Dhinacyadii ku dagaalamay Guri-Ceel oo la kala dhex galay
By Somalimirror on 3 Dec, 2008 8:36 AM in Main, Wararka
Xaalada Degmada Guri-Ceel ayaa Saaka degan ka dib markii Shalay Galinkii danbe ay ku dagaalameen Xoogag ka tirsan Al-Shabaab iyo Jamaacada loo yaqaano “Ahlu Suna Wal Jamaaca”.
Gudoomiyaha Degmada Guri Ceel Cali Sheekh Maxamuud oo u waramay Saxaafada ayaa sheegay in ay labada dhinac la hadleen isla markaana Ciidamo uu leeyahay Maamulkooda gaynayaan Goobtii lagu dagaalamay.
Cali Sheekh Maxamud ayaa intaa ku daray in ay isla maantaba rajaynayaan in ay arinta soo gabo gabeeyaan, isla markaana ay isku dayayaan haddii Alle Idmo in aysan arintani dib danbe u soo laaban.
Xarumaha Caafimaadka ayaa la xaqiijiyay in la dhigay 3 qof oo mayd ah iyo 5 kale oo dhaawac ah kuwaas oo ay ku jiraan Dhinacyadii dagaalamay.
Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Dhinacyadii dagaalamay, balse waxaa la filayaa in ay labada dhinacba u hogaansamaan Dhex-dhexaadinta laga dhex wado.
Waa markii ugu horeysay oo Dagaal noocan oo kale ah uu ka dhaco Gudaha Degmada Guri-Ceel ee Gobolka Gal-Gaduud.
Daabaco
U dir saaxiib



wax yaabaha warbaahinta u muhiim ah waxaa ka mida in la ilaaliyo Kalmadaha Ama Terminilogy -ga gaar ahaan erey bixinta mararka qaar erey bixintaada haday qaldanto aday ku galisaa GOD aadan ka soo bixin ama waxaa ka dhasha Khalad wayn . Tusaale ahaan erey Bixinta Ahlu Sunnah waljameecah oo lagu magacaabo Niman Ahlu Bidca ah wal furqah.
HowEver haday xataa la baxeen ayagu waa in loogu yeeraa JMAACEDA AHLU SUNAH WAL JAMEECAH ISKU MAGACAWDAY ama sheegata hadii kale waxaad u muuqanaysa nin aaminsan waxa ay sheegteeen.
SALAFI | Dec 3, 2008 | Reply
su’aal
guriceel yaa maamula, yaakataliya ,
yayse hoostimaada,waxan ujeeda urukee?
waxan idinka codsanayaa inaad iiga jawaabtan su’aalahaa fadlan, jazaakumu laahu khayr
s/m
abu dalxa | Dec 3, 2008 | Reply
guru ceel waxaa maamula maamulka kaadhisan ee gudoomiyaha u yahay Cali Sheekh Maxamuud waxana hoostimaadaa qabiil ka dagan isaga ayaa mudnaanta iskale wax la dhaho urur ma jiro hadii uu jirona waxaa hoosta qabiilka meeshaad dagan markaas rabitaan kiisa
axmed | Dec 3, 2008 | Reply
bismilaah
ilaahay baa mahad iska leh nabad gelyo iyo naxariisi ha ha ahaato rasuulkii ilaahay iyo ehelkiisaba
dagaalkani wuxuu ka mid yahay fitnadii ay ka digeen culimada soomaaliyeed bayaanka iyo muxaadaraadkana ka galeen ,, runtii dagaalku ama dirirtu waa inay sal leedahay oo ay jirto ujeedo iyo ka jeedo aad u dagaalamayso ,,,,
jihaad baynu ku jiraa oo dagaal culus bay kula jirnaa cadowgii ilaahay iyo kii umada soomaaliyeed ee muslimka ah hadafkaas yaan la dhicisay lana garaba duubin oo laga leexin dhabihiisa barakaysan naf iyo maalba isaga ayaynu u bixinay ,,,
waxaan leeyahay hala waantoobo dagaalada keeni kara fitnada *********
wacane | Dec 3, 2008 | Reply
bismilaah wasalatu wasalamu cala rasulilaah
afhayeenka u hadlay qoladan qaldan ee sufiya rufaaci lagu shegey ee mujahidinta u hanjabayo mey la dagalaman kuwa dagan masaajidada suufiya sida kan shiikh cabdi wadadka la yiraahdo ee cali kamiin oo hada sida la sheego kanisat ahan u isticmalan qalada xabashada ah waxan dhihi gacanta mujahidinta idin kuma soo jeedo ha isku soo jeedina walaahi ban ku dhartay 10 daqiiqo ma calinkartan mujahidinta ee faqsiga diinta ka daya mujahidinta faraha kala baxa allhu akbar allahu akbar allahu akbar
abuu digin | Dec 3, 2008 | Reply
Asc,wacane ma wixii afkaaga ku soo dhacaba ma iskaga hadlaysaa? miyuusan hadalkaagu koontaroolnayn? miyeysan laba malag kaa taagnayn garbaha kuwaasoo qoraya waxa aad ku hadasho shar iyo khayr,sideed fitna oogu sheegtay duulaanka lagu soo qaaday mujaahidiinta u taagan difaaca diinta iyo dadka iyagoo kuwa duulaanka soo qaadayna ay yihiin suufi caqiido faasid ah wata ,tan kale waxaad tiri dagaalkanu waa fitnadii ay ka digayeen culimadii nadwada ku qabatay masjidka abu-hurayra,anigu waa la ii diiday inaan tacliiq ka bixiyo nadwadaas fitnada ku saabsanayd ee ma noo waydiin kartaa culimadaas jihaadka oo laga haro cudur daar la,aan inay fitno lagu dhacay ay tahay wasadaqallah id yaquul…alaa fil fitnati saqaduu wa inna jahannama la muxiidhatun bil kaafiriin… mas,aladaasi inay culimadu ilaaween iyo inay kas ooga tageen inay khusayso ayaka awgood ma noo waydiin kartaa?
Deeq | Dec 3, 2008 | Reply
suufiyada waa fitno labaad maxaa yeelay waxay diidan yihiin sunada nabiga s.w.s
ibrahim | Dec 3, 2008 | Reply
ninkasta diin uusan daacad u ahayn ah iska sheegto ilaah baa dinla xisabtami doona
axmed | Dec 3, 2008 | Reply
WAXAAN LA SOCONEYN WAAYADAAN IN AAD UGU BATEEN SUUFIYADII MAGAALADAA GURCEEL RUNTII XITAA LAGA DHIGANWAAYAY DUGSIYADII QUR’AANKA,OO DADKII MUSLIMIITA MEESHA DEGAN AY KU SHEEGAAN RAGII LOO MISBEYN JIRAY ADIIN WAA BIDCO, SUBXAANALAAH WAXAY AY QABTAAN UMMADDA OO DHAN AYAA OG, IN AYSAN DIIN KU SALEYNEYN, DUMARKA UNBEEY DABA FADHIYAAN, ALLAH IDIN QABAY.
DUMARKII MUXJIBAADKAA AHAA EE INDHASHAREERKA XIRNAA MARKII AY KU SOO QAXEEN GURCEEL WAXAY SUUFIYADII KU SHEEGEEN WAA BIDCO OO JIDKII KA MARIWAAYEEN, DUMARKII WAXAY KU QASABATAY AYAGA IYO CARUURTOODII IN DIB DUMARKII UGA QAXAAN AYGOO U QAXAYA HARGEYSA.
KUWAAS WAA DAALIMIIN ALLAH HA QABTO, BALAAYO DUUGSI BADANE.
muslima | Dec 3, 2008 | Reply
Somalimirror waa ku khaldan tihiin inaad suufiyo ku sheegtaan ahlu sunna wal jameeca sababtoo ah nimankaan waa ehlu shirku inta badan waxay baryaan sh c/qaadir oo ay dhahaan dhulkuu taako tako ugu jiraa mrka magacooda sheega oo ah suufiyo ehlu bidca.
waxay ku dhaanto in dhamaantood la laayo maleh mujaahidiinta meeshaas joogtana waxaan ugu baaqayaa inay jaaniskaas ka faa’ideystaan oo ay guriceel ka nadiifiyaan bidcada quraafada ah
Warfaa | Dec 3, 2008 | Reply
ahlusunah waa kuwii awoowayaashiina diinta lahaa diinta baray ee maa laga joogo khuraafaadka aad faafineysaa,waxa dadka caaya waa dulli aan diin laheyn oo kaliya.
Haddaan imid | Dec 4, 2008 | Reply