Markabkii Yemen oo saacadaha soo socda la sii daynayo

Burcad Badeed Soomaali ah ayaa Maanta Siidaayay Markab Xamuul oo laga lahaa Dalka Yemen isla markaana u afduubnaa laga bilaabo 25 Bishii aynu soo dhaafnay ee November iyaga oo aan ka qaadan wax madax furasho ah.

Wasiir ka mid ah Maamul Goboleedka Puntland oo lagu magacaabo Cali Cabdi Awaare ayaa yiri “Wax madax furasho ah lama bixin, wada hadal ayaana keenay in la sii daayo Markabka”.

Wasiirka ayaa Xaqiijiyay in Safiirka Yemen uu yimaaday Puntland isla markaana uu ka qeyb qaatay Wada hadalka lagu sii daayay Markabkaas.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay arinta Markabka ka wada hadleen Hogaamiyayaal Qabiil oo ka soo jeeda Yemen iyo Qabiilada ay ka soo jeedaan Burcada waxayna isku afgarteen labadaasi qabiil in la sii daayo Markaba Yemen ee lagu magacaabo ARINA.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in saacadaha soo socdo la filayo in si buuxda loo sii daayo Markabka ka dib markii Dhowr Burcada ka mid ah ay diideen in ay sii daayaan balse iyagana ay qanciyeen Odayaal ka tirsan Qabiilkooda.

Burcad ayaa ka Afduubtay markabkan Gacanka Cadmeed, lagamana war bixin illaa iyo hadda xaalada Caafimaad ee shaqaalaha Markabkaasi.

19 November ayay sidan oo kale Burcad Badeed Soomaali ah afduubteen Markab Xamuul oo laga lahaa Dalka Yemen, waxaana arintaasi xaqiijiyay ninkii iska lahaa Markabkaas oo lagu magacaabo Cudaas Saalim Cabuud, wuxuuna sheegay in uusan garanayn Burcadu halka ay la aadeen Markabkaasi.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

1 Comment(s)

  1. Ina Yuusuf Yeey inuu madax u yahay burcad badedda waxaa noo caddeynaya sida ay uga amar qaataan. Markii uu ku amray burcad badeedda in markabka Yemen laga lahaa la sii daayo, waan ogeyn sida ay amarkaas u qaateen.

    Haddaba sida ay tahay aan u sheegno oo aan Ina Yuusuf Yeey ugu yeerno waxa uu yahay_Madaxa Burcad Badeedda Gobolka Bari.

    Ali Somali | Dec 3, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo