar-maan tahay in la fahmo Miisaanka wax lagu kala soocayo, iyada oo aan loo fiirinayn ma badan yihiin Koox Hebel iyo Ma yar-yihiin ee loo fiiriyo wadadii Nabiga ma hayaan mana ku dhaqmayaan. Wuxuuna intaa ku daray in loo baahanyahay in dadka laga waardiyeeyo Fidnada, sidaas awgeedna la iska rabo inaan barano sida fidnada loo daweeyo.
Marka shacabka wax loo sheegayo ayuu Sheekh Bashiir tilmaamay in ay haboontahay in lagula hadlo hadalo ku miisaan ah oo ku heer ah, sidoo kalana dadka loo dhimriyo marka ay qafaan, wuxuuna sheegay in la kala saaro marka Xaqa la sheegayo iyo marka dadka lala dhaqmayo isaga oo sheegay in marka xaqa la sheegayo la rabo in la adkaado balse marka dadka lala dhaqmo loo garab raariciyo sidii Nabi Muxamed (NNKH) oo kale.
Daabaco
U dir saaxiib



????? ???? ?? ????? ?? ??? ???? ??? ???
Waxaa la yiri OO HINTA ORGIGA KA WEEYN..,
KILIMATU XAQIN YURAADU BIHAA BAADHIL,,,,,,,
waxaan wali ka yaabanahay alfaada sharciga ah ee maanta sidi la doono loogu adeeganaayo,,
fidno,
xikmad
maslaxo
cilmi
culumo
wasadhiya
diinu raxma
siyaasa sharciya
i w l
waxaan ma reeynaa in aan ka cararno qofkii ku dhawaaqaa kalmadahaas, maxaa yeelay dukaan macdaar ah ama bagaash ayaa laga furtay jimlo iyo tafaariiqba waa loo baxashaaaaa,,
ICTISAAMOOW ogaada xaqa iyo waxii Allah wajigiisa loola jeedo ayuunbaa baaqi noqonayaa, waligiinba boorka isku dara, ama suufiyo qabuuraha ka soo kor kiciya ama odayaasha hawiye jaadka kasoo kor kiciya ama jadiidiyo tuute usoo galiya ama dibadjooga qeeylo dhaan iskugu yeera kama dhagar badnidiin ibliis iyo gaalo iyo munaafiqiintii la jabiyay, hadii ay mujaahiduuntu ikhlaas daaimaan Alaah ayaa ku filan….
wax kale lama waalanaayaan ICTISAAMKU ilaa in ay soo dhawaatay madaxtinimo iyo maamul iyo dhaqaale,, iyo in ay jabhadii JABISO oo ay lugta kula jireen oo ku tiri ka joog adiga ma aheeee.,,. marka waxaa u soo muuqatay doowr la’aan,, iyo buul nimo.., marka waa boos cariirsi.,,
Allahuma akfiina sharahom…,,,
YAABANE | Dec 3, 2008 | Reply
walalayaal waxaa roon qofka xaqa u adeegayaa inuu noqdo mid uu isaga ka muuqdo,ku hadal iyo ku dhaqanba waxaa muuqata walaalka tacliiq dhibay inuu u hadlaayo sidii culimada iyo diinka nin la dagaalasan o kale waana halis haduu qofku shayga uu dartii u jihadayo hadana isaga oo aan is ogayn uu ku tumanaayo xaqu meel alah meesha uu ka yimaado waa inaan ku noqonaa (?????) ama kuwa qaadanaya hase ahaate haday ina ka noqoto xaqu inuu maarka ama calaamad tijaariya yahay oo haduusan kaan jeclahay ka imaan ma qaadanayo waa halis is burinaaya waana u dagaalamayaa yeelinamayo waa dhib, xaqana waxaa loogu gargaaraa ehelkiisa in loo gargaaro culimadii xanbaarsanayd hadaan afla gadaanayso xaqee rabtaa waa su,aal eh? ma mid kuu calaamadysan baa horayna waa loo arkay dadaka culimada sharciga laga celinwaayo insilaakh ayaa u danbeeya ee aan is daba qabano ?????? ???????
abu camaar | Dec 3, 2008 | Reply
Xaqa waa cad yahay ilaaahey baaa (swt) ku cadeeyey Qur’aanka iyo sunadda Nabiga(NNKH) hadii , culimaduna waa dhaxalka anbiyada hadii aan mowqifkeenu ama caqligeena ku cabirno wax walba oo aan iska ilowno maraajicda waa halis ayadaana fidno ah waaana waxa wadanka ka taagan ee walaaalayaaaasha sharafta lahoo aaan u noqo Diinta ayadaa asal ah xalna u ah wax kasta oo aan isku qabsano , Ilaahay ha na waafajiyo xaqqa AAAAAMIIIN
Abdala | Dec 3, 2008 | Reply
YAABANE
Waxad moodaa In aad si Caam ah U Eedaynaysid Jamaaacadaas Khayrka Badan…
Laakiin Waxaad Kalood ilowwday in Xukunka Aad hada ku riday Jamaacadaas lagu waydiin doono qof kastoo ka tirsana Uu ilaahay hortiis Kugu qabsan doono,,,
Waxaad kaloo Hadalkaaga Ka muuqda Inaad Tahay Nin ka xun Horumarkan ay sameenayaan Al-ICTISAAM … Marka walaalow ilaahay ka cabso oo xaasidnimada iyo tacasubka iska daa,,, Waxii khalad ah ee sharci ah ee ay galaan soo bandhig iyo Adillo wadata Markaas khaladkoodaas bari baan kanoqonaynaa Laakiin waxii wanaagsan ee shareecada waa faqsan ee ay sameeyaan waanu ku raacaynaa !!!!
ABSAMAAWI | Dec 3, 2008 | Reply
maanta waxaan taaganahay sidii ninkii cirka u kaadshay oo kale, kasoo markii la waydiiyay waxa ku kalifay ku jawaabay (wadaado baa na wareershay oo yiri, qiblada xageeda looma kaaddin karo, qorax kasoo bax looma kaaddin karo, qorax u dhacna kaba daran)
ma SHARIIFKA BAAN raacnaa oo ku dooday SULX KHAYR
ma shabaabkaan raacnaa oo daliil saday (DAGAALAMA ILAA AY FITNO DHULKA KORKIISA KA DHAMAATO)
ma Aweys baan raacnaa oo yiri (XORIYADA LUGU HELAY WADALKA WAXAA KA WANAGSAN TAN LUGU HELAY DHIIGA DAATAY0
ma sida odayaasha Hawiye baan hadba dhinac aadnaa,
ma sida QAADIRIYA baan dhagaha ka furaysanaa.
HADA MAXAYNU YEELNAA? MAXAA NALA HAGAAGSAN???????????????????????????????????????????
xiin faniin | Dec 3, 2008 | Reply
asc wr wb
waxaa wax lala yaabo ah qof diin sheeganaya iyo wanaag haddana waxa afkiisa ka baxaya ay jirridu ka xishooto marka aan is waydiinee qofkaas muxuu diinta ka faa’iiday aan ahayn inuu dadka kasii fogeeyo diinta,walaalayaal in qof ama ash-khaas la caayo ujoodo laguma gaaro laakiin khaladka dadkaas waa la tilmaami karaa iyadoo aan laga gudbin xuduudda diinta iyo adaabta wax loo saxo.qofkastana ha xusuusto waxa qoraysid waxaa akhrisanaya dad ama kula caqliya xumaanta iyo samaantana kala yaqaaan ee qoraalkaagu ha noqdo mid wax laga faa’iidayo adigana aan dembi kaasoo gaarayn wsc wr wb
maslaxx | Dec 4, 2008 | Reply
as
walaalaha waan salaamay salaan ka bacdi.
waxaad moodaa in xaqu yahay sheegasho ama karti mid lagu gadho ama xoog lagu qabsado
saaaaaaaaaaaaaaaaaas maahan””’
xaqa waxaa lagu helaa kow tawfiiqda ilaah taas oo leh asbaab iyo wadooyin loo maro, cilmiga ayaa ah wadada kaliya ee lagu gaadho, karaamaynta dadka cilmiga waxyi xanbaarsan baa ah qayb diinta ka mida ha deel qaafin ama daad iska rogmanaya ha iska raacine qaado waanada
culumada inay xaqa iftiimiyaan waa waajib kooda
caamadu waa inay qaataan waanada culumada
dhalinyaradu waa inay cilmiga iyo xaqa culumadu sheegayaan raacaan.
waxaa mahadsan culumadeena
iyo inta dalka xoraynaysa dhamaantood
culumada cayda halaga daayo
qarnigii daah isku daboolka laga gudub
khaladka,qalooca,aragtida bidcada ahaba waa la faydi ee haatuu burhaanakum inkuntuk saadiqiin
wabilaahi towfiiq
muslim | Dec 4, 2008 | Reply
hadii ahlu sunna la yiri waa bidco subxaanalah ayaguna waxey ku doodi alshababba waa wahaabiyo faasid ah marka farta inta laysku fiiqi lahaa waxaa wanaagsan in la dignoonaato,walee ayan cid cid wax ka qaadeyn,laakin arintu meeshii ay caga dhigato baanu arki.
Haddaan imid | Dec 4, 2008 | Reply
Asalaamu caleykum wrb,
Waan idin wada salaamay, salaan kadib Fidnada waxaa lagu sheegi jiray kuwa Qaadka iyo sigaarka iyo isku dirka iyo wixii la mitka ah lagu yaqaanay balse hada Ragii Umada ay daawaneysay oo ay is laheyd Duligan wey idinka bixinaayaan ayagoo Alle swt garabsanaaya ayaaba is hayesta oo fidno isku sheegaaya oo mit walba mitka kale Aayad iyo Xadiis u soo daleeshanaaya sow walaalayaan cajiib ma ahan,
Dal sidaan kuma xureyneeynee aan Umada wax la Kheybsano waxaan sidaa u leeyaha oo ii muqata intaan leenahay wax ku darsanmeeyno hebel iyo qolodaas marka danbe anaga yacni muqaawamada ayaan is diidi doona ee aan iska deyno is cajabinta iyo isla weynida alle swt aan ku shugrino wabilaahi towfiiq
yaabane | Dec 4, 2008 | Reply
Yabane, qof ulema iyo leaderska magaya hadi la arko wa laga carara.
Abu Wac Wac | Dec 4, 2008 | Reply
Wiilkaan la baxay yaabane waxaan la yaabay siduu diinku u dhibayo ma ogtahay munaafiqa marka la yiraahdo ilaahay ka baq akhadathulcizatu bil,ithmi war ninyohow ilaahay ka baq yaabanow war hadaad ka gubanayso hadallada culumada iyo alfaada shareecada waa calaamatul khudlaan, walaaloow fitnada inta nabigu uu ka digay soo lama socotid soo ma ogid inta xudeyfa binulyamaan uu ka wariyay hadaad isleedahay mujaahidiinta soomaaliya fidno ugama baqayo sooma ogid in ay saxaabadi fitno ka dhex dhacday tan kale jihaad ay wadaan shan garab oo mujaahidiin ah oo shan amiir leh oon ogolayn inay midoobaan soow fitno maahan waxaad ogaataa yaabanow waxaad la yaabantahay waa xaqi waxa aad diidantahay waa digniinti ahlul cilmiga hadaad qarisay magaaaga si aan dadku kuu ogaan allaah kama qasoonid wuuna arkaa inaad hilibkii ducaadiisa cunayso annaguna maragbaan kugu nahay maalinta qiyaamo gacmahaaguna way kugu marag furi
nuurow | Dec 4, 2008 | Reply
asalamu caleykum
walalaha slamka aha waxan ugu baqaya in ay iska iloban inay tix racan cebaha islamka
ciddi kher wada laga dhageysto ciddi kalae la eyska celiyo ee an la fasirin hadalada culimada qar oo an la ogeyn waxa lola jedo anaga wa inan xukmina dhaahirka iskane deyna waxa urka ku jira
anas | Dec 4, 2008 | Reply
salamulaah calaykum
ilaahay baa mahad leh naxariis iyo nabadgelyo nebi maxamed haw ahato,ilaahay waxaan ka baryayaa inuu culimada ka abaal mariyo cilmiga ay umada u sheegeen maalintii ay u baahi badnayd umadu in cilmi loo sheego (fidnana looga digo) qofkii rabaa ha diido kii doonana ha qaato culimada gaadhsiin uun baa dushooda ah oo keliya, ilaahaybaa hidaayada iska leh, ninka maanta culimada hilibkooda xalaalaystayna maalin aan maanta ahyn ayuu garan doona in ilaahay aduunka ku tusiyana waaba laga yaabaa insha alaah, af xumadiisana culimadu maxba u noqon mayso bal iska daa inay wax u noqdaane ilaahay cisi buu ku siinayaa isna duli buu ka qaadi aduun iyo aakhiroba. qof aduunka jooga oo fidno aamin ka qabaana ma jiro hadii ninka caayaya culimada isaga iyo kooxdiisu fidno aamin ka yihiin ilaahayna u balan qaaday ha noo sheego. fidnadii soo daahirtay iyada oo khulafaa’uraashidiinkii noolyihiin maanta oo calaamadihii qiyaamuhu taagan yihiin maxaad ka malaysay, kuwii cali bin-abuu daalib dilay waxay isu arkayeen inay ku jana tegayaan dilka cali bin-abuu daalib. adiguna cirdiga culimada waad ku jana tegaysaa baad aaminsan tahay baan u malaynayaa YAABANOW?
YAAB QIYAAMUU YAAL! IYO DADKA MAANTA CIRDIGA IYO DHIIGA MUSLIMIINTA BANAYSTAY WAXAY KU DANBAYN DOONAAN ALAAHU AKBAR!ILAAHOW NA BADBAADI, HAADAYA MINA LAAH!
aadam | Dec 4, 2008 | Reply
Salaanta Islaamka kadib,,Mahad Balaaran allaah ayay u sugnaatay,kadib waxaan u mahadcelinayaa Culimada Xaqqa u istaagtay,sida Cadna qofku markuu Xaqa sheegaayo Aflagaado iyo cay iyo in lagu tilmaamo waa Sixiroole,Majnuun,shaacir dhamaan Erayadaas xun,Nabigeena Muxamad SCW ayay Gaalo ku oran jirtay,taas Badalkeeda Culimada waxaan leeyahay intaas iyo inla mid ah waadla kulmeysaan,ku samra oo xaqqa sheegistiisa haka daalinina allaah ayadka heleysaan Abaal Marine,qofkii idinku Caaya Xaqana u samra,allaah ayaa la Xisaabtamayee
allaah ha idinku guuleeyo Xaqqa aad Cadayneysaan
C/naasir Adan | Dec 4, 2008 | Reply
Asalaamu caleykum wr wb
Salan kadib waxaan arkaa in Umada soomaaliyeed aysan waxba isla fahmeeyn waxaan sidaa uleeyahay inteena Figrada ka dhibata halkan oo hadii aan qiyaaso aan 50 qof gaareyn baa is fahmi la qof walba hadalka sida uu rabo ayuu u fasiran.
walaalayaan aniga Culimo maan aflagaadeyn Alle swt ayaan ka magan gali Qofkii Munaafuq igu sheegayna asaga ayaa garanaaya Halka uu ka gali danbigaas.
Waxaanse qoray in Umada ay wadajir wax ku qabsankarto hadaan sikale u dhigo Dadka is haysta maantay waa walaalihii ina hogaaminaayay intii taageyrsaneyd wey ku kala qeybsameen.
Ee sidii hore haloo noqdo si aan cadawga isaga saarno sidey doontaba halagu saaree laakiin waxaan ka digay sida maanta ay tahay oo ninba meel istaagay yirina aniga uun baa xaq ku taagan in aan wadan lagu xureyneyn
aan is fahamno aniga Culimada musaalixada iyo muxaadarooyinka iyo u digida umada wada kama hadal mustawahaasna ma gaarin alle swt ha guuleeyo wabilaahi towfiiq
yaabane | Dec 4, 2008 | Reply
Ku : yaabane.
sc wr wb.
walaal waad wanaajisey ilaahna wuu ku waafajiyey kheyrka.
wax xun anigu qoraalkaaga kuma aan arkin.
ragga kugu kacsan ama ku radiyay ilaa iyo hada wax daliil ah ama ceeb ah oo kugu heesan karaan sharci ma aan arkin.
hadaba waa runtaa walaalkeen axmed imaam waxaan ognahey inuu yahay nin salafiyal jadiida ah oo xataa haduu taageero amxaaro la dagaalanka weli waxbaa ku harsan oo manhajkii buu weli dhinac uga dhegan yahay.
tan kale sh bashiir waa amiirka ictisaam saan ognahay hadaba nin xizbi gooni ah amiir u ah lagama yaabo inuu dhex dhexaad noqdo.
sababtooah asagaaba u ah amiir urur dhan oo wayn oo aan manhaj iyo arimo badan isku diidanahay.
teeda kale sh maxamuud sh ibraahim sullay isaguna waa nin majmac ah iyo raabidatul culumaa iyo tabliigh intaasba ahna sxbka gaarka ah ee sh shariif inkastoo la yiri wee is khilaafeen hadaba rag nuucaas wada ah ma aha inay mujaahidiinta xuubsadaan oo afka goostaan.
sax oo waa suurta gal in ee yihiin culumo ama ardo yeelan karto ijtihaad balse ijtihaadkooda cidina kuma aha mulzam.
maxay u doonayaan tacmiimaatka mee xuruufta shaqal u yeelaan.
anigu waxaan u arkaa inay iyagu qayb fitnada ka mid yihiin.
sh cumar imaan oo ka wada cilmi badan waxa uu u arkaa niman ismagacaabay.
sh shariif bayaan bee kasoo saareen oo waxuu u arkaa niman wahaabiyaa.
anaka waxaan u aragnaa niman x itixaad ah oo dagaal walbo qabyo uga baxo!!!!.
hadaba muslimiiney ma aha arinku fitna ka hadal ee waa boor isku qaris.
teeda kale ma waxaad dooneesaan magaalooyinka aan ku dhintey oo aan ku jihaaday inaad tiraahdaan usaama ma keeni kartid afghanistaaniyiin lama keeni karo jihaad caalami ah kama qaadi kartid!!!
waa saas micmnaheeda.
hadaba nin walbo intuu qabto buu kitaabka ku maamuli kadibna waan midoobeenaa ama cidii kitaabka ku maamuli diido baa xoog looga qaadayaa waa intaas hooshu.
ee isku mid baa nahay cajiib.
hadaba shariifka rag baa gaal u arko adina uma aragtid see iskugu mid unahay.
adigu jihaad local ah baad wadaa ragna jihaad caalami ah see iskugu mid ,loo yahay.
adigu hadaad pakistan iyo sacuudi ka timid ragbaa maalintaad hubka duugtey ilaa hada dagaalamaayay oo hee aad gaaleeynta dilaayay oo dalka iyo diinta intaa u taagna halkee jirtey.
hadaba nadwooyinkaad qabaneesaad ikhlaas ku qabta oo umada danaheeda ka hadla.
umada jihaadkeeda lagama hadlaayee ee gaaleesiin iyo fitno baa lagu ordi.
umada uga diga gaalnimada intaad madhabul irjaa ku faafineesaan.
wasalaaaaam.
muslim dhab ah insha allah | Dec 4, 2008 | Reply
ku.muslim dhab
as
waan salaamay walaalka iyo umada islaamka ah ee akhrinaysa oraahdan.
waxaad hadalkaaga ku sheegtay qofka ka baxa jadiidiyo waxaad ku tilmaantay ooo safka jihaadka gala inaadan aqbaley “”"ma is ogtahay inaad waafaqday madhabul khawaarij”"”cajiib.
tan xigta waxaad durtay culumadii soomaaliyeede cadee
gafkay kaleen yaaase ka hadlay ma wiilyar markay cadaalada ka fogaadaan kuwii diinta ku ciroobay ma waxa garan wiil jus cama fasiri karin”"”"”"”cajiib”" kama duwana nabiga CSW oo dhex taagan qanaaimti maka oo ku leeyahy wiili cadaalad fal maadan cadaalad faline”"”"”"halkaan waxaad marlabaad la daristay asxaabu nahruwaan Iyyaaka wa iYYaak.
\
tan sadexaad walaalkow jihaaadku waa curwatul islaam lama diidana dawaabihiisii iyo lawaasimtiisii,wasaaishisii ha qaado baa laga hadlayaa ee marka geela loo heeso goroyo ha u heesin hana iska dhin in kaligaa aad goobta fadhito ee dhinac walba rag kula midaa heegan kaga jira.
tan afraaad hadaad u dagaalamayso ragbaan soomaaliya keeni oo niyadaadu halkaa u baydho inaad ka habaabtay ikhlaaskii ma is ogtahay,
hasa yeeshee tiisa daryeelaa tu kale ku dara
mida kalle ma acli iyo diinbaa waxaan kubayaa kii ina noolaa ee muslimka ahaa waxaan u gargaarayaa midaan wax u qaban karin.
ugu danbaytii waxan ku faraya raac xaqa kana joog aflagaadada culumada.
walaahu axlam
a
muslim | Dec 4, 2008 | Reply
KU: Muslim.
sc wr wb.
akhil xabiib baaraka laahu fiik.
tan labaad akhii waad ku mahadsan tahay waanadaada aad iisoo jeedisey oo ah inaan culumada la dacninin ama xaqa inaan raaco labadaba hadaan horey uga beerey ilaah ayaan uga towbad keenayaa.
tan kale akhii muslim al xabiib ilaah waxuu yiri ( ???? ???? ??????).
akhiiyow billaaahi caleek bal ii sheeg khawaarijta waxaan ka waafaqay maxaa yeeley anigu ma dhihinin khawaarij baan ahay amaba dadka uguma yeerinin madhabul khawaarij.
teeda kale lama imaanin astaamihii lagu yaqaanay khawaarijta sida :
1:xukkaamta muslimiintaaa oo cuduushaa oo lagu baxo.
2: in la galeesiiyo cusaatul ummaah.
3: in la yiraahdo umada muslimkaa ama soomaalidaba kufri ba asal u ah.
4: in la yiraahdo ruuxii ku dhigtaa macsi waa mukhalad fi naaar.
5: in la yiraahdo iimaanku waa hal qayb oon kala qaybsaminin.
hadaba akhii anigu waxaan aaminsanahay.
1: ruux walboo ashahaato inuu muslim yahay ilaa uu gaalnimo ku dhaco shuruudeedii wadata mawaanicdiina laga waayey.
2:waxaan aaminsanahay in macaasida ruuxii ku dhaco uusan gaal ahayn.
3: haduu ku dhinto towbad la aana arinkiisu eebuu u yaal haduu doono wuu cadaabi hadii kalena fadligiisuu janada ku gelin balse naarta ku waari maayo haduuba aslu tawxiid heesto.
4: xukkaamta cuduushaa inaan lagu bixinin eena tahay fitno iyo manhaj khilaafsan kan toosan oo ahlu sunnada.
5: inaan la dhihinin asal umada waxaa u ah gaalnimo ilaa cidii la cadeeyo islaamnimadeeda mooyee!!! anigu waxaan qabaa in soomaalidu asal u tahay islaamnimo ilaa cidii gaalowdo mooyee.
hadaba akhii aaway khawaarijnimadii aad dulmiga igula tilmaantay.
mideeda kale tusaalaha aad soo qaadatey oo ah sh axmed imaam aan iri jadiidiyuu ahaan jirey oo xataa haduu jihaadka amxaarada taageerey weli manhajkii buu wataa ma aha manhaj khaariji ee waa madhabkii ahlu sunaa orodoo aqri culumada waxay ka yiraahdayn imaam abul xasan al shacari oo markuu towbad keeney weli masaa il ku khilaafsanaa ahlu sunada culumadu waxay ugu cudur daaraan inuu mudo 40 sanaa ninku ahaa muctazili siadaas aawadeedna uusan madhabkii ahlu suna dhinac walba ka waafaqinin.
hadaba anigu intaa baan iri oo ninkii igu waafaqaa xabashi la dagaalkeeda ma aha inuu igu manhaj yahay.
bal eeg shariifka shalaybuu lahaa xabashi aan iska dhicino hadana waxuu leeyahay xabada ka joojiya waa manhaj xumo.
hadaba towbadu wee furantahay balse shuruud bee leedahey.
ha igu noqonin sidii ina daahir awees sh xasan oo ina ceediid ag fadhiya!!! oo doonayo inuu ina ceydiid dal xoreeyo!!!!.
nin imaam ku ahaa manhaju jadiidi oo wali masaail isku heeno iima aha caalim ii fatwoonaya.
hadaba suufiyadana waa muslime maan fataawada ma qaadano !!! oo aan umada arimaheeda ka wareesano.
akhii muslim waxaa kaa muuqdo fudeed lagu larey jahli waxaadan kala saari karin xataa manaahijta saxda ah iyo kuwa qaldan.
qormadaada waxa ee tusineesaa uun wanaagaaga aad kheyrka iyo sunada jeceshahey balse jahligaagana iftiin wayn baad saartey!!!! hadaad aamusi laheed waxbaa kuu qarsoomi lahaa.
mideeda kale waxaad tiri ragbaaa jira aan juz camma fasiri karin!!! wee jiraan oo adaaba hada nagala joogo!!! balse yaad ula jeedaa!!!.
waxaad kaloo tiri nin kaa fog oo aad u gargaari karin maxaad iskugu shideeneesaa maad u gargaartid kan kula jooga!!! akhii ahlu sunada meel walboo ee joogaan waa ikhwah kan ila joogo iyo kan iga fogba raga ila joogo sida sh bashiir waa ikhwadeena qaali nagu ah usaamana waa walaalkeen nagu dheer.
kan ila joogo ugargaarkiis haday ka dhalaneeso kan fog dhibkiisa waa xaaraam (?? ??? ??? ????).
hadaba hadaad dooneeso inaan raaco manhaj musliminta xuduud u suubinaayo waa riyooneesaa.
aniguna ima saarna uun inaan cidna raacee ee daliilkii baa yaal.
arimahaan dalka ka socdo ma aha arimo makhfi ah ama qarsoon oo sir ah ee waa manaahij cad cad oo isdiidan.
hadaan manhaj isku diidney hana qasbinee ee niqaasha oo edaab yeesha joojiya ikhlaas darada iyo beenta iyo culumaa la caayey iwm.
ma beenbaa in sh bashiir uu yahay amiirka ictisaam.
ma beenbaa in ina sh ibraahim suulay yahay tabliigh iyo majmac.
ma beenbaa in sh axmed imaam jadiidiyo aan ku ogayn oo meel uu manhajkiisii uga laabtay aan la ogayn allahuma ijtihaadkiisa ku aadan arinka soomaalia waana dhacdo khaas ah ka turjumi meeso isbedel jidri ah.
akhii cadaynta manahaajita raga ma aha khawaarijnimo ee waa qayb ka mid ah sunada.
hadaad dooneesaan inaad bedeshaan manhajkiina oo aad xaabo aruursi kujirtaa waa idinku gooni.
anigu difaaci maayo jameeco iyo xizbi gooni ah midna ee waxaan u hadlayaa uun fikradeeda iyo wujhatu nadarkeega igu kooban.
ilaahna waxaan inoo weedinayaa labadeenaba inuu na waafajiyo xaqa nagana dhigo ikhwa mutaxaabiin.
kuugu yeeri maayo irjaa iyo tasawuf midna balse jhaliga ku dul hagoogan iyo cadaalad darada iyo tasaruca eebe wuu awoodaa inuu kaa dul qaado asagaan kuu weediinaa inuu kaaga gargaaro amraadaas ku heesa oo calaamadaheeda kaa muuqdaan.
wasalaam.
Muslim dhab ah insha allaah | Dec 5, 2008 | Reply
To: Dhammaan
weligiin tiihaas baad ku jiraysaan ilaa iyo intaad kaga toosnaanaysaan manhajka Ahluxadiith-ka, inta aad isku huwan tihiin suufiyo+ikhwaan+mushakal+takfiir. Allaah hal dariiq baa loo maraa kaasna waa manhajka ahluxadiith-ka (salafusaalix, daaifah mansuurah, firqah naajiyah, ahlusunnah waljamacah)iyadoon caqiido saxiix ah lagu wada socon waa habaynkii xalay ahaa oo tagay in la gaaro natiijo sax ah.
Taasina kama iman karto meel aaan hayn dariiqa ahluxadiiska, waana sidii imaamu maalik horay u yiri (ma islaaxin karto ummaddan aakhirkeeda waxaan ahayn wixii awalkeeda islaaxiyey). wixii awalkeeda islaaxiyey shaki kuma jiro inuu ahaa tawxiidka iyo sunnada. Dacwo kasta oo najaxdayna dariiqaas bay ku najaxday, sida juhuuddii Imaam ibnu Taymiyah iyo halgankii Sh maxamed bin c/wahaab, wixii dhicisoobay dhammaanna waxaa dhiciseeyey iyagoo dariiqaas ka leexday.
waxaan idin oran lahaa wixii horay u lumay oo naf iyo maal iyo wakhti ahaa waa lumeen inta hartay hala badbaadiyo, jidka toosanna hala beegsado.
culimadan labada diktoor waxay aaminsyihiinba haatan baaqoodu waa baaq sax ah oo waafaqsan shareecada, shaydaan haduu xaq kuu sheegana waa laga qaataa, qof muslim ah maxaad moodi?!
Taqallubaadka iyo isgedgedinta mashaayikhda waayahan waa batay lama garan karo waxa ka danbeeya, Axmed imaam Itaxaad buu ahaan jiray, kadib Salafiyaan ku ogeyn, haatan safka ictisaamka ayuu kasoo jeedaa lama fahmi karo xaalkiisa dhabka ah, balse maqaalkiisani waa maqbuul, sh bashiir cidna ma diido, cid kastoo cimaamad wadataa waa tolkiis, ictisaam, salafiya, ikhwaan, tabliiq kulli waa abnaau saxwah waa in safka la wada galaa saas buu aaminsan yahay, mana aha si natiijo sax ah lagu gaari karo, balse maqaalkiisani waa maqbuul maxaa yeelay xaquu waafaqsan yahay.
Taasi waa aniga ra’yigayga waa la aqbali karaa waana la naqdin karaa.
Wabillaahi tawfiiq
operator office | Dec 6, 2008 | Reply