Golaha Dhaqanka Hawiye oo sheegay in ay dhex dhexaadinayaan Garabyada Muqaawamada

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey xafiiskooda Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqey in ay dhex dhaxeedinayaan Xoogaga Muqaawamada ee mad madowga yari ku kala dhex jiro.

Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo Saxaafada la Hadley ayaa sheegay in juhdi iyo dadaalo xoogan, hada wixii ka danbeeya gelinayaan sidii ay u dhameyn lahaayeen khilaafaadka ka dhex aloosan Xoogaga Mujaahidiinta.

Wuxuu kaloo sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii ay isugu soo dhameynayaan oo loo dhameyn lahaa wax walba oo dhex yaala si loo helo midnimo guud oo quwadeed oo meesha ka soo baxda, maadaama laf dhabar u yihiin halganka wadanka Gumeysiga looga xoraynayo.

Arinta dhex dhexaadinta ah ee uu sheegay in ay ka dhex bilaabayaan Xoogaga Muqaawamadu ayuu ku tilmaayey, in ay qeyb ka tahey midda ay ku magacaaban yihiin ee Bulshada ugu qeyban yihiin.

Dhanka kale waxa ay codsadeen in aan bixitaanka Ciidamada Itoobiya aan wax shardi ah lagu xiran, sidii horey uga soo yeertay qaar ka mid ah Ma’uuliyiinta DKMG ah oo sheegay in loo baahan yahey keenida ciidamo kale oo buuxiya booska kuwa Itoobiya ka hor inta ayna bixin.

Xaad ayaa sidoo kale sheegay in nabad iyo wanaag ka hirgasha geyiga Soomaaliya rajeynayaan hadii ay Ciidamada Itoobiyaa baxaan, sida uu hadalka u dhigay.

Baaqan dhex dhexaadinta ah ee Maanta ay ku dhawaaqeen golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye, ayaa ku soo aadaya iyada oo bilihii ugu danbeeyay Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada kale ee Dalka socdaalo kala duwan ku marayeen guddi ka socda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqey qabashada shir lagu dhex dhexaadinayo garabyada kale duwan ee Xoogaga Muqaawamada.

Baaqyada iyo dadaalada kala duwan ee lagu doonayo in lagu dhameeyo wixii khilafaad ah ee ka dhex jira Xoogaga Muqaawamada ayaa lagu rajo wayn yahey in wax bulshada Soomaaliyeed ku farxaan ka soo baxaan, kuwaas oo sidoo kale wadciga guud wax ka bedela, Insha Allah.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

8 Comment(s)

  1. Assalamu calaykum warraxamatullaah.

    Aayadaha Ilaahay, Axaaddiista rasuulka, Aqwaasha culimada, iyo Caqliga saliimka ahiba waa diideen khilaaf la dhex dhigo mujaahidiin ku dagaallamaysa jidka Alle. Nimanka hoggaanka u haya dhallinyarada naftooda, maalkooda, iyo wakhtigooda u huraysa inay cadow saa’ilka ah, ee masiixiga ah, ee cadaawadda diineed waddanka keentay, waa inay Allaah ka baqaan, oo xukun raadis, addunyo jacayl, muuq jacayl, magac jacayl, ama faan jacayl aysan ka dooran asbaabaha nasriga keena ama soo dadajiya. Waa inaad amaama-llaahi maalinta la idin taagayo, ee naf waliba khalaa’iqda hortooda lagu xisaabayo lana waydiinaya wax kasta oo ay gaysatay aad ka baqdaan, riyaaga iyo sumcadda aad iska ilaalisaan. Ninkii riyaa’ iyo sucad ku cibaadaystoow ogoow xaddiiskii nabiga SCW ee sheegayay 3da qof ee naarta loogu hor galinayo inay ahaayeen: Caalim riyaa’ cilmigiisa ku guta, Qaari riyaa’ Quraanka u Akhriya, iyo Mujaahid riyaa’ u dhintay. Ogow ayaamo tirsan uun baa magacaagu socsoconayaa haddaad riyaa’ u dagaallantid ama aad ku dhex waddid jihaadka ujeeddo ah inaad adigu arrinta mayalka u haysid, ka dibna Allah baad hor tagaysaa adigoo dhur darraystay.

    Khilaafka mujaahidiinta dhexyaal wuxuu inta badan ku salaysan yahay oo keenaya kooxa kooxaysiga waa umarada ama ragga hoggaanka loo dhiibtay oo aan rabin in lala wadaago talada oo iska ilaalinaya armaa nin kaa cilmi badan, kaa cod karsan, kaa geesisan, kaa kaa kaa uu kooxda kale ku jiraa oo haddaad isku darsataan kaa qaadaa hoggaanka. Billaahi calaykum isku laabta raggiinna dhallinta hoggaminayoow, nin waloow is xisaab intaan lagu xisaabin, umadda taladeedana jamciya. Haddaad garan waydeen in aad amaamal-cadduwwi isu tanaasushaan oo midowdaan, oo cududda iyo cuddadaba aad midaysaan ogaada inaad khayr yar tihiin, oo aad caqli yar tihiin, oo aad xikmad yar tihin.

    Nin ay aayaadka Alle, iyo axaadiistu celin waayeen u malayn maayo inuu odayaal qabiil wax ka qaadanayo ama ay celin karayaan.

    Tan kale oo ah inaan bixidda gaalada ethiopia lagu xiri shuruud oo macneheedu yahay inaad oggolaataan in gaalo kale la idiin keeno, waxaan idinka leeyahay : Al-kufru millatun waaxiddah (Gaalo waa isku diin) yaan loo arag in qolyo kale dhaami lahayaan axmaarada, yaanna laga yeelin kuwa gaalada u shaqeeya ee sheekooyinka aan nuxurka lahayn la wareegaya ee asbaabtii nasriga lagu heli lahaa ha laga shaqeeyo. Walaa tanazacuu fatafshaluu watathhaba riixuku wasbiruu inna-llaaha maca-ssaabiriin.

    Tan kale ka fikira maathaa bacda-nasri? haddii la guulaysto oo gaalada iyo raciyaddeedu baxaan insha Allaahu ma fogee maxaa xiga, ma idinkaa is laynaya oo ku dagaallamaya xukunka mise quality ama shakhsiyad tan ka duwan baad la soo bixi doontaan oo waad bislaan doontaan oo waxaad garan kari doontaan inaad adigoo wax igu diiddan aan wada shaqayn karno oo al-ahammu thummal muhimmu inaad axwaasha u kala saartaan baad awoodi doontaan?

    Allahumma saddidnaa wa qaaribnaa wa callimnaa bimaa yanfacunaa wajcalnaa huddaatan muhtaddiin walaa tajcalnaa miftaaxan li-shsharri wal-macaasii. AAMIIN

    Xandal | Dec 3, 2008 | Reply

  2. Asalaama calaykum wr wb

    Waa ay mahadsanyihiin odayaasha is xilqaamay. Ilaahayna ha ku guuleeyo in ay isu soo dhaweeyaan mujaahidiinta isku hadafka ah ee ay fitnada dhexdhigayaan dad kale.

    Xaqiiqdu waxa ay tahay, in iskhilaafka mujaahidiinta ay ka dambeeyaan dad dano leh oo badiyaaba aan jihaahdka ku jirin laakiin rabo in iyaga loogu cumaamado guulo aanay kasban. Mujaahidiinta waxa ku jira culimo. Ma rabno cilmiga ninka jihaadkana ka qaybgeli waayey, walaalahana hagardaamada ka dayn waayey.
    Waa na afaca raggaas cilmiga, raggaas uu cilmigoodu jeclaysiiyey “???? ???? ???????”

    Maxamed yare | Dec 3, 2008 | Reply

  3. afar taan tuug ee maalina qabiil ugu hiilinaya sheekhaal oo xoolihii xamar laga aruuriyey maalinba jilib ogaadeen ah ku weerarta maalina cadalad iska dhigaya maa runta loo sheego

    abdikarim | Dec 3, 2008 | Reply

  4. Alaahu akbar,M,

    abdikariim afkaaga malab janaad lagu qabay

    goormeey kasoo gadoomeen jabuuti iyo nuurcade oo ay hada mujaahidiinta dhex dhexaadinayaan,, yaase is khilafsan oon ayaga aheeyn,,,

    waa cadahay cadawgii in uu si xun u jabay oo uu hada isticmaalayo awoodiisii ugu danbeeysay,, munaafiqiinta iyo hunguri doonka iyo xarakaadka badalmay ee qalbiga uu miriray ayaa hada usoo haray cadawgii kuwaasna ma adka,.,

    Mujaahidiinta Alaah ayaa ku filan,,, ayga ayuuna waafajinayaa xaqa, looma baahna kuwaa cantaro baqashka aan waqica ku saleeysneeyn sida kuwa kor ku qoray hada,,

    odayaashaan ma xishoonaayaan wali waxaa calooshooda ku jiro xilibkii iyo bariiskii ay jabuuti xukuumada ridada iyo munafiq lasoo gamay iyo beenta caalamaka ay la soo cuneen markaas ayay hada dacdaacsanaayaan,. jawaasis ushaqeeyso usa iyo gaalada inay yihiin waa la ogyahay ee waxaa fiicneeyd in wax laga qabto,.,

    YAABANE | Dec 3, 2008 | Reply

  5. war maad ka joogtaan odayaashani waa kuwii markii odayaashii somalida oo beelaha kale ka soo jeeday ay amusnaayeen hadlay ee af iyo idinba ku dagaalamay,waa aasaaskii jihaadka.
    dib haleysku noqdo beesha ay mataalana waa kuwii halgan bilaabay ilaa haddana laf dhabar u ah.

    Haddaan imid | Dec 4, 2008 | Reply

  6. asalamu caleykum
    waxay ila tahay dadka is khilafsan inay yihin wadada ay ka luntay wadadii ay la hayen ee degan ka dhigtay hotelada iyo diyardaha marba mel ugu dhoofayan ilah ha ka baqen oo ha u soo labten dhalinta jihadka ku jirta ha jojiyen khilafkii laga dhaxlay juhaladii hugamiye kooxedkii burburiyry dad din iyo dal intaba ee ka tagay xishodka
    ha shaqeyo caqli asalkisu yahay danta guud e diinta iyo dalka iyo dadka u shaqeyntisa tas aya lagu garaya liiban adunyo iyo akhiraba ]
    wabillahi towfiiq

    anas | Dec 4, 2008 | Reply

  7. war dadow ilaaheey ka baqa oo is ixtiraama, ninka dhahaa odayaashu waa munaafiqiin, ilaaheey ka baq, xabsiyada cadawga ma galeen haday munaafiqiin yihiin, iyagoo 80 jirro ah ayay diideen inay dadkooda ka dhex baxaan oo ay banaanka iskaga raaxeystaan, dagaalka ay dhalinyartu galeen mid la mid ah ayay galeen, ilaaheey ka baqa oo dadka idinka waaweeyn ixtiraama hadalkana ka fiirsada, odayaashaan abaal marin ayay mudanyihiin

    wanaagdoon | Dec 4, 2008 | Reply

  8. SCWW.
    Odayaaashan waxba ka sheegi mayo balse waxaan ogahay inayna waxba isu keeni karin maxaa yeelay culimadii soomaaliyeed oo looga ixtiraam badanyahay ayaa hawshan waxba ka qaban wayday ugu danbayna gamaha ka taagtay.

    Marka ilama aha inay wax soo kordhinayaan mase xuma haday ugu yaraan muujiyaan inay khilaafka ka xunyahiin.

    Sahal | Dec 4, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo