5 Gaadiidka Ambulance-ta ah oo loogu deeqay Shacabka Muqdisho

Published on December 2, 2008 by   ·   2 Comments   ·   print

Xaflad Gaadiidka gar gaarka deg deg ah ee Ambulance-ta lagu soo bandhigayay ayaa Maanta ka dhacdey Suuqa Bakaaraha gaar ahaan xarunta Shirka Isgaarsiinta ee Nationlink.

Gaadiidkan Ambulance-ta oo ka kooban 5 Gaari, waxa si wada jir ah ugu deeqay oo iska kaashadey shirka isgaarsiinta ee Nationlink iyo hay’ad kale oo magaceeda la yiraahdo live line Africa.

Xafladii Isbitaal Madiina lagu soo bandhigayay gaadiidkan Ambulance-ta, waxaa ka soo qeyb galey, Saraakiil Caafimaad oo ka socotey Isbitaalka Madiina, Oday Dhaqameedyo, Obwaano ka socdey Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, shirkada Isgaarsiinta ee Nationlink iyo hay’adaha lifr linr Africa oo iyagu ku deeqay gaadiidka Ambulance-ta.

Qeybihii kala duwanaa ee xaflada ka soo qayb galey oo halkaa ka Hadley ayaa mahad celin wanaagsan ka bixiyay ciddii isku howshan in gaadiidkan baahida xoogan loo qabey ay ku deeqdo, arintaas oo ay ku tilmaameen kaalin xoogan ka buuxin doonaan baahiya jira.

Mas’uuliyiin u kala Hadley shirka isgaarsiinta Nationlink iyo hay’ada life line Africa ayaa sheegay in si bilaash ah gaadiidkan ugu shaeyn doonaan Shacabka Soomaaliyeed iyada oo aan wax kharashaadka ah laga qaadeyn ay gaarsiinayaan goobaha caafimaad.

Shacabka reer Muqdisho waxa ay horey ugu deeqeen 2 gaari oo ah kuwa Ambulance-ta,kuwaas oo hadda shaqeeya.

Gaadiidkan Ambulance-ta ah ee maanta lagu deeqay ayaa isla maanta how galey, iyada oo daqiiqado kadib markii xafladii lagu soo bandhigay la soo gabo gabeeyay lagu qaadey qof rayid ah oo wadada dhinaceeda nafaqo daro ugu dhacey, kaas oo loola cararey goobaha caafimaad.

Baraarujinta barnaamijyadan ah in dadka rayidka ah ee dhibaatooyinka xoogani ka soo gaarayaan dagalada iyo duqeymaha ciidamada shisheeye loo helo gaadiid gar gaar oo lagu gaarsiiyo goobaha caafimaad, waxaa horey masaajidada Muqdisho, gaar ahaan kuwa suuqa weyn ee bakaaraha uga dhawaaqey qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, ilaahey fadligiina waa hirgashey, sida hadaba muuqata.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gaari Ambulance ah oo Shacabka Muqdisho loogu deeqay
  2. Midowga Yurub oo lacag ugu deeqay Somalia
  3. Shaqo joojin Gaadiidka Rayidka ah ee Deg, Yaaqshiid iyo Shibis ku dhaqaaqeen
  4. Shiinaha oo Lacag ugu deeqay Shirka la filayo inuu ka furmo Sacuudiga
  5. Rakaab Dhac & kufsi loogu Geystay G/Sh. Dhexe

Readers Comments (2)

  1. Dhiblaawe says:

    NationLink waa shirkad xalaal ah, Allaha barakeeyo Shirkadaha kalena waxaan oran lahaa ku dayasho wacan A.A. Dhiblaawe, Helsinki Finland.

  2. Ogaal says:

    Waa la soconaa Ambulance-kaas waxaa keenay niman diidan in shacabku wax qabsado.
    Waxaa lagula dagaalamayaa Ambulanceyadii hore ee dadka bakaaruhu iska soo ururiyeen.
    Waxaa la diidayaa wax shacabku qabsado,waana la soconaa raga ka dambeeya arimahaas iyo ilaa meesha ay qodan yihiin mar aan dheerayna waa laga howl gali doonaa.
    Waxaan Ognahay in ay ku lug leeyihiin niman Omer Maxud ah oo doonaya inay helaan xogta dhabtaa ee bakaaraha taal




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gaari Ambulance ah oo Shacabka Muqdisho loogu deeqay
  2. Midowga Yurub oo lacag ugu deeqay Somalia
  3. Shaqo joojin Gaadiidka Rayidka ah ee Deg, Yaaqshiid iyo Shibis ku dhaqaaqeen
  4. Shiinaha oo Lacag ugu deeqay Shirka la filayo inuu ka furmo Sacuudiga
  5. Rakaab Dhac & kufsi loogu Geystay G/Sh. Dhexe

Latest Headlines