Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Saraakiisha kala hogaamiya Ciidamada DKMG ah iyo Gumeysiga Itoobiya

Published on December 2, 2008 by   ·   8 Comments   ·   print

Taliska sare ee Ciidamada Milateriga DKMG ah, afahayeen u Hadley oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Xersi oo u waramey Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqdisho ayaa jawaab adag ka bixiyay, warar horey u soo baxey oo sheegayaye in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya wadaan qorshe hubka looga wareejinayo saraakiisha sar sare ee hogaamisa Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada.

Qorshaha hub ka dhigista ah ee Ciidamada Gumeysiga Itoobiya wadaan ayuu ku tilmaamey mid sharci daro ah oo ayna xaq u laheyn in ay ku dhaqaaqaan, wuxuuna kaloo sheegay in ay arintaa si weyn uga soo horjeedaan, sida uu hadalka u dhigay.

Daahir Dheere ayaa intaa ku darey, hadii hub ka dhigis iyo xil ka wareejin intaba ay tahey in lagu dhaqaaqo ay tahey howl u taala madaxda sare ee ciidamada DKMG ah, balse ayna xaq arimahaas u laheyn Ciidamada Itoobiya.

Hub ka dhigis ay ku sameeyaan Ciidamada Itoobiya ayuu sheegay Daahir Dheere in ay imaan karto oo keliya marka loo xoog sheegto ,meeshana laga saaro oo la baabi’iyo awoodooda cidan, ka horse ayna awaamirtaas u hogaansameynin, sida uu sheegay.

Wuxuu kaloo sheegay in Ciidamada Itoobiya ee olaga iyo saxiibada ahaayeen ku dhaqaaqayaan howlo ka baxsan shaqooyinkoodii, loogana baahan yahey Saraakiisha hogaamisa in xaalada wax ka bedelaan.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya iyada oo dhawaan ay soo baxeen warar sheegaya,in Saraakiisha Horkaceysa Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ay ku amreen kuwa Ilaalada Madaxtooyada hubka in ay soo wareejiyaan sidoo kale Maamulka guud ee Ilaalada Madaxtooyana wax laga bedelayo oo laga dhigayo Ciidamada kuwo isku dhaf ah oo aan qolo gaar ah ku koobaneyn.

Tuhunka soo kala dhex galey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa Ilaalada madaxtooyada ayaa yimid ka dib markii Saraakiisha Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku eedeeyeen kuwa Ilaalada Madaxtooyada in ay damacsan yihiin hub in ay la goostaan, sidoo kale arintan ayaa ku soo aadeysa khilaafka xoogan ee ka dhex aloosan C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde lagana yaabo arintan cusub, khilaafkaas cirka in ay ku sii shareerto iyo sidoo kale u kala eexashada Saraakiisha Ciidamada Gumeysiga Itoobiya hadda ay u kala sameynayaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Warbixin kooban: – khilaaf xoogan oo u dhaxeeya C/Laahi Yuusuf iyo Cali Geedi
  2. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo saaka baaritaano xoogan kula jarmaaday Degmada Dayniile ee M/Muqdisho
  3. Edeymo Kala Duwan oo Loo Jeediyey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.
  4. Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Baarlamaanka Baydhabo
  5. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo Kuwa DKMG ah oo Dad Rayid ah Qafaashey

Readers Comments (8)

  1. daahir says:

    Ciidanka Puntland waa la qabtay hub in ay la goostaan ay rabeen. Ha! Ha! Ha! LooooL

  2. samatar says:

    sida ay u muuqato dowlad ku sheegi ragi watayba ay is heystaan oo ayba u badantahy in sanadka aysan dhafeyn sida ka muuqato ninka yiri waxbaan ku darsanayaa soo laf cad toobin kuma hayo .

  3. yaabane says:

    waa arin aad u wanaagsan daba dhilifyadii in ay maanta ayaga usha ku socoto.

    balse waxaa la yaab badan in aan indhaha is tirno, waxaan sidaa u leeyahay walaalaha jabuuti Dhib iyo wanaagba waa ay soo kordhiyeen laakiin waxaan sheegnaa uun kala jabka ay keentay wada hadaladii aye galeen, balse ma is weydiinay waxa isku diray cadawga iyo u adeegayaashii is watay, walaalha Jabuuti ayaa ka danbeeyay kala jabka tfga iyo Cadawga wadanka qabsay.

    ee aan Qof walba Xaqiisa siino wabilaahi towfiiq

  4. wacana says:

    BISMILAAH

    ilaahay ayaa mahad iska leh nabad helyo iyo naxariisi ha ahaato rasuulkiii ilaahay iyo ehelkiisa ……

    waxay soomaalidu ku maahmaahdaa RAG GOGOSHII WAA GODOB LA’AAN waxay ina baraysaa nabad markaad ku seexanaysaa waa godob la’aan iyo adiga oo aan dembi cid ka galin ,,, cabdilaahi yusuf iyo inta ku taageertay kuna taageersan xaq darada iyo dulmiga waa laga jarayaa ilaahayna subxaana wa tacaalaaye ma hilmaansana mana mooga dulmiga ay gaysteen cuqubadaasi waa mid taariikhda qaranka soomaaliyeed ku qorantay waana mid la xusi doono jilaalka soo socda ee soomaaliyeed dhaxal,,,,,,,,

    dadka BIRI MAGAYDADA ah ee lagu xasuuqay soomaaliya waayeelka dumarka caruurta dhamaan la marsiiyay xanuun iyo ciqaab oo dhan waxaa ka masuul ah cabdilaahi yusuf iyo inta ku xeeran ee ha joogeeen madaxtooyada iyo meelo kaleba waa duligii iyo wixii ay ka galeen shacbiga ,,,,,

    dowladnimad iyo haybada xabashigu kuu hayo ee aanad ka helin shacbigaaga ka dowladbaa hubka iyo saanada aad raranayso ee aad ku faanayso xageed ka keentay sow amxaarku kuma siin marka horeba geesinimadaas yaa kusiiyay goormaade awooda yeelatay sowtaad xabashi ku faantay inaad nagu gumaado ……

    ****************************

  5. Macalinak Ummadda says:

    Ass/c,

    Inta xabashida ciidamadooda – shacabka xabashida uma jeednee – afka xabashida inaga qabsadaye … inta xabashidu marba soomaalida qolo u calan walaynayso …qoladaasina moodayso inay ka danbaynayso qolada tunka la haysto … xal soomaaliyeed ma dhowa… xalku wuxu imaanayaa – aragtidayda gaaban – marka aad ka-soomaali-ahaan ogaato in soomaaliga dabadhilifka ahi uu yahay qayb iyo xubin adiga kaa maqan …loona baahan yahay inaad kasbatid … intaad cadow ajnabi ama gaal ah kasban lahayd!!

  6. geedwaab says:

    Asalaamu calaykum
    Guusha ilaahay ugu deeqay mujaahidiinta rabaa ku mahadsan,walaalaha ku kala safan reerahana waxaan leeyahay,war jabkeenu wuxuu kabilawday burcad reerwalba ka kooban markaa( halaagii dhacay looma kala hadhin)C/llahi makareen hadaan,geedi,cabdi qaybdiid mahamed dheere,gacma dheere, salaad doqon,cali mahdi,bashiir raage qanyare,muuse yalaxaw ku taageereen ,markaa haani gun bay katolantaaye Mujrimiintii dadka xasuuqay ku gooni yeela denbigooda hadii kale inagu celiya 1991.
    waslaamu calaykum

  7. abdulahi says:

    asc walaalayaal waa wax aad loogu farxo maanta dabadhilifkii magaalada taangiga lagu keenay oo caynaya gumaysigee ku keenay una haystay in ay dantiisa wadaan waxaa kale oo in la sheego mudan dabadhilifka hor boodayaashoodu waa kaar lacagta laga shubanayo markii lacagta laga shubtana waa la iska tuuraa ayagana markii dantii la lahaa laga gaaray waaa in la is ka tuuraa wali waqti badan kama soo wareegin ciyaal suuqii cali geedi markii dantii lalahaa laga gaaray in la casilay marka kii kasta oo dabadhilif ah sidaa ayaa u danbaysa

  8. wadaad yare says:

    geedkii daba dhilifnimada oo qalaley dheh waxa meesha ka socda. Dadkii moodey in cisi iyo haybad lagu helayo in loo khidmeeyo cadaw maanta maxey ku hadlayaan oo u yaala?

    Kuwo ka danbeeya oo wadadaas mari doonana ma jiraan aniga malaheyga. Jidkaas wuu xirmey anigana baqdin iguma heyso. Meel kasta oo laga tijaabiyeyna sidaas ayaa loogu khasaarey.

    Xikmadii laga dhaxley ruug cadaagii siyaasada Yurub ee qarnigii 17 aad aasaaska u dhigey siyaasada R/Galbeedka oo la oran jirey Michiavelli wuxuu ku yiri buugiisi the prince oo uu talooyinka ku siinayey madaxda u hawooneysa iney wax xakumaan, wuxuu yiri:

    (Weligaa ciidan shisheeye ha kaalmeysan. Sababtoo ah hadey guuleystaana guusha iyagaa iska leh, hadii la jebiyana jabkoodu jab ayuu kuu yahay)

    Hadalkaas xaqiiqdiisi soo ma aragno?




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Warbixin kooban: – khilaaf xoogan oo u dhaxeeya C/Laahi Yuusuf iyo Cali Geedi
  2. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo saaka baaritaano xoogan kula jarmaaday Degmada Dayniile ee M/Muqdisho
  3. Edeymo Kala Duwan oo Loo Jeediyey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.
  4. Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Baarlamaanka Baydhabo
  5. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo Kuwa DKMG ah oo Dad Rayid ah Qafaashey

Latest Headlines