2 Dumar ah oo Caawa Meydkooda la keenay Buulo-Mareer

Published on November 28, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

Caawa Salaadii Makhrib ka dib Degmada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeelada Hoose waxaa la keenay Meydka 2 Dumar ah oo Jidhkooda uu ka muuqdey Jir dil xoogan iyo googo’ uu ku yaalo.

Meydka labadan Dumarka ah ayaa laga soo qaaday iyaga oo yaala meel banaanka ah oo u jirta Magaalada KM5, waxaa ka soo qaadey Xoogaga Al-shabaab ee halkaa gacanta ku haya, sida Idaacada Hornafrik ay u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi.

Waxaa arintan ku soo wargeliyay Xoogaga Al-Shabaab, Dadka Rayidka ah, ka dib markii beeraha dhexdooda ku soo arkeen Meydka labada Dumarka ah oo ka mid ah Dadka sida weyn looga yaqaano Degmada Buula-mareer.

Waxaa jirkooda ka muuqdey jir dil xoogan, waxaana lagu dilay sida ay sheegeen dad goob joogayaala ahi oo ka muqdey jirkooda raadadka qalabkii lagu diley oo ay ka mid ahaayeen Faasas iyo Mindiyo.

Saraakiisha Xoogaga Al-shabaab, ayaa Idaacada Hornafrik u sheegay, in falkan baritaan xoogan ku sameyn doonaan, waxay sidoo kale sheegeen in isla caawa halka laga soo qaadey maydadka labadan dumarka ah lagu fidiyay Ciidamo badan.

Si rasmi ah looga oga cidda dilka labadan dumarka ah geysatey, wuxuuna dadka deegaanka Buulomareer ku abuurey naxdin iyo argagax xoogan, kaas oo aan aheyn fal horey u soo marey, sidoo kalena Dadka la gula dhaqaaqey ay ka mid yihiin Dadka deegaanka kana mid ahaa ganacsatada.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dilal siyaabo kala duwan Caawa iyo Maanta uga dhacey magaalada Muqdisho
  2. Labo dumar ah oo mid wiilkeedii yeey (uubato) daftay (qisadii 11aad)
  3. 15 dumar ah oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdisho
  4. 2 Dumar ah oo dhiig loo la la’yahay.
  5. Dumar Ajnabi ah & Gaadiid laga soo afduubtay Deg. Ceel-waaq

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dilal siyaabo kala duwan Caawa iyo Maanta uga dhacey magaalada Muqdisho
  2. Labo dumar ah oo mid wiilkeedii yeey (uubato) daftay (qisadii 11aad)
  3. 15 dumar ah oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdisho
  4. 2 Dumar ah oo dhiig loo la la’yahay.
  5. Dumar Ajnabi ah & Gaadiid laga soo afduubtay Deg. Ceel-waaq

Latest Headlines