Nadwadii labaad ee Diini ah oo Caawa lagu qabtey Masjidka Aba-hureyra ee M/disho

Nadwadii labaad oo Diini ah ayaa Caawa Salaadii Makhrib ka dib ee xilliga Muqdisho lagu qabtey Masjidka weyn ee Aba-Hureyra ee ku dhex yaala Suuqa weyn ee Bakaaraha, taas oo ay ka soo qeyb galeen dad aad u fara badan, kuwaas oo buux dhaafiyey qeybaha kala duwan ee Masjidka sidoo kale barxadaha Masjidka.

Nadwadan oo Cinwaankeedu ahaa” “Kadigista Fitnada” (التحذير من الفتن) ayaa waxaa soo qaban qaabiyey oo isku soo duba ridey Gudigga Culimada Musaalaxada oo beryihii ugu danbeeyay olale xoogan oo Dacwadeed ka wadey Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada kale ee dalka.

Nadwada Caawa oo ka koobneyd labo Muxaadaro ayaa waxa kala jeediyay Sh, Dr Axmed Imaam iyo Sh Maxamuud Malin Nuur, waxa ayna si qoto dheer uga hadleen Mawduuca Cinwaanka Nadwada looga dhigey, iyaga oo Dadkii ka soo qeyb galey si xeel dheer oo ku qotanta Shareecada Islaamka ugu faah faahiyey.

Sh, Dr. Axmed Imaam oo qaatey Muxaadarada koowaad ayaa ka Hadley Tasfiirka Fitnada, qeybaheeda, asbaabta keenta iyo ka digideeda in la dhex maquurto oo keeni karta in Qofku Muslimka uu aduun iyo aakhiroba halaagsamo.

Qofka Muslimka ah in la imtixaano Aduun iyo Aakhiroba ayuu Shekhu sheegay in ay ka mid tahey sunanka Ilaahey, si dadka loo kala sooro kuwa u sabra Ixtixaankiisa iyo kan ku guul dareysta, sidoo kale in lagu kala saaro kuwa sida dhabta ah Ilaahey u caabudaya iyo kuwa kale.Shar iyo kheyrba midkii uu Qofku ku dhex jiro in lagu imtixaanayo ayuu sidoo kale ka warbixiyey Sheekhu.

Qofka Muslimka ah dhib iyo kheryba midkii uu la kulmo in uu ku sabro oo uu Ilaahey ku mahadiyo in looga baahan yahey ayuu sheegay Sheekhu, maxaa yeelay buu yiri waxa ay qeyb ka yihiin imtixaanaadka uu la kulmayo inta uu aduunka joogo.

Fitanka Dadka Muslimiinta ka dhex bilowdey ayuu sheegay Sheekhi in ay ka soo bilowdeen xilligii Cumar Binu Khadab Alle haka raali noqdee markii la diley, wuxuuna sheegay in xilligaas ka hor ay aheyd fitanku mid xiran basle wixii ka danbeeyay ay noqotey Al-baab la jabiyey oo aan daba qabasho laheyn.

Fitanka kuwooda ugu xun ayuuna Sheekhu ku timaamey Midda Dadka Musliminta dhexdooda ka dilaacda gaar ahaan marka ay hubka isu qaataan, arintaas oo keeni kartaa ciddii la kulanta ee Ilaahey aanu ka badbaadin; Aduun iyo Aakhribo in uu halaagsamo oo ciqaabta Alle ku muteysto.

Fitanka ayuu Sheekhu u kala qaadey, mid si gaar ah Qofka ugu dhacda oo u haleesha iyo mid si guud Umadda ugu wada dhacda, tan Guud ayuuna sheegay in ay ka khatarsan tahey tan gaarka ah, marka loo fiiriyo dhibaatada baahsan ee ay xambaarsantahey ee Ummada Muslimiinta oo dhan ee isku deegaanka ah ka soo wada gaareysa, halka tan Gaarka ah Qof ama cid gooni ah ku keli tahey.

Asbaabta fitanka keenta ayuu sidoo kale Sheekhu maxaadarada uga haley, wuxuuna sheegay in Shirkiga, Bidacda iyo Macaasidu ugu waa weyn yihiin, asbaabta fitantu ka dhalato, kuwaas oo sidoo kale uu sii kala qaadey, wuxuuna sheegay in Bidacdu ugu daran tahey wax yaabaha ay fitantu ka dhalato, wuxuuna ku sababeeyay in Qofka Bidcada xaambaarsan uu u aaminsan yahey diin ahaan, arintaas oo keeni karta in uu naftiisa lumiyo dad kale oo badan oo caamo ahna uu daaqada kala baxo oo uu lumiyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay Sheekh Axmed Imam in ay jiraan dunuub soo dedejin karta in fitanku ka dhex dhalato Ummada Muslimiinta, kuwaas oo ay ka mid yihiin iyada oo Miisaanka(beega) Raashinka la khafiifiyo, Zinada oo faafta, Dadka Muslimiinta oo dagaalo dhex maraan, Liwaadka, wanaaga oo is faridiisa laga tago, reebidda Xumaanta oo laga jeesto, is khilaafka oo bata, dadka oo xiriirka isu jara, Raga iyo Dumarka oo is dhex gala, kuwaas oo dhamaantood ay ka dhalan karaan in Ummadaasi halaagsanto, Ilaaheyna aanu u naxariisan iyo quwadoodii iyo xoogoogii ay waayaan.

Wax yaabaha kale ee fitanta keena ayuu ku sheegay Sheekhu in ay ka mid tahey iyada oo dad gaar ah masiirka dhan ee ummada boobaan iyaga oo aan kala tashan ciddii kale ee taladu kala dhaxeysay.

Qeybii labaad ee Nadwada oo uu qaatey Sh Maxamud Macalin Nuur ayuu ugu horeyn dadkii ka soo qeyb galey u jeediyay naseexo guud isaga oo sidoo kale ku baraarujiyey in wixii looga Hadley muxaadaradii hore qof walba uu naftiisa tajrubo ahaan ku dhaqmo dadka kalena uu sii gaarsiiyo.

Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale muxaadaradiisa uga Hadley khatarta fitanta iyo sida looga bad baadi karo oo ah in dadku Diinta bartaan ka dibna sida ay tahey ugu dhaqmaan, wuxuu kaloo ka Hadley qeybaha kala duwan ee fitantu leedahey, sida in qofku diinta iyo aduunydaba uu ka fintoobo, caqiidadii in fitan ka gasho oo wax aan diin aheyn uu diin ka dhigto,iyo dhib iyo dheef midkuu la kulmaba in uu ku galo fitan badan.

Dhanka diinta in qofku ka fintoobo ayuu sheegay Sheekhu in ay tahey tan ugu daran, sidoo kale in Dadka Muslimiinta aad wax ku maleyso aan diin heyd iyo in aadk u jees jeesto oo aanad tixgelin.

Intaas ka dib sheyba Maxamuud “Abu Sheyba” oo naxwada xiriiriye ka ahaa waxa uu guda galey in Su’aalo dhowr ah oo Dadku soo weydiiyeen Culimada uu u gudbiyo, kuwaas oo ka tarjumayey xaalada hadda taagan oo sidoo kale nadwacii caawa iyo kuwii ka horeeyeyba looga hadlayey.

Waxaana Su’aalihii caawa ka jawaabidooda ka qeyb qaatey Sh, Dr. Bashiir Axmed Salaad oo sidoo kale qeyb ka ahaa culimadii ka qeyb qaadatey nadwadii caawada.

Su’aal aheyd, halkee jihaadka ku eekeyneynaa oo inoo xuduud ah oo Sh bashiir la weydiiyey ayuu uga jawaabey, in ilaahey markii uu jihaadka ummadan ku waajibinayey uu sidoo kale ujeedooyin u dejiyay basle aanu isaga tagin, sidaa daraadeed looga baahan yahey ummadu in ujeedooyinkaas ay raacaan walibana iyaga oo ka tusaale qaadanaya qaabkii uu nabi Muxamed NNKH ugu talaabsan jirey, basle ayna aheyn in hal mar wax walba lagu dhaqaaqo ee ay tahey iyada oo dadka u cilmiga leh la kaashanayo laga tashado wixii la yeeli lahaa iyo halka lagu eekaanayo.

Sidoo kale Sheekha waxaa la weydiiyay, in Amiirka ciidanka fataawooyinka diinta laga qaadan karo iyo in kale, wuxuuna sheegay sheekh Bashiir in culimada diinta ku xeel dheer loo baahan yahey wixii fataawo ah looga danbeeyo basle aan wax la isku khadin si ayna uga dhalan dhibaato tii taaley ka sii baaxad weyn.

Sh Axmed Imam, oo la weydiiyay sidoo kale in amar uu bixiyey amiirka ciidanku lagu dili karo qof ayuu sheegay in aan arintaas lagu raaci Karin, wuxuuna sabab uga dhigey in qadigii, kii wax eedeynayay iyo kii la dacweynayay oo dhan aanu isku noqon Karin, basle looga baahan yahey cadeymo cad cad oo xaqiijinaya danbiga uu ku heysto qofka uu dilkiisa amrayo.

Budhcad badeeda arintooda in diinta qiil looga raadiyo ayuu sheekho sidoo kale aad uga Hadley, wuxuuna sheegay in ay yihiin budhcad xal ka gaaridooda iyo qaabka looga hortgayo ay tahey mid u baahan in si xikmadeysan loo wajaho, si aan arimo ka khatar badan meesha ayna u imaan. Wuxuuna ka digey sheekhu iyada oo budhcad badeeda loo qiil raadinayo in la dhigto jid gooyo dhibaato badani ka imaan karto.

Waxa kale oo ka mid ah su’aalihii la weydiiyay, dilka dadka laga shakiyo, sida in ay qeyb ka yihiin DKMG ah iyo la shaqeynta ciidamada Gumeysiga Itoobiya, waxa ayna sheegeen in qof muslim ah aan marnaba shaki iyo wax la mid ah aan loo dili Karin iyada oo aan cadeymo iyo wax sugan loo heyn, waxa ay sidoo kale sheegeen in diinta islaamku ay tahey mid naseexo ah loona baahan yahey in dadka dhanka diinta mar walba loo soo dhaweeyo ee aan laga sii fogeyn, sheydaanka iyo naartana aan loo dhaweyn ee dhanka janada iyo naxariista alle gaarideeda loogu kaalmeeyo.

Guud ahaan nadwadii caawa ayaa si heer sare ah ku soo gabo gabowdey, waxa ayna dadkii aan ka soo qeyb geli Karin ka dhageysanayeen idaacadaha maxaliga ah oo si toos ah looga gudbinayey.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

36 Comment(s)

  1. mashallah

    Haddaan imid | Nov 24, 2008 | Reply

  2. Masha-allah.

    Waxaad moodaa in Culimadeenii (al-ictisaam) Ay kasoo dhalaaleen howshii ay umadda uhayeen, Haatana la inooga wada baahan-yahay inaan culimadeena ku raacno xaqa ay inoo sheegayaan, una naseexayno mar walba iyo goor walba …..

    Ilaahay waxan idiin waydiinayaa inuu acmaashiina ikhlaas ku dheeho, cilmigiinana ku anfaco muslimintaas jahligu haligay..

    Aamiin !!!

    ABSAMAAWI | Nov 24, 2008 | Reply

  3. ninka lamagac baxay hadaan imid hadaladaada mar bada baan aqriyey waxaa ku dhihi lahaa hadaladaad dib u akhri qoraalka aad hada soo qortay kama hadalayo
    mar waxaad u hadashaa dabadhilifyada taageeradooda oo kale marna nin diin doonaya adiga ayaa is buriyana ogoow

    abuu khaalid | Nov 24, 2008 | Reply

  4. ??? ???? ?????? ????????

    ????? ????? ???? ???
    ??????? ????? ???
    ????????? ??? ????????

    Abu hamzaa | Nov 24, 2008 | Reply

  5. ALAAHU AKBAR,, Macaan jecel meel walba ooy joogaan waa sidaas,,

    shalay waxaa lagu dhuudhuumanaayay boosaaso iyo hargeeysa iyo burco,, hada la rabaa in cimaamado lasoo qaato oo la iska dhigo rag xininyo leh,, xabashida lama hor istaagi karo laakin mujaaahidiinta waa lagu soo ordi yaaqaanaaa,,,

    fidno fidno fidno lasoo orda waxaa ka wadaan waala yaaqaan fidna adinkaa ku dhacay,,, ALLAAH umad ha idinka qabto,, marba waji horleh umada kasoo gala, war maanta maxaa suuqle,,

    1 jihaad maanta ma jiro

    2 waa in la jidaadaaa

    3 heshiiska jabuuti waan soo dhaweeyneeynaaa

    4 madaladi ayaan nahay waa in naloo hogaansamaa

    5 fidnada waa in laga digtoonadaaa

    6 ?????????????????????

    fidno waxaa ah in la cararo oo gaalada diinta iyo umad kuso duushay oo waligeed so jireenka aheeyd in aan laga difiican,, kuli kuwa hada wada dhaqdhaqaaqaan waa rag da yar way dagaalami karaan,, maxey melaha u wareegaayeen,,

    waxay soo wadaan ayay ogyihiin waxa ay hada fidno fidno ugu furfuranaayaan,,,,

    kuwaan in umada laga qabto ayay ku fiican shartooda,, koloba goboladaas kor kor ayaa laga soo abaabulay, ama ha ogaadaan ama yay ogaan waxey u adeegaayaan danta cadawga . ALAAHA idinka qabto umada,,

    YAABANE | Nov 24, 2008 | Reply

  6. midka isku sheegaya yaabane adigaan kaasii yaabanahay anaguna culumada afkaaga uraya kaleexi dacwadaan ragii aasaaska u ahaa wixii udan ah ayagaa naga yaqaana waa inaan uga danbaynaa haddii kale wiil yar oo hadba meel noola cararaya dan iyo mustaqbal midna nooma hayee hana wareerinina culumadana kalaga danbeeyo.

    fitnada soosocota ayey ogyihiin culumadu in laga hor tagana waa waajib kuwa dadka iska xukumaya oo qofkii aan taageersanaynba xukumaya ayaa qaarna lawacdinayaa qaarna laga soo reebayaa inta yar oo hartayna waxba maqaban doonaan.

    shiikha | Nov 24, 2008 | Reply

  7. salaamun caleykum waraxma.

    Walaalayaal horta aan allaah ka cabsano,ogaadana waxaan qorayno buugeena ayay inoo geleyaan waana layna weydiin dooonaa.
    Culimadu waxay dhaxashay anbiyada,waxayna ka dhaxleen cilmi, in looga danbeeyo oo laga qaato ayaa waajib nagu ah,qofkii culimada diidaa waa nin xaqdiid ah oo jahli raba in uu ku socdo.
    Haddii culimadu ku ijtihaadaan arin diinta ka mid ah oo ay asiibaan laba ajar ayay leeyihiin,haddii ay gefaana hal ajar ayay leeyihiin,taas ayaana cadaynaysa meesha iyo qiimaha ay ku fadhiyaan ee hala ixtiraamo.
    Walaalayaal waxaa Allah mahadii ah in aan ka guulaysaney cadowgii itoobiya iyo cawaankiisiiba, Allaah ayaana kumahadsan ka dibna mujaahidinta soomaaliyeed ee geesiyada ah,waana wax taariikhda galay oo aan la hilmaamidoonin inshaa alaah.
    Walaalayaal cadowga tabihiisu waa badanyihiin,waxaadna ogaataan markii lagu fashilmay dagaalkii,hadda waxay raadinayaan in ay iska horkeenaan,mujaahidiinta dhexdooda,iyo weliba shacabkii soomaaliyeed ee aan u dagaalamayney iyadoo laynoo tusayo in aynu nabadaba u diidanahay(cajiib???).
    Haddaba haddi culimadu ka hadlaan sidii fidnadaa looga badbaadi lahaa maxaan ku diideynaa ama ku mucaaradaynaa?
    Allaah waxaan weydiisaneynaa in Xaqqa nagu sugo,naguna mudeeyo kitaabkiisa iyo sunnaha nebiga scw sidii weliba saxaabadii u fahmeen .
    salaamuncaleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

    darwiish | Nov 24, 2008 | Reply

  8. culimada waa ku mahdsanyihiin dadaalka ay wadaan iyo sida ay ugu cadeenayan umada dhibka jira iyo sidi loga bixi lahaa.

    waana arin waajib ku ah in ay umada ushegaan wax ay diinta ka qabto waxa wadanka kasocda iyo sidi xal looga gari lahaa , waxaa u muuqda khatar soo socota oo aysan dadka intiisa badna arkeyn ma aha ineey climi geybka ogyihiin lakiin tariikhdu waa qorantahay .

    in nimankaan qoriga la boodaya dadka looga digo waa ku saxsanyihiin shalay ayaa lagu dagmay ganacsadayashi ayaa ku dagmay ee maalgaliyay maantana iyageey kusoo jeesteen waa kuwaa leynaya wax ay dhafayan lama arko aqoonyahan iyo ganacsade barina waxaa arki doontaan iyagoo culimada xabad u qora oo leh waa galoobeen marka culimadan khatartas ayaa u muuqata .

    samatar | Nov 25, 2008 | Reply

  9. Asc, wr, wb.

    Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “sagaaro saalo aan qarsoomayn bay aastaa” Culimadani wax ilmaha yar ee sabiga ahi arki karo ayay wadaan. Waa hoosaasin iyo gaaladan wadanka burburisay ee shacabkeenii inna baro-kicisay, in laysay, hablaheenii sharafta lahaana kufsaday inay raali galiyaan.

    Culimadan Allaha soo hanuuniyee waxaa ka dhex dhawaaqaya Jendia Frayser iyo Sheekh Shariif. Waxaan Soomaaliyeey idin leeyahay Sheekhu marka uu xaqa ku taaganyahay ayaa la raacayaa, markase uu ka leexdo waa la khilaafayaa.

    Axmaaradu inta ayna wadanka soo gali ayuu Sheekh Shariif iyo qaar ka mid ah culimadan hadda fidyoonaysaayi cilaamiyeen Jihaad, shacabkuna waa ajiibay oo jihaadkay galeen, markaan yaraha liicnay ee wadankii iyo dadkiiba laga qabsaday ee jihaadku sii xaqoobayna waxay dheheen jihaadka hala joojiyo oo Tigreegu aan isu dhiibno. Subxaanallaahi.

    Run-Sheeg | Nov 25, 2008 | Reply

  10. Asalaamu acalaykum

    culimada wanaag alaha uga abaal mariyo khayrka ay wadaan iyo sida ay dadka ugu bayaaninayaan dariiqa saxda ah waana ballantii uu allah la galay rususha, in umadda loo cadeeyo xaqa oo aan cidna looga haybaysan,(la tubayinunnahu linnaasi walaa taktumuunahu)culimaduna ambiyadii alle ayay dhaxleen(alculamaa’u warathatul ambiyaa)rasuul allaah soo diro waxaa ugu dambeeyey nebi Muxammed (Sallaallaahu calayhi wasallam) isagana ilaah ayaa oofsaday, laga bilaabo markii rasuulkii alle oofsaday hawshii ahayd in bashariyada dariiqa alle lagu hanuuniyo baadidana looga digo waxaa la wareegay culimada, allaahna tabaaraka watacaalaa arinka culimada waa weyneeyey sha’nigoodana kor ayuu u qaaday, umadda inta kalena allaah wuxuu ku waajibiyey inay adeecaan oo u hogaansamaan(wa adiicullaaha wa adiicu rasuula wa ulul amri minkum) ulul amriga allaah na amray inaan adeecno oo waxay kitaabka allaah iyo sunnada rasuulka SCW nooga sheegaan aan raacno waa culimada, qofkii culimada garab marana wadadii baadida ayuu cagta saaray, tilmaanta ugu horeysa ee dadka baadiyoobay lagu garto waa inay culimada garab maraan, maxaa yeelay yaa dariiqii alle ku duwaya hadii uu khilaafo dadkii dariqa alle ugu aqoonta badnaa umadda?! waa cidna!!!, wax ka sheegga culimada waa lagu dulloobaa aduuun iyo iyo aakhiroba, Imaamka la yiraahdo IBNU CASAAKIR kitabkiisa la yiraahdo TAARIIKHU DIMISHIQ wuxuu ku sheegayaa hadal digniin ugu filan dadka culimada ku xad gudbaya oo duraya qadarkoodana nuqsaaminaya, wuxuu yiri imaanku hadal macnihiisu yahay(QOFKII CULIMADA DURA ALLA SUBXAANAHU WATACAALAA WUXUU KU IBTILEEYAA LABA ARIMOOD INTUUSAN DHMAN KA HOR 1- MAWTUL QALBI(QALBIGA OO DHINTA) 2-SUU’UL KHAATUMA(KHAATUMO XUN INUU KU DHINTO) waxaana si tajruba ah loo arkay loona taabtay dad badan oo culimada hilibkooda banaystay oo sidaasu ay ku dhacday, waliba waxaa ka mid ahaa kuwo markoodii hore culimo ahaa oo ducaad ahaa oo kutubta laga akhrisan jiray, kuwaasoo markii laga reebi waayey culimada khaatumo xumo kuwada dhintay(ciyaadan billaahi tacaalaa). culimada ilaahay waa darajeeyey umadana waxay ku leeyihiin xaq aad u wayn, imisa ayaa alle sababtooda baadidii uga soo celiyey, imisa ayay mid kurbaysan oo jiha uu u dhaqaaqo garan la’ jidka alle ku duween iminsaay mid mugdi ku jiray iftiin u bixiyeen, imisa imisa…………

    walalayaal qofkii badbaada adduun iyo mid aakhiro doonayow culimada ku dayo kana ag dhawow kuna xirnow.

    ama mcaalim noqo ama mid ka ag dhaw noqo ama mid jecel oo difaaca noqo. mid afraad ha noqon.

    muxsin | Nov 25, 2008 | Reply

  11. As Wr Wb
    walaalayaal waa la is gaadi rabaa fidno-fidno iyo waxaas wax jira ma aha, mujaahidiinta aa la rabaa in madaxda iyo ciidanka la iska horkeeno oo amar-diiddo timaado, oo dhalinyarada ay madaxda ka amar qaadan waayaan oo hadhoow ay dhahaan marka murtadiinta kuwooda meelaha hoose ka taliya soo dila waa fidno ee hala iska daayo, walaalayaal waxaas halaga fiirsado fidno waxkasta hadii la dhoho waxaa imaanee “amxaarada xataa armey muslin yihiin qaar oo lagu fidnoobaa dilkooda” marka inti waxaas iyo waxkale imaan lahaayeen nimankaan marba meel u boodaa hala iska jiro warkooda, haddey run sheegaayaan sufuufta hasoo galaan saacaan nadwo ma soconeyso ee u taga mujaahidiinta ee waaniya wixi ka qaldan kasaxa ee shacabka sixidooda ha isku mashquulinina.
    wabillaahi towfiiq

    Ow Maye | Nov 25, 2008 | Reply

  12. asc salaantaa kadib waxaan aad iyo aad ulayaabanahay labada wiil ee isku magacaabay muxsin iyo abuu xamsa rutii waxay ila tahay in wax badan kakhaldanyihiin wiilashaas maxaa yeelay culimadu kuma hadlin waxdhibbaato keenaya ee diinta ilaahay bay iftiiniyee waxa ay kujiraana waajihaad oo ay ugu hiilinayaan ilaahay iyo kitaabkiisa muslimiintana kusaxayaan wixii kakhaldan arimahooda aduun iyo aakhiraba culimaduna ma oran jihaad majiro eewaxay yiraahdeen hala isa saxo arintaasina waa wanaagsantahay marka waxaan oranla haa culimada kadaaya afkiina ooilaahay uga cabsada mida kale hadii idinku aad jihaad kujirtaan maanta iyagu hortiin bay kujireen walina waa kujiraan marka sidaana ogaada oo yaan quruur idinku dhicin oo uusan burin camalkiinu hana umalaynin in aan udifaacayo in aanu nahay isku xisbi ama waxkale oomasaalix ah manaba garanayo culimadaa ilaahay haxafidee

    ibraahim | Nov 25, 2008 | Reply

  13. Ascc
    Yaabane ILaahay Haku Soo Hanuuniyo
    Walaal Kolay Walaalkay oo Xamaasadeysan Baatahaye dacawadana Qolada Qoriga kuraacay ayaa tahay Walaal waxaan Kuu Sheegayaa mujaahidiinta Raga Soosaaray Weeye Waxaan Kuu Sheegayaa Markasta oo Aya Rag soo saaraanba Mid adiga oo Kala ah Ayaa Sida Xaydha weynta Daba kugura Isaga oon Latashan culimada Dacawada wada Iskadaa Inuu usheegee uu u Caayaa Sidaadokale Walaal Waxbadan ayaan Soo Arkay Raga Culimada Aflagaadeeya Khaatumo Xumo ayey Ku Danbeeyaan ilaahay hakuu sahlo
    umada muslimka ah waxaan Usheegayaa Culimadu Jihaadka Madiidana Marwalba Fataawe Ay Kutaageyrayso jihaadka ayey Soosaaraan Waxaad Ogaataa Haday kukalajabi lahaayeen oo aanay Fataawe Midaysan soosaareen Jihaadku Muu Socdayn walaalayaa waa inaynu Fahanaa Culimadu Waxay hada usocodaan maxaytahay ?
    Waxaytahay
    1-In mujaahidiinta lamideeyo
    2-in Laga hortago iskudhufasho Mujaahidiinta Laysku dhufto Sidu wado Shariif
    3-In Dadka Muslimka ah ee layska leynayo Lajoojoyo Tusaale ahaan
    a-Sida qoyskii Lagu ee deyey Lacag ayey Xadeen Ee Qota Loogaliyey Bacaha iwm
    4-in ragu aanay noqon Mooryaan Ee Aynoqdaan Rag EHELI DIIN AH
    hadalkayga Waxaan Kusookoobayaa Culimadu Raga Waysaxayaan Jihaadkuna Xabada oo Larido oo kaliaya Maaha

    shaafici ahmed jama | Nov 25, 2008 | Reply

  14. waa barya wax baa la arkaa , allha ku xifdiyo raga ka midka yihin Darwish, muxsin cilmigiinana allaha idin barkeeyo, waayo waa muujiseen wixi allah idin baray kuwan kale ka midka yihin YAABANE & ragiisa DHAQAN MOORYAAN ba laga dareemaya fidnadana allaha ku koobo iyaga u ducayn maynee,

    Masaajidka lagu qabto Nadwada culimada e abu hurayra waxaa ka istaagay o ka hadlay rag dhahaya anaga & culimada malaha isku tawxiid ma nihin subxaanallah walaahi waa yaab wuxu daba dhigay raga iska mushaaxaya hoteelada iyo diyaaraadka o cidina la hadlin gaalada iska dhexsocda ma nihin isku tawxiid subxaana llah halkaas bay arini maraysaa allah baana ka magan galnay shartooda, nin baa salaadi xigtay ka istaagay dhahayna ragan wa rag is xilqaamay waajibaadkodana gudanaya wax fund ahna laguma siin ninki nin sxbkiis hotel ka bixiya maqayada geeya ama maalba ilaahay siiyay ragu waa nocaas maaha NGO bahashu cid u idmatayna ma jirtee umadaan bay uga faaidenayaan cilmigooda . maantana shirkad xawaalad ba lo galay lagana qatay lacag cadadkeeda aan la qiyaasikarin rag ku hubaysan bastoolado cimaamadana wejiga kuso duubtay, mesha ay ka dhacdayna waa bartamaha bakaaraha,!! Idaacad ama Websate qorayna malahan waa yaab marka wax badan baa isku yaacsan mooryaanti baa dhexgashay mujaahidiinta moryaana wuxu fuliyaa waa dan qabiil & dhaqaale fidnoo dhan alle ayaan ka magan galnay shartoodana allaha na dhaafiyo kuwa culimada afka ku haya

    LOOMA DHAMA | Nov 25, 2008 | Reply

  15. Assalamu Calaykum Warraxmatullaah

    Salaan ka dib nimanka culimadana caayaya jihaadkana sheeganayaa maxay yihiin?

    Nabiga SCW sidaasoo kalay u caayi lahaayen sida muuqata, sababtoo ah ambiyada dhaxalkoodu waa culimada, ninka iyaga caayana waa nin horay ugu dhacay fidnadii laga digayey.

    War jihaad aan culimo lahayni muxuu yahay?
    Waxaa idinka muuqata inaad juhaal tihiin, aydinnaan diin u dagaallamayn ee casabiyad iyo qabaliyo idin hayso, dhiigga dadka abriyada ahna aad u oomman tihiin. Ogaada inaad horay u fidnowdeen, oo qaatil iyo mufsid miiran tihiin una baahan tihiin inaad dib isugu noqtaan.

    Maxaan loo khilafayn ninkii ku yiraahda qof muslinnimo u horraysay inuu gaaloobay oo ah shay caarid ah oo dib ka yimi, ama riddoobay, oo loo baahan yahay in loo helo burhaan cad oo aan ilaahay hortii shaki lahayn oo marka aad hor tagtid Allaah xujo kuu noqon karta adoon haysan, inaad kaliya amiir baa i amray ku dishid haddaad u aragtid daacada amiirka inay ku jirto waxaad ka dhacsan tahay maqaasidda shariicadan, wixii lagu faray oo dhan baadan aqoon, meel aad u socotidna ma taqaannid salkaaguna waa fidno iyo habow iyo inaad iqtiraaftid dhiig xaaraan kaa ah.

    War ma amiirkaa kugu leh daaco aad Allaah ku caasiyaysid? LAA DAACATA LIMAKHLUUQIN FII MACSIYATIL-KHAALIQ. Amiirku isagu ha dilo, Allaahna ha uga jawaabo aakhiro wuxuu ku dilay.

    Midna ogaada: QOF MUCAYYIN AH OO RIDDO LAGU XUKUMO waa wax wayn, u baahan in si aan caaddifadi ku jirin AHLUL-XALLI WAL-CAQDI ay xukumaan, waana arrin u baahan ijtihaad shakhsi ah cid kastaana xaq uma leh ijtihaad, in xujadii ku qumtay mucayyankaas oo uusan cudurdaar lahayn, oo aan mawaanicdii oo dhammi u shaqaynayn, waa arrin sheekh culus oo aan loo baahnayn in si sahlan BISMIL-JIHAAD lagu qaato. Acuudu billaah, war dadku xaggee u socdaan.

    Ninkii yiraahda jihaad ma jiro waa murtad. Waxaa isna kharriban ninkii wax kasta u yaqaan jihaad. Jihaadku maaha qabyaalad, ninkii ku taageera in reerkooda ama qabiilkooda dhib gaarayna heli maayo ajarka jihaadka, hadduu ku dhintana huwa FINNAAR, CIYAADAN BILLAAH.

    Shiikh waxaa kaloo mamnuuc ah in nin jaahil ah uu fadwoodo, ama qof baa khaldan ama saxan uu go’aamiyo. YAQUULUUNA HAATHAA CINDII QAYRU JAA’ISIN, FAMAN ANTUM XATAA YAKUUNA LAKUM CINDU?

    Ninkii diinta ilaahay kaga sheekeeya caadifad isagoon cilmi lahayn wuxuu garab maray dariiqii rasuulka SCW. (Adcuu ila-llaahi calaa basiiratin ana wamani-ttabacanii) (Walaa taquuluu limaa tasifu alsinatukumul-kathiba haathaa xalaalun wahaathaa xaraamun litaftaruu calallaahil-kathiba inna-llathiina yaftaruuna calallaahil-kathiba laa yuflixuun)

    Shiikh haddaad caamo tahay kuuma bannaana inaad jihaad hoggamisid, inaad amiir noqotid, inaad umad masiirkeed ka talisid, inaad inaad…… wahalumma jar. Haddiise aad marooqsatid oo ku dhaqaaqdid aakhiro diyaarso meeshaad ka gali lahayd Allaah cadaabtiisa. Allah sida aayaddaas kore ku sheegay liibaani maysid, nimaan liibaaninna janno waa is daayeen nimay janno is daayeenna naar baa leh…

    Wassalaamu calaykum warraxmatullah

    xandal | Nov 25, 2008 | Reply

  16. culimadaan waxay dagaal hoose kula jiraan alshabaab iyo dhamaan mujaahidiinta marka warkooda qabasho malahan waayo maxay uga hadli waayeen raga janday frezer lasocda ama meles zinaawi meel lafariisanaya ama maxay uga hadli waayeen dabadhilifnimada iyo in wadan dad muslim ah laga barakiciyo fitno iyo dil daba dhilif maxaa intaasoo nin intey isugu imaadeen uga hadlayaa soo wadanka fitno kale kama jirto war iska ilaaliya dadkan qabiilka ka guuxayo

    wadaad | Nov 25, 2008 | Reply

  17. Ow maye & yaabane.

    Dadka fikradahooda meesha ku soo qoraya waxaa la idin moodaa inaad ka garaad hooseysaan waayo Mowduuca meesha ku qoran adinkoo akhrin baad meel idiin cadeyd oo aad ku koongareysneydeen afka ku taagteen xaaji rageedna maaha in waxaadan fahmin aad ka hadasho.
    mida kale Nadwada culimada waa arin ay ka hadleen waqtigeedii oo taagan waayo mujaahidiinta oo dagaal culus soo galay mid ka sii daranna uu sugayo oo kii hore xabashi iyo dabadhilif iyo xoogaa gaalo madow ah ayuu ahaaye mid ka hada nairobi lagu maleegayo ee lagu dhisayo ciidamada afrikada bari cida loogu talo galay waa wiilasha mujaahidiinta ee somalia wacdaraha ka dhigay ee gaalo dhan ay ka yaabtay marka dagaalku haduu kow yahay waxaana jirta oo culimada ka hadlinaya waa fitnada inay dadka gaar ahaan mujaahidiinta uga digaan ileen hada waanu ognahay oo mujaahidiinta laftigoodii baa mararka qaar khatar isugu jira waxaana ognahay iyagoo isku dhan wax u wada inay hadana mararka qaar iska hor yimaadaan waxaana u danbeysay arinta awdhiigle marka culimada raga afka ku taaga waa la yaqaan waa ninaan cilmi waxba uga bilownayn iyo ashahaado la dirir raga ku dhex dhuumaaleysanaya .

    Warfaa | Nov 25, 2008 | Reply

  18. Asslaamu Calaykum Warraxmatullaah.

    Ninka magaca wadaad soo qortay, isla markaasna wadaaddada laga celin la’ yahay muxuu yahay?

    Sida la yiri waa la inaku dhex jiraa, waa mid doonaya in alshabaab iyo isku dhacaan ictisaam oo fitno wade ah. Haddaad u kulushahay inaad uu qof caydo, bal afkaaga ka ilaali kuwa lagu fitnoobo caydooda oo ah culimada. Al shabaab iyo Ictisam dhamman waa ahlu diinkii, hadday is khilaafaanna khilaafkoodu waa khilaaf saa’iq ah oo haysta addillo, khilaf kastaana citibaar ma leh, ee waxaa citibaar leh kii addillo iyo baraahin ku dul dhisan.

    Fadlan joojiya isku dirka mujaahidiinta, ogaadana Ictisaam waa aabbihii dhalay dacwada salafiyada ee somaliya, fadliga culimada wax idin soo bartay inaad tuurtaan oo qadaf ugu abaal guddaanna waa caddaalad darro. Jihaadka kii ugu adkaa oo ahaa (Kalimatu-xaqi calaa imaamin jaa’ir) raggii mox’ed siyad kula dagaallamay iyagay ahaayeen. Waana kuwa aad sababtooda ku sheeganaysaan mujaahidiin.

    Waxaad kaloo ogaataan Alshabaab maaha malaa’ig, Asaxaabtii rasuulka ayaa khalad wayn iyo mid yar intaba ku dhacaysay, qofna sidiisaba hadduu hawl qabto wuxuu u bandhigan yahay khalad, in la soxo hadduu diidana diin ma leh, ama tacajub iyo quruur nafsi ah baa ka buuxa iyo kibir. Ilaahayna isagoo kuwaa ceebaynaya wuxuu yiri”Wa ithaa qiila lahu-ttaqi-llaaha akhathathul cizatu bil-ithmi faxasbuhu jahannamu wala bi’sal-mihaad) Markii lagu dhoho Allaah ka cabso waxaa dambiga ku sii qabta oo u sababa inuu joogsan waayo waa cizada kibirka, isla waynida, isla qummanaanta, kaas waxaa ku filan naar, meel loo noqdona iyadaa u baas leh. Wuxuu kaloo Alle xaddiisul-qudsi ku yiri :(Alkibru ridaa’ii, Wal-fakhru izaarii, faman naazacanii waaxiddan minhumaa caththabtuhu.) Kibirku waa hugaygii sare, faankuna waa hoos guntigaygii, ninkii igula dooda mid ka mid ahna waan cathaabayaa. Ciyaathan billaah.

    Billaahi calaykum muujiya dulqaad, sabir, taddayun, iyo isu uruurin, joojiya kala dirka, isku dirka, iyo kala gaynta kalmadda.

    Ninka fraizar la socda, ama dabadhilifka ah, ama gaalada u shaqaynayaa, waa nin lunsan, balse yaa ku khasbay inay culimadu intaa uun ka sheekeeyaan? Ma sida aad adigu rabtid in loo hadlo uun baa toosnaan ah? Maadigaa u yeerinaya niman culimo ah oo diintu tahay xirfaddooda siday u qaabili lahaayeen gudashada xilkooda ama dacwada iyo xigmadeheeda? mise iyagaa garanay?

    Billaahi calaykum xishooda oo wax iskula hara, oo nin waloow xumaantaadu ha kugu fillaato inaad isku mashquushaana ha kaa mashquuliso raacraacidda umadda iyo khaladaadkeeda.

    Wassalaamu calaykum

    xandal | Nov 25, 2008 | Reply

  19. A/C WR WB

    waa salaaman yihiin dhammaan walaalaha soo booqday boggaan,,

    Dhalin yarada waxaa ugu cilmi yar nin dacwadu ku soo galay JIHAADKA jidka alle , isagoo aan soo marin kutubta aasaasiga ah

    cayda iyo wax ka sheegu ma aha sida saxda ah ee qofka loo naqdiyo , markaad fikirkaaga dhiibanaysid waxaa habboon inaadan ku xad gudbin cidda aad ka hadlaysid , waxaadna ogaataan in QORAALKIINA AY MALAA’IGTU QORAYSO aakhirana wax la idinka waydiinayo , sidaas daraadeed qoraalkaagu waa inuu ahaado mid ummada wax u faa’iidaynaya adiguna aad ajar ka helayso

    HILIBKA CULUMADU WAA SUAMYSAN YAHAY , QOFKII HILIB SUMAYSAN CUNNA QALBIGIISA AYUU KA DAREEMI DOONAA

    Rasuulku (s.c.w) wuxuu yiri habeenkii la i dheelmiyey waxaan arkay dad cijiyo dhaadheer oo wajigaada hilibkii saarnaa soo goosanaya ka dibna cunaya , Malakul-JIBRIIL ayaan waydiiyey wuxuuna ii sheegay .. WAA KUWII WAX XAMAN JIRAY ”

    sida uu rasuulkeeni yiri
    XANTU WAA: inaad walaalkaa ka sheegtid wuxuusan raali ka ahayn ,

    Abu-Salma | Nov 25, 2008 | Reply

  20. Culimadu waa ku saxan yihiin inay khaladka dadka uga digaan hadii khalad laga digo oo la dhaho fitno hala iska ilaaliyo oo jihadka sida uu noo baray nabi muxamed scw aanu u galno ma cid gaar ah baa loo dan leeyahay cidii ka hor timaada jihadka sida uu suubanaheena noo baray u joojin mayno intaas hadeey culumadu dhahdo waa ila saxan yihiin.

    alshabaab waa dhalin yaro masjidka abuu hureyra xalay ayagaa buuxiyay dadka ayaga magacooda iska dhigayana waa niman jawaasiis ah oo isleh isku dir ka shaqeeya laakiin alxamdu lillaah dadka muslimka ah labo goor meel lagama qaniino.

    Warfaa | Nov 25, 2008 | Reply

  21. KALIYA WAXAAN DHIHI LAHA CULIMADEENA SHARAFTA BADAN ALLE HA KA ABALMARIYO WANAGA AY UMADA U HAYAAN RUNTI WAAKUWA UMADA MANTA RABTA IN SHAREECADA LAGU DHAQO GARSIIYAY BISEYLKAAS WA KUWA SOO SAARAY WIILASHA MAANTA KU EEDEENAYA INEY JIHAADKA BAABI INAYAAN WAXAN IDIIN XUSUUSINAYA AQWAASHII SALAFKA AY CULIMA KA YIRAAHDEEN WAXANA KA MIDA (HILIBKA CULIMADA WAA MID SUMAYSAN ) O MACNAHEEDU YAHAY QOFKI U BAREERA IN CULIMADA UU WAX KA SHEEGO IN U ALLE FITNEENAYO JIHAD AAN CULIMO LOOGA AMAR QAADANA FASHIL AYUU KU DANBEEYN DOONAA.

    ABUL YAMAN | Nov 25, 2008 | Reply

  22. axsanta,warfaa,dadkan badidiisu sida aad u shegtay,iyagoon mawduuca si fiican u akhrisan ayaa nin walba meeshii buktay ay balbashay,markaasuu la foofay.

    culimadu waa indhihii umadda,nadwadanna wakhtigii saxda aahayd ayay ku soo beegan tay,waa wakhti rag qiyaado ahaa, aay maanta gaalo gogol kula fadhiyaan, waa wakhti rag durbaankii qabiilka dib loo soo noolaynayo, waa wakhti gaalo xoog isu soo bahaysanayso iyagoo doonaya inay demiyaan nuurka iyo khayrka ka bidhaamay dhulkeenii,waa wakhti kala miiraan ah,waa wakhti la doonayo in mujaahidiintaa la isku dhufto,ka dib markii cadowgi jabay,ayna waayeen awood kale.

    waxaa iga dardaaran ah haddaa aragtaan nin culimo ka didaya waa laba midkood.
    1-nin gaaladu soo diratay,oo mabda’a u soo dhibatay,sida dimqradiyad,qabaliyad,raasamaliyad,calmaniyad,jirro.IWM
    2-nin bidcoole ah,baadiyaysan ,dadkana inuu baadiyeeyo raba.
    labadaas nin ayaa culimo afka ku taagaa.waa caddaan.

    gurey | Nov 25, 2008 | Reply

  23. Horta mid waa inaan ogaano taasoo ah qofkii wata waxaan umada guud wadan hooskiisuu ka cararayaa oo qayladii yertaba iney asaga kashifeyso ayuu u maleynayaa. Qofkiise wata wax umada ka dhaxeeya ma baaseysto culimo ka shaqeyneysa danta umada, umadana culimo u ah, lana wadaaga dhib iyo dheef.

    Waa yaabe hadii culimadii la yaqaaney loogu aamin qabi waayo diinta, wax garadkii iyo sama jeclihiina la baaseysto, shacabkii oo dhana mawdicu tuhmo la dhigo, maxaa la rabaa oo la doonayaa in la xaqiijiyo? Yaa loo gargaarayaa oo dhibka laga dul qaadayaa? Ma geedaha iyo daaraha? Iyagana dhibkooda wayba qabaane yaa loo daneynayaa? Su,aashaas ayaa jawaab u baahan.

    wadaad yare | Nov 25, 2008 | Reply

  24. S W W

    Ikhiwaani marka hore Allaah ayaa mahad leh kadibna Rasuulaka S C W,, ayaa amaan leh…

    waan ku farax sanahay in moowduucaan la mushaarakeeyo marki hore si faah faahsan ugama hadlin laakiin hada waan ku ka hadlaayaa intii uu Alaah i waafajiyo,.,,,

    ikhwaanii,, horta cid moogan ma leh boska ay culumadu ku leedahay uma iyo qiimaha ay ALLE agtiisa ku leeyihiin ayga ayaana u ah umada indo iyo garaad,,,.,,.

    laakiin aydoo ay sidas tahay waa hadii ay ku toosnaadaan balantii ay ale la galeen ah in ay ku camal falaan cilmigooda oo ay cadeeyaan xaqa, si kastaba ha u qaraaraadee,, hadii kale oo ay waxaa xadiis saxiix ah ku soo arooray in qofka ugu horeeyo ee jahanama waji waji loogu tuuro uu noqonayo caalim kagana hor marayo yahuuda iyo mushrikiinta dhagxda caabudo,,.

    waaqica maanta taagan fiiriya yaa ikhwa,, culumad maanta soomaaliya ma kuwa aan hada ka hadleeyo oo kaliyaa mise waaa ay badan yihiin,

    waxaan ognahay in culumadu maanta ay ayagaba is lacanadayaan, nin walbana uu qabiilkiisa daba socdo, maslaxad xarako iyo mid shakhsi iyomid qabiil ayaan uga baranay khaas ahaan culumada ICTISAAMKA, waxaanan ognahay in ay aygaba isla socon,, kuwa reer bariga waa culumada ina yeey,, kuwa soomaliland waxay ku mashquul sanyihiin aqoonsiga somaliland, kuwa koonfurtana malin waa kaabe qabiil, maalin waa mujaahid maalin waa siyaasi.,

    marka aaway culumada wax laga sheegay ma SHARIIF CNUR ama CUMAR FAARUQ ama UMAL, kuwa la midka ah ee aan xarako iyo qabiil iyo siyaasad looga baran ayaan wax laga sheegay,, waxa laga sheegayse waa maxay,

    walaalayaal hala tooso maanta xaqa waa cad yahay in lasoo jafjafto ma aha marka beerta ay soo go eyso ee waa in la beerta marka hore,.,m

    KALA QEYBSNAANTA IYO QASDI XUMADA ICTISAAMKA

    JABUUUTI—

    AXMED BILE, JANAQOOW,, IYO KUWO KALE

    CASMARA–

    XASAN DAAHIR, IBRAAHIM DHEERE C/FATAAX ..,.

    DOOWLADA–

    C QAADIR GACAMEEY, SH, DAAHIR MAXAMED IDIRIS

    DOOWLAD SOMALILAND–

    CLI WARSAME IYO BAASHE

    KOONFURTA, JABISO AMA GOLAHA HAWIYE,

    BASHIIR , MAXAMUD CIISE, AXMED IMAM (JADIIDIYO SAABIQAN)

    GADO– SH MAXAMUUD, MAXAMED BISHAAR,..

    MAGACAYADAAS OODHANA WAXAA KA WEYN XAQA ALLAH EE ASAGA HALA RAACO YAAN DAD NOOL LAGU KADSOOMIN OO WALIBA CALAAMDO AY KA MUUQDAAN

    hadii ay ayag yihiin waxii saxwada soo saaray aygaa hadana bur burinaya marka sideey donan lagama yeelay, markay xaqa wataana waa la raacaa markay burburinayaana waa laga qabanaa ee waa in hada laga qabtaaa .,.,,.

    wabilaahi toowfiiq

    YAABANE | Nov 25, 2008 | Reply

  25. bhjøjiob

    Shiiqa | Nov 25, 2008 | Reply

  26. Yaabane,

    Hal su’aal dadku waa labo: culimmo iyo caammo?

    Waxaan filayaa inaadan culimmada ku jirin. Haddaadan ku jirin waxaad tahay caammo.

    Haddaad culimmo tahayna haddaba noo sheeg? Maxaad tahay??????????

    Jahligu wuxuu kugu xambaaray inaad dhaanto adigoon kala soocin intii cilmiga xambaarsanayd ee geyiga Soomaaliyeed joogtay Galbeed iyo Bari, Waqooyi iyo Koofur.

    Kuwaas haddayan khayr lahayn, ma waxaa khayr leh qof jaahil oo aan xaq iyo baadil kala aqoon oo sidaadoo kale ra’yigiisa iyo hadba siday la noqoto isagu isku fatwooda, intii shareecada xambaarsanaydna yiraahda waa in la iska qabtaa oo waa qaldan yihiin.

    Samaaxatul-Sheekh Dr. Axmed Xaaji Maxamed Cismaan Al-Imaam - xafidahuLLAAHU, Rabbigay ha dhowro - waa caalim rabbaani ah, faqiih ah, muxaddith ah, mufassir ah, zaahid ah, mutaffannin ku ah dhammaan culuumta iyo funuunta diinta Islaamka, cimrigiisa oo dhanna ku dhammaystay cilmi iyo cibaado, 30 sano ku dhowaad-na deris la ahaa Xaramka Ilaahay, shahaadada ugu sarraysa ee PhD - doctorate - ku qaatay shareecada Islaamka.

    Sheekhaas qiimaha badan leh, ee ummadda Soomaaliyeed qiimaha badan ugu fadhiya, inaad shakhsiyaddiisa iyo cilmigiisa adigoon waxba hubsan mar kaliya ku xadgudubto waa xaq-darro iyo dulmi iyo waliba dambi Ilaahay kuu qabanayo ee waa inaad Ilaahay ka cabsato, oo aad hilibka culimmada ninyahow iska dayso maxaa yeelay hilibka culimmadu waa sumaysan yahay oo adiga uun baa ku halaagsamaya.

    Ninkii culimmo Islaam wax ka sheegana waa dulmilow aad u dulmi badan.

    Sheekh Umal, Sheekh Faaruuq, Sheekh Shariif Cabdi-Nuur iyo kuwo kale ee aad hilibkooda xalaalaysatay waa isku mid, berrina saddexda Sheekh ee aad culimmada ka soo reebtay ayaad oran doontaa khayr ma laha.

    Saaxiib Ilaahay ka cabso, mashaa’ikhda shareecada xambaarsanna, shareecada ay xambaarsan yihiin kuuma oggola inaad ku xadgudubto sharafkooda iyo shakhsigooda midna. Xaqa Allah ha ina wada tuso, AAMMIIN.

    Guuleed.

    Guuleed | Nov 25, 2008 | Reply

  27. wilasha cu;umada qadfahayoow rabigiinna ka baqa hadaan haada lagu arkin ilaahay wuu ku arkahayaa walaalle hadaad fitno gashay ama dhiig muslim ay ku galiyeen kuwa fitnaysan caleyka bitowba hadeer towbad keen is dhiib oo mathluumki aad dishay ka dalbo cafis ama is dhiib tan kale culomooy adinkuna hal mowqif ah lahaada wallaahi waad wareeriseen dhallinyarada waxaaan tagay bari 1991 waxaa na hogaaminaysay culumo waaweyn markii dagaaalkii joogsaday ayaa muxaadarooyin dhalliilo ah la qabtay oo shaKI NAGA GALIYAY WAX ALLE WAXAAN KU JIRNAY waxaan tagnay gedo waad garanaysaan culumada hogaaminaysay iyo tiradooda markuu dagaalku dhamaaday ayaaa waxaa nalooga guuray ururki oo dhan oo waxaa la yiri akhdhaa fara badan baa lagalay
    waxaan soo jeedin lahaa laba midkood umbaa culumada laga rabaa
    1- inay jihaadka soo galaan oo ay sufuufta dhexdeeda dhallinyarada ku waaniyaan markaas waxaan hubaa waana la adheeci akhdhaa,duna way yaraan
    2- inay bannaanka istaagaan oo ay dhahaan dhallinyarooy waxaan jihaaad maahan markaasna dadka caammada uhu kuma dhammaanayaan dabka maalin walbo inta la galiyo looga baxayo

    akhiiran innaga talo inaan siinno fatwadoodana raacno maahee inaan wax ka sheegno waa xad gudub iyo allaah oon ka fogaanno ilaahay aan ka cabsanno dhammaanteen

    nuurow | Nov 25, 2008 | Reply

  28. Waxaan la yaabaa dadka culimada ku dhaliilaya furinta kama qayb gelin, anigoo huba in inta badan oo meeshaan wax ku qorta aysan reero furin aheyn.

    (Laa tanha can khuluqin wata,tiya mithlahu

    Caarun caleyka in facalta cathiimu)

    Akhlaaq dadka aad ku dhaliileyso lalama yimaado walaal. Tan kale furinta gelideeda kuma idlaan camalka kheyrku oo intaasoo weji ayuu leeyahay. Xataa camalka jihaadigaa ayaa u baahan kaabayaal hadaan la helin uusan jihaadba socon karin.

    Waxaa ka mid ah:

    Cilmiga, dhaqaalaha, dhakhaatiirta, kicinta iyo abaabulka iyo wax badan oo kale.

    Umaduhu weligood ayey dagaal ku jireen ilaa aadan iyo xaawo, mana dhicin umad hal furin iskugu tagtey. Hadeyse daacad kaa tahay bal naftaada ka bilow. Hadaad adigoo sidaas u hadlaya ay kuu cadaato inaadan hal maalina furinta tegina naftaada dib ugu laabo oo isla xisaabtan.

    Sha,niga caamkaa ee umada ka hadlideeda yaa u shardiyey xageyse ku taallaa in qofku dagaalka ka qayb galo?

    Shuqulkii jabhadaha iyo anigaa arintaan kaadideyda usoo cabey ayaa ii muuqata oo shaati diineed la huwinayo.

    Sha,niga caamkaa umadoo dhan ayuu ka dhaxeeyaa, umadana ahlul xalli wal caqdiga culimadu u horeeyaan ayaa matasha ee sharciga haloo soo laabto.

    wadaad yare | Nov 25, 2008 | Reply

  29. walaallayaal waa in salaamay salaamu calaykum waraxmatulaah wabarakaatuh intaa ka dib waxaa inii dardaarmin cabsida alle meel kast oo aad joogtaan intaa ka dib waxaa layaab ah in culumada alle laxalaalaysto hilibkooda waaad ogtahay xaqa ilaah uu siiyay iyo martabada ilaahay iyo rasuullkiisu gaarsiiyay ahlu cilmiga intaa ka dib qof aadan xaq kulahayn inaad shaqsigiisa ku xadgudubtana waa og tahay waxa ka ratibnaayah hadaad samayso intaa ka dib ha laga istaago hana laga waan toobo ahlu cilmiga dhiigooda, xantooda, caydooda ,iyo khilaafkooda will qori qaatay oo orday wax uu miro ka dhalin karo ma jirto haduusan ku tiirsanayn ahlu cilmiga wa ahlul cuqaal waxaan raacin sharaf kuma helayso hadaad qof caydo ee walaiba sharaftaada ayaa hoos u dhigmaysay. waxaa layaabanahay hadii dadka laga fogeeyo ahlu cilmiga ma majuusin baa laga dhigaayaa ilaa nabiyul laahi aadan ilaa hada dadka waxaa hogaaminaayay ahlu cilmi ee ka soo hel quraanka iyo sunada meel will yar ama jaahil umada hogaanka ugu qabtay oo aan ku tiirsanayn ahlu cilmiga.

    somali | Nov 25, 2008 | Reply

  30. ASALAAMU CALAYKUM

    KU; WALAALKAY IBRAAHIM

    KA: MUXSIN

    UJEEDDO: SIXID

    Walaal Ibraahim waad ku mahadsantahay qoraalkaaga aad culimada ku difaacaysid adiga iyo inta kale kula manhajka ah (culimo raaca), Waxaanse kuu sixi lahaa anigoo ah MUXSIN tacliiqa aad nagu wada naqdinaysid aniga iyo abu xamse waxaa ka muuqata inaad igu khaldantay sababtoo ah anigu waxaan leeyahy qoraalka magacayga ka sareeya ee ma lihi midka ka hooseeya, manhajkayguna waa in culimada sunnada la difaaco lagana dambeeyo, sidaasna waxaad ka akhrisataa qoraalkayga sare.

    Mahadsanid

    muxsin | Nov 25, 2008 | Reply

  31. Warfaa:- Sixitaan
    sxb adoo mahadsan culimadu kama hadlin wax ciidama (East African Peacekeeping Troops) ee waxay ka hadleen dadka mujaahidiintu dileen ee haku macneynin iney arin kale ka hadleen ee adigaan mowduuca fahmine waxa nairobi ka socda iyo wax u dhow kameysan hadli ee haadda hubso intaadan fikrado dadeed aadan durin. mahadsanid fikradaada muhiimka ah ee aad dhiibatay

    Ow Maye | Nov 25, 2008 | Reply

  32. Salaamullaahi calaykum warraxmatuhu wabarakaatuhu

    Salaan ka dib ninka culimada kala guray, oo qaarba meel ku asteeyey kalana soo haray saddexda shiikh kaliya waa nin inaku dhex jira oo aan ugu yaraan meesha wax loo wado aan wax u wadin, waana nin aan waligii jihaadin, sida iiga muuqatana fidnoobay oo shaydaan culimada hilibkooda masmuumka ah uu uga dhigay malab HADDAAHU-LLAAH.

    Al shabaab iyo ragga aad soo reebtay raggii wax soo baray, towxiidka dalka keenay, wahaabiyo ka soo farcantay, ummadda hadda nool ee saxwada sabqiga ku lihina wada yaqaannaan ayaa waxaa ugu horreeya: Sh C/qadir Nur Farax, Sh cali warsame, Shiikh Daahir, Sh. Xasan Dahir, Sh Mox’ed Idiris iyo kuwa kale oo aad liidaysid. Waxaan kuu sheegayaa waxaa nimankaasi u badan yihiin kuwo ku caan baxay cibaado iyo alle ka cabsi fara badan, ninkii wali ilaahay wax ka sheega oo durana intaan aakhiro la tagin ayey adduunka ku fidnoobaan ama ku halaagsamaan. Kuwa aad amaanaysidna sida walaalaha kale kuu sheegeen waxba uma haysid ee fadwadooda iyo hawadaada ayaa is qaabilay, hadday hadda fadwadoodu ka soo hor jeesato hawadaada yomun maa waxaa hubaal ah inaad sidaasoo kale u dacnin lahayd. Hadde nabigana waad caayi lahayd, maaddaama lagaa celin la’ yahay dhaxalkiisii oo ah culimada.

    HADDAAKA-LLAAH

    xandal | Nov 25, 2008 | Reply

  33. asalmu calykum
    culimada ilaahay khayr hasiiyo
    mujaahidiintana dar ale udagaalamaysana ilaahay ha xoojiyo
    khayrul kalami maqalla wadala
    asalmu calykum

    cabulaahi | Nov 26, 2008 | Reply

  34. Ascww
    Waxaan halkan Salaanta Walaal tinimo ugu dirayaa Raga Dufaacaya Culimada Somaaliyeed marka labaad waxaan usheegayaa YAABANE IYO KOOX DIISA culimada xarka ahaan udifaacimayno Waxaan Udifaacayna Qiimaha Diinta ay kuleeyihiin wali waxaa taagantihiin xarakaadkii culimada ergada ah ee 19-ah iyo Ragad sheegtay Sh.shariif abdinuut iyo umal Iyo faaruuq Raga badn ee geedka ku xidhay ee Ay kamid yihiin sh.abdiqaadi gacamay Dr.ahmed Abdiwaaxid sh.ali warsame Hassan Daahir Dr.omer imaan iyo Raga lamidka ah ee aanan halkan kusookoobay Waa Bir magaydo Yaabane Waxaan leeyahay ilaahay kacabso Culimadaad Maagayso Waa kuwii adiga oon tukan Salaada ku baray ama adiga oo iska qayila Kaa waaniya ama adiga oo hadaan ku sii dhacay kaa soo qabtay hadaanad dafiraynin waxay iltahay Waa ragii waxkubaray yaabane iyo ragiisa waxaan usoo jeedinayaa Kutaamila qaata intaas oo qof oo walaalihiina ee difaacay Culimada

    shaafici ahmed jama | Nov 26, 2008 | Reply

  35. Operator
    Axmed imaam jadiidiyo ayaan ku ogeyne goormuu soo rujuucay?! ma ka tawbad keenay irjaagii uu ku jiray muddada dheer? mise duruufaha ayaa soo xereeyey? mise sida saaxiibkiis Axmed Daahir aweys buu ku socdaa qaaciddada ah “fiqi tolkii kama janna tago”.
    waxa ina rogay ee had iyo jeer aynu la jabaynaa waa kala hufnaan la’aanta iyo isbarbar yaaca ee haddii ay dhab inaga tahay inaan hadafkeenna gaarno ragga ina garab jooga aynu iska eegno.

    Operator

    operator office | Nov 26, 2008 | Reply

  36. As. w w

    marka hore somalimirror wayku mahadsan tahay si aay nadwada kusoo gudbiso. iyo nadwadii koowaad. arrinta culumada u istaageen waa arin muhiim ah siiba nadwadan danbe ee kadigista fitnada. waxay ila tahay in fitnada aay hadda jira oo kadigis kaliya u baahneey oo loo baahan yahay in xal loo raadiyo sidii umadda ugu bixi lahayd fitnada. tan kale su’aasha ah haddii amiirka ku amro in qof laga shakisan yahay ama soodil lagu dhaho amarkiisa mala qaadanayaa? waa su’aal aad u muhiim ah laakiin jawaabta qaybteeda danbe wuxuu sheeqa sheegayaa in qof muslim ah ayidoon cadaymo cad lahayn la dili karin. marka waxaa mudan in qofku cadaymo samaysan karo laakiin loo baahan yahay in lahelo maxkamad u gaar ah muqaawamada oo qaadiyo leh oo qof aan si degdeg ah loo xukumin ilaa nidaam qadaa lahelo. waa in arrintaas mulaaxada ah lagu baraarugo.

    yaasiin xuseen | Nov 27, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo