Dad Rayid ah oo Degmada Hodan lagu dhibaateeyay
By Somalimirror on 26 Nov, 2008 2:56 PM in Main, Wararka, Xadgudubyada
Ciidamada DKMG ah ayaa Barqanimadii Saaka labo Ardey oo Wiil iyo Gabadh kala ahaa si ula kac ah ugu toogtey xaafada Taleex ee Degmada Hodan.
Dilka toogasha ah ee ciidamada DKMG ah kula kaceen labada Ardey ayaa yimid ka dib markii labo Ardey oo ku lugeynayey wado ka mid ah xaafada Taleex uu Askari ka mid ah ciidamada DKMG ah ee halkaa ku sugan si ula kac ah u toogtey.
Meydka labada Ardey ayaa sida wararku sheegayaan waxaa la dhigey goob caafimaad oo aan sidaa uga fogeyn halka lagu diley, si dadkii eheladooda ahaa ugu yimaadaan oo u qaataan.
Sidoo kale ciidamada DKM ah ayaa isla saaka Isgoyska KM4 ee Degmada Hodan ku dhaawacey labo Qof oo Rayid ah ka dib markii gaari Rayid oo ay saarnaayeen rasaas ku fureen.
Dhaawaca labada Qof ee Rayidka ah ayaa yimid ka dib markii gaarigi ay la socdeen oo ahaa kuwa rakaabka ee Dadka Rayidka ah qaada si ula kac ah rasaas ugu fureen, sidaana dhaawaco u soo gaarey.
Xilliga rasaasta ciidamada DKMG ah la beegsanayeen gaariga labada Qof ee Rayidka ah ku dhaawaceen, waxa ay ku guda jireen baarashada Gaari kale oo ah kuwa rakaabka.
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo