Mas’uul Yemeni ah:- waxaa ku nool Yemen 700 kun oo Qaxooti Soomaali ah

Wakiilka Yemen u Qaabilsan Arimaha Xuquuqul Insaanka ninka lagu magacaabo “Taysiir” ayaa sheegay Talaadadii Shalay in Tirada Qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan Yemen ay kor u dhaafayaan 700 kun, wuxuuna sheegay in ay Cabsi ka qabaan in ay tiradaasi sii badato, isla markaana aysan Dowladiisu awood u lahayn kaafinta Qaxootiga intaa ka badan, haddii aan la helin Kaalmo Caalami ah.Ga

Taysiir ayaa sheegay xili uu kulan la yeeshay Qabiir Madax banaan oo u qaabilsan Arimaha Xuquuqul insaanka Soomaaliya Sayid Shamsi Al-Baari in wadankiisu uu u taaganyahay sidii uu wax ugu qaban lahaa Qaxootiga ku sugan, iyada oo ay sii kordhayso Qaxootiga soo galaya Yemen.

Wuxuu sidoo kale cara baabay Taysiir in Yemen ay xiligani oo uu ku tilmaamay xaalad adag ay noqotay Dowladaha Dunida ugu Badan ee Qaabilaya Qaxootiga Soomaaliya, isaga oo Tilmaamay in ay jirto Cabsi xoogan oo ay ka qabaan in kala Bataan imkaaniyaadka iyo Daryeelka uu wadankiisu u qorsheeyay Qaxootigaas.

Wakiilka Yemen u Qaabilsan Arimaha Xuquuqul Insaanka ayaa sidoo kale Sheegay in Kaalmada ay Q.M ugu Talo gashay Qaxootiga Soomaalida uusan ku filayn, sidaa awgeedna ay ka dalbanayaan Beesha Caalamka in ay kordhiyaan Kaalmada ay Siinayaan Dowlada Yemen si ay awood ugu yeelato wax ka qabashada Daryeelka Qaxootiga.

38 kun oo Qaxooti ayaa galay Dalka Yemen 8 Bilood ee u danbeysay kuwaas oo ka kala yimid Dowladaha Geeska Afrika, halka 5.29 kun oo Qaxooti ay galeen Yemen, waxaana Tira koobkaasi soo saaray Hay’ada Q.M ugu qaabilsan arimaha Qaxootiga ee loo yaqaano UNHCR.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo