Maxaan Midnimada Ka Weyney?
By Somalimirror on 22 Nov, 2008 7:44 AM in Maqaallo
Aalaaba waxaa la Arkaa in ibnu aadanku diido waxa aanay dani ugu jirin ama uu dareemay inay dhibaato ka soo gaadhayso amaba ay ku tahay magac xumo iyo maamuus darro, waxaaase la yaab leh marar badan inaad aragto qof ama ummad ka biyo diidaysa dantoodii iyo maslaxadoodi una baratamaysa waddadii ay ku lumi lahaayeen kuna halaagsami lahaayeen .
Waxaa dhacda in dhakhtar daawo u qoro qof bukaan ah, daawadaas oo laga yaabo inay sabab u tahay inuu ka kaco xanuunka daashaday ee nolashiisii khatarta galiyay, waxaase dhacda in qofkii bukaanka ahaa daawadii daadiyo oo aanu cunin, dhakhtarkana u sheego inuu dhamaystay kuuradiisii(daawadiisii) .
Akhristow Su’aasha aad is weydiin kartaa waxay tahay sidee dhakhtarku u caawin karaa bukaankan naf la caariga ah ee daawadiisii qashinka ku daraya?
Waxaad kaloo is waydiin kartaa sidee u caafimaadi karaa mariidkan aan daawada qaadanayn?
Muxuu daawada ka waayay ama u diiday?
Muxuuse ku doorbiday in xanuunkani sii hayo?
Xaaladan oo kale waxaa la mida ama kaba daranba markaad aragto sida ay ummadii soomaaliyeed u kala fogaatay ugana biyo diidayso inay midowdo oo ay isu geyso maankeeda & muruqeeda, iyo siday ugu baasaysatay wada jir iyo iskaashi ay kaga dabaalato burburkan lixaadka leh ee maansheeyay dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay.
Hadii aad dhagadhagayso ama indha-indhayso warbaahinta soomaaliyeed waxaad maqlaysaa hadalo badan oo dhiilo xanbaarsan kana turjumaya heerka mukhaalafo iyo midnimo darro ee ummadu heehaabayso .
Dhawaaqyada isdaba jooga ee aan loo meel dayin ayaa ah kuwo caado u noqday inay ka dhex yeedhaan kulamadeena iyo shirarkeenaba.
Hadaladaas ayaa ah kuwo dhantaalay midnimadii ummada , horseedayna waddo ma dhamaato ah oo shacabka lagu marin habaabiyay.
Gabyaa soomaaliyeed baa yidhi
Waddankey ku noolayd abido waaqeed ay joogtay
Ummad waaraad loo qaybsadoon kaba walaacaynin
Ummad aan ka waababa aqoon dabinka weegaaran
Ummad wadajirkii diiddanoo kala waswaasaysa
Ummad waddici gobonimadiyoo wacan gumaystiina
Ummad uu wadkeedii galoo waalo tumanaysa !
Talow maxaa midnimada ka waynay?
Midnimadu waa xoogga ay ummaduhu ku difaacaan sharaftooda iyo karaamadooda , kagana hortagaan khataraha waaweyn ee salka ka rujin kara jiritaankooda , sidoo kale waa arinka u sahla inay muquuniyaan cadowgooda,horumarna ka sameeyaan hardanka siyaasadeed ee aan la hurayn.
Midnimadu waa deyrka ay umaduhu iska wareejiyaan si ay isaga xaydaamaan balaayooyinka uu cadawgu la gaafwareegayo, waana dhufayska ay ka galaan dhagaraha loo maleegayo ee lala maagan yahay.
Hadiisa ay dhacdo in ummadaasi ku fashilanto hanaankii midnimo ee looga baahnaa waa calaamad muujinaysa in ummadaasi ayna hanan Karin jiritaan ay ku naalooto, kartina u yeelan Karin inay caga badan ku sii taagnaato .
Midnimadu waa furaha harumarka ,Horu markuna waa bartilmaameedka ay ummaduhu ku taamayaan inay haleelaan, xoog iyo xoolana isugu geeyaan sidii ay ku gaadhi lahaayeen .
Hadaba haday rabto ummadi inay ku Talaabsato isbadel muuqda oo ay ka samayso dhamaan dhinacyada ay rabto inay horumar ka gaadho, una aydo mustaqbalka dhow & ka fogba, kana baxdo khaanada loo yaqaan dunida saddexaad oo macnaheedu yahay (kuwa dib u dhacay kuna fashilmay inay horu kac sameeyaan ) waxaa la gudboon ummmadaas sidii ay u midayn lahayd shacabkeeda & tamarteedaba .
Arimaha lama dhaafanka ah ee aanay la,aantood marnaba suuro gal ahayn inay ummadi samayso horumar ay ka midho dhaliso kuna xasisho waa midnimo & iskaashi dhex mara dhamaan xubnaha ay ka kooban tahay.
waxaan odhan karnaa midnimadu waa bar bilowga horu marka .
Midnimadu waa sababka ay ummaduhu ku xaqiijiyaan himilooyinkooda una maraan inay gaadhaan hankooda.
Marka laga tago binu aadamka xitaa xayawaanka ayaa gartay inaanay suura galin karin ujeedooyinkooda illaa ay cagta la helaan wadada midnimada.
Hadaan tusaale u soo qaadano shinida oo aan aragnay xajmigeedu inta uu dhan yahay, hadana waxaan is weydiin karnaa muxuu yahay arrinka u sahlay inay samayso maadadan qiimaha badan (malabka) ee aan la soo koobi karin faaiidooyinka ay u leedahay binu aadamka?
Waxaan ku micnayn karnaa inuu yahay iskaashiga layaabka leh ee ay ka dhex abuurtay xubnaha ay ka kooban tahay, waana tafsiirka aan siin karno guushan amaanta mudan ee aan marnaba la moogaan Karin.
Bal Aboorka eeg siday ugu suura gashay inuu dhidbo dudumada lixaadka leh ee uu ka qotamiyay arlada guudkeeda?
Miyaanay ahayn midnimo, miyayna ahayn is af garad & hawl loo dhan yahay oo mid walba oo iyaga ka mid ahi gartay qabtayna wixii isaga kaga aadanaa.
Aboorkuba alleykuu dhisaa aqallo waaweyne
Markaan aragnay daartuu ebyay baa la ashqaraaraaaye
Waa su’aale Maxaa innagu midnimada ka weynay?
Wadamada horumaray waxay qorshayaashooda koowaad ku darsadeen sidii ay u heli lahaayeen xulufo & gaashaanbuur ay iska kaashadaan arimaha dhaqaalaha,milatariga ,siyaasada iwm.
taasi waa ta keentay in maanta yurub isu habarwacato,dajisana istiraatiijiyo cusub oo ay ku wajahdo caalamkan, kuna talaabsato inay midayso lacagteeda, qorshaysana inay noqotohal wadan oo hal meel looga arimiyo.
Maraykanka oo ah wadamada maanta caalamka ugu tugtugta roon ayaa wada qorshe la magac baxay (Union of North America) oo uu doonayo inuu kula midoobo wadamada Canada & Mexcico kaas oo uu uga dan leeyahay inuu helo cudud kale oo isaga ka baxsan .
Waa suaale muxuu maraykan oo ku dhaw 300 oo milyan xulufo u raadinayaa soomaali oo 10 milyan ahina midnimo u saluugtay?
amaan ma lihid shacabkoow hadaan aad u fiirsadaye
anfariirka Shiinaha dhigay ee Yurub ka uugaantay ee Alif malyuun gaadhayaa waa ushaa qudhahe!
idinkoon Ardaa buuxin baad kala irdhoowdeene!
Akhristaw dad badan oo iyagu nasiib u helay inay ku hoos noolaadaan dawlad iyo nidaam ayaa hadana si ay u ilaashadaan xuquuqdooda aasaasiga ah waxay samaysteen iskaashatooyin ay ku dhawrtaan sadkooda iyo cadkooda, kuna soo dhacsadaan wixii xuquuq ah ee ay tabayaan inay ka maqan tahay, sida dhakhaatiirta,macalimiinta ,shaqaalaha guud ahaan, waxaana odhan karnaa waa dareenka ay dareemeen inaanay nolasha ku wajihi Karin kali kali iyo nin toocsi.
Gabaybaa baa ahaa
Alleylehe waxaan eegayaa inaad israacdaane
Iblayskiyo wixii uurxumiyo arami keenaaya
Aduunyada Intaad joogta waa laga adkaadaaye
Dadkii kale ulbay wada noqdeen adiga mooyaane
Akhristaw waxaas oo dhan waxaa ka horeeya kana mudan inaan xusno in ilaahay kor ahaaye ina faray midnimo iyo wada jir Nabigeeguna meelo badan oo sunnada ka mida ku cadeeyay sida muslimiinta ay waajib ugu tahay inay midoobaan .
Waxaan marnaba la soo koobi karin sida qotada dheer ee shareecadeennu ugu hadashay qiimaha midnimada iyo sida ay inoogu boorisay inaan la nimaadno.
Gabyaa soomaaliyeed baa laga hayaa inuu yidhi
Isku tiirsi baydiin egiyo ururin xoolaade
Ictisimada Islaamkaa la yadhi gebi ahaantoode
Aaydaha diinta iyo sharcigu waynagu amreene
Axaaddiista Nebigey ku timi saadu aragtaane
Ikhtilaafku waa naar jannana waa isu imaade.
Waa suaale innagu xagaan midnimada kala qaadnay, maxaanse ka weynay?
Akhristow waxaa mudan inaan xusno in midnimada aan ka hadlayna loo baahan yahay in lagu qotansho laguna taago tiirar adag oo aan nuuxsanayn, sal iyo aasaasna looga dhigo ilaahay kitaabkiisa & sunnada nabi maxamed calayhi salaatu wasalaam,waana arinka aanay midnimo suura gal ahayn hadaan gacanta lagu qabsan .
Gabyaa baa yidhi
Waxse lagu uruurshaa ra’yiga, ama is raac keena
In la helo awood gobonimo iyo, xeer Islaamiyahe
Hadii kalana eed kama baxdiyo, aano iyo qoyse
Markaasay utuni beerantaa, laysku aynaba e
Aafadu kolkay durugto ee, layska wada aarto
Agoon dhalata mooyee markaan, axadna guulaysan
Adaa iile iyo eersasho, bay ku intihootaaye.
Waxaan ku soo koobayaa midnimada waxaa ku jirta liibaanteena aduun & tan aakhiraba , waxaynuna u baahan nahay in aan meel iska dhigno khilaafaadkan aan dhamaadka lahayn ee ina dhaxalsiiyay duruufahan taxana ah ee isu keen waydaaranaya.
Sidoo kale waa inaan u guntano sidii aan u midoobi lahayn isuna kaashan lahayn, muruq & maskaxna aan isugu geyn lahayn.
Waxaan ku soo xidhay akhristow ogow inaan midnimada marnaba lagu khasaarin lagana maarmin.
WQ: C/khaaliq Jaamac Ismaaciil
Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Daabaco
U dir saaxiib




asc.
maasha allah waa dhambaal tafatiran runtana iyo faa’iidada midnimada ka turjumaya somalidana darensinaya waydinayan waxay ku diidan yihiin midnimada inkastonan u malayn inay ka jawaabi karaan su aashaas haddana ugu yaraan bal hallaga fekero wajzaklahu khayrn.
maslaxxx | Nov 26, 2008 | Reply
waa maqaal qiimo badan mana moodahayn inuu jiro qof soomaali ah oo sidaan u fakarayaa waxaan ku leeyahy halakaa ka wad amsaashaada eebe ha badsho thank so much qaar kalaan sugaynaa
xuseen | Nov 28, 2008 | Reply
Jazaaka llaahu yaa cabdikhaaliq ilaahay miisaanka xazanaadka ha kuu saaro waa maqaal aad u qurux badan waqtigiisiina weeyaan.
ismacil said | Dec 25, 2008 | Reply