Qaar ka mid ah Culimada Sacuudiga oo soo saaray Bayaan ku socda Muqaawamada Soomaaliya

Shabakadda Somalimirror Waxay idiin soo gudbinaysaa Bayaan ay Soo saareen Qaar ka mid ah Culimada Baqortooyada Sacuudi Carabiya, kaas oo ku socda Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed isla markaana ugu Baaqaya in ay Midoobaan kana fogaadaan Khilaafka iyo Fidnada.

Bayaankan oo ku soo baxay Carabi ayaan idiin turjunay, waxaana uu qornaa sida tan:-

Illaahay Baa Mahad iska leh, Nabi Muxamed, Ehelkiisii, Saxaabadiisii iyo Cid kasta oo raacdana Naxariis iyo Nabad galyo Korkiisa Alle Ha yeelo, intaa ka dib,

Waxa qalbi qaboojinaya Laabaha Mu’miniinta isla markaana Caro ku ridaya Quluubta Kirishtaanka ku soo duushay iyo Cawaantooda waxa weeye ka gulaysiga ay Mujaahidiinta Soomaaliyeed ka Guuleysteen Cadowgooda iyo sida is-daba jooga ah ee ay uga saareen Magaalooyinka Soomaaliyeed, waxaana u rajaynaynaa in uu Illaahay u qoro Mujaahidiinta Raabidiinta ah, ee Saabiriinta ah ee u adeegaya Diinta illaahay in ay hantiyaan Talada Wadanka, waxaana u rajaynaynaa Furasho iyo guul Dhow, waxaana illaahay u weydiinaynaa inuu u soo dadajiyo Guusha, isla markaana uu Alle ka koryeelo Dhulka Soomaaliya Dhibaatooyinka ku habsaday, kuna galadaysto Dadkeeda in ay isku xukumaan kuna Dhaqmaan kitaabkiisa. Uuna ka badbaadiyo(soomaaliya) iyo Muslimiintaba Fidnida Diinta Gasha, Baabi’inaysana Awooda Muslimiinta taasoo ah in ay Fasaado Wadajirkiina.

(يا أيها الذين آمنوا إذا لقيتم فئة فاثبتوا واذكروا الله كثيراً لعلكم تفلحون * وأطيعوا الله ورسوله ولا تنازعوا فتفشلوا وتذهب ريحكم واصبروا إن الله مع الصابرين) [الأنفال: 45-46]، (واعتصموا بحبل الله جميعاً ولا تفرقوا وذاكروا نعمة الله عليكم إذ كنتم أعداء فألف بين قلوبكم فأصبحتم بنعمته إخواناً)، الآية [آل عمران: 103]، (ولا تكونوا كالذين تفرقوا واختلفوا من بعد ما جاءهم البينات وأولئك لهم عذاب عظيم) [آل عمران: 105].

Waxaa horey loogu arkay Saaxada Mujaahidiinta dhexdeeda qaar ka mid ah Wadamada Muslimiinta in Sababta ugu wayn ee keenta Dib u dhaca Guushooda ay tahay “Wada jirkooda oo Fasahaaday” iyo khilaafkooda, haddaba Mujaahidiinta Jillibka xiranow Alle ka cabsada, Ogaadana in Muslimku yahay walaalka Muslimka kale, Mana Dulmiyo, Mana Hoojiyo, Mana Dhiibo, ahaada Adoomo Alle oo Walaalo ah, Xaalada Umaddiina iyo Wadankiina waxay idiin xaqiijinaysaa inaad arintaas daryeeshaan Iskana Kaashataan, waxaa la idinka doonayaa in Qaarkiin Qaarka kale uu Ixtiraamo Fikradiisa, lana iskaashado, Dhexdiinana Waajib ha ka noqto isku Naseexayn iyo Daacadnimo, lana Tashada Dadka indheer garadka ah, Una laabta Dadka Ehlu Cilmiga ah, waad ka gudbaysaan khilaafkiina Haddii Alle Idmo.

Kala Tagiina waxaa ka haboon inaad Midowdaan, hadaysan suuro galayna arinkaas, waa in aad u Midowdaan iska difaacida Cadowgiina idinku soo duulay, waana inaad joojisaan Gacan isku qaadkiina, Ogaadana in Khilaaf kasta oo dhexdiina ka dhex dhaca uu ka faa’idayo Cadowgiina, hana U ogolaanina in uu soo dhex galo Sufuuftiina Qof sii balaarinaya Kala Tagiina, hana ku kadsoomina Qabsashada Fikradaha, si aysan Mujaahidiintu ugu Mashquulin, Musiibo waxaa ugu weyn in aad ka Mash-quushaan Yoolkiinii.

Hadaba ka digtoonaada Qofka Afuufaya Dabka Fidnada, kana Jara Wadooyinka idinka oo qabsanaya Xariga Alle sida uu idin Amray Alle (SWC), Arintaasna waxay idinka doonaysaa inaad isku Sabirtaan, iyo in Qaarkiin Qaarka kale uu wanaajiyo Maladiisa, sidoo kalana aad ku Sabirtaan la Dagaalanka Cadowgiina, Maalmuhu waa Wareegto, Ciribta Danbana waxaa iska leh “Mutaqiinta”

قال الله تعالى: (وإن تصبروا وتتقوا لا يضركم كيدهم شيئاً) [آل عمران: 120]، وقال: (يا أيها الذين آمنوا اصبروا وصابروا ورابطوا واتقوا الله لعلكم تفلحون) [آل عمران: 200].

Illaahay Anaga iyo Idinkaba ha noo qoro Guul, iyo inaan ka guulaysano Cadowga, idinka iyo anagaba illaahay ha naga Badbaadiyo Fidnooyinka, illaahayna ha na waafajiyo Dhamaanteen waxa uu raali ka yahay.

وصلى الله وسلم على نبينا محمد، وعلى آله وصحبه أجمعين.

Culimada Saxiixday

1- Sheekh C/raxmaan Bin Naasir Al-Barraak (oo Macallin ka ahaan jiray Jaamacadda Islaamiga ah ee Al-Imaam Muxamed Al Sacuud) ee Wadanka Boqrtooyada Sacuudiga.

2- Dr Cabdalla Binu Max’uud Al Tawaariji (oo horey u ahaan jiray Madaxa Qeybta Sunnada ee Jaamacada Al-Imaam)

3- Dr Naasir Bin Suleymaan Cumar (oo hore Macallin uga ahaan jiray Jaamacada Al-Imaam)

4- Dr. C/raxmaan Al-Saalax Al-Maxmuud (Macallin ka ah Jaamacada Al-Imaam)

5- Dr. Saciid C/laahi Al-Xamiid ((Macallin ka ah Jaamacada Al-Malik Sacuud)

Halkan ka Akhriso Bayaanka oo Carabi ah:-

http://www.almoslim.net/node/102897

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

12 Comment(s)

  1. Bismillaah.

    Asslamu calaykum waraxmatullah.
    Allah miisanka xasanaatka ha ugu daro Culimada nasiixadaas ay walaalaha u soo jeediyeen.
    Khilaafka diinta galaa waa ka ugu daran, markaa walaalaha jihaadku hayska jiraan, hanna ka horraysiiyaan khilaafkooda xadhiga isku xidhaya iyagga, kaaso ah walaaltinimada Islaamka.

    Allahuma quluubta mujaahidiinta sug.

    xaq-la-jir | Dec 2, 2008 | Reply

  2. JazahomoAllahu Kheyran Culumadan soo saartay bayaanka ay ku taageerayaan mujaahidiita Soomaaliyeed, ugu nasteexeenayaan mujaahidiinta ugana digayaan wixii dhib ukeeni kara, iyagoo jooga hoyga ay ka taliyaan ilma-sacuud, oo ah meesha loogu nacayb badan yahay mujaahidiinta caalamka…. Kamana wadi shacabka ee waxaan ula eedaa xukuumada meesha ka jirta.

    Waxaa xaqiiqo ah oo jirta in inbadan oo kamid ah culumaa’ul umuraa & culumaa’usuu ay maanta mujaahidiintu ka baxsan la’ihiin iyagoo u adeegaya xukumadaha shacbiga-muslimiinta h afduubka ku haysta, xukuumadahasoo loo UNKAY markii la sameenayay in ay U ADEEGAAN REERGALBEEDKA.

    yearning for guidance | Dec 3, 2008 | Reply

  3. Assalaamu Calaykum Waraxmatullah

    Waxaa daahiro jirta ah in culimada caalamka oo dhan lagu shaabadeynayo inay yihiin culumaa’u duwal, ama culumaa’u suu’. Daahiradaasi waa daahiro ka soo if baxday saaxada dagaalka oo ay wadaan tarwiijinayaanna niman dhallin yaro ah ama aan aqoon diineed oo camiiq ah lahayn oo ujeeddada ka dambaysaa ay tahay inay hororsi ugu jiraan hoggaanka diineed ee ummadda si ay iyagu u noqdaan maraajicda loo noqonayo ama muftiyadii umadda. Arrintaas khatar wayn ayay u leedahay diinta, waxaa la kala teedayaa culimada iyo caamada, waxaana loo adeegsanayaa magacyada kor ku xusan. Tusaale ahaan, Albaani waa jahmi oo takfiir wax laga waydiin maayo ayay dheheen si ay ugu bannaanaato inay xukaamta takfiiriyaan oo ay dhiiggooda xalaalaystaan, Ibnu Cuthaymiin, Ibnu Baaz, iyo Hay’atul Kibaar-Al-Culumaa waa culumaa’u dawlah, marka wixii ku tacalluqa jihaad, xukaamta axkaamtooda, iyo wixii siyaasad ku tacalluqa oo dhan laga qaadan maayo. Markaad waydiiso daahiradaan cusub raggeeda (yaa haddaba culimo ah oo wax laga qaadanayaa) Waxaa laguu soo reebayaa wiilal yar yar oo hadda soo baxay oo aan la aqoon thiqadooda oo lagu arkay saaxada kol dhow, oo aan la isku hallayn karin diin ahaan iskaba daa cilmi ahaane, waxayna arrintu u eg tahay in xaddiiskii nabigu SCW uu ku rumoobay xilligaan hadda ah oo ay umaddu rabto in ay masiirkeeda u dhiibato juhaal aan diin badan aqoon.

    NINKAAN KU SOO GALAY MAGACA AH :Yearning for guidance ayaana ka mid ah sida ka muuqata qoraalkiisa daahirada aan ka digayno.

    Walaalayaaloow anigu garan maayo jihaad aan culimo lahayni inuu noqon karo mid ALLAAH uu raalli ka yahay. Culimadu waa cidda umadda uu Allah raalliga uga yahay inay hagaan, maaha in caamo ama dhallinyaro mujaahidiin ah laga sugo masiirkii ummadda halkii loo kaxayn lahaa. Fadlan yaan la lumin, toddobaatankii sano oo la soo dhaafay culimadii dadka diinta ku hoggaamin jirtayna yaan diintooda la durin si looga xuub siibto. Marka la yiraahdo culimadii sucuudiga oo dhammi waa culumaa’u dawlah wamaa fiihim min ibn baaz wal cuthaymiin, micneheedu waa inay munaafiqiin ahaayeen, muxaabbiin ah, diintana ay ka been sheegi jireen, una qalloocin jireen si u cuntanta dawladda Allahna dhan ka ah. Arrintaasina khatarta ay leedahay idinkuba garta. Marka waxaan leeyahay Allaah ha laga cabsado, culimada dhiiggoodana ha laga dhawrsado, hana la ixtiraamo, ijtihaad koodana ha la tixgaliyo, wixii ay ku gafaanna ha loo fasiro oo kaliya khada’ saa’iq ah iyadoon la tuhmayn niyaddooda iyo caqiidadooda.

    Xandal | Dec 3, 2008 | Reply

  4. Salaamun calaykum

    salaan ka dib walaalayaal aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa webkaan oo caadaystay inuu dadkiisa u soo gudbiyo wax kastoo anfacaya.

    Ta labaad muslimiintu waa walaalo dalkay doonaan ha joogeene, midabkay doonaan ha lahaadeene, cidday doonaan ha u dhasheene, afkay doonaan ha ku hadleene, culimadaan inoo soo gudbisay bayaanka taageerada, ducada iyo naseexada ahna waa u daliil ee innaguna aynu yeelano dareenkaas oo kale.

    Ta seddexaad culimada reer sucuudi ee sidaa inooga fog waxay ka gubanayaan dhibta ina haysata iyo khatarta ina ku soo fool leh, waxayna doonayaan in aynu ka hortagno innaga oo siku duuban, haddaba walaalayaaloow soo ma qummana innaga oo dalkii iyo dadkii dhex joogan oo ay si cad inoo ku muuqato mushkiladdu inaynu u kacno xallinteeda?

    Ilaahow nagu dar kuwa diinta iyo dadkeeda u naseexeeya oo wax tara, hana dhigin kuwa muslimiinta ku wax yeelleeya addinkooda, afkooda ama qalbigooda wax xumaan ah ugu haya.

    carab | Dec 3, 2008 | Reply

  5. Asc xandal,horta culima bayaankan soo saartay khayr alle ha siiyo mujaahidiintana alle ha ka dhigo kuwa ku camal fala dardaarankaas,intaas ka dib ninka la yiraah yearning for guidance isna si fiican ayuu u hadlay waxa hadal foorara ama qalooca ku hadlay waa adiga ee dib u dhuux hadalkaaga qaabdaradiisa waxaad tiri wiilal yar ah oo aan la isku halayn karin diin ahaan iskaba daa cilmi ahaantooda,kuwaas oo doonaya inay u dhiibta umada masiirkooda juhalo aan diin badan aqoon,waa niman hororsi oogu jiro hogaanka umada,anigu garanmaayo jihaad aan culimo lahayn siduu alle uga raali noqonayo,subxaanallah bal eeg intaad been abuur iyo parapagando is daba dhigtay waxaa lagaa kari la,yahay mujaahid u taagan raali galinta eebe har iyo habayn ayaad ku tilmaamaysaa juhalo,haduuba jaahil jaahil number one adiga ayaa ah waji-bir ah oo wax iskuma fala ah waliba,bal eeg dadka been-abuurka sameeyo meesha uu alle gaarsiiyey … inamaa yaftariyal kadib aladiina laa yu,minuuna bi aayaatilaahi wa ulaa,ika humul kaadibuun… waxaa xaqiiq ah nin been abuurtay in uusan rumaysnayn ayaadaadka eebe in uusan sumaysnayn,waxaana balan alle igu ah inaan si adag u radiyo mukadibiinta iyo muftariyiinta

    Deeq | Dec 3, 2008 | Reply

  6. ASC

    WAA WAX LGU FARXAA HADII WALAALHA ISLAMKA IN XASUUSTEEN OO GAALAGA ISA KAASHATAY AY EVEN KA WARQABA.

    RUNTII FARXAD AYAAN LA OOYEY, MARKAAN ARKAY AAYADII ALLAH SWC KULA DARDARAAMAYAY MUMIINTA, WAXAAN RAJEYNAYAA IN WALAALAH WIILASHA ISLAMKA EE JIHAADKA KU JIRAA E MUURALKOODU SAREEYO BIRI AYSAN KARIN IN AY QATAAN DARDAARANKA WALAALAHA.

    TO DEEQ SI FIICAN AYAD U DHIGATY HADALKA JZKHJZ

    muslima | Dec 3, 2008 | Reply

  7. Qof weliba ha u hadlo cilmigiisa ,sida ninkan Xandal allah ha karaameeyee cilmigisa waana nin cilmiyan dhisan aqoon ku filana ilaahey baray dadkaas weeye dadka wax laga kororsadaa ee mooryaan jihaad maqlay warkiisa laguma jiro hadaad wax aqoona u leedihiin culimadan reer sacuudi so sheega sida xandal hadi kale warkiisa ayida oo raaca ilaa waxba ma taqaanide culima un baa la maqlay culimadii aad taqiinay ba warkoodii diidey aflagaadeynaysaa maalinkasto waa mid aadan aqoon u lahayn karaamayso. jazakuumullah Xandala in badana rayigaaga waan arkay masha allah wixii ale ku barayna usheeg juhaladaan wax kasta difaacaysa

    wabillahi tawfiiq

    LOOMA DHAMA | Dec 3, 2008 | Reply

  8. asc
    bismilaah wasalatu walsalo cala rasulilaah wa bacd
    jazaakalahu khetran alla ajar ha idin ka siyo sida wanagsan oo aat inoogu ifideen xaqa dhab ahanti manta waa lagama marman ah in mujahidinta is kashadan iskana kashadan mitnimada iyo diifaca diinta alla midaa oo wajib ku ah ruux kasta oo muslim ah allana waa shegay malinti dhibka dhaco ayaa musliminta iyo kuwa munafiqinta ah kala baxan manta waat aragtan ragi muganka islaamka shaganayo oo lagula bayactamay fabayacu calal jihaadi ayaa manta shegaya oo dhahayo hala keeno cadow cusub si inti hartay ee shacabka islaamka ah aheet loo babiyo heer waxa ee tagantay mujahidinti alla xaqa tusay la yiraahdo mexe yihin alla ayaa wax ka dhigay madaxda mujahidinta waxan dhihi laha firqada yarta ah hala iska saaro meelna hala iskugu yimado shareeca islaamkana hanaku dhaqo nasrigina waa soo dhawaday allahu akbar allahu akbar allahu akbar

    abuu digin | Dec 3, 2008 | Reply

  9. Assalamu Calaykum Warraxmatullah.

    Deeq oo aniga igu yaraha dheeraaday, iguna sheegay inaan been abuur wado waxaan waydiinayaa : Ma ka qaadanaysaa su’aalaha takfiirka iyo iimaanka Al Callaamatul-Muxaddis Albaani raximahu-llaah?

    Ma ka qaadanaysaa Culimada sucuudiga nukhbadoodii Al-Callaamatay Ibnu Cuthaymiin iyo Ibnu Baaz wax ku saabsan jihaad iyo xukunka dawladaha khaasatan sucuudiga?

    Haddii aadan ogayn daahirada aan ka hadlayo, fadlan adigoon caytamin, waydii waa laguu iftiiminayaa cidda ay tahay, meeshay joogaan, iyo afkaarta ay aamminsan yihiin.

    Dhallin yarada waxaa isaga khaldan cibaadada iyo cilmiga. War ninka mujaahidka ahi waa caabid sida musalliga iyo xaajiga, wuxuu gudanayaa waa cibaado Alle. Cilmina waa barasho ee maaha marooqsi, laguma helo haddiyad la isu siiyo, ama qof laga isticaaraysto, ee waa inaad u fariisataa oo wakhti ku bixisaa dalabul cilmi.

    Mar haddaan sidaa ogaannay, ninka mujaahidka ahi isagoo u taagan cibaadadii ugu fadliga badnayd ee Allaah loogu dhowaanayey, ayuu haddana u baahan yahay cilmi haga iyo culumo. Cali Radhiyallaahu canhu waxaa laga wariyaa: laa khayra fii cibaadatin laa cilma fiihaa … hadal dheer oo ay ku dhex jirto, micneheeduna yahay malaha khayr cibaado aan cilmi hagayn.

    Hadday taasi caddaato, waa inaan loo oggolaan ninka caabidka ah oo qaa’imka ah, oo mujahidka ah, oo qaariga ah, hase ahaatee aan culuumta sharciga mubarrica ku ahayn inuu masiirka umadda ama talada kama dambaysta ah ka arrimiyo, taladaas oo ay xaqa u lahaayeen Ahlul-xalli wal-caqdi. Waxaadna ka garan kartaa saaxada jihaadka inta afkaarood ee ka socota iyo ashkhaasta kala hoggaminaysa oo badi ah dad dhallinyaro ah oo camal iyo caqido suubban balse cilmi yar. Kumana koobna warkaygu Somaliya kaliya ee caalamka oo dhan baan ka hadlayaa. Nas’alu-llaaha Assalaamata wattowfiiq.

    Hadalkaygu intaasuu ku saabsanaa hadde wixii been abuur ah ee ku jira ama laga fahmi karona Allah baan uga toobad keenayaa ujeeddadayduna maaha dad dhumin ee waa wax toosin, hadday iga khaldantona qabasho diyaar baan u ahay.

    Walaal deeqoow bal dib ugu noqo warkayga oo wixii intaa ka duwan ii soo sheeg ee aan sheegay, adiguna bal adigoo deggen warkaad ii soo qortay akhri, oo hadduu iga kaa qabto iyo haddii kale adigu garta inoo naq.

    Wallaahu Aclamu wa axkam.

    Xandal | Dec 3, 2008 | Reply

  10. as war wab..
    xandal iyo deeqoow walaalayaal mahadsaniodin……deeq saad wax uraddisay waa liagala quruxbadanyahay…..
    xandaloow culimadaasi waa culimadeennii iyaga iyo kuwa iminka noolba suaalse waa tan ….jihaadka maanta socda caalamka sawfardul caynmaaha maxaa diiday insufuufta laga helo culimada?….maanay nebigii,asxaabtii iyo qamaamiirtii selefka sida cabdullaahi ibnu mubaarak,ibnutaymiyah,shaafici,bukhaari iwm ahayn rag cilmi leh sawkuwii safka aan laga waayi jirin……

    culimada halla arko hadday sufuufta yimaaddaan iyagaa hogaanka jihaadka leh hadday fadhiistaanna latathriiba calayhim yay mucawiqiin noqon uun illayn waa bashare….as war wab

    cumar | Dec 3, 2008 | Reply

  11. Asc xandal,walaal ha noqonin dulmi doone dulmi diida ah,waxaa xaqiiqa ah inaad mujaahidiinta ku dheeraatay ana markaas ka dib aan kugu dheeraaday marka walaal inaad tiraahdo deeq baa igu dheeraaday isla markaana aad inkirto inaad mujaahidiinta ku dheeraato taasi waa cadaalad daro ee hadaad wax caydo waa lagu caayi hadaad wax jaa,ifaysana waa lagu jaa,ifayna marka inaad mujaahidiin u gaftid marka adna lagu qaldhaco aad af labadii cabaadid shaqo rageed ma ahan ee adkaysin ayaa loo baahan yahay ninku haduu dulmi badan yahay inuu dulqaad leeyahay ayaa fiican sida wadaad yare oo kale intaas ka dib walaal hadaladaadii aan soo guuriyey ee aad ku hadashay dhamaantood been abuur waaye ammaa hadalkaagii ahaa daahirada aan u jeedayba ma aadan garan,hadalku manduuq iyo mafhuum ayuu leeyahay alle ayaana noo sahlay inaan garano meeshuu u dhacayo cayaalna ma nihin oo maskaxda kugu jirta mid la mid ah ayaa alle na siiyey anaguna mujaahidiinta islaamka waa isugu kaaya mid ama afgan ha joogo ama ciraaq ama dalkeena waana gef aad u weyn in juhalo lagu sheego amaba diinta looga bixi karo cayda mujaahidka daliilkuna waa …laa tactadiruu qad kafartum bacda iimaanikum… waxay kusoo dagtay munaafiqiintii cayday asxaabtii rasuulka scw.ee mujaahidiinta ahaa alle ugu jawaabay waad gaalowdeen iimaankii ka dib marka ninka maanta mujaahidiinta caayo xagee ka marayaa aayadan mise waxay ku egtahay munaafiqiintii xiligii nebiga joogtay oo qura walaal waxaa lagaa doonayaa inaad ka toobad keento wixii aad qortay dib danbana aanad ugu noqon qoraalkaas oo kale

    Deeq | Dec 3, 2008 | Reply

  12. ??? ????
    ????????
    ??????? ??????? ??? ???? ????
    ??? ???

    culumadaan sucuudiga bayaanka ka soo saaray oo soomaali mirror hadalkooda tarjumtay xaggee jireen intii gaaladu iyo kalkaaliyayaashoodu ay burbirinaayeen walaalahoda soomaaliyeed , maxaase faa’ido ah oo uu u tarayaa ayaga in ay xilligaan soo saaraan bayaan waana waqti loo baahan yahay in ay jihaadka ka soo qaybgalaan ee ma ahan waqti bayaan la soo saaro, midda kale culumada sucuudiga waxaa ku habboon in ay u naseexeeyaan boqorkooka ku fiican in gaala la so dhawaysto muslimna la cirib tiro , sharaftii diintana u baddalay ganacsi iyo dalxiis iyo wadahadallo aan dhammaanayn , waxaase iga su’aala culumo lagu kalsoon yahay oo sucuudiga joogta oo mujaahid iyo jihaad wax ka oran karta ma jiraan horta mase soomaali mirror baa iska soo qorotay bayaan aan saas u sii buurnayn . midda kale ma laga yaabaa sucuudigu waa basaaska ugu wayn adduunka muslimka ee maraykan taageera ma laga yaabaa in ay rabaan in ay basaasaan waddaada MUKHLISIINTA AH oo ay sii kala jajabiyaan . haddii ay u socdaan in ay u soo dhawaadaan waddaadada ka dibna ay liis ku qoraan magacyadooda waa lala socdaa ee taa ogaada , marka adeegsiga [ muqaawamo ] oo laga jeesto [mujaahidiinta ama jihaadka ] taas baa ku filan in culumadaas iyo inta la fikradda ah ay wali u bislayn in ay dhammaatay waqtigii la qarin lahaa jihaadka , jihaadkuna waa wax aan laga fursanayn maanta waana sidii u bilowday inshaa ALLAAH , haddaba culumada sucuudiga ha la waydiiyo ayaga xaggee ka taagan yihiin 991 dii culumo oo maalma iyo dhowr bilood ka hor lagu xiray agtooda mase ka warqabaan xaaladdooda ?? mase la socdaan in ay jiraan soomaali ku xirxiran xabsiyada aala sucuud ? mase u naseexeeyeen kuwaas tarxiilaya muslimiinta una haysta ajaanib ?? ugu danbayn culumo sucuudiga joogta oo hadda jihaad ka hadli karta aaway ? noosheega oo cajaladahooda sheega si loo dhagaysto ama saan oo kale tarjuma haddaad tihiin somaali mirror !!!!! haddii kale mujaahidiintu uma baahna bayaan gadaal ka soo bax ah !!!! kaliya culumada sucuudiga waa la haystayaal ee ha moodina in ay xor yihiin ee u duceeya in rabbi u fududeeyo . midda kale bayaan iska soo saar ummadda muxuu u tari haddaan sida dhabta ah ummadda wax loogu qaban .

    WALLAAHU ACLAM WALLAAHU AXSAN

    WALLAAHU AQWAA WALLAAHU AKMAL

    WALLAAHU ACAZZ WALLAAHU AJMAL

    Qore ubbaahane ALLAAH WAXDAH.

    6DILXIJJAH 1429 HIJRI

    binfaqiih@hotmail.com

    *******************************

    abucabdurraxman | Dec 3, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo