Geeska Afrika: Maareynta Loolanka Istraatiijiga ah(Qeybta 2aad).
By Somalimirror on 22 Nov, 2008 12:07 PM in Maqaallo
Sanadihii sideedamaadkii ee qarnigii tagay loolanka geeska Afrika ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu galay marxalad xasaasi ah iyadoo labadii talis ee Muqdisho iyo Addis Ababa labadaba ay tag yaraadeen, hase yeeshee Itoobiya waxay heshay xilligaas fursaddii ay waligeed raadinaysay oo ahayd inay hesho Jabhaddo Soomaaliyeed oo mucaarad ku ah dawladda Soomaaliya, taasina waxay u hirgashay markii ay ku guulaysatay inay hubayso jabhado Soomaaliyeed si ay u gaadho ujeedooyinkeedii istaraatiijiga ahaa ee ku wajahnaa burburinta qarankii Soomaaliya.
Waxaana Itoobiya u suuragashay inay xaqiijiso in badan danihii ay ka lahayd Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa jabhadihii Soomaaliyeed. Waxaana laga yaabaa inay dadka qaar ku doodaan in jabhadaha Soomaalidu ay ku danaysanayeen taageeradii ay ka helayeen Itoobiya si ay xukunka uga tuuraan taliskii xukunka ku dhaganaa, laakiin doodan waxaa qiima tiraya waxyaabihii dhacay markii jabhadahaasu ay ku guulaysteen inay ridaan xukunkii talada haystay, iyadoo aad moodo inay shaqadoodu ay ku ekeyd kaliya inay fuliyaan istaraatiijiyaddii Itoobiya ay ka lahayd Soomaaliya ee ahayd kala qaybinta dalka, oogidda dagaallo ehli ah, iyo ka talo qaadashada Addis Ababa. Sidaa darteed, ayay jabhduhu waxay Itoobiya u qabteen hawshii ay mudada dheer ku taamaysay ee ahayd inaan la helin qaran Soomaaliyeed oo midaysan oo awood leh. Waxayna markasta Itoobiya isku daydaa inay hesho jabhaddo ama shakhsiyaad Soomaaliyeed oo ay adeegsato xaqiijinta danaheeda iyadoo aad moodo dadka qaar inayba isa siiyeen xidhiidhka iyo kalgacalka Itoobiya, waxaase la ogyahay inay Xabashidu aysan dad ama shakhsiyaad gaar ah dan ka lahayn ee ay kaashanayso inta ay danteeda u fulinayaan, markii laga maarmana ay mid kale samaysanyso taasoo ah istaraatiijiyad ilaa hadda ay si fiican ugu shaqaysato.
Markii ay burburtay Dawladdii dhexe ee Soomaaliya bilowgii sannadkii 1991, iyo sanadihii xigay oo dagaalo ehli ahna ay waddanka gabi ahaantiisaba ay halakeeyeen, Itoobiya iyadu waxay ku mashquulsanayd marxaladdii kala guurka ee jabhadda Tigreegu xukunka kula wareegtay iyo waliba dagaalo adag oo ay kula jireen ilaa haddana ay kula jiraan Mujaahidiinta Soomaali Galbeed. laakiin markii uu qabsoomay shirkii Carta ee Jabuuti 2000 ee CabdulQasim lagu doortay, oo ay Soomaalidu dal iyo dibadba muujiyeen sida ay u rabaan Dawlad, Itoobiya waxay ku baraarugtay in Soomaalidu isu iman karto oo ay heshiin karaan sidaa awgeed waxay ku talagashay inay fashiliso dowladdaas waxayna abaabubashay kooxdii SRRC, islamarkaas waxay dardargalisay istaraatiijiyaddii hore ee ku aadanayd Soomaaliya inaanay marna soo noqonin Dawladdii Dhexe, islamarkaana aanay xasilooni ka dhicin Soomaaliya, waxayna ku dadaashay inay gacanta ku dhigto majaraha siyaasadeed ee kooxo badan oo Soomaali ah oo leh damac beeleed ama mid shaqsi ah. Waxaana ayaan darro ah inay Itoobiya oo ahayd cadowgii soojireenka ahaa ay gadhwadeen ka noqotay hawlaha shiraraka loogu magac daray dibuheshiisiin ee lagu sheegay in mushkiladda Soomaaliya lagu xalinayo, taasoo tusaysa in marxalladdan ay tahay middii ugu khatarsanayd marxaladihii uu soomaray loolanka istaraatiijiga ah ee geeska Afrika.
Inkastoo dawladdii Soomaaliya ay burburtay sidaasna uu miisaanku ugu liicay dhinaca Itoobiya, haddana xilliyadii hore marna Itoobiya uma suuragalin inay xaqiijiso ujeedooyin badan oo ay kala hayd Soomaaliya oo ah ama inay wada qabsato ama ay u samayso dowlad gacan ku rimis ah oo iyada u adeegta, inkastoo ay jirtay in sannadihii 1996 iyo 1997 inay ciidanka Itoobiya soo galeen goboladda Gado, Bay iyo Bakool, laakiin arrinku ma gaadhsiisnayn meesha uu gaadhay maanta oo ay Itoobiya u suuragashay inay Soomaaliya u samayso wax lagu sheego dowlad oo ay ugu talagashay inay ku gaadho danaheedii istaraatiijiga ahaa, waxaa intaas sii dheer inay mileteri ahaan ugu jirto Soomaaliya taasoo macnaheedu yahay in loolankii istraatiijiga ahaa uu marayo marxlad adag oo u baahan in aad loogu baraarugo. Waxaa la yaab leh, in shirkii Eldoret iyo Embagathi ee la sheegay in dowlad lagu dhisay ay gacanta ku haysay Itoobiya waxaana marag ma doonta ah in wixii kasoo baxay shirarkaas ay ahaayeen wixii Itoobiya raaliga ka ahayd islamarkaana ay waligeed ku taamaysay laakiin damacii Xabashida waxaa dhiciseeyay dareenka ummadda Soomaaliyeed ee xaqqa u taagan.
Waxaa la isweydiin karaa, qabsashada Xamar ee manta iyo qabsashadii Harar ee qarni ka hor maxay ku kala duwan yihiin, miyaysan istaraatiijiyaddu ahayn middii Harar lagu qabsaday, kirishtaanka Xabashidu miyaysan ahayn kuwii qabsaday Harar ee masaajidkeedii weynee kaniisada u badalay kaasoo ilaa maanta kaniisad ah, masaajidda Xamar ee gaalada Xabashidu irdaha u laabeen waxay daba socdaan kuwii Harar haddii aan laga hortagin.
Dhinaca kale, loolanka istaraatiijiga ah ee geeska Afrika wuxuu dib usoo sooray wajahadii diineed ee dagaalka kaasoo ka saamayn badan dagaaladii hore, sababtoo ah geeska Afrika waxaa degan aqlabiyo muslimiin ah, dagaalka hadda socdaana waxaa laga yaabaa inuu ku fido gooba badan gaar ahaan gudaha Itoobiya oo la ogsoon yahay inay ku dhibaataysan yihiin dad badan oo Muslimiin ah oo laga yaabo in loolanka wajigiisa cusub ay fursad weyn u tahay. Dhanka Itoobiya laf ahaanteedu waxay adeegsanaysaa dareenka diineed iyadoo reer galbeed ku beerlaxawsanaysa inay dagaal kula jirto Muslimiin, sidaasna ay ku siiyaan taageero dhan walba ah waana sida hadda ay ku shaqayso.
Marka laga eego dhinacyo badan, waxay u muuqataa in ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan iyo guud ahaan muslimiinta geeska Afrika ay soo wajahday xaalad qalafsan balse haddii la helo midnimo iyo wadajir iyo fahamka waaqica lagu jiro waxaan isleeyahay wax badan ayaa badbaadi kara.
W/Q . Axmed C. Aadam
Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo