Taariikhda Warkan waa 29/11/2008
Saaka Waabarigii hore ayay Xoogaga Al-Shabaab Weerar Hoobiyayaal kula Jarmaadeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa DKMG ah ee fariisimaha ku leh Asluubta iyo Sarkuusta duleedka Magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in fariisimahaasi lagu garaacay wax ka badan Toban hoobiye, waxayna dadka deegaanku sheegeen in ay arkayaan Madaafiic si toos ah ugu hoobanaysa Gudaha Fariisinka Asluubta.
Lama sheegi karo illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Duqeyntaas, balse waxaa la filayaa in ay jiraan Khasaarooyin naf iyo maalba leh oo soo gaaray ciidamada Gumeysiga.
Xeradii hore ee Asluubta ayaa waxa ay degan Qeybo ka mid ah Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa Copy-ga Itoobiya waxaana la sheegaa in ay halkaasi u yaalaa Madaafiic badna oo ay mararka qaar ku duqeeyaan goobaha rayidka marka la weeraro xeryaha Ciidamada Gumeysiga.
Dhanka kale Isbaarada Sarkuusta ayaa waxaa dagan Qeybo ka mid ah Ciidamada DKMG ah kuwaas oo lacago Baad ah ka qaata gaadiidka iskaga kala goosha Muqdisho iyo gobolka Shabeelada Hoose, waxay sidoo kale ciidamadani dhibaatooyin isugu jira dil, dhac, iyo xarig u geystaan dadka halkaasi mara.

Related posts:
a/c
salaantaas islaamka ka dib walaalayaal waxaan ka mid ahay walaalaha jeclaa in dalka laga saaro gumaysiga iyo huwantiisaba.
Hadaba mar hadii hadafkii la gaaray oo uu socdo maan u yare kaadino ileen in sulxi laqaato waa arin banaan oo diinteenu ina amrayso walaalayaal miyeynaan u naxay muslimiinteena ay gaaladu madfaca ku baabiinayso mar haddii fadliga ilaahay ay ku guul daraysteen in ay islaamka baabiiyaan (alaahu akbar) walaalayaal halhoobiye markaan ku dhufano waxay dilayaan boqolaal muslim markaa aan sugno inta ay cararayaan wabilaahi towfiiq.