Dagaal ka dhacay Guri-ceel

2 qof ayaa ku geeriyooday 5 kalana waa ay ku Dhaawacmeen Dagaal Mudo gaaban socday oo Galabta ku dhex maray Degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud Xoogag ka tirsan Al-Shabaab iyo xoogag kale oo aan la garan illaa iyo hadda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in dagaalkan uu ka dhacay Bartamaha magaalada isla markaana Xoogaga Al-Shabaab ay sheegeen in iyaga la soo weeraray, weerarkaasna uu kaga dhaawacmay Hal askari.

5 qof oo ku Dhaawacmay Dagaalkan ayaa la xaqiijiyay in la dhigay Isbitaalka Istarliin ee magaaladaasi ku yaala.

Lama garanayo illaa iyo hadda waxa uu salka ku hayo Dagaalkan iyo waliba xoogaga soo weeraray Al-Shabaab sida ay sheegteen, balse warar hoose ayaa sheegaya in ay weerarkaasi soo qaadeen ciidamo ka tirsan “Ahlu-Sunah Wal-Jamaaca”.

Salaadii Makhrib ka dib ayaa la sheegayaa in uu Dagaalku istaagay, isla markaana ay xaaladu ku soo noqotay sideedii hore, mana jiraan illaa iyo hadda wax dadaalo ah oo arintaasi lagu xalinayo.

Waa markii ugu horeysay oo uu Dagaal Noocan oo kale ah ka dhaco Degmada Guri Ceel ee Gobolka Gal-gaduud.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

12 Comment(s)

  1. kkkkkkkkkkkkk war ahlusuna waljamaacah may axmaarada weeraraan intey alshabaab weerarayaan war timo wayn ileen kheyr malahayn markii horaba

    waa aniga | Dec 2, 2008 | Reply

  2. qolada shegata ahlu sunna waljamaca ahne ahlu bidac
    xagey ka kenin hubka ay ku dagalamayan mise muryanta aya ka tirsan ururkas
    waxa horay u dhacday in dhorjer ay mel moryan werartay ay shegten ahlu sunna wal jamaca tasoo dalil u ah inay moryantu iyo iyaga ay yihin hal garab

    anas | Dec 2, 2008 | Reply

  3. assalaamu calaykum
    WALLEE WAA XAQ HADALKI NABIGA (calayhi ssalatu wasalaam)ee macnihiisu ahaa diintani waxay timi ayadoo qariiba,waxayna soo noqon ayadoo qariiba ,waxa se leh “duuba” (waa geed janada ku yaala e) kuwa la qariibsado.) aw kamaa qaala calayhi ssalaatu wasalaam.
    waar waa maxay yaab kani?
    dhabarkay ka xagxaganayaan. ragga isu taagay kelmedda ilaahay inay kor yeelaan cadaw gana ka dhiciyaan ummadda.!!!
    wallee xaqu sidaa kuma joogsado khuraafooy,
    ” hadday sida lasheegey tahay,

    “QUL MUUTUU BIQAYDIKUM.”

    dhego | Dec 2, 2008 | Reply

  4. suufiyo mawaxay raban in baarlamaanka lagu daro waa ayaga hadda rag iska dhigayee allaa yaa usheega inaysan 5wiil oo mujaahidiinka 100 iskaga celin karin adeeroow habrihiina siyaarada ka uruursada oo ragaan yeysan idin liqine iska daaya.

    c/waaq oo ay dadka kulayn jireenba caawa maxaakimta ayaa boolis ka ah marka waa in suufiyo caqliga loosoo celiyaa awalba dawladii timaada ayey dhihi jireen nabigiibaa doortaye maxay naga rabaan talyaani iyo amxaaro iyo yahuudba way ogolyihiine xaqu ma dhibuu kuyahay inay raacaan.

    alshabaabna waxaan dhihi lahaa tacsiirta iyo xukunku wuxuu ahaan doonaa markii alle gacanta idiin galiyee tuuladii aad tagtaanba nin shaloo kale saxan bariis ah xaday gacanta ha uga goyninee uyara kaadiya ilaa illahay idin makaninayo dhulka. meel aad katagaysid barri maxaad xukun ugu soo rogaysaa maad amnigana sugtid dacwadana wadid ilaa ay dadkani xaqa iyo baadilka kala fahmayaan?

    shiikha | Dec 2, 2008 | Reply

  5. asc ahlu suna mahane waa ahlu shar dahgta diiga mujahidinta ha udaran hadey xukunka alla didaa
    waa cajiib ahlu suna waljameeca lama shagin ayaga oo ka qeeb qadanayo jihaatka alle ee cadowga lagula dirirayo ma gacanta mujahidinta ayaa u sahlanatay mise waxa ee donayan mujahidinta iyo shacabka in ee iska horkenaa uciyaadu billaah war alla haka baqan mujahidinta waxan leyahay citi ka hortimada kalimada alla dhagta diga ha loodaro ahlu suna mahane waa ahlu shar

    abuudigin | Dec 2, 2008 | Reply

  6. war kuwan suufiyada maxay rabaan waa maxay dagaalka waqtigaan ay rabaan mise waxay ka cabsanayaan hadii wadanka mujaahidiinta gebi gacanta ku dhigaan in iyaga warkooda iyo quraafaakooda iyo dadkay beenta u sheegi jireen uuson socon doonin, waxay isku dayayaan inay wax walba ugu hortagaan ileen siyaaro dambe ama qabri cambuulu lagu cuno ma soconaayee………………………….

    ciise | Dec 2, 2008 | Reply

  7. Xusen Weheliye Cirfo oo ah guddoomiya dhuusamareeb, iyo Cali Sheekh Max’ud oo sheegta in uu yahay Guddoomiyaha degmada Guriceel ayaa sheegay in dagaalkii galabta uu u dhexmaray ciidamo ka tirsan ururka Al Shabaab iyo kuwa Ururka Ahlu Sunna Waljameeca,sida uu hadalka u dhigay iyadoo la ogyahay in aysan jirin ciidamo ay leeyihiin Ururka Ahlu Sunna Waljameeca, in kastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in uu kulug leeyahay isagu dagalka halkaasi ka dhacay galabta.

    sow reer galgaduud ha iska daayaano cidi ku dirirka ay dalka ka wadaan marba haddii laga eryaay sh:hoose taasna u qaaten in alshabaab qabiil yihiin aan anagana kolkayna ka eryino bay wadaan iyo qolayaha shariifka la gamay oo dan ugu jirta in goboladaas asaga hoos tagaan.

    waala wada ogyahay in jamaacada ahlusunna waljamaaca aysan ciidan leheen dagaalna waligo ka qayb qaadan ee maleeshida beeleedka ahan mooriyaantii laga soo eryaay sh:hoose beenta ha daayaano culumada suufiyada wax weeraar ah ay ku qaadeen shabaab ma jiraan

    Noora | Dec 2, 2008 | Reply

  8. Ahlu.bidca wal jalaafa waxa aydoorteen in qeeb kanoqdan dagaalada kadhanka ah jihaadka waana la ogyahay ahlu bidca in ay yihiin kuwii tiknikadag qabiilada quraanka ugu aqriya iyo quraafaadka si reer hebel ubaa ba aan .

    Cabdulaahi.gureey | Dec 2, 2008 | Reply

  9. Waa walaalkiin Cali yare Maanta ka hor waligey Rayi kuma darsan webkan Somalimirror lakin maanta waxaan u qorayo qoraalkan waa inaan walaalaha halkan faalooyinka ku qoray u sheego hal arin oo ah.

    Walaalayaaloow waxaan nahay dad gumeysi ku jira oo dalkoodii la heysto diintooda lagu xadgudbay sidaad dareedeed joojiya arinka aad leedihiin suufiya timaweyn iwm. ee inaga oo is wada Suufiya Al shabab Maxkamadaha,Jis,Raaskanbooni,iyo qof kasta oo wadani ah aan wada jir ugu howlgalno inaan dalkeena gumeysiga mici ku dhiiglaha ah la dirirno ,

    Siifiya waa walaalaheen Islaam ah wixii ay rabaan ha aaminsanaadaan ilaah baa maalinta qayaame la xisaabtamaya ee wiil qori wata inuu aduunka ku xisaabiyo rabi uguma talogalin arinkaa Islaamka la kala saarayo fadlan joojiya walaalayaal aan wada jir u howlgalno.

    FG_: MAAHI KAMANA TIRSANI SUUFIYADA AMA XERTA SIDA DADKU U YAQAANAAN-BA LAKIN AAD BAAN U YAQYAQSIYOONAYAA IN DAD ISLAAM AH OOO DIRIRAYA LALA KALA SAFTO IYADA OON HUBO XITAA IN ANAN OGEYN WAXA AY ISKU HAYAAN. MAHADSANIDIIN.

    Cali Yare | Dec 2, 2008 | Reply

  10. walaalayaal dhab ahaantii waxaad umalaysaa wixii ciraaq ka dhacay inay kusocoto somalia waxan ka wadaa ayadoo American bixi rabo oo meel ay ku howydaan ay la’yihiin waayo shacabka sunada oo dhan aya isku saf ahaa waxaana la gaaray in dowlada laga dhisto lakin waxaa dhacday in laga faa’iidaysto oo la iska hor keeno shacabkii iyo ragii dagaalamaayey qaar ka mid ah ayakuna aysan ka roonaan ee ay odoyaashii qabiilka oo shalay safka kula jiray ay laayeen maantay iska daa inay dowlda sheegtaane meel ay ku suganyihiin xitaa ma sheegikaraa American kii lugaha ayay sii fidsadeen.
    waxaa la rabaa inay duruus noqoto taariikhdu hadii mujahidiintu ay iska horkeenaan shacabka ay ku dhex jiraan oo ay ku dhex dagaalamayaan bururka ay gacmahadooda kusoo dadajinayaan.

    murshid | Dec 2, 2008 | Reply

  11. horta waan ka xumahay in dad islaama ay is laayaan, marka labaad waxaan loo baahnaa in Al-shabaab aysan ka hor dhicin ama dag dagin, waan ognahay in ay jiraan arimo xaga diinta ah oo la isku khilaafsanyahay, laakiin maahan in masaajido la weeraro, ama sidii kismaanyo dadka la dhaho ciida ma tukan kartaan,

    walaalaha shabaabka waxaan leenahay war aayara diintu waa nasteexo, ee maahan xabbad kaliya,

    qolyahaan SUUFIYADA ee calankoodu sii dhacayo ayagaaba dadka iska soo raaci doona, hadiiba caawa CAABUDWAAQ islaamiyiintu gacanta ku hayaaan.

    xiin faniin | Dec 3, 2008 | Reply

  12. suufiya maxaa laga rabaa oo loo aflagaadeyn?? dad ay xaq darro ku dileen ma aragno anagu.

    Haddaan imid | Dec 4, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo