C/laahi Yuusuf oo ka hadley arimaha Burcad Badeeda
By Somalimirror on 2 Dec, 2008 2:56 PM in Main, Wararka
C/laahi Yuusuf Axmed oo u waramey talafishinka Al-jazeera ayaa sheegay in burcad badeeda Soomaaliyeed ay gacan kale ka helaan Hay’ado kale oo shisheeya kuwaas oo uu sheegay in ay u fududeeyaan tasiilaadka dheeraadka ah ee burcadu u baahan tahey, wuxuuna arintan sabab uga dhigay shakiga uu ka qabo, sida burcada badeeda Soomaaliya awooda intaa leeg ugu yeeshaan in ay weeraraan marakiibta aadka u waaweyn, sidoo kalena ka fog xeebaha.
Wuxuu kaloo sheegay C/laahi Yuusuf mar uu la hadlayey Al-jazeera, in lacagaha madax furashada ah ee la siiyo burcad badeeda ay sii xoojinayso, marka ay afduubaan maraakiibta shisheeya ay isku meelgeliyaan sidoo kalena ku hormariyaan qalabkooda, wuxuuna ugu baaqey beesha caalamka in arintaas laga hortago, sida uu hadalka u dhigay.
Wadamada Gacanka Cadmeed wadada kulaala, gaar ahaan Sacuudiga iyo Yaman ayuu ugu baaqey in ciidamadooda badda u soo diraan biyaha Soomaaliya si ay uga hor tagaan khatarta Burcad Badeeda Soomaaliyed, sidoo kalena ay xoog ku soo furtaan Maraakiibta laga heysto.
Xoogaga ka soo horjeeda, ayuu dhanka kale ku eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin burcadda, inkastoo aanu koox gaar ah aanu magacaabin, hadalkiisan ayaa ku soo aadaya iyada isku dayo la rabey in lagu sii daayo labada markab ee Sacuudiga iyo Yaman ee burcad haysato ay waxba ka suuro geli waydey.
Burcadda badeeda oo markii hore ku bilaabatey, dhibaatooyin maraakiibta shisheeye ee biyaha Soomaaliya u soo kaluumeysi doonto kala kulmeen si ay isaga difaacaan balse markii danbe isu bedelay kuwo xoogan oo sidoo kalena shaqo rasmi ah ka dhigteen.
Burcad badeeda ayaa isu heysata in ay yihiin ciidamo ilaashanaya biyahooda oo ku jira howl qaran, halka dadka iyaga ka baxsan u arkaan dhibaato kale oo saaxada soomaaliya ku soo biiray.
Daabaco
U dir saaxiib



BISMILLAAH.
ALXAMDULILLAAH.
WAL?ALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH.
ma laga yaabaa haddii dhurwaa uu la soo fariisto waxaan rabaa in idin wacdiyo ma laga yaabaa in uu helo qof u joogsada si uu dhagaysto wacdigiisa !!!,ama dadqalato dadka hor istaagtay ayadoo dhahaysa i dhagaysta waan idin waaninayaaye !! la yaab badanaa in maanta ninkii ugu waynaa burcadda dhulka uu yiraahdo burcadbadeeda ha laga hortago asagoo og in uu soo gumaaday ummad nabada !!! marka hore waxaa kuu caddaatay meesha gaalo iyo munaafiq ay ku ciyaaraan adduunka oo ay iska dhaga tirayaan risaalada ALLAAH SUBXAANAH marka la yaab ma ahan haddaad aragto in wali uu malabsanayo ninkaan oo uu rabi lahaa wax kale oo uu ku sii wato jariimooyinkii faraha badnaa ee uu horay u geeystay inshaa ALLAAH goortay noqotaba RABBI SUBXAANAH wuu kaa abaal marin jariimooyinkaas .
WALLAAHU ACALAM WALLAAHU AQWAA
WALLAAHU ACAZZ WALLAAHU AKMAL.
QORE UBBAAHANE ALLAAH WAXDAH.
5DILXIJJAH 1429 HIJRI
binfaqiih@hotmail.com
#################################
abucabdurraxmaan | Dec 3, 2008 | Reply