Goobo Ganacsi oo ku basbeelay Degmada Walaweyn G/Sh.Hoose

Published on November 30, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

23 Goobo Ganacsi ayaa xalay ku basbeelay Dab xoogan oo qabsaday Suuqa Xoolaha Degmada Wal-Wayne ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Dabkan oo Bilowday Abaare 08:00 fiidnimo ee xalay isla markaana socday mudo 2 saacadood ah ayaan si dhab ah loo sheegi Karin waxa sababay balse waxay dadka deegaanku sheegeen in uu si lama filaan ah uga kacay Burjiko meel Muqaaxi ah lagu iloobay.

Lama sheegin wax khasaaro Nafeed ah oo ka dhashay Dabkaas balse waxaa la sheegayaa in uu si weyn u baabi’iyay wixii hanti ahayd ee ku jiray goobahaasi ganacsi oo u badnaa Dukaamo iyo Muqaaxiyo, waxayna saaka soo kacayaan dadkii iska lahaa goobahaasi iyaga oo cayr ah ka dib markii ay ku guulaysan waayeen in ay damiyaan dabkaasi oo aan waxba reebin.

Dabkan ayaa la sheegayaa in uu sii xoojiyay Dabaylo xoogan oo socday xiligaas.

Ma jirto wax Tirakoob ah oo lagu sameeyay Baaxada Khasaarahan, balse waxaa la filayaa in ay jiraan khasaare badan oo soo gaaray Hantiilayaashii iska lahaa goobahaasi.

Dabkan ayay dadka deegaanku ku sheegeen kii ugu weynaa inta ay xasuustaan oo ka kaca qeybo ka mid ah Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Ma jiraan dab damisyaal iyo waliba jidad wanaagsan oo loo qorsheeyay in lagaga hor tago marka ay musiibadan oo kale dhacdo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ciidamo soo gaaray inta u dhaxeysa walaweyn & Afgoye
  2. 2 qof oo ku dhaawacantay gaari rakaab ah oo ay dablay ku rasaaseysay degmada Wanla weyn ee G/Sh.Hoose
  3. Maydad laga helay inta u dhaxeysa Afgoye & Walaweyn
  4. Qaraxyo lagula beegsaday Ciidamada Gumeysiga Itoobiya Duleedka Walaweyn
  5. Kolonyo itoobiyaan ah oo ku fool leh Walaweyn

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamo soo gaaray inta u dhaxeysa walaweyn & Afgoye
  2. 2 qof oo ku dhaawacantay gaari rakaab ah oo ay dablay ku rasaaseysay degmada Wanla weyn ee G/Sh.Hoose
  3. Maydad laga helay inta u dhaxeysa Afgoye & Walaweyn
  4. Qaraxyo lagula beegsaday Ciidamada Gumeysiga Itoobiya Duleedka Walaweyn
  5. Kolonyo itoobiyaan ah oo ku fool leh Walaweyn

Latest Headlines