Nuur Cadde & Sh. Shariif oo si wada jir ah u dalbadey.Ciidamo Soomaaliya la keeno

Published on November 30, 2008 by   ·   7 Comments   ·   print

Taariikhda Warkan waa 29/11/2008
Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) oo Saxaafada kula Hadley Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahey kaalmo deg deh ah oo lala soo gaaro, ka dib Bixitaanka Ciidama Itoobiya ee dabayaaqadda Sanadkan sida uu hadalka u dhigey.

Wuxuu hadalkiisa ku darey in Soomaaliya marka laga hadlayo xagga Amniga labo mid uun u baahan oo uu ku kala sheegay in la keeno ciidamadii loogu magac darey ee Xasilinta Dalka ama la helo oo laga soo hormariyo Ciidamo Nabad Ilaalineed oo Q.M ka imaanaya, wuxuuna sabab arintaas uga dhigey in uu ka baqdin qabo weeraro xoogan oo dhanka Xoogaga Islaamiyiinta uga yidaama, kuwaas oo hadda inta badan Dalka gacanta ku haya sida uu qirey Nuur Cadde.

Dhanka kale Sh Shariid Sh Axmed oo isla kulanka ka Hadley ayaa sidoo kale Ururka Midowga Afrika u direy codsi ah in si deg deg ah Soomaaliya ugu soo diraan Ciidamo nabad ilaalin ah kuwaas oo buuxiya Booska ay baneeyaan Ciidamada Itoobiya sida uu Saxaafada u sheegay.

Sh Shariif ayaa intaa ku darey, in Ciidamo deg deg ah Soomaaliya la keeno iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha taagan, inkastoo aanu sii faah faahin waxa ay yihiin furaska uu carabka ku dhuftey.

Nuur Cadde iyo Sh Shariif oo kulan ku qaatey Magaalada Nairobi ayaa hadalkan si wada jir ah ugu jeediyay Beesha Caalamka iyaga oo ka duulaya hirgelinta Heshiiskii Jabuti ee dhawaan labadooda dhinac ku kala saxiixdeen, kaas oo dhigayey in Dowlad wadaag ah soo wada dhistaan muddo Bil gudaheed ah.

Sidoo kale qeybihii kala duwanaa ee gacan saarka xoogan ku lahaa hirgalinta Shirka Jabuti iyo miro dhalkiisa oo Midowga Afrika iyo Dowlada Maraykanku ugu tun weynaayeen ayaa dhankooda u xusul duubaya sidii ay uga miran dhalin lahaayeen wixii ka soo baxey Shirkii Jabuti, iyada oo si deg deg ah Dalka Soomaaliya loo keenayo Ciidamo ka socda Beesha Caalamka, ka dib markii Dowlada Itoobiya si rasmi ah ugu dhawaaqdey in Ciidamadeeda Soomaaliya kala baxeyso dhamaadka Sanadkan aanu ku jirno.

Dadaaladan kala duwan ayaan la ogeyn sida ay u miro dhalayaan iyada oo inta badan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed Sida, Culimo’udiinka, Xoogaga Muqaawamada, iyo Golayaasha kala duwan ay si cad u qaadaceen wixii ka soo baxey Shirkii Jabuti oo ay ku sheegeen in aanu u qalmin xalnna ku soo kordhineyn Saaxada Cakiran ee Soomaaliya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Nuur Cadde iyo wafdi uu hor kacayo oo u dhoofey Jabuti.
  2. C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo Addis Ababa wada gaarey.
  3. Nuur Cadde oo soo dhaweeyay Maraakiibta Dagaal ee NATO u soo dirtey Biyaha Soomaaliya.
  4. C/Laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo Heshiis Wada Gaarey
  5. Nuur Cadde oo Maanta Shir Jaraa’id ku Qabtey Muqdisho

Readers Comments (7)

  1. Alwalaa Wal Baraa says:

    Asc wr wb dhamaan,

    Su’aal ku socota taageerayasha Shariifka (kamana wado kuwa qabiilka ku taageeraayo ee kuwa mabdda’ ku taageeraya ayaan la hadlayaa)weli ma jirtaa cid taageersan Shariifka?

    Mahadsanidiin,

    Alwalaa Wal Baraa

  2. mumin says:

    Asc waakan sh.shariif oo hadlaya sida aan u fahmay siyaasadiisa.bal in yar inaan waxmagaratada iyo kuwa aan dhaaminhadal ay fahmi karaan ugu jilciyo.wuxu ina leeyahay.
    Walaalayaal fursad fiican baan haysanaa wakhtigan xaadirka ah mujaahidiintii 80% iyaga ayaa gacanta wadanka ku dhigay,dhulkay joogaan nabadgalyo iyo noloshii ayaa kusoo laabatay,sharcigii islaamka ayaa laga hirgeliyay,dhiigii, sharaftii iyo maalkii muslimiinta ayaa lakala badbaadiyey,Gaaldii iyo munaafiqiintii iyo calooshood ushaqaystayaashii cabdillahi yusuf ugu waynaa waa la jebiyey.dhiigii mujaahidiinta Allah ma dayicin,nasrigii waa siiyay,waxba uma dhina aan ka ahyn xaafado kuyaala baydhaba iyo muqdisho.Laakiin waxaas oo dhami aniga siday ila tahay ilama fiicna. waayo? sidaad ogtihiin waanigii ka cararay dhooblay markii gaaladii maraykanku na duqaysay ee ay igu hor dileen raga qaar sida Abu qutayba iyo geesiyaal kaleba,sheekada yaan idinku dheerayn ceebtayda waad ka dheregsantihiin,xabad maridin waadna ogaydeen sawirkaygii iyo qoriga AK47iyo dirayskiimillateriga ee aad ku arkayseen websiteyada somalida,jihaadkii aan fagaaraha tarabuunka kaga dhawaajin jiray inta badan jimcayaasha,Abumansuur iyo sheekh xasan iyo ragii kale saw maxasuusataan waxaas oo dhami waa intaan jagada sare hayey intaan la i imtixaamin goor baas baan tegey Nairobi,war xoolayahaw waxa la ii ballan qaaday ma ka warhaysaan haddaan sida ay gaaladu rabto wax u fuliyo,war xoolayahow hadaan ka hor imaado gaalada waa ii dhamaatay heshiis baan galay meel aan ka noqdo iyo meel aan usocdo midna majirto.maxaa qorshahaygu yahay?Alshabaab,raskambooni,Garabka Asmara,JIS,inta maxaakiimta ka goday waa in aan kala harnaa,waa in midkaayo aakhiro loodiraa,sababtu waa maxay?aniga awal miyaa itaqaaneen,somali runtaa loosheegaa markaasbay malaha ubaydhaa!!!. waanigaa sidii cabdillahi yusuf Gaalo uwacay, hadde isaga may siin gacan wayn aniga laakiin sirta alshabaab iyo kuwa kale mid iga qarsooni majiro sirtaan ka bixiyo ayaa horta dagaalkaba wax wayn ka bedeli,qabiil waan u adeegsan maxaa dhacay Abgaal iyo habargidir goorma ayay heshiiyeen? xawaadle sidaan usoo dabay saw maaragtiin,sida xabad kalluun ah shabaqaygu waa dheeryahay.
    hadayna wax baxsaday iyo wax is dhiibay noqon iyo wax ladilay iyo waxaan laaluushay shariif dhicis la ima yiraahdo.kolkii hore ee aad ninka fiican ii taqaaniin wax iga qurxoonaa miyaa jiray,hada sifiican ii fiiriya foolxumadayda dameer ma la iga gartaa waxaas waa dhagarta iyo makriga aan mujaahidiinta uqabo.Diinta waa in la fududeeyo,moderate maad maqlin miyaa,qofbaa dhagax lagu dilayaa wax beesha caalamku aqbali karto maaha.Hadaa rag tihiin waa ila socotaan baan umalayn …
    weli imaydaan baran 2009 ayaa sifiican wacdaro usoo bandhigayaa.war gaalada gaaladii gaaladii aaway,beesha caalamka ayaan dhihi rabay waa is ilooway axaadiistii hore eeaan akhrin jiray ayaa iga sii qaylinaysa,madaxweyne ama prime minister ayaan noqonayaa malaha lama socotaan.
    sidaas oo ay tahay mar mar ma iska toobad keentaa aa iqabato,maya maya kursiga kursiga kursiga
    Aniguna waxaan leeyahay shariifka.The road to hell starts with good intention waana sida gaaladu kula damacday.
    Hadaad gaal u yeedhiyo hadaad gooh la oydaba
    Hadaad been daldalatiyo hadaad xeel la durugtaba
    hadaad soo ducaysiyo hadaad noo darnaataba
    hadaad qabiil uyeedhiyo hadaad qaaxo curisaba
    ragu waa ragoodii Runtu waa runteedii xaqu waaxaqiisii diintu waa sideedii,shabaab waa ku sugayaan, jebiso waa kusugaysaa, kambooni kaba daran,xagee baad usii qixi marka lagu fashiliyee adiga iyo gaalkiyo kii munaafaq sheegtaba dhegta dhiiga loo daro.
    NB toobad inta aad dhawdahay ee aanad dhiig muslim si fiican udabaalan,waxaan ku soo khatimayaa Allah kuma siiyo fursad aad diinta iyo dalka aad ku dhibaatayso,Allah makrigaaga iyo ka gaaladaba ha kugu celiyo(gabaygii hadraawi ayaan meeshan ku qalqaloociyey)
    Walaalaha moodi doona inaan ku talax tegay shariifka intaas waa inta ilaa hadda nooga muuqatay inuu ka sii darayana waan umalaynayaa
    waan in loo diyaar garoobaa ceebaha iyo tabaha uu lasoo socdo,sidaa weligay ma moodayn hadhaw ha ku hadaaqina.xoolaha waan is shabahnaa saw ma ogidin iminka shariifku 12 red line ayuu jiidhay ma waxaad umalaynaysaa inaanu garanayn waxa uu dhib iyo mushkilado abuurayo.
    wABILLAHI TAWFIIQ

  3. samatar says:

    Sh Shariif ayaa intaa ku darey, in Ciidamo deg deg ah Soomaaliya la keeno iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha taagan, inkastoo aanu sii faah faahin waxa ay yihiin furaska uu carabka ku dhuftey…

    waa iska cadyihiin fursadaha waa kuraastaan rabnay ayaa diyar ahe hana dhafinina eenala soo garaa cidamadaan ku ilaashan laheyn , waxa mesha kasoo socda ceeteeda ilahay hana dhafiyo

  4. cabdiraxmaandhagax says:

    aswrwb ku socota walaalkay alwalaa walbaraa shiikh anagaa taageersan mabda ahaana ku taageersan anigoo aan qabiil ku taageersanayn isku qabiilna ahayn waxaana aaminsan nahay in nin soomaaliya maanta jooga oo ninkaa uga fiican in aanu jirin xiligaan kuwa hotelada iska jiifa ee dhahaya xabad baa dani noogu jirtaa iyagu umada waxba uma hayaan baan aaminsanahay waxana dhihi lahaa dadka nabada jecel in ay shiikha taageeraan oo sugaan waxa uu soo wado intaanay ka hordhacin wabilaahi towfiiq

  5. Warfaa says:

    C/raxmaan.

    Anagaa taagersantaada micno ma sameyneyso oo soomaali badan oo waxaa jira niman gaalo ah oo kubada ciyaara aaad u taageera tusaale:

    waxaa arkaysaa kuwa dhaha aniga i caay laakiin beekhaam ha caayin adiga marka ninkaas baad isku dhowdihiin

  6. Haddaan imid says:

    asc,shiikh sharif shiikh ahmed walee wax baa dhag hoose loogu sheegay ee maxey tahay adeeroow? anigu waa gaal dhihi maayo shiikhga balse shiikhu arintaan wanu isku khilaafsannahay oo in ciidamo kale la keeno ma rabno balse wadanka in amxaaro ka baxdo kadibna somalidu dhisayo dowlad midnimo qaran waan tagersannahay.guul shiikh shariif.

  7. Haddaan imid says:

    asc,shiikh sharif shiikh ahmed walee wax baa dhag hoose loogu sheegay ee maxey tahay adeeroow? anigu waa gaal dhihi maayo shiikhga balse shiikhu arintaan wanu isku khilaafsannahay oo in ciidamo kale la keeno ma rabno balse wadanka in amxaaro ka baxdo kadibna somalidu dhisayo dowlad midnimo qaran waan tagersannahay.guul shiikh shariif




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Nuur Cadde iyo wafdi uu hor kacayo oo u dhoofey Jabuti.
  2. C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo Addis Ababa wada gaarey.
  3. Nuur Cadde oo soo dhaweeyay Maraakiibta Dagaal ee NATO u soo dirtey Biyaha Soomaaliya.
  4. C/Laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo Heshiis Wada Gaarey
  5. Nuur Cadde oo Maanta Shir Jaraa’id ku Qabtey Muqdisho

Latest Headlines