Fadliga Saxaabada (Q.1aad)

 (رضي اللّه عنهم) فضائل الصحابة                     

HORDHAC: 

Umad walba waxa ay leedahay madax iyo imaamyo ay xurmayso, qadariso, kuna dayato. Ummadda islaamkuna waxa ay ku dayataa oo u ah imaam   Nabi Maxamadصلى الله عليه وسلم, oo ah khalqiga Alle uumay ka ugu fadliga badan.  Rumayntiisa, ku dayashadiisa, adeecistiisa iyo  jacylkiisuna waa asal ka mida asalada diinta iyo asaaska caqiidada. 

قال الله سبحانه وتعالى: فَلاَ وَرَبّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىٰ يُحَكّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِى أَنفُسِهِمْ حَرَجاً مّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلّمُواْ تَسْلِيماً [النساء:65].

{Rabigaa ayaan ku dhaartee iimaan yeelan maayaan illaa ay adiga ka yeeshaan  ka kala xukuma waxa dhex mara, ooyna wax dhiba u arag waxaad xukuntay( goysay), ooy waliba si dhamaystirana ugu hogaansamaan}. 

إِنَّا أَنزَلْنَا إِلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ بِٱلْحَقّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ ٱلنَّاسِ بِمَا أَرَاكَ ٱللَّهُ وَلاَ تَكُنْ لّلْخَائِنِينَ خَصِيماً [النساء:105].

{ Anagaa si xaq ah kuugu soo dejinay Kitaabka, si aad dadka dhexdooda ugu kala xukunto waxuu Alle ku tusay, khaa’iniintna ha u noqon mid u dooda}.

وقال عز وجل: وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلاَ مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى ٱللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْراً أَن يَكُونَ لَهُمُ ٱلْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ وَمَن يَعْصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَـٰلاً مُّبِيناً [الأحزاب:36].

{ Uma haboona ( uma banaana) nin mu’mina iyo haweenay mu’minada midna inay ikhtiyaar u yeeshaan arinkooda markay Alle iyo Rasuulkiisu wax xukumaan, qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisuna  waxa uu lumay lumid cad}.

قال تعالى: وَإِن تُطِيعُوهُ تَهْتَدُواْ وَمَا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلاَّ ٱلْبَلَـٰغُ ٱلْمُبِينُ [النور:54].

{ Haddaad addeecdaan (Nabiga) waydun hanuunaysaan, Rasuulkana ma saarna waxaan gaadhsiin cad ahayni}.

وقال سبحانه: مَّنْ يُطِعِ ٱلرَّسُولَ فَقَدْ أَطَاعَ ٱللَّهَ [النساء:80].

{ Ruuxii adeeca Rasuulku waxa uu adeecay Ilaahay}.

وقال جل ذكره: وَمَا ءاتَـٰكُمُ ٱلرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَـٰكُمْ عَنْهُ فَٱنتَهُواْ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ [الحشر:7]. 

{ Waxa uu Rasuulku idin siiyo (faro) qaata, waxa uu idinka reebana ka dhawrsada ( reebma), Allana ka cabsada, maxaa yeelay Ilaahay ciqaabtiisu way darantahay}.

وقال تبارك اسمه: فَلْيَحْذَرِ ٱلَّذِينَ يُخَـٰلِفُونَ عَنْ أَمْرِهِ أَن تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ [النور:63].

{Ha ka digtoonaadaan kuwa khilaafi amarka Nabigu in ay ku dhacdo fidmo ama uu ku dhaco cadaab darani}.

Nabiga صلى الله عليه وسلم ka dib waxa diinta madax ka ah asxaabadiisii , iyaga weeyi imaamyadeenu, iyaga weeyi culimadeeno, iyaga weeyi kuwa waxay isku waafaqeen yahay mid gaf iyo qalad ka ilaashan, iyaga weeyi kuwa caqiidadooda iyo manhajkoogu tusaale inoo yahay. Siday diinta u fahmeen ayaa inooga khayr badan sidaynu inagu u fahamno, hadaladooda ayaa inooga khayr badan kuweena, way inaga ra’yi toosnaayeen, way inaga diin wanaagsanaayeen, way inaga Alla ka cabsi badanyihiin, wayna inaga daacadsanyihiin. 

Ilaahay ayaa kala fadilay khalqigiisa, rusushiisa ayuu ka doortay shanta ulul cazmiga ah, shantaana waxa uu ka sii doortay Nabi Maxamad صلى الله عليه وسلم, oo ah ka ugu fadliga badan khalqiga Ilaahay uumay. Habeenka layla-tul Qadriga ayuu ka fadilay habeenada kale oo dhan, habeenkaasi waxa uu ka khayr badan yahay kun bilood. Tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha Dulxijah ayuu ka fadli yeelay maalmaha kale. Masjid  al-Xaramka ayaa laga fadilay arlada inteeda kale. Ummadda Nabi Maxamad صلى الله عليه وسلم ayaa iyana laga fadilay ummaddaha kale oo dhan, ummadana waxa ugu fadli badan saxaabadii Nabiga صلى الله عليه وسلم .

Saxaabadu رضي الله عنه waa qowmkii la saaxiibay Nabiga صلى الله عليه وسلم , waxa ay ahaayeen kuwii rumeeyay markay dadku beeneeyeen, waxa ay u gargaareen markii laga soo horjeedsaday, naf iyo xoolana waxa ay u hureen diinta, waxa ay sutida u qabteen cadowga doonayay in ay mijaxaabiyaan dacwada islaamka,   waxa ayna heegan u ahaayeen in ay u jeedsadaan xag walba oo nabigu u jeediyo , waxa ay diyaar u ahaayeen inay badwaynta jibaaxaan haddii Nabigu صلى الله عليه وسلم sidaa ku amro.

Waxay nasiib u yeesheen inay Nabigii صلى الله عليه وسلم arkeen , noloshana isaga la wadaageen, cilmigana ka barteen. Waxa ay ahaayeen qoom Ilaahay ku mannaystay khayr iyo barako badan. Bal adba qiyaas, oo sheeg khayrka ka wayn inuu Ilaahay u doortay in ay xer iyo asxaaba u noqdaan Nabigii صلى الله عليه وسلم, in ay ka qayb qaataan hirgalinta risaaladda Islaamka, iyo inay garab iyo gashaan u noqdaan Nabiga صلى الله عليه وسلم .

Yaa ku gaadhaya khayrkaa faraha badan ee ay cantoobsadeen?  Yaa helaya barakada ag jooga Nabi Alle صلى الله عليه وسلم? Yaase hawaysanaya inuu sheegto inuu ka khayr badanyahay saxaabadii رضي الله عنهم ?

Saacad kaliya oo qof ka mid ahi ag joogay Nabiga ayaa ka khayr badan afartan sanadood oo qof inaga mid ahi cibaadaystay, sida ibnu Cabbaas laga soo wariyay.

Allaahu akbar! Waa barakada ag-jooga Nabiga صلى الله عليه وسلم een lagu heli karayn zuhdi iyo cibaabdo badan, waxase ay tahay doorasho Rabi. Walaal, haddaad liibaan doonayso ha ka shakiyin fadliga saxaabada , una qir wanaag iyo daacadnimo, una ogolow inay yihiin imaamyadii diinta, una ictiraaf inay inooga dheereeyeen khayr oo dhan. Waa qoom Ilaahay doortaye, iska jir, kana digtoonow  inaad xistido, aflagaadayso ama dayacdo xaqooga. صلى الله عليه وسلم 

روىالإمام أحمد رحمه اللّه  عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال: (إنّ الله نظر في قلوب العباد فوجد قلبَ محمّد صلى الله عليه وسلم خيرَ قلوب العباد، فاصطفاه لنفسه فابتعثه برسالته، ثمّ نظر في قلوب العباد بعدَ قلب محمّد صلى الله عليه وسلم فوجد قلوبَ أصحابه خيرَ قلوب العباد، فجعلهم وزراءَ نبيّه). 

Imaam Axmed ayaa  soo wariyay inuu Cabdullaahi ibnu  Masuud yidhi:

((Ilaahay ayaa eegay qalbiyada adoomaha, wuxuuna helay in qalbigaMaxamed صلى الله عليه وسلم  ugu khayr badan yahay qalbiyada adoomaha, dabeetana naftiisa ayuu u doortay, risaaladiisana wuu ku soo diray, hadana wuxuu eegay qalbiyada adoomaha intoodada kale, wuxuuna helay in quluubta saxaabadiisu ugu khayr badanthay qalbiyada dadka, dabeeto wasiiro ayuu uga dhigay Rasuulkiisa)) 

قال عبدالله بن مسعود رضي الله عنه: (من كان مستناً فليستن بمن قد مات فإن الحي لا تؤمن عليه الفتنة، أولئك أصحاب محمد كانوا أفضل هذه الأمة: أبرها قلوباً، وأعمقها علماً، وأقلها تكلفاً. اختارهم الله لصحبة نبيه ولإقامة دينه، فاعرفوا لهم فضلهم واتبعوهم على أثرهم وسيرتهم فإنهم كانوا على الهدى  المستقيم).

Cabdullahi ibnu Mascuud ayaa yidhi: ((kiina ku dayasho doonayaa ha ku daydo  kuwa dhintay, waayo kuwa nool waxaan looga aamin qabin fitno, kuwaasi –dhintay- waa saxaabadii Maxamad, iyagaa ugu fadli badnaa ummaddan, iyagaa ugu quluub wanaagsanaa, ugu cilmi badnaa, uguna iskalifaad yaraa. Ilaahay ayaa u doortay inay saxaabo u noqdaan nabigiisa, iyo oogidda diintiisa, ee u ictiraafa fadligooga, kuna dayda raadkooga iyo hanaankooda, waxay ku sugnaayeen jid toosane)).

قال شيخ الإسلام ابن تيمية رحمه الله  : ( وقول عبدالله بن مسعود : كانوا أبر هذه الأمة  قلوباً وأعمقها علماً وأقلها تكلفاً ؛ كلام جامع بيّنَ فيه حسن قصدهم ونياتهم ببر القلوب وبين فيه كمال المعرفة ودقتها بعمق العلم ، وبين فيه تيسر ذلك عليهم وامتناعهم من القول بلا علم بقلة التكلف  ) .[منهاج السنة: 2/79].

Ibnu Taymiye ayaa yidhi: (( Hadalka ibnu Mascuud ee ah: iyagaa ummadda ugu qalbi wanaagsanaa, ugu cilmi badnaa uguna iskalifaad yaraa; waa hadal ballaadhan oo tilmaamaya in niyadooda iyo ujeedadooda toosane ka dhalatay quluubtoota oo wanaagsanayd, mug-waynida iyo hufnaanta aqoontooduna ay ka dhalatay cilmigooga oo qoto-dheeraa, iskalifaad la’aan awageedna ay taasi ugu fududaatay, isla markaan ay ka waabteen inay ku hadlaan wax aanay cilmi u lahayn)).  

Hadaba, in la xafido lana ilaaliyo sharafta iyo karaamada saxaabada, iyo in loo qiro qiimaha iyo qaayaha ay leeyihiini waa mid waafaqsan taxanaha caqiidada Ehlu Sunna wal-Jamaaca. Sidaa awgeed ayeey culimadii salfku ku nuux nuuxsadeen caddaynta arinkan muhiimka ah, waxana adag inaad hesho buug Ehlu Sunnuhu ka qoreen caqiidada oo ka madhan tibaaxidda fadliga iyo wanaaga saxaabada. In la jeclaado, la maamuuso, Allena looga baryo raali-noqod iyo danbi-dhaafidi waa astaanta iyo sifada ehlusunaha. In ceeb laga sheego ama la quudhsado iyo in la naco saxaabdu iyana waa astaanta iyo calaamadda bidcoraaca iyo kuwa halaagsamay. 
 

أورد البيهقي عن الإمام الشافعي أنه قال : (( أثنى الله تبارك وتعالى على أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم في القرآن والتوراة والإنجيل وسيق لهم على لسان رسول الله صلى الله عليه وسلم من الفضل ما ليس لأحد بعدهم فرحمهم الله  )) .

((Ilaahay Tabaaraka wa tacaalaa, wuxuu saxaabada Rasuulka ku ammaanay Qur’aanka, Tawraad iyo Injiilba, carabka Rasuulkana wuxuu ku muujiyey fadli aan u sugnaan cid kaloo iyaga ka dambeysay, ee Alle ha unaxariisto) 

قال الإمام أحمد رحمه اللّه: )(إذا رأيت أحدا يذكر أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم بسوء فاتهمه على إسلامه)(.  

Imaam Axmed ayaa yidhi: (( Haddaad aragto qof xumaam ka sheegaya saxaabada Rasuulka صلى الله عليه وسلم , tuhun islaamnimadiisa)). 
 

قال الإمام أبو زرعة  رحمه الله : إذا رأيت الرجل ينتقص أحداً من أصحاب رسول الله – صلى الله عليه وسلم –  فاعلم أنه  زنديق ، وذلك أن الرسول – صلى الله عليه وسلم –  عندنا حق والقرآن حق ، وإنما أدى إلينا هذا القرآن والسنن أصحاب رسول الله – صلى الله عليه وسلموإنما يريدون أن يجرحوا شهودنا ليبطلوا الكتاب والسنة والجرح بهم أولى وهم زنـادقـة ).([ رواه الخطيب في الكفاية  ص97 ]. 

Abuu Zurca ayaa yidhi: (( haddaad aragto qof xaqiraya ruux ka mida saxaabadii Rasuulka Alleصلى الله عليه وسلم, ogow inuu yahay zindiiq, sababtuna waxay tahay inuu Rasuulku صلى الله عليه وسلم xaq yahay, Qur’aankuna xaq yahay, Qur’aanka iyo sunahana waxaa ina soo gaadhsiiyay saxaabadii Rasuulka Alleصلى الله عليه وسلم, kuwanina waxa ay doonayaan inay dhaleeceeyaan markhaatiyaasheena si ay u buriyaan kitaabka iyo sunnaha, iyagaana mudan in la dhaleeceeyo, waana zanaadiqo)). 

Odhaahdan Abu Zurca waa mid cuskan cilmi iyo xikmad badan, oo loo baahan yahay in loo fiirsado, lagana baaraan dego. Sababtu waxay tahay; kuwa bidcoraaca ah ee banaystay inay hujuumaan saxaabadu, waxa ay u danleeyihiin inay wareemaan ragii iyo dumarkii Nabiga صلى الله عليه وسلم ka wariyay kana  xambaaray cilmiga Qur’aanka iyo sunnaha.

Saxaabada oo laga aamin baxaa waxa ay la mid tahay in lagu dhawaaqo duminta shreecada Islaamka. Daacadnimadooda oo shaki la galiyaana waxay albaabada u furaysaa shar iyo fasahaad aan xad lahayn. 

قال الإمام الطحاوي رحمه الله في عقيدته: (( ونحب أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم. ولا نفرط في حب أحد منهم ولا نتبرأ من أحد منهم ونبغض من يبغضهم ولا نذكرهم إلا بخير. وحبهم دين وإيمان وإحسان وبغضهم كفر ونفاق وطغيان)) . 

Daxaawi ayaa yidhi: { Waanu jecelnahay saxaabada Rasuulkii Alle صلى الله عليه وسلم , ku gabood-falimayno jacaylka mid iyaga ka mida, iskana bari yeeli maynu mid iyaga ka mida. Waanu necebnahay qofkii iyaga neceb, waxaan khayr ahayna ka sheegi mayno. Jacaylkoogu waa diin, iimaan iyo ixsaan. Nacaybkooguna waa gaalnimo, nifaaq iyo xadgudub.} 

وقال الإمام ابن القيم رحمه الله في ميميته الشهيرة: 

أولئك أصحاب النبي وحزبُه  ولولاهم ما كان في الأرض مسلم  
ولولاهم كادت تميد بأهلها     ولكن رواسيها وأوتادُها هم 
ولولاهم كانت ظلاما بأهلها    ولكن هم فيها بدور وأنجم 

Inu Qayim ayaa isaguna ku yidhi gabeygiisa miimlayda ee caanka ah: 

“Kuwaasi waa saxaabadii Nabiga iyo xisbigiisii, iyaga la’aantoodna dhulka Muslin ma jireen”

“Iyaga la’aantood way la gariiri lahayd dadka, iyagaase buuro iyo dhidibo u ah”

“Iyaga l’aantoodna mugdi ayay ku noqon lahayd dadka, iyagaase dayaxyo iyo xidigo u ah” 
 

Hadaba anigoo dareemaya baahida aakhristaha af soomaaliga ku hadlaa u qabo inuu aqoon u yeesho mawduucan muhiimka ah, waxna ka ogaado fadliga ay saxaabada Rasuulkii Alle صلى الله عليه وسلم lahaayeen, ayaa waxaan go’aansaday inaan qalinka u qaado qoraalkan aan Ilaahay ka baryayo inuu noqdo mid laga dheegan karo lagana baran karo fadliga iyo wanaaga ay saxaabidii lahahaayeen, waxaan isla markaa Ilaahay ka baryayaa inuu ajar iyo abaal iga siiyo maalinta qiyaamaha hawshan aan uga danleeyahay inaan ku difaaco saxaabada Rasuulkiisa صلى الله عليه وسلم .

Qoraalkan waxaa looga jeedaa inuu xaqiijiyo dhowr arimood oo kala ah:

1.      Shaac bixinta fadliga wayn eey saxaabadii lahaayeen.

2.      In  laga difaaco aflagaadada ay Shiicada iyo kuwa la jaanqaadaa u gaystaan saxaabada Nabiga صلى الله عليه وسلم  .

3.      In la muujiyo inay ahaayeen madaxdii iyo imaamyadii diinta.

4.      In la cadeeyo in jacaylkoogu yahay  waajib diiniya.

5.      In wax laga sheego caqiidada Ehlu Sunnuhu ka qabaan saxaabada Nabiga صلى الله عليه وسلم .

 

Hadaba qoraalkan oo ahaan doona-hadduu Ilaahay idmo- mid taxane ah, waxa uu ka koobnaan doonaa seddex qaybood oo kala ah: 

     1- Fadliga saxaabada ee ku xusan Kitaabka iyo Sunnaha.

     2- Waxay Culimadii Salafku ka yidhaahdeen saxaabada رضي الله عنهم.

     3- Xukunka qofkii saxaabada رضي الله عنهم gaaleysiiya caaya ama aflagaadeeya.

W/Qoray:- Sheekh Maxamed Sheekh C/raxmaan

 

Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo