Rayid, Dhibaatooyin Degmada Waabeeri loogu geystay

Published on November 30, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

Taariikhda Warkan waa 29/11/2008
Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah oo saaka ku faafey qeybo ka mid ah Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa halkaa ka sameeyay howl galo balaaran oo dhibaatooyin kala duwan ugu geysteen Dadkii Rayidka ahaa ee xaafadihii ay galeen ku dhaqnaa.

Ciidamada ayaa isku fidiyay, inta badan wadooyinka kala duwan ee Degmada Waaberi gaar ahaan xaafadaha kowda March iyo Fiya Layberiya, waxa ayna dadkii rayidka ahaa kula dhaqaaqeen dhac iyo boob xoogan iyaga oo ka qaadanayey wax walba oo fari qabsi ahaan u wateen ee Lacago iyo Mobile-ba.

Sidoo kale ciidamada ayaa dhowr Qof oo rayid ah qafaashey, kuwaas oo markii danbe ka baxsadey ka dib markii kooxo hubeysan weeraro gaadmo ah ku soo qaadeen. Hal qof oo rayid ah ayey ciidamadu dhaawaceen, kaas oo ay rasaas ku fureen.

Lama oga ujeedka rasmiga ah ee ku aadan faafitaanka ciidamada DKMG ah balse waxa uu qeyb ka yahey mar marsiinyaha ay u radiyaan sidii hantida Dadka rayidka ah ugu dhici lahaayeen.

Ciidamada DKMG ah ee gudaha u galey Degmada Waaberi, waxaa ku soo baxey Ciidamo ka tirsan kuwa Gumeysiga Itoobiya oo qab qabtey qaar ka mid ah Ciidamadii baaritaanada wadey, meel ayay isu geeyeen waxa ayna ka qaateen qoryihii ay wateen marka laga reebo dhowr Askari oo cararey ka hor intii aan la qaban.

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya, ayaa u muuqda mararka qaarkood kuwa isku daya ka hortegida rabshado iyo qas ay abuuraan ciidamada DKMG ah ee olaga yihiin. Bale kama aha u naxariisashada dakda rayidka ah ee waxa ay ka hortagayaan sidii ayna dhankooda waxba u soo gaarin.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dad Rayid ah oo Degmada Hodan lagu dhibaateeyay
  2. Dad Rayid ah oo Degmada X/Jajab Laga Qafaashey
  3. 10 Qof oo Rayid ah oo Ciidamada Gumeysigu M/disho ku Dileen
  4. 4 Qof oo Rayid ah oo ilaa Xaley iyo Saaka Muqdisho lagu dilay
  5. Ciidanka DKMG ah oo Qafaashey Dad Rayid ah oo Dhaawacyo Qaba

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dad Rayid ah oo Degmada Hodan lagu dhibaateeyay
  2. Dad Rayid ah oo Degmada X/Jajab Laga Qafaashey
  3. 10 Qof oo Rayid ah oo Ciidamada Gumeysigu M/disho ku Dileen
  4. 4 Qof oo Rayid ah oo ilaa Xaley iyo Saaka Muqdisho lagu dilay
  5. Ciidanka DKMG ah oo Qafaashey Dad Rayid ah oo Dhaawacyo Qaba

Latest Headlines