Maydad laga helay Xaafada Ciise Cabdi ee Mag.Muqdisho

Maydadka 2 Qof oo rayid ah ayaa saaka laga helay Xaafada Ciise Cabdi, oo ay shalay Dagaalo xoogan ku dhex Mareen Xoogaga Muqaawamada iyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

Maydadkan oo ah rag ahaa mid ka mid ah waxa Da’diisa lagu qiyaasay 25 sano jir, halka midka kalana lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 45 – 50 sano jir, mana jirto illaa iyo hadda cid aqoonsatay.

Maydadkan ayaa waxa ay Dadka Deegaanku ka soo qaadeen Jidka General Da’uud gaar ahaan Nawaaxiga Iskuulka Caalami.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah Maydadka ay maskaxdiisu maqantahay isla markaana ay ka muuqato jirdil fool xun oo ay ka mid tahay in lagu garaacay Faas wax u eg, iyada oo maydka kalana ay ka muuqato rasaas caadi ah oo lala dhacay.

Lama garanayo illaa iyo hadda Cidda dishay, balse waxay dadka deegaanku u badinayaan in ay dileen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee fariisinka ku leh jidka warshadaha maadaama laga soo qaaday meel aad ugu dhaw halka ay deganyihiin.

Ma aha markii ugu horeysay oo Maydad siyaabo kala duwan loo dilay laga soo qaado Fariisimaha Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa DKMG ah.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo