Eritrea oo lagu eedeeyay gacan siinta Burcad Badeeda Soomaaliya

Published on November 30, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

Taariikhda Warkan waa 29/11/2008
Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Meles Zenawi oo la hadlayey wakaalada wararka ee dalkiisa ayaa sheegay in Eritrea gacan siiso Burcad badeeda Soomaaliya, wuxuuna ku baaqey in gacan bir ah lagu qabto Burcad badeeda.

Meles ayaa hadalkan sheegay ka dib markii uu dalka yaman ka soo noqdey oo wada hadalo ku aadan arinta Soomaaliya la soo yeeshay madaxweynaha dalka yaman cali C/lla salaax, wuxuuna yiri Zenawi:” kaalmada tooska ah ee Eritrea ay siiso qolyaha xagjirka ah, waxa ay ka dhigan tahey iyada gacan ku leh arinta Burcad badeeda ee Gobolka dhan gil gishey”.

Xiriirka itoobiya iyo Eritrea ayaa u muuqda hadda mid ka sii daraya, ka dib dagaalo xoogan oo labada Dalk ka dhex dilaacey Sanadkii 1998, kuwaas oo geystay khasaarooyin xoogan oo naf iyo maalba leh.

Itoobiya ayaa mar walba dhanka Eritrea ku tuhunta, gacan siin xoogan oo ay siiso xoogaga islaamiyiinta kuwaas oo weeraro xoogan si joogto ah ugu soo qaada ciidamada Gumeysiga itoobiya, ayna ka dhashaan khasaarooyin xoogan oo gaara, balse Eritrea ayaa eedeymahaas had iyo jeer iska fogeysa kuna tilmaamta waxba kama jiraan.

Males oo hadalkiisa sii wata ayaa beesha caalamka ugu baaqey in Burcad badeeda ay tahey in talaabo adag oo isku mid ah ka wada qaataan si mushkiladooda meesha looga saaro. Wuxuu kaloo sheegay in iyaga iyo yaman isla garteen mushkilada geeska afrika xal waara loo helo, kaas oo aanu faah faahin dheeraad ah aanu ka bixin waxa uu noqonayo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. EU oo Dajinaya Qorshe Burcad Badeeda Soomaaliya Looga hor Tegayo
  2. Axmed Wald Cabdalla oo soo dhaweeyay go’aanka Midowga Yurub ee wax ka qabashada burcad badeeda Soomaaliya
  3. France: – waan Baacsanayaa Burcad Badeeda Soomaaliya
  4. Ciidanka MGPL oo galabta la soo wareegay dooni lagu heystay xeebaha Bari ee Soomaaliya
  5. M.Yurub oo Sheegay in uu la Dagaalamayo Burcad Badeeda Soomaaliya

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. EU oo Dajinaya Qorshe Burcad Badeeda Soomaaliya Looga hor Tegayo
  2. Axmed Wald Cabdalla oo soo dhaweeyay go’aanka Midowga Yurub ee wax ka qabashada burcad badeeda Soomaaliya
  3. France: – waan Baacsanayaa Burcad Badeeda Soomaaliya
  4. Ciidanka MGPL oo galabta la soo wareegay dooni lagu heystay xeebaha Bari ee Soomaaliya
  5. M.Yurub oo Sheegay in uu la Dagaalamayo Burcad Badeeda Soomaaliya

Latest Headlines