Fataawida Xajka{Q.3-aad}
By Somalimirror on 25 Nov, 2008 9:22 PM in Fataawida Xajka
Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood ku saabsan “Xajka” meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo Dr. Axmed X. C/Raxmaan.
Su’aasha 6-aad:- Haddii aanan dharka Ixraamka wadan, Miiqaatkiina aan dul marayo ma xiran karayaa Cumaradii.. oo markaan Jiddah ka dego Madaarka aan markaas ka iibsado ixraamkii.. maxaase igu waajibaya?
Aljawaab:- hadaad soo gaartid Miiqaatka ama meesha ku aadan hadaadan Miiqaat marayn,waxaa lagaa rabaa in aad xarmatid oo aad niyasatid nusuga aad rabtidmwaanad ku dhawaaqin,waxaad xiran dharka u banaan muxrimka(laba go’) midab khaas ah shardi ma ahan, hadaad Macawis wadatid waad kala jeexin, hadaad go’ wadatid waa kugu ansaxayaa.
Hadiise ay dhacdo in aadan wadan dharka kuu banaan,kuwa aad wadatid baad ku xarman,marka ugu horaysa oo ay kuu suurta gasho ayaad xiran,waxaana lagaa rabaa fidyo( seddex bari oosoon ah,ama neef ariya oo la gowraco oo la siiyo masakiinta xaramka,ama lex miskiin oo la quudiyo).
Su’aasha 7-aad:- Waxaa jirta in maalinka 10-aad la sameyo Afarta Camal.. markaa 2 ka mid ah haddii la sameeyo waa xalaalowga yar.. haddaba see laga yeeli qolada oranaysa xalaalow yar ma jirayo illaa Afarta Camal la sameeyo oo Dharkii Ixraamka ma bedeli kartid.. ana waxaan doonayaa inaan Dawaafka Ifaadada iska dib dhigto.. oo dad waawayn oo aan maalinka 10-aad samayn karin ayaa ila socda ?
Al-Jawaab:- Maalinta tobnaad hadii aad jamradul caqaba tuurtid oo aad xiiratid waxaa taxalushay taxalulka kowaad,sida ku cad xadiiska caaisha.
Waxaa soo arooray Xadiis uu warinayo Abuu Daaw’uud iyo Rag kale:-
حديث أم سلمة عند أبي داود في السنن والحاكم في المستدرك وابن خزيمة في صحيحه أنها قالت : كانت ليلتي التي يصير إلى فيها رسول الله صلى الله عليه وسلم مساء يوم النحر، فصار إلي ودخل علي وهب بن زمعة ومعه رجل من آل أبي أمية متقمصين فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم لوهب هل أفضت أبا عبد الله؟ قال: لا والله يا رسول الله صلى الله عليه وسلم فقال صلى الله عليه وسلم: انزع عنك القميص قال: فنزعه من رأسه ونزع صاحبه قميصه من رأسه، ثم قال ولم يا رسول الله؟ قال إن هذا يوم رخص لكم إذا أنتم رميتم الجمرة أن تحلوا يعني من كل ما حرمتم منه إلا النساء، فإذا أمسيتم قبل أن تطوفوا هذا البيت صرتم حرما كهيئتكم قبل أن ترموا الجمرة حتى تطوفوا به
Xadiiskaas culimadu qaarkood waa daciifiyeen,waxayna sheegeen wax ku dhaqmay inayna jirin saas waxaa yiri bayhaqi iyo nawaawi iyo rag kale,culimada qaarkeedna way saxiixiyeen.
Gunaanad: Xadiiskaan waa shaad, wuxuu khilaafsanyahay Axaadiis ka saxsan,Dhaqanka Umaduna waa Muctabar.
Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay Su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:-
Somalimirror@hotmail.com
Somalimirror@gmail.com
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo