Dooni ku qalibantay meel u dhow Magaalada Abyan ee Yemen kuna dhinteen 24

Dooni nooca tahriibta ah oo ka baxday Xeebaha bari ee Puntland ayaa xalay ku rogmatay meel u dhow magaalada Abyan ee Gobolka Axwar ee dalka Yemen waxaana ilaa iyo inta la xaqiijiyay ku geeriyooda 24  qof oo isku jira Soomaali iyo Itoobiyaan  waxaana sido kale jirta tiro kale oo bad baadtay oo aan wali tiradooda la hayn.

Doonida xalay qalibantay ayaa sida la sheegay inay siday  35 oo badankood ahaa Soomaali waxaana sidaa sheegay Qusulka guud ee Soomaliya u jooga Yemen Xuseen Xaaji Axmed  oo waraysi siiyay Idaacada SBC ee magaalada Boosaaso.

Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ilaa iyo hadda hadda la sheegayo in tiro kale oo doonyo ah ay ku soo jiraan badda waxaana uu sidoo kale sheegay in dhibaadooyinka dadka tahriibaya ee ugu badan ay kala kulmaan milkiilayaasha doonyaha wadda.

Doonyaha qaada dadka tahriib doonka ayaa ah kuwo ka baxa deegaanada dhanka bari ka jira magaalada Boosaaso waxaana dhowr jeer ay hadalo ka soo baxeen Maamulka Puntland kuwaas oo sheegay in ay talaabo cad ka qaadi doonaan dadka wax tahriibiya iyo sidoo kale dadka tahriib doonka ah kuwaas oo ay wax ka socon waayeen sida muuqata.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa hadda soo buux dhaafiyay boqolaal qof oo Itoobiyaan ah una yimid in ay u sii tahriibaan waxaana xiliyada qadada iyo quraacda ay is hor tubaan guryaha magaalada iyagoo waydiista in la siiyo cunto ama dhar laga baxay.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo