Deegaanada Gobolka Sanaag oo 13 Qof ugu dhinteen xanuunka Shuban Biyoodka.
By Somalimirror on 3 Dec, 2008 6:50 PM in Main, Wararka
Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag iyo deegaamada ku xeeran ayaa waxaa Todobaadkan ka dilaacay xanuunka Shuban Biyoodka oo ay ugu dhinteen inta la og yahay dad gaadhaya 13 Qof, oo isugu jiray Caruur iyo dad waaweyn, isla markaana ay in badan kale u jiifaan xanuunkaas.
Saraakiil ka socota Xafiiska Bisha Cas ee Magaaladda Ceerigaabo ayaa xaqiijiyey in xanuunkaas Shuban Biyoodka ahi uu ka dilaacay Deegaanada Buuraleyda ee ku xeeran magaalada Ceerigaabo halkaas oo ay dad badani ugu dhinteen Cudurka Shuban-biyoodka iyo Nafaqa-darro la soo daristay.
Isla markaana waxa Mas’uuliyiintan Bisha Cas ka socotay ay mashaqo ku tilmaameen xaaladda ka jirta Tuulooyinka ay booqdeen ee Shuban-biyoodku ka dilaacay. iyadoo aanay jirin wax gurmad Caafimaad ah oo Xukuumada iyo Hay’addahu gaadhsiiyeen dadkaas.
Xafiiska bisha Casa ee Ceerigaabo waxa ay sheegeen in intii awoodooda ahayd ay gar-gaar Caafimaad u fidiyeen dadka ku dhaqan Deegaanada ay u gurmadeen ee Shubanku ka dilaacay. Halkaas oo ay ka taagan tahay xaalad faqri iyo dayac badan oo ka muuqda dadka ka dib markii ay xiligii jilaalkii la soo dhaafay ay ad uga le’deen xoolihii ay dhaqanayeen.
Deegaanadda Shuban-biyoodku ka dilaacay waxa xudun u ah, Tuulada Rugay oo ku taalla Buurta Tabca oo u dhaxaysa Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Maydh iyo Tuulooyinka ku teetsan Dhulka Buuralayda Sanaag.
Dadka ku nool Buuralaydan oo ah dad Xoola-dhaqato ah, Dekada Magaaladda Maydh oo Laf-dhabarr u ahayd dadkan ku dhaqan Dhulka Buuralayda ah, ayaa iyana dhaq-dhaqaaqeedi meesha ka baxay, taasina waxay sii adkaysay, isla markaana cidhiidhi gelisay noloshii dadka iyo duunyadooda, waxaanay xaaladu sii cuslaatay todobaadkan ugu dambeeyay oo 6 ka mid ah 13-kaa Qof ka mid ahi ay dhinteen.
Xafiiska Hay’adda BISHA CAS ee Magaaladda Ceerigaabo, ayaa baaq qaylo dhaan ah soo saaray, isla markaana waxa ay Xukuumadda Somaliland, Hay’adaha Caalamiga ah, Qurba-jooga iyo Ururada wadaniga ah, ugu baaqeen in ay gar-gaar Caafimaad iyo mid dhaqaale oo deg-deg ah la gaadhsiiyo Deegamadda Gobolka Sanaag ee uu Cudurkan Shuban-biyoodku ka dilaacay.
Qaylo dhaantan ka soo yeedhaysa Hay’adaha Caafimaadka ayaa u muuqata midan wax weyn ka tarayn xaaalada Caafimaad daro ee ka jirta Gobolada S/land gaar ahaan Gobolada Bari oo ah kuwo aanay soo gaadhin habayaatee kaalmada qalabeed ama daaweed ee ay bixiyaan Hay’adaha dawliga ama aan dawliga ahayn. Kuwaasoo kujira xaalad aan la sawiri Karin marka loo eego caafimaad xumada, faqriga iyo maamul la’aanta ka jirta Gobolka Sanaag.
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo