Xeebta Soomaaliya: Qashinqubka EU »
By SomaliMirror on 1 Dec, 2008 11:35 PM in Maqaallo | 0 Comments
QORMADAN WAXAY 30.11.2008 KUSOO BAXDAY WARGAYSKA SVENSKA DAGBLADET (http://www.svd.se/opinion/brannpunkt/artikel_2122221.svd) OO KAMID KUWA UGU WAAWAYN DALKA SWEDEN, WAANA QORMO AY DOODDEEDA DAD BADANI KA QAYB QAATEEN AYNA SOO XIGTEEN WARGAYSYO IYO BLOGYO KALA DUWAN. WAXAANA SOO TARJUMAY:
CABDULFATAAX SHEEKH BIIXI ( bihiabdul@yahoo.com )
Dhaqdhaqaaqa Budhcad badeedda ee sii korodhay ee xeebaha Soomaaliya waxay sababtay inay EU dhawaan go’aansatay inay ciidan udirto halkaas. Howlgalkan oo loogu magac daray ’Operation Atlanta’ waxaa la sheegay in ujeeddada ka danbaysa ay tahay sidii loo badbaadin lahaa gargaarka banii’aadannimo ee UN u daabusho Somalia.
Dawladda Sweden, oo uu horboodayo wasiirka difaaca Sten Tolgfors, waxay sheegtay in howshu tahay ”si loo ilaaliyo dadaalada World Food Programme ay cuntada ugu daabulayso Soomaaliya iyadoo la gaadhsiinayo dadka tabaalaysan kuwaasoo gargaarkaas la’aantii ahaan lahaa kuwo macaluula oo la hilmaamay”
Laakiinse wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay arrin kale: ”Intaa kadib dunida reer-galbeedku waxay leedahay dano muhiim ah oo ah shaqaynta isusocodka ganacsiga (ee badda kuxidhan dabcan). In badan oo isusocodka ganacsiga adduunka ah ayaa adeegsada aaggan.”
Inay EU, waqti ay Soomaaliya ku jirto dhibaatada banii’aadanimo tii ugu darnayd abid, ay gacan taageero u fidiso shacabka Soomaaliyeed waa arrin wanaagsan hadday run tahay.
Midowga Africa ayaa ku guul darraystay qaylo dhaantiisii uu muddo kabadan 10 sano ku celcelinayay, markii ugu dambaysayna ay ahayd 2006, in EU iyo dunida reer galbeedku u diraan Somalia ciidan nabad ilaalineed.
Markii Soomaali danyar ah oon la tirokobi karin, kuwaasoo si quus ah isugu dayay inay nolol fiican ka raadsadaan jasiiradda carabta, ku quuseen Gacanka Cadmeed, kadib markii ay naxariis laawayaal aan arxan lahayn oo ka baayac mushtara safrinta dadka sida sharci darrada ah ay gacmahooda ugu daadsheen dadkaas masaakiinta ah badda, aamus iyo af-kaxidhasho ayay doorteen EU.
Baddalkeediina EU waxay sii adkaysatay xuduudaheeda si ay u xakamayso qaxootiga imaanaya waddamada ururkooda ku jira.
Ugu horraynba dardar-galinta ka danbaysa ’Operation Atlanta’ waa si loo yareeyo culayska haysta shacabka Soomaaliyeed. Balse sida uu isagoo daacad ah u sheegay Sten Tolgfors Reergalbeedku dano muhiim u ah bay ka leeyihiin. Tan ugu sii wayna waa inay xaqiijiyaan iyaga dhaqaalahooda.
Ururka Refugees International ayaa dhawaan ku dhaleeceeyay reer galbeedka waxa ay ugu yeedheen ”Munaafaqnimo caalami ah oo ku aaddan Somalia” Waxuu ururkani isbarbar dhig ku sameeyay sida ay reer galbeedka durbaba u fara galiyeen arrimaha Soomaaliya kadib markii danahoodii dhaqaale la handaday iyo awood la’aantoodii inay xalliyaan dhibaatada daba dheeraatay ee waddanka haysata.
Way iska caddahay inay budhcad baddeeddu dambiileyaal yihiin waana in lala dagaallamaa iyadoon la eegayn cidda ay halista ku yihiin. Laakiin dadka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed ee adduunku iska halmaamay rafaadka haysta arrintooda xataa ilbiriqsi muhiimad ah wax siinaya malahan!
Haddaba budhcaddu waxay buuxiyeen laba boos kadib markii dowladdii dhexe ay burburtay. 1) Danyarta kalluumaysatada ah waxay u yihiin ilaalo xeebeed ka erya kuwa kusoo xad gudba biyahooda.
2) Waxaa kaloo loo arkaa inay yihiin sidii Robin Hood (waa nin sheekooyin hore laga qoray oo dhuljiif ahaa xoolaha uusoo dhacona wuxuu siin jiray masaakiinta). Budhcaddu waxay soo dhacaan hantileey waxay lacagtooda uga faa’iideeyaan tuulooyinka adduunku illaaway ee macaluushu ku baahday.
Dalkii Somalia wuxuu ficil ahaan u istaagay jiritaankiisu 1991 markaasoo dawladdii ugu dambaysay ee kalitaliye Siyaad Barre ay dhacday. Kadib Barre wuxuu dalka uga huleelay xeeb kale oo 3600 km u jirta Somalia. Kadib biyaha Somalia waxay noqdeen meel ay qashinka ku qubaan shirkadaha Yurub iyo Asia.
Markii ugu horraysay een maqlo arrintan waxay ahayd 1996 markaan booqday magaalada Bossaso halkaasoo ah meeshaan ku dhashay kuna soo barbaaray. Waxayse sunta xeebaha Soomaliya indhaha caalamka soo jiidatay kadib Sunaamidii ku dhufatay dalka 2004.
Xafiiska bay’ada ee UN-ta (United Nations Environment Programme) ayaa xaqiijiyay in haamo waawayn oo sun qatar ah laga soo buuxiyay laga helay xeebaha Puntland. Sannado badan ayaana lagu qubayay suntaas Soomaaliya oo mawjadaha baddu soo tufaysay.
UNEP iyo ururro kale oo caalami ah ayaa sheegay in boqollaal muwaadiniin ah oo deegannada xeebta Bari ee Puntland ee sunta laga helay ku sugnaa laga helay cuduro ay sababeen suntaasi waxaana ka mid ahaa Xiidmaha caloosha oo dhiig ka dillaacay, mantag/hunqaaco dhiig badan la socdo, isbaddal ku yimid maqaarka, iyo astaamo kale.
Maraakiibta sunta ku qubta biyaha Soomaaliya waxaa leh shirkado Yurub iyo Asian isugu jira. Ergayga UN-ta u qaabilsan Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa dhawaan sheegay inay hayaan warar lagu kalsoon yahay oo xaqiijinaya in shirkado reer Yurub iyo Asian ah ay si qorshaysan ugu daadiyeen biyaha Soomaaliya qashimo halis ah oo uu ku jiro qashinka Nuclear-ka.
Waxaa si gaar ah farta loogu fiiqay Swiss-ka iyo Talyaaniga inay si xariifnimo ku jirto ugu daadiyaan qashinka xeebaha Soomaaliya. Waxaase kaloo jira kuwo kale oo badan oo loo malaynayo in Yurub laga leeyahay oo ku guda jira falalkaas oo kale.
Waa wax adag in la aamino in dawladaha reer Yurub ayna la socon falalkaas Mooraalka kasoo horjeeda ee dambiga ah.
Falalkaas faa’iido badan baa kasoo gashaa shirkadaha rer Yurub ee qashinka daabula. Sida ay sheegtay UNEP qiimaha ay shirkadahaas ugu kacdo inay qashin ku daadiyaan Somalia waa 2,25 Dollar halkii tan (ton) ee qashin ah, halka ay isla qashinkaas (haddiiba la oggol yahay) laga qaadi lahaa 1000 Dollar halkii tan yurub gudaheeda.
Taas macnaheeda waa in dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ragaadisay ay ugu fadhido (ay ku bixinayaan) 997,5 Dollar halkii ton ee qashin ah ee Yurub laga keeno, marka laga soo tago caafimaad darrada iyo cudurrada qashimadaas ka dhasha, nolol maalmeedkii ay badda kala soo bixi jireen oo ay ku waayaan, iyo bay’adii oo ku burburta taasoo waqtiga fog cidhib xumo ku leh Dadkaas.
Shacabka ayaan darradu ku habsatay ee Soomaaliyeed khatarta ay budhcad badeeddu ku hayaan isu socodka saliidda ee waddamada qaniga ah ee reer galbeedka waxaa uga muhiimsan oo ay ahmiyaddooda koobaad tahay balaayo kaga timaadda dhanka Bay’ada, dagganaansho la-aanta dalkooda haysata iyo faqriga baahsan.
Marka hadday dhabtii Yurub rabto inay dadka Soomaaliyeed caawiyaan ugu yaraan ha ka daayaan qashinkooda ay kusii daldalayaan.
ABDIMAJID OSMAN,
CHEMIST, DHAKHTAR CILMIGA DAWOOYINKA
DHAKHTARKA JAAMACADDA LINKÖPING
WAXA QORMADAN TARJUMAY NANA SOO GAARSIIYEY:
CABDULFATAAX SHEEKH BIIXI(bihiabdul@yahoo.com)
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Aadan Madoobe oo ugu Qaabilsan DKMG ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka codsaday Ciidamada Gumeysiga Itoobiya in ay sii joogaan gudaha Soomaaliya inta laga helayo ciidamo kale oo iyaga badala xili ay Xukuumada Itoobiya ka dhawaajisay in ay ciidamadeeda kala baxayaan Soomaaliya Dhamaadka Sanadkan.
Xoghaya Arimaha Gudaha Ee Isbeheysiga Dibu Xoreeynta Garbka Jabuuti, Cumar Xaashi Aadan oo maanta shir Jaraa’id ku qabtey xarunta dalka Jabuti ayaa kahadley arimo ku saabsan Xaalada Soomaaliya, gaar ahaan bixitaanka Ciidamada Gumeysiga Itoobiya, xabad joojinta, taageerida heshiiskii ka soo baxey shirkii Jabuti iyo in Dadkii 
Kulan dhex marey Gudiga Gaadiidlayda Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha hogaamisa Ciidamada DKM ah ee ku sugan xaruntii hore ee Kuliyada Jaale Siyaad ayey isla garteen in dib loo furo wadada Kuliyada hor marta ee isku xirta Suuqa Wayn ee Bakaaraha iyo Degmada Dharkaynlay.
Andrew Mowangora oo ah Madaxa badmaxiinta Geeska Afrika ayaa Tv-ga CNN u sheegay in ay jiraan wada hadalo u dhaxeeya Burcad badeeda Haysata markabka laga lahaa dalka Ukraine ee siday hubka iyo shirkada iska leh markbka waxaana Mawangora uu sheegay in wada
Wararka laga helayo Xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho, waxa ay sheegayaan in Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Madxtooyada xabsiga loo taxaabey.
Shil Gaari oo gaystey khasaare xoogan oo Dhimasho iyo Dhaawacba leh ayaa Maanta ka dhacey Deegaanka Dacarta oo ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose. 




Taariikhda Warkan waa 30/112008
