Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay Deg. Luuq in ay ka soo gudbeen

Published on November 28, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

Degmada Bardaale ee gobolka Bay waxaa si aad looga dareemayaa dhaq dhaqaaq xoogan, kadib markii Ciidamada tira badan oo oo ka tirsan kuwa Gumeysiga Itoobiya ah ka soo gudbeen dhanka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo. 

Xoogaga Muqaawamada ee ku sugan degmada Bardaale ee gobolkan Bay ayaa si aad ah uga wada gudaha Degmada dhaqdhaqaaq Xoogan oo ku aadan sida la sheegayo iska difaacidda Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku soo fool leh dhanka Bardaale. 

Lama oga Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee la sheegay in ay ka soo gudbeen dhanka Luuq ay ku soo fool leeyihiin dhanka Bardaale iyo in kale balse Dadka deegaanka ayaa muujinaya dareen cabsiyeed oo ku aadan in halkaasi ay ka dhacaan Dagaalo.

Dadka reer Bardaale oo dhowr jeer oo hore halkaas kala kulmey Dagaalo xoogan ayaa marka sidan oo kale u maqlaan in Ciidamo Itoobiyaan ah dhanka Soomaaliya u soo gudbayaan bilaala in alaabahooda ka rartaan deeganadooda si ay uga foogaadaan khasaare ka soo gaara Dagaalo halkaasi ka dhaca.

Dhanka kale xoogaga Muqaawamada ee ka howl gala Gobolada Bay iyo Bakool ayaa marka sidan oo kale uga warhelaan in ciidamado ka tirsan kuwa Gumeysiga Itoobiya dhaq dhaqaaqyo ka wadan deegaanadaas u gala dhabo galo khasaarooyin xoogan ugu geystaan ciidamada Gumeysiga.

Lama oga ujeedka rasmiga ah ee ku aadan dhaqdhaqaaqan cusub ee la sheegayo in ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka wadaan Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Luuq, kuwaas oo sidoo kale wararka la helayaa ay sheegayaan in dhanka gudaha Soomaaliya ku soo jeedaan.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Insha Allah Wararka danbe ee Somalimirror.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Warar iskhilaafsan oo ka soo baxay in Ciidamo Itoobiyaan ah ka guureen Deg. Afgoye
  2. Aadan Garaase & Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray Qeybo ka mid ah G/Hiiraan
  3. Ciidamo ka tirsan DFKMG ah oo ka soo goostay degmda Bardaale ee G/Bay
  4. Ciidamo itoobiyaan ah oo ku soo fool leh Baydhabo
  5. Guddoomiyaha Bardaale oo sheegay inuu la shaqeyn doono Islaamiyiinta.

Readers Comments (1)

  1. Macalinka Ummadda says:

    Ass/c,

    Dadka la leeyahay waxay ciidamada KMG-ka ah ku ugaarsanayaan suuqa Baydhabo maxay ugu babac dhigi waayeen ciidamada Gumaysiga..mise soomaaliday ka adag yihiin?




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Warar iskhilaafsan oo ka soo baxay in Ciidamo Itoobiyaan ah ka guureen Deg. Afgoye
  2. Aadan Garaase & Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray Qeybo ka mid ah G/Hiiraan
  3. Ciidamo ka tirsan DFKMG ah oo ka soo goostay degmda Bardaale ee G/Bay
  4. Ciidamo itoobiyaan ah oo ku soo fool leh Baydhabo
  5. Guddoomiyaha Bardaale oo sheegay inuu la shaqeyn doono Islaamiyiinta.

Latest Headlines